Chronological
MAAHMAAHYADII
Dulucda Kitaabka
1 Kuwanu waa maahmaahyadii Sulaymaan ina Daa'uud oo ahaa boqorkii reer Binu Israa'iil,
2 Wuxuu u qoray si loo ogaado xigmadda iyo edbinta,
Oo loo garto erayada waxgarashada,
3 In la helo edbinta ku saabsan xigmadda,
Iyo xaqnimada iyo garta iyo caaddilnimada;
4 Si miyir loo siiyo garaadlaawaha,
Oo aqoon iyo digtoonaanna loo yeelo ninka dhallinyarada ah.
5 Ninkii caqli lahu wuu maqli doonaa, oo wuxuu korodhsan doonaa waxbarasho,
Oo ninkii garaad lahuna wuxuu qabsan doonaa talada wanaagsan,
6 Si lagu garto maahmaahda, iyo micnaynta,
Iyo hadallada kuwa caqliga leh iyo xujooyinkooda.
7 Waxaa aqoonta ugu horreeya Rabbiga ka cabsashadiisa;
Laakiinse nacasyadu waxay quudhsadaan xigmadda iyo edbinta.
Guubaabinta Xigmadda
Ka-digidda Soo Jiidashada Xun
8 Wiilkaygiiyow, edbinta aabbahaa maqal,
Oo amarka hooyadaana ha ka tegin,
9 Waayo, waxay madaxaaga u noqon doonaan wax sharraxsan,
Oo waxay kuu noqon doonaan silsilado qoorta kuu sudhan.
10 Wiilkaygiiyow, haddii dembilayaal ku sasabtaan,
Ha oggolaan.
11 Hadday kugu yidhaahdaan, Na soo raac,
Aan gaadno inaynu dhiig daadinno,
Oo aynu sababla'aan kuwa aan eedda lahayn si qarsoon ugu dhuumanno;
12 Oo iyagoo nool aynu u liqno sida qabriga oo kale,
Dhammaantoodna aan juq siinno sida kuwa yamayska ku dhaca;
13 Waxaynu heli doonnaa maal qaali ah oo cayn kasta ah,
Oo guryaheennana waxaynu ka buuxsan doonnaa booli;
14 Nasiibkaaga iskula kaaya soo dar,
Oo kulligeenna aynu kiishad qudha wada lahaanno;
15 Wiilkaygiiyow, iyaga jidka ha la marin;
Oo cagtaadana wadiiqadooda dib uga jooji;
16 Waayo, cagahoodu waxay u ordaan shar,
Oo waxay u degdegaan inay dhiig daadiyaan.
17 Waayo, waa waxtarla'aan dabinka loo dhigaa
Iyadoo ay shimbirtu u jeeddo;
18 Iyagu waxay u gaadaan si dhiiggooda loo daadiyo,
Oo waxay si qarsoon ugu dhuuntaan si naftooda looga qaado.
19 Sidaas oo kalay yihiin jidadka mid kasta oo faa'iido u hunguri weyn,
Oo nafta ka qaada kuwa leh.
Dhiirrigelinta Xigmad-Qaadashada
20 Xigmaddu aad bay uga qaylisaa jidka;
Oo codkeedana waxay kor uga qaaddaa bannaanka;
21 Waxay ka qaylisaa meesha suuqa ugu weyn;
Oo iridda magaalada laga soo galo
Ayay erayadeeda kaga hadashaa, iyadoo leh,
22 Kuwiinna garaadlaawayaasha ahow, ilaa goormaad garaadla'aanta sii jeclaanaysaan?
Oo kuwa wax quudhsadaana, ilaa goormay quudhsashadooda ku sii farxayaan?
Nacasyaduna, ilaa goormay aqoonta sii necbaanayaan?
23 Canaantayda u soo noqda;
Bal eega, anigu waxaan idinku shubi doonaa ruuxayga,
Oo waxaan idin ogeysiin doonaa erayadayda.
24 Anigu waan idiin yeedhay, laakiinse waad i diiddeen;
Oo anigu gacantaydaan soo fidiyey, oo ninnana dan kama yeelan;
25 Laakiinse idinku taladaydii oo dhan waad fududaysateen,
Oo canaantaydiina ma aydin doonaynin;
26 Sidaas daraaddeed aniguna waan idinku qosli doonaa markay belaayo idinku dhacdo;
Waanan idinku majaajiloon doonaa markay cabsiyu idinku soo degto;
27 Markay cabsidiinnu u timaado sida duufaan oo kale,
Oo belaayadiinnuna u timaado sida dabayl cirwareen ah;
Oo dhibaato iyo cidhiidhi idinku yimaadaan.
28 Markaasay ii yeedhan doonaan, laakiinse anigu uma aan jawaabi doono;
Oo horay ii doondooni doonaan, laakiinse ima ay heli doonaan;
29 Waayo, waxay nebcaadeen aqoonta,
Oo Rabbiga ka cabsashadiisana ma ay dooran;
30 Iyagu taladaydii innaba ma ay doonaynin;
Oo canaantaydii oo dhanna way quudhsadeen;
31 Haddaba iyagu waxay cuni doonaan midhihii jidkooda,
Oo waxay ka dhergi doonaan taladoodii.
32 Waayo, garaadlaawayaasha dibunoqoshadooda ayaa iyaga dili doonta,
Oo nacasyadana waxaa baabbi'in doonta barwaaqadooda.
33 Laakiinse ku alla kii aniga i maqlaa, ammaan buu u fadhiyi doonaa,
Wuuna xasilloonaan doonaa, isagoo aan shar ka cabsanaynin.
Faa'iidada Xigmadda
2 Wiilkaygiiyow, haddaad erayadayda aqbashid,
Oo aad amarradayda qalbigaaga ku haysatid,
2 Si aad dhegta xigmadda ugu dhigtid,
Oo aad qalbigaagana waxgarashada ugu qabatid;
3 Haddaad wax-kala-garashada ka daba qaylisid,
Oo aad codkaaga waxgarashada kor ugu qaaddid;
4 Haddaad iyada u raadisid sida lacagta oo kale,
Oo aad u doondoontid sida maal qarsoon,
5 Markaas waxaad garan doontaa Rabbiga ka cabsashadiisa,
Oo waxaad heli doontaa aqoonta Ilaah.
6 Waayo, Rabbigu isagaa bixiya xigmadda,
Oo afkiisa waxaa ka soo baxa aqoonta iyo waxgarashada.
7 Isagu kuwa xaqa ah xigmad buu u kaydiyaa,
Oo kuwa daacadnimada u socdana waa u gaashaan.
8 Isagu wuxuu dhawraa waddooyinka garta,
Oo wuxuu xannaaneeyaa jidka quduusiintiisa.
9 Markaasaad garan doontaa xaqnimada, iyo garta,
Iyo caaddilnimada, iyo jid kasta oo wanaagsan.
10 Waayo, waxaa qalbigaaga soo geli doonta xigmadda,
Oo aqoontuna waxay ka farxin doontaa naftaada;
11 Digtoonaanta baa ku xanaanayn doonta,
Oo waxaa ku dhawri doonta waxgarashada,
12 Si lagaaga samatabbixiyo jidka kan sharka ah,
Iyo dadka waxyaalaha qalloocan ku hadla,
13 Oo qummanaanta waddooyinkeeda ka taga,
Si ay jidadka gudcurka ugu socdaan,
14 Oo ay ku reyreeyaan inay xumaan falaan,
Oo ay qalloocnaanta kan sharkaa ku farxaan;
15 Oo jidadkoodu maroorsan yihiin,
Oo waddooyinkooduna qalloocan yihiin,
16 In lagaa samatabbixiyo naagta qalaad,
Xataa naagta qalaad oo hadalladeeda kugu sasabata,
17 Taasoo ka tagta horseedkii yaraanteeda,
Oo illowda axdigii Ilaaheeda;
18 Waayo, gurigeedu wuxuu ku foororaa dhimasho,
Oo waddooyinkeeduna waxay ku dhaadhacaan kuwii dhintay.
19 Kuwa iyada u gala midkoodna sooma noqdo,
Oo waddooyinka noloshana ma ay helaan.
20 Waa inaad ku socotid jidka dadka wanaagsan,
Oo aad dhawrtid waddooyinka kuwa xaqa ah.
21 Waayo, kuwa qummanu dhulkay fadhiyi doonaan,
Oo kuwa kaamilka ahuna way sii joogi doonaan.
22 Laakiinse kuwa sharkaa waa laga gooyn doonaa dhulka,
Oo khaayinnadana waa laga rujin doonaa.
Faa'iidada Kale Ee Xigmadda
3 Wiilkaygiiyow, waxbariddayda ha illoobin,
Laakiin qalbigaagu amarradayda ha hayo,
2 Waayo, iyagu waxay kuu kordhin doonaan
Maalmo badan iyo cimri dheer iyo nabad.
3 Naxariista iyo runtu yaanay kaa tegin,
Iyaga qoorta ku xidh,
Oo looxa qalbigaaga ku qor,
4 Sidaasaad Ilaah iyo dadka hortooda
Nicmo iyo sharaf uga heli doontaa.
5 Qalbigaaga dhammaantii Rabbiga ku aamin,
Oo waxgarashadaadana ha isku hallayn.
6 Jidadkaaga oo dhan isaga ku qiro,
Oo isna waddooyinkaaguu toosin doonaa.
7 Ha isla weynaan;
Rabbiga ka cabso; oo sharka ka fogow.
8 Taasu waxay xundhurtaada u noqon doontaa caafimaad,
Oo lafahaagana waxay u noqon doontaa dhuux.
9 Rabbiga ku murwee maalkaaga
Iyo midhaha ugu horreeya waxa kuu kordha oo dhan;
10 Sidaasay maqsinnadaadu barwaaqo uga buuxsami doonaan,
Macsarooyinkaaguna waxay la buuxdhaafi doonaan khamri cusub.
11 Wiilkaygiiyow, Rabbiga edbintiisa ha quudhsan,
Oo canaantiisana ha ka daalin,
12 Waayo, Rabbigu ninkuu jecel yahay wuu canaantaa
Sida aabbe u canaanto wiilkii uu ku faraxsan yahay.
13 Waxaa barakaysan ninkii xigmadda hela,
Iyo ninkii waxgarashada mulkiya.
14 Waayo, baayacmushtarigeedu waa ka sii wanaagsan yahay baayacmushtariga lacagta,
Oo faa'iidadeeduna waa ka sii wanaagsan tahay dahabka saafiga ah.
15 Way ka sii qaalisan tahay luulka,
Oo waxaad jeclaan kartid oo dhanna iyada lalama simo.
16 Gacanteeda midig waxaa ku jira cimri dheeri;
Gacanteeda bidixna waxaa ku jira hodonnimo iyo sharaf.
17 Jidadkeedu waa jidad farxadeed,
Oo waddooyinkeeda oo dhammuna waa nabad.
18 Kuwii iyada qabsada waxay u tahay geed nololeed;
Oo waxaa barakaysan ku alla kii iyada xajista.
19 Rabbigu wuxuu dhulka ku aasaasay xigmadda,
Oo samooyinkana wuxuu ku dhisay waxgarashada.
20 Aqoontiisa ayaa moolalku ku dillaaceen,
Oo cirkuna wuxuu soo daadiyaa sayax.
21 Wiilkaygiiyow, waxyaalahanu yaanay indhahaaga ka tegin.
Xigmadda iyo digtoonaanta xajiso.
22 Sidaasay naftaada nolol ugu noqon doonaan,
Qoortaadana nimco.
23 Markaasaad jidkaaga ammaan ku mari doontaa,
Oo cagtaaduna ma turunturoon doonto.
24 Markaad jiifsatidna ma cabsan doontid;
Haah, waad jiifsan doontaa, oo hurdadaaduna way kuu macaanaan doontaa.
25 Ha ka baqin cabsi kedis ah,
Iyo baabbi'inta kuwa sharka leh toona markii ay timaado.
26 Waayo, Rabbigu wuxuu kuu ahaan doonaa Kan aad ku kalsoonaan karto.
Oo cagtaadana wuu dhawri doonaa si aan loo qabsan.
27 Wanaag ha u diidin kuwa uu ku habboon yahay in loo sameeyo,
Markaad awood u leedahay inaad u samayso.
28 Deriskaaga ha ku odhan, Tag oo soo noqo,
Berri baan ku siin doonaaye,
Haddii aad markaas haysid.
29 Deriskaaga innaba xumaan ha u fikirin,
Maxaa yeelay, isagu nabadgelyo buu kuu ag fadhiyaa.
30 Ninna sababla'aan ha kula diririn,
Haddaanu xumaan kugu samayn.
31 Ha ka hinaasin nin dadka dulmiya,
Oo jidadkiisana midnaba ha dooran.
32 Maxaa yeelay, kuwa qalloocanu waa u karaahiyo Rabbiga,
Laakiinse wuxuu sir la leeyahay kuwa qumman.
33 Rabbigu wuxuu inkaaraa guriga kii shar leh,
Laakiinse rugta kuwa xaqa ah wuu barakeeyaa.
34 Hubaal kuwa wax quudhsada ayuu isagu quudhsadaa,
Kuwa is-hoosaysiiyase nicmuu siiyaa.
35 Kuwa xigmadda leh waxay dhaxli doonaan sharaf,
Laakiinse nacasyadu waxay u dallici doonaan ceeb.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya