Chronological
Gabayga meelokoridda.
134 Bal eega, Rabbiga ammaana, Rabbiga addoommadiisa oo dhammow,
Kuwiinna goor habeennimo ah guriga Rabbiga dhex taaganow.
2 Gacmaha u taaga macbudka xaggiisa,
Oo Rabbiga ammaana.
3 Rabbigu Siyoon ha idinka soo barakeeyo,
Kaasoo ah kii sameeyey samada iyo dhulkaba.
146 Rabbiga ammaana.
Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
2 Intaan noolahay oo dhan Rabbiga waan ammaani doonaa,
Oo ammaan baan Ilaahay ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.
3 Ha isku hallaynina amiirrada
Iyo binu-aadmiga aan waxba caawimi karin.
4 Naftiisu way ka baxdaa, oo wuxuu ku noqdaa dhulkiisii.
Oo isla maalintaas ayaa fikirradiisu baabba'aan.
5 Waxaa faraxsan ninkii ay caawimaaddiisu tahay Ilaaha reer Yacquub,
Oo rajadiisuna ay ku xidhan tahay Rabbiga Ilaahiisa ah,
6 Oo sameeyey cirka iyo dhulka,
Iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan,
Oo runtana dhawra weligiisba,
7 Oo kuwa la dulmay u garsoora,
Oo kuwa gaajaysanna quud siiya.
Rabbigu maxaabiistuu furaa.
8 Rabbigu indhahuu u bixiyaa indhoolayaasha,
Oo kuwa gotana Rabbigaa toosiya,
Oo kuwa xaqa ahna Rabbigu waa jecel yahay.
9 Rabbigu waa ilaaliyaa kuwa qariibka ah,
Oo isagaa taageera agoonta iyo carmallada,
Laakiinse jidka kuwa sharka leh wuu qalloociyaa.
10 Rabbigu xukun buu haysan doonaa weligiis,
Siyoonay, Ilaahaagaa boqor ah tan iyo ab ka ab.
Rabbiga ammaana.
147 Rabbiga ammaana.
Waayo, way wanaagsan tahay in Ilaaheenna ammaan loogu gabyo,
Waayo, taasu way wacan tahay, oo ammaantuna way habboon tahay.
2 Rabbigu Yeruusaalem buu dhisaa,
Oo wuxuu isu soo wada ururiyaa kuwa la naco oo reer binu Israa'iil ah.
3 Isagaa bogsiiya kuwa qalbi jabay,
Oo nabrahoodana wuu duubaa.
4 Wuxuu sheegaa xiddigaha tiradooda,
Oo kulligoodna magacyo buu u bixiyaa.
5 Sayidkeennu waa weyn yahay, wuuna xoog badan yahay,
Waxgarashadiisuna waa mid aan la koobi karayn.
6 Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa camalka qabow,
Oo kuwa sharka lehna dhulkuu ku soo tuuraa.
7 Rabbiga mahadnaqid ugu gabya,
Oo kataaradda ammaan ugu gabya Ilaaheenna,
8 Kaasoo samada daruuro ku qariya,
Oo dhulka roob u diyaarsha,
Buurahana doog ka soo bixiya.
9 Wuxuu quud siiyaa xayawaanka,
Iyo tukayaasha yaryar markay qayliyaanba.
10 Isagu kuma farxo xoogga faraska,
Oo kuma reyreeyo lugaha dadka.
11 Rabbigu wuxuu ku reyreeyaa kuwa isaga ka cabsada,
Iyo kuwa naxariistiisa rajada ka qaba.
12 Yeruusaalemay, Rabbiga ammaan,
Siyoonay, Ilaahaaga ammaan.
13 Waayo, wuxuu xoogeeyey qataarrada irdahaaga,
Carruurtaadana wuu kugu dhex barakeeyey.
14 Soohdimahaaga nabad buu ka dhigaa,
Oo wuxuu kaa dhergiyaa sarreenka ugu wanaagsan.
15 Amarkiisa wuxuu u soo diraa dhulka,
Eraygiisuna aad buu u dheereeyaa.
16 Baraf cad wuxuu u soo daadshaa sida dhogor oo kale,
Sayax barafoobayna wuxuu u kala firdhiyaa sida dambas oo kale.
17 Barafkiisa wuxuu u soo ridaa sida jajab oo kale,
Bal yaa qabowgiisa hor istaagi kara?
18 Wuxuu soo diraa eraygiisa, oo wuu dhalaaliyaa iyaga,
Dabayshiisana wuxuu ka dhigaa inay dhacdo, biyuhuna way qulqulaan.
19 Eraygiisa wuxuu tusaa reer Yacquub,
Qaynuunnadiisa iyo xukummadiisana reer binu Israa'iil.
20 Quruunna sidaas oo kale uma uu samayn.
Xukummadiisiina ma ay garanaynin,
Rabbiga ammaana.
148 Rabbiga ammaana.
Rabbiga samooyinka ka ammaana,
Meelaha sarsarena ka ammaana.
2 Malaa'igihiisa oo dhammow, ammaana isaga,
Ciidankiisa oo dhammow, ammaana isaga.
3 Qorraxda iyo dayaxow, ammaana isaga,
Xiddigaha iftiinka oo dhammow, ammaana isaga.
4 Ammaana isaga, samooyinka samooyinkow,
Iyo biyaha samooyinka ka sarreeyow.
5 Iyagu magaca Rabbiga ha ammaaneen,
Waayo, isagu wuu amray, oo iyana way abuurmeen.
6 Oo weliba isagaa adkeeyey iyaga weligood iyo weligoodba,
Oo wuxuu sameeyey xad aan la gudbi doonayn.
7 Rabbiga dhulka ka ammaana,
Masbadeedyo iyo moolal oo dhammow,
8 Dab iyo roobdhagaxyaale, baraf cad iyo ceeryaamow,
Iyo dabayl duufaan ah oo eraygiisa oofiyow,
9 Buuro iyo kuro oo dhammow,
Dhir midho badan iyo dhir kedar la yidhaahdo oo dhammow,
10 Dugaag iyo xoolo oo dhammow,
Waxa gurguurta iyo haadda duusha oo dhammow,
11 Boqorrada dhulka iyo dadyowga oo dhammow,
Amiirrada iyo xaakinnada dhulka oo dhammow,
12 Barbaar iyo hablow,
Odayaal iyo carruuray,
13 Ha ammaaneen magaca Rabbiga,
Waayo, magiciisa oo keliya ayaa la sarraysiiyaa,
Ammaantiisu dhulka iyo cirkaba way ka korraysaa.
14 Isagu wuxuu sare u qaaday geeskii dadkiisa,
Iyo ammaantii quduusiintiisa oo dhan,
Waana reer binu Israa'iil oo ah dad isaga u dhow.
Rabbiga ammaana.
149 Rabbiga ammaana.
Rabbiga gabay cusub ugu gabya,
Oo ammaantiisana shirka quduusiinta kaga dhex gabya.
2 Reer binu Israa'iil kii iyaga uumay ha ku reyreeyeen,
Oo reer Siyoonna boqorkooda ha ku farxeen.
3 Magiciisa cayaarta ha ku ammaaneen,
Oo ammaan ha ugu gabyeen iyagoo sita daf iyo kataarad.
4 Waayo, Rabbigu wuxuu ku farxaa dadkiisa,
Wuxuu kuwa camalka qabowna ku qurxin doonaa badbaado.
5 Quduusiintu ammaan ha ku reyreeyeen,
Oo farxad ha ku gabyeen iyagoo sariirahooda jiifa.
6 Ammaanta sare oo Ilaah afkooda ha ku jirto,
Seef laba af lahuna gacantooda ha ku jirto,
7 Si ay quruumaha uga aargutaan,
Oo ay dadyowgana u ciqaabaan,
8 Si ay boqorradooda silsilado ugu soo xidhaan,
Oo ay raggooda gobta ahna jeebbooyin bir ah ugu soo xidhaan,
9 Si ay iyaga ugu soo dejiyaan xukunka qoran,
Quduusiintiisa oo dhammuna waxay leeyihiin sharaftan.
Rabbiga ammaana.
150 Rabbiga ammaana.
Ilaah ku dhex ammaana meeshiisa quduuska ah,
Ku dhex ammaana samada xooggiisa.
2 Falimihiisa waaweyn aawadood u ammaana,
U ammaana si waafaqsan weynaantiisa sare.
3 Dhawaaqa buunka ku ammaana,
Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana.
4 Ku ammaana daf iyo cayaar,
Oo ku ammaana alaab xadhko leh oo muusiko ah iyo biibiile.
5 Suxuunta laysku garaaco oo codka dheer ku ammaana,
Ku ammaana suxuunta sanqadha dheer.
6 Wax kasta oo neef lahuba Rabbiga ha ammaaneen.
Rabbiga ammaana.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya