Chronological
Eliiyaah Oo Tukeyaal Quudiyeen
17 Oo Eliiyaah oo ahaa reer Tishbii, oo ka mid ahaa kuwii Gilecaad degganaa ayaa Axaab ku yidhi, Waxaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ee aan hortiisa taaganahay noloshiisa ugu dhaartay inaan dharab iyo roob midna sannadahan la arki doonin, sidaan leeyahay mooyaane. 2 Markaasaa haddana waxaa isagii u yimid Eraygii Rabbiga oo leh, 3 Halkan ka tag, oo u leexo xagga bari, oo waxaad ku ag dhuumataa durdurka Keriid ee ku hor yaal Webi Urdun. 4 Oo waxaad ka cabbi doontaa durdurka, oo tukayaashana waan ku amray inay halkaas kugu quudiyaan. 5 Sidaas daraaddeed wuu tegey, oo wuxuu yeelay sidii erayga Rabbigu ku yidhi, waayo, wuu tegey oo ag joogi jiray durdurka Keriid ee ku hor yaal Webi Urdun. 6 Oo tukayaasha ayaa subaxdii u keeni jiray kibis iyo hilib, fiidkiina kibis iyo hilib, oo biyona durdurkuu ka cabbi jiray. 7 Oo in yar dabadeed ayaa durdurkii iska engegay, maxaa yeelay, dalku roob ma lahayn.
Naagtii Carmalka Ahayd Ee Joogtay Sarefta
8 Markaasaa waxaa isagii u yimid Eraygii Rabbiga oo leh, 9 Kac oo waxaad tagtaa Sarefta oo ay reer Siidoon leeyihiin, oo halkaas iska deg; oo bal eeg, naag carmal ah oo halkaas joogta waxaan ku amray inay ku quudiso. 10 Sidaas daraaddeed wuu kacay, oo wuxuu tegey Sarefta, oo markuu magaaladii iriddeedii yimid waxaa halkaas joogtay naag carmal ah oo xaabo guranaysa; oo intuu u yeedhay ayuu ku yidhi iyadii, Waan ku baryayaaye, wuxoogaa biyo ah weel iigu keen aan cabbee. 11 Oo markay u sii socotay inay u keento ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye waxaad gacanta iigu soo qaaddaa in yar oo kibis ah. 12 Iyana waxay tidhi, Waxaan Rabbiga Ilaahaaga ah noloshiisa ugu dhaartay inaanan kibis haysan innaba, laakiinse waxaan haystaa sacab muggiis oo jidhiidh ah oo weel ku jira, iyo in yar oo saliid ah oo kusad ku jirta, oo bal eeg, laba qori baan u guranayaa si aan intaan gurigayga galo ugu diyaariyo aniga iyo wiilkayga, dabadeedna aan cunno oo aan dhimannee. 13 Markaasaa Eliiyaah ku yidhi iyadii, Ha cabsane tag oo yeel sidaad tidhi, laakiinse marka hore ii soo samee in yar oo kibis ah oo ii keen, dabadeedna u samee adiga iyo wiilkaaga. 14 Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Weelka jidhiidha ahu idlaan maayo, kusadda saliidda ahuna idin gabi mayso ilaa maalinta Rabbigu dhulka roob ku soo daayo. 15 Markaasay tagtay oo waxay yeeshay sidii Eliiyaah ku yidhi, oo iyadii iyo isagii iyo reerkeediiba maalmo badan bay wax cunayeen. 16 Oo weelkii jidhiidha ahaa ma uu idlaan, kusaddii saliidda ahaydna ma ay gabin, oo waxay ahaatay siduu ahaa eraygii Rabbigu u soo dhiibay Eliiyaah. 17 Oo waxyaalahaas dabadood ayaa naagtii guriga lahayd wiilkeedii bukooday, oo xataa neef keliyahu kuma hadhin, maxaa yeelay, bukaankiisu aad buu u xumaa. 18 Markaasay Eliiyaah ku tidhi, War nin yahow Ilaah, maxaa inoo dhexeeya? War ma waxaad iigu timid inaad dembigayga i soo xusuusisid oo aad wiilkayga dishid? 19 Markaasuu ku yidhi, Naa bal wiilkaaga ii keen. Oo intuu isagii ka qaaday xabadkeedii ayuu kor ula baxay qowladdii uu isagu degganaa, oo wuxuu saaray sariirtiisii. 20 Markaasuu Rabbiga u qayshaday, oo ku yidhi, Rabbiyow, Ilaahayow, naagta carmalka ah oo aan la degganahay ma shar baad ku soo dejisay intaad wiilkeedii dishay? 21 Oo saddex jeer ayuu wiilka korkiisii isku kala bixiyey, oo intuu Rabbiga u qayshaday ayuu yidhi, Rabbiyow, Ilaahayow, waan ku baryayaaye, wiilkan naftiisii mar kale ha ku soo noqoto. 22 Markaasaa Rabbigu dhegaystay Eliiyaah codkiisii, oo yarka naftiisii mar kalay ku soo noqotay, wuuna soo noolaaday. 23 Dabadeedna Eliiyaah yarkii buu soo qaaday, oo intuu qowladdii ka soo dejiyey ayuu gurigii keenay, oo u dhiibay hooyadiis; wuxuuna Eliiyaah iyadii ku yidhi, Bal eeg, wiilkaagii waa nool yahaye. 24 Markaasaa naagtii waxay Eliiyaah ku tidhi, Haatan waan garanayaa inaad tahay nin Ilaah, iyo inuu run yahay erayga Ilaah oo afkaaga ku jira.
Eliiyaah Iyo Cobadyaah
18 Oo wakhti dheer dabadiis waxay noqotay in sannaddii saddexaad eraygii Rabbigu Eliiyaah u yimid oo uu ku yidhi, Tag oo Axaab istus, oo anna roob baan dhulka ku soo daynayaa. 2 Markaasaa Eliiyaah wuxuu u tegey inuu Axaab istuso. Oo abaartuna aad bay ugu xumayd Samaariya. 3 Markaasaa Axaab wuxuu u yeedhay Cobadyaah oo shuqulkii guriga u sarreeyey. (Haddaba Cobadyaah Rabbiga aad buu uga cabsan jiray, 4 waayo, markay Yesebeel baabbi'isay nebiyadii Rabbiga ayaa Cobadyaah kaxeeyey boqol nebi, oo kontonba god buu ku qariyey, oo wuxuu ku quudin jiray kibis iyo biyo.) 5 Markaasaa Axaab wuxuu Cobadyaah ku yidhi, Bal tag, oo dalka oo dhan dhex mar, ilaa ilaha biyaha oo dhan, iyo durdurrada oo dhan, waaba intaasoo aynu daaq helnaa, si aynu fardaha iyo baqlaha u noolayno, oo ayan cuudka oo dhammu nooga dhammaan. 6 Sidaas daraaddeed dhulkii way qaybsadeen inay soo wada dhex maraan; Axaab keligiis dhan buu u sahamiyey, Cobadyaahna dhankii kaluu keligiis u sahamiyey. 7 Oo bal eeg, Cobadyaah intuu jidkii sii socday ayaa waxaa ka hor yimid Eliiyaah; oo wuu aqooday, markaasuu wejiga dhulka saaray, oo wuxuu yidhi, Eliiyaahow sayidkaygiiyow, ma adigii baa? 8 Markaasuu ugu jawaabay, Haah, waa anigii; haddaba tag oo sayidkaagii waxaad ku tidhaahdaa, War Eliiyaah halkanuu joogaa. 9 Markaasuu wuxuu ku yidhi isagii, War maxaan ku dembaabay, oo aad u doonaysaa anoo addoonkaaga ah inaad Axaab ii gacangeliso inuu i dilo aawadeed? 10 Rabbiga Ilaahaaga ah noloshiisaan ku dhaartaye inaan la arag quruun iyo boqortooyo uusan sayidkaygu cid u dirin si uu kaaga goobo; oo markay yidhaahdeen, Halkan ma joogo, ayuu boqortooyo kasta iyo quruun kastaba dhaariyey inay ku waayeen. 11 Oo imminka waxaad leedahay, Tag, oo sayidkaagii u sheeg in Eliiyaah halkan joogo. 12 Oo bal eeg waxay noqon doontaa markaan kaa tago in Ruuxa Rabbigu kuu qaadi doona meel aanan aqoon, oo sidaas daraaddeed markaan Axaab u tago oo kuu soo sheego, oo uu ku waayo aniguu i dilayaa; laakiinse anigoo addoonkaaga ah Rabbiga waan ka cabsan jiray tan iyo dhallinyaranimadaydii. 13 Oo sayidkaygiiyow, miyaan laguu sheegin wixii aan sameeyey markii Yesebeel laysay nebiyadii Rabbiga, iyo sidaan u qariyey boqol nin oo Rabbiga nebiyadiisii ah, oo aan kontonba god geliyey, oo aan kibis iyo biyo ku quudiyey? 14 Oo hadda waxaad igu leedahay, Tag oo sayidkaagii u sheeg in Eliiyaah halkan joogo; oo isna wuu i dilayaa. 15 Markaasaa Eliiyaah wuxuu ku yidhi isagii, Waxaan ku dhaartay Rabbiga ciidammada ee aan hor taagnahay noloshiisa inaan xaqiiqa maanta isaga isu muujinayo.
Eliiyaah Oo Joogay Buur Karmel
16 Sidaas daraaddeed Cobadyaah wuxuu u tegey inuu Axaab la kulmo, wuuna u soo sheegay; markaasaa Axaab u tegey inuu Eliiyaah la kulmo. 17 Oo markuu Axaab arkay Eliiyaah ayuu ku yidhi, War ma adigii baa kii dadkii Israa'iil dhibayayow? 18 Markaasuu u jawaabay, oo ku yidhi, Anigu dadkii Israa'iil ma aanan dhibin, laakiinse waxaa dhibay adiga iyo reerka aabbahaa, waayo, waxaad ka tagteen amarradii Rabbiga, oo weliba waxaad raacday Bacaliim. 19 Haddaba sidaas daraaddeed u cid dir, oo dadkii Israa'iil oo dhan, iyo Bacal nebiyadiisa ah afarta boqol iyo konton, iyo geedihii Asheeraah nebiyadooda ah afar boqol oo miiska Yesebeel wax ka cuna, kulli ku soo wada ururi Buur Karmel. 20 Sidaas daraaddeed Axaab wuxuu u cid diray dadkii Israa'iil oo dhan, oo nebiyadiina wuxuu ku soo wada ururiyey Buur Karmel. 21 Markaasaa Eliiyaah u soo dhowaaday dadkii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, War ilaa goormaad laba ra'yi u dhexaynaysaan? War haddii Rabbigu Ilaah yahay isaga raaca, laakiinse haddii Bacal Ilaah yahay isaga raaca. Oo dadkiina isagii xataa eray keliya uguma jawaabin. 22 Markaasaa Eliiyaah wuxuu haddana dadkii ku yidhi, Anigoo keliya ayaa ka hadhay nebiyadii Rabbiga, laakiinse Bacal nebiyadiisu waa afar boqol iyo konton nin. 23 Haddaba bal laba dibi ha naloo keeno, oo iyagu dibi ha doorteen, oo ha jarjareen, oo qoryaha ha dul saareen, oo innaba dab yay hoosta ka gelin; oo anna dibiga kalaan qalayaa, oo qoryahaan dul saarayaa, oo innaba dab hoosta ka gelin maayo. 24 Oo markaas idinku u yeedha magaca ilaahiinna, oo anna waxaan u yeedhanayaa magaca Rabbiga; oo markaas Ilaahii dab ku soo jawaabaa ha ahaado Ilaah. Markaasaa dadkii oo dhammu jawaabeen oo waxay yidhaahdeen, Kaasu waa hadal wanaagsan. 25 Markaasaa Eliiyaah wuxuu nebiyadii Bacal ku yidhi, Bal idinku dibi doorta oo marka hore qala, dabse hoosta ha ka gelinina, oo idinku waad badan tihiine marka hore u yeedha magaca ilaahiinna. 26 Markaasay qaateen dibigii la siiyey, wayna qaleen, oo aroortii ilaa duhurkii ayay u yeedhanayeen magicii Bacal, oo waxay lahaayeen, Bacalow, na maqal! Laakiinse cod iyo wax iyaga u jawaabay toona ma jirin. Oo meeshii allabariga oo la dhisay hareeraheeda ayay boodboodayeen. 27 Oo waxay duhurkii noqotay inuu Eliiyaah iyagii ku majaajilooday oo ku yidhi, War aad u qayliya; waayo, waa ilaah, oo mindhaa wuu isla tashanayaa, ama gees buu u leexday, ama socdaal buu ku maqan yahay, ama mindhaa wuu iska hurdaa oo waa in la toosiyaa. 28 Markaasay aad u qayliyeen, oo sidii caadadoodu ahayd waxay isku jareen mindiyo iyo eebooyin ilamaa dhiig ka soo burqaday. 29 Oo markii hadhkii la dhaafay ayay sidii nebi wax sii sheegayeen ilaa wakhtigii la bixin jiray allabarigii fiidnimada, laakiinse cod iyo wax u jawaaba iyo wax ka dan leh midna ma jirin. 30 Markaasaa Eliiyaah wuxuu dadkii oo dhan ku yidhi, Haddaba ii soo dhowaada; kolkaasaa dadkii oo dhammu u soo dhowaadeen, dabadeedna meeshii allabariga ee Rabbiga ee la dumiyey ayuu hagaajiyey. 31 Oo wuxuu Eliiyaah soo qaaday laba iyo toban dhagax oo ka dhigan intii qabiilooyinkii wiilashii Yacquub tiradoodu ahayd, kaasoo eraygii Rabbigu u yimid oo ku yidhi, Magacaagu wuxuu ahaan doonaa Israa'iil. 32 Oo dhagxantii wuxuu meel allabari ugu dhisay magaca Rabbiga, oo meeshii allabariga hareeraheeda wuxuu ka qoday meel ku wareegsan oo qaadi karta laba qiyaas oo midho ah. 33 Oo qoryihiina si hagaagsan buu u saaray, oo dibigiina intuu jarjaray ayuu qoryihii dul saaray. Markaasuu yidhi, Afar barmiil biyo ka soo buuxiya oo ku dul shuba qurbaanka la gubo iyo qoryahaba. 34 Oo haddana wuxuu ku yidhi, Sidii oo kale mar labaad yeela, iyana way yeeleen mar labaad. Oo haddana wuxuu ku yidhi, Sidii oo kale mar saddexaad yeela, oo iyana way yeeleen mar saddexaad. 35 Oo biyihii waxay qulquleen meeshii allabariga hareeraheeda, oo xataa meeshii la qodayna wuxuu ka buuxshay biyo. 36 Oo markii la gaadhay wakhtigii la bixin jiray allabarigii fiidnimada, Nebi Eliiyaah waa soo dhowaaday, oo wuxuu yidhi, Rabbiyow, Ibraahim iyo Isxaaq iyo Israa'iil Ilaahoodiiyow, maanta dalka Israa'iil ha lagu dhex ogaado inaad adigu Ilaah tahay, oo aan anna ahay addoonkaaga, iyo inaan waxyaalahan oo dhan eraygaaga ku sameeyey. 37 Rabbiyow, i maqal oo i maqal, inay dadkanu ogaadaan inaad adigu Ilaah tahay Rabbiyow, iyo inaad qalbigooda soo celisay. 38 Markaasaa Rabbiga dabkiisii soo dhacay oo wuxuu gubay allabariga la gubo, iyo qoryihii, iyo dhagxantii, iyo boodhkii, oo xataa biyihii godka ku jirayna ololkii baa leefay. 39 Oo markii dadkii taas arkay ayay wejiga u wada dhaceen; oo waxay yidhaahdeen, Rabbigu isagu waa Ilaah, Rabbigu isagu waa Ilaah. 40 Markaasaa Eliiyaah wuxuu ku yidhi iyagii, Nebiyada Bacal qabta oo midna yuusan ka baxsan. Oo iyana way soo qabteen; markaasaa Eliiyaah wuxuu iyagii keenay durdurka Qiishoon agtiisa, oo halkaasuu iyagii ku laayay. 41 Markaasaa Eliiyaah wuxuu Axaab ku yidhi, War kac oo wax cun, oo wax cab, waayo, waxaa sanqadhaya roob badan! 42 Markaasaa Axaab u kacay inuu wax cuno oo wax cabbo. Oo Eliiyaahna wuxuu fuulay Buur Karmel dusheeda, oo intuu foororsaday ayuu dhulka ku sujuuday oo wejigiisiina wuxuu geliyey lowyihiisa dhexdooda. 43 Markaasuu midiidinkiisii ku yidhi, Bal tag oo badda xaggeeda fiiri. Kolkaasuu tegey oo wax fiiriyey, oo wuxuu yidhi, Waxba lama arko. Oo haddana wuxuu ku yidhi, Ku noqo toddoba jeer. 44 Oo waxaa dhacday inuu markii toddobaad yidhi, Waxaa badda ka kacday daruur yar oo nin gacantiis le'eg. Isna wuxuu yidhi, Orod oo waxaad Axaab ku tidhaahdaa, War, gaadhifaraskaaga diyaarso oo dhaadhac, yaan roobku ku joojine. 45 Oo wakhti yar dabadiis cirkii ayaa daruuro iyo dabayl la madoobaaday, oo waxaa jiray roob weyn. Oo Axaabna gaadhifaraskiisii buu fuulay, oo wuxuu tegey Yesreceel. 46 Oo Eliiyaah waxaa la jiray gacantii Rabbiga, oo intuu guntigiisii dhexda ku giigsaday ayuu Axaab hor ordayay ilaa meeshii Yesreceel laga galo.
Eliiyaah Oo U Cararay Xoreeb
19 Oo markaasaa Axaab wuxuu Yesebeel u sheegay kulli wixii Eliiyaah sameeyey oo dhan, iyo siduu nebiyadii oo dhan seef ugu laayay. 2 Markaasaa Yesebeel farriin u dirtay Eliiyaah oo ku tidhi, Sidaas iyo si ka sii daranba ilaahyadu ha igu sameeyeen haddaanan berrito hadda oo kale naftaada ka dhigin sidii mid iyaga ka mid ah naftiisii. 3 Oo isna markuu saas ogaaday ayuu kacay oo naftiisii la cararay, oo wuxuu yimid Bi'ir Shebac oo dalka Yahuudah ka mid ahaa, markaasuu midiidinkiisii halkaas kaga tegey. 4 Laakiinse isagii intii maalin socodkeed ah ayuu cidlada sii dhex maray, oo intuu meel yimid ayuu hoos fadhiistay geed rotem la yidhaahdo; oo wuxuu weyddiistay inuu dhinto, oo yidhi, Rabbiyow, haatan waabase naftayda iga qaad, waayo, anigu kama aan fiicni awowayaashay. 5 Markaasuu jiifsaday, oo hoos seexday geed rotem ah, kolkaasaa waxaa taabtay malaa'ig, oo waxay ku tidhi, Toos oo wax cun. 6 Kolkaasuu wax fiiriyey oo wuxuu arkay kibis dhuxul lagu dubay iyo kusad biyo ah oo madaxiisa yaal. Markaasuu wax cunay oo wax cabbay oo haddana wuu iska jiifsaday. 7 Markaasaa malaa'igtii Rabbiga mar labaad u timid, oo intay taabatay ayay ku tidhi, Toos oo wax cun, maxaa yeelay, sodcaalku waa kugu dheer yahay. 8 Markaasuu toosay, oo wax cunay, oo wax cabbay, oo cuntadaas itaalkeedii ayuu ku socday afartan maalmood iyo afartan habeen ilaa uu gaadhay Xoreeb oo ahayd buurtii Ilaah. 9 Oo intuu halkaas yimid ayuu god iska galay, oo halkaasuu baryay, oo bal eeg, waxaa isagii u yimid Eraygii Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi, Eliiyaah, maxaad halkan ka samaynaysaa?
Rabbiga Oo U Muuqday Eliiyaah
10 Isna wuxuu yidhi, Anigu Rabbiga ah Ilaaha ciidammada aawadiis ayaan aad ugu hinaasay; waayo, dadkii Israa'iil axdigaagii way ka tageen, oo meelahaagii allabarigana way dumiyeen, oo nebiyadaadiina seef bay ku laayeen; oo aniga keligay ayaa ka hadhay, oo waxay doonayaan inay naftayda iga qaadaan. 11 Oo isna wuxuu ku yidhi, Ka bax, oo buurta fuul oo Rabbiga hortiisa istaag. Oo bal eeg, waxaa meeshaas soo maray Rabbiga, oo hortiisa ayaa dabayl weyn oo xoog badan buurihii kala jejebisay, dhagxantiina burburisay; laakiinse Rabbigu kuma jirin dabaysha; oo dabayshii dabadeedna waxaa jiray dhulgariir, oo Rabbiguna kuma jirin dhulgariirka. 12 Oo dhulgariirkii dabadiisna waxaa jiray dab, laakiinse Rabbigu kuma jirin dabka, oo dabkii dabadiisna waxaa jiray cod yar oo gaaban. 13 Oo markuu Eliiyaah taas maqlay, ayuu go'iisii wejiga ku duudduubtay oo dibadda u baxay, oo wuxuu istaagay meeshii godka laga soo geliyey. Oo bal eeg, markaasaa waxaa isagii u yimid cod leh, Eliiyaah, maxaad halkan ka samaynaysaa? 14 Isna wuxuu yidhi, Anigu Rabbiga ah Ilaaha ciidammada aawadiis ayaan aad ugu hinaasay, waayo, dadkii Israa'iil axdigaagii way ka tageen, oo meelahaagii allabarigana way dumiyeen, oo nebiyadaadiina seef bay ku laayeen; oo aniga keligay ayaa ka hadhay, oo waxay doonayaan inay naftayda iga qaadaan. 15 Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Tag, oo ku noqo jidkaagii cidlada Dimishaq; oo markaad Dimishaq gaadhid waa inaad Xasaa'eel u boqortaa dalka Suuriya. 16 Oo Yeehuu ina Nimshiina waxaad u boqortaa dalka Israa'iil; oo Eliishaa ina Shaafaad oo ah reer Aabeel Mehoolaahna waa inaad u subagtaa inuu meeshaadii nebi ka ahaado. 17 Oo markaasay waxay noqon doontaa in ninkii ka baxsada seefta Xasaa'eel uu Yeehuu dili doono; oo kii Yeehuu seeftiisa ka baxsadana waxaa dili doona Eliishaa. 18 Laakiinse weliba waxaan daynayaa toddoba kun oo qof oo dalka Israa'iil ku jirta oo aan kulligood Bacal u jilbo joogsan oo aan midkoodna afkiisu Bacal dhunkan.
U Yeedhistii Eliishaa
19 Sidaas daraaddeed halkaas wuu ka tegey, oo wuxuu helay Eliishaa ina Shaafaad oo beer ku qodaya laba iyo toban qindi oo dibi ah ee ka horreeya isaga, oo isna wuxuu la jiray kii laba iyo tobnaad; markaasaa Eliiyaah isagii u soo gudbay oo go'iisii ayuu ku dul tuuray. 20 Oo isna dibidii wuu ka tegey, markaasuu ka daba orday Eliiyaah oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye aan soo dhunkado aabbahay iyo hooyaday, oo dabadeedna waan ku raacayaa. Isna wuxuu ku yidhi, Haddana noqo, waayo, maxaan kugu sameeyey? 21 Markaasuu ka noqday isagii, oo wuxuu kaxeeyey qindigii dibida ahaa, wuuna qalay oo hilibkoodiina ku karshay alaabtii dibida, oo wuxuu siiyey dadkii, oo iyana way cuneen. Markaasuu kacay oo wuxuu raacay Eliiyaah, wuuna u adeegay isagii.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya