Chronological
Maahmaahyadii Sulaymaan
10 Maahmaahyadii Sulaymaan.
Wiilka caqliga lahu aabbihiisuu ka farxiyaa,
Laakiinse wiilka nacaska ahu waa u caloolxumo hooyadiis.
2 Qasnadaha sharnimadu faa'iido ma leh,
Laakiinse xaqnimada ayaa dhimasho kaa samatabbixisa.
3 Kii xaq ah naftiisu inay gaajooto Rabbigu u oggolaan maayo,
Laakiinse doonista kuwa sharka leh ayuu ridaa.
4 Kii gacan caajis ah lahu wuu caydhoobaa,
Laakiinse kuwa dadaala gacantoodu hodan bay ka dhigtaa.
5 Kii guga wax soo urursadaa waa wiil caqli leh,
Laakiinse kii wakhtiga beergooyska seexdaa waa wiil ceeb sameeya.
6 Barako waxay saaran tahay kan xaqa ah madaxiisa,
Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.
7 Kan xaqa ah xusuustiisu barako bay leedahay,
Laakiinse kuwa sharka leh magacoodu waa qudhmi doonaa.
8 Kii qalbiga caqli ku lahu amarro buu aqbalaa,
Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.
9 Kii qummanaan ku socdaa ammaan buu ku socdaa;
Laakiinse kii jidadkiisa qalqalloociya waa la ogaan doonaa.
10 Kii indhaha ku baaqaa murug buu keenaa.
Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.
11 Ninkii xaq ah afkiisu waa il nololeed,
Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.
12 Necbaantu waxay kicisaa isqabashada,
Laakiinse jacaylku xadgudubyada oo dhan buu qariyaa.
13 Kii waxgarasho leh bushimihiisa waxaa laga helaa xigmad,
Laakiinse ushu waxay u taal kan garaadka daran dhabarkiisa.
14 Dadkii caqli lahu waxay kaydsadaan aqoon,
Laakiinse nacaska afkiisu waa baabba' dhow.
15 Ninkii hodan ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh,
Laakiinse masaakiinta caydhnimadoodu waa u baabba'.
16 Kuwa xaqa ah hawshoodu waxay u waddaa nolol,
Laakiinse waxa kan sharka leh u kordhaa, dembi bay u sii kexeeyaan.
17 Kii edbinta xajistaa wuxuu ku socdaa jidka nolosha,
Laakiinse kii canaanta diidaa wuu qaldamaa.
18 Kii necbaanta qariyaa wuxuu leeyahay bushimo been badan,
Oo kii xanta ku hadlaana waa nacas.
19 Hadal badan dembi lagama waayo,
Laakiinse kii bushimihiisa ceshaa caqli buu leeyahay.
20 Kii xaq ah carrabkiisu waa sida lacag la doortay,
Laakiinse kuwa sharka leh qalbigoodu waa qiimo yar yahay.
21 Kii xaq ah bushimahiisu waxay masruufaan kuwa badan,
Laakiinse nacasyadu waxgarashola'aantooda ayay u dhintaan.
22 Rabbiga barakadiisu hodan bay kaa dhigtaa,
Oo isna caloolxumo kuma daro.
23 Nacasku inuu xumaan sameeyo waa u sidii cayaareed,
Laakiinse ninka garaadka lahu xigmad buu leeyahay.
24 Kii shar leh wuxuu ka cabsado ayaa ku soo dul degi doona,
Laakiinse kuwa xaqa ah waxay doonayaan waa la siin doonaa.
25 Markii dabaysha cirwareenta ahu dhaafto, ka sharka leh mar dambe la arki maayo,
Laakiinse kii xaq ahu waa aasaas weligiis waaraya.
26 Khalku siduu ilkaha u yahay, iyo sida qiiqu indhaha u yahay,
Ayaa kan caajiska ahu u yahay kuwa isaga dirta.
27 Rabbiga ka cabsashadiisu cimrigay dheeraysaa,
Laakiinse kuwa sharka leh cimrigoodu waa soo gaaban doonaa.
28 Kuwa xaqa ah rajadoodu waa farxad,
Laakiinse kuwa sharka leh filashadoodu way baabbi'i doontaa.
29 Rabbiga jidkiisu waa u qalcad kuwa qumman;
Laakiinse xumaanfalayaasha waa u baabba'.
30 Kan xaqa ah weligiis la dhaqaajin maayo,
Laakiinse kuwa sharka lahu dhulka ma fadhiyi doonaan.
31 Kan xaqa ah afkiisa waxaa ka soo baxda xigmad,
Laakiinse carrabkii qalloocan waa la gooyn doonaa.
32 Kan xaqa ah bushimahiisu waxay yaqaaniin waxa la aqbali karo,
Laakiinse kan sharka leh afkiisu qallooc buu ku hadlaa.
11 Kafaddii khiyaano ah Rabbigu aad buu u karhaa,
Laakiinse dhagaxii miisaanka oo xaq ah wuu ku farxaa.
2 Markuu kibir yimaado, waxaa timaada ceeb;
Laakiinse xigmaddu waxay la jirtaa kuwa is-hoosaysiiya.
3 Kuwa qumman waxaa kaxayn doonta daacadnimadooda,
Laakiinse khaayinnada qalloocnaantoodu waa baabbi'in doontaa iyaga.
4 Maalinta cadhada maal faa'iido ma leh,
Laakiinse xaqnimada ayaa dhimasho kaa samatabbixisa.
5 Ninkii kaamil ah xaqnimadiisu jidkiisay toosisaa,
Laakiinse kan sharka lahu wuxuu ku kufi doonaa sharkiisa.
6 Kuwa qumman xaqnimadoodaa samatabbixin doonta,
Laakiinse khaayinnada waxaa qabsan doona damacooda xun.
7 Nin shar lahu markuu dhinto, wuxuu filanayay way baabbi'i doontaa,
Oo xumaanfalayaasha rajadooduna way baabba'daa.
8 Kii xaq ah waxaa laga samatabbixiyaa dhibaato,
Oo meeshiisana waxaa yimaada kii shar leh.
9 Labawejiilahu afkiisuu deriskiisa ku halligaa,
Laakiinse kan xaqa ahu aqoon buu ku samatabbixi doonaa.
10 Kuwa xaqa ahu markay barwaaqoobaan, magaaladu way rayraysaa,
Laakiin kuwa sharka lahu markay halligmaan farax baa lagu dhawaaqaa.
11 Kuwa qumman ducadooda magaaladu sare bay ugu kacdaa,
Laakiinse kuwa sharka leh afkoodu magaaladuu dumiyaa.
12 Kii deriskiisa quudhsadaa waa caqli daranyahay,
Laakiinse ninkii garaadka lahu wuu iska aamusaa.
13 Kii sida mid xan badan u warwareegaa wuxuu daaha ka qaadaa waxyaalo qarsoon,
Laakiinse kii ruuxiisu aamin yahay xaalkuu qariyaa.
14 Markaanay talo jirin, dadku waa dhacaa,
Laakiinse taliyayaasha badnaantoodu waxay leedahay nabadgelyo.
15 Kii qof qalaad dammiintaa, xumaan buu ka helaa,
Laakiinse kii dammiinashada necebu ammaan buu u fadhiyaa.
16 Naag nimcaysan sharaf bay haysataa,
Oo niman xoog lahuna maal bay haystaan.
17 Ninkii naxariis badanu naftiisuu wanaag u sameeyaa,
Laakiinse kii aan naxariis lahaynu jidhkiisuu dhibaa.
18 Kan sharka lahu wuxuu shaqaystaa mushahaaro khiyaano miidhan ah,
Laakiinse kii xaqnimada beeraa wuxuu heli doonaa abaalgud la hubo.
19 Xaqnimadu waxay u kacdaa xagga nolosha,
Sidaas oo kalena kii sharka raacaa wuxuu u raacaa dhimashadiisa.
20 Kuwa qalbigoodu qalloocan yahay Rabbigu aad buu u karhaa;
Laakiinse kuwa jidkooda ku qumman wuu ku farxaa.
21 Waxaan aad idiinku xaqiijinayaa inaan kan sharka lahu taqsiirla'aan doonayn.
Laakiinse farcanka kuwa xaqa ah waa la samatabbixin doonaa.
22 Naag qurux badan oo aan digtoonaan lahaynu
Waa sida dahab gafuurka doofaarka ku jira.
23 Kuwa xaqa ah waxay doonayaan wanaag keliya,
Laakiinse kuwa sharka ah filashadoodu waa cadho.
24 Waxaa jira mid wax firdhiya, oo haddana sii korodhsada;
Oo waxaa jira mid ceshada wax ka sii badan in ku habboon, oo haddana sii caydhooba.
25 Qofkii deeqsi ah baa la barwaaqaysiin doonaa,
Oo kii wax waraabiyana, isna waa la waraabin doonaa.
26 Kii hadhuudh ceshada, dadka ayaa habaari doona,
Laakiinse kii iibiya, duco ayaa ku dhici doonta.
27 Kii wanaag aad u doonaa wuxuu doonayaa raallinimo,
Laakiinse kii xumaan doona, way u iman doontaa.
28 Kii maalkiisa isku halleeyaa wuu dhici doonaa,
Laakiinse kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida caleen cagaar ah.
29 Kii gurigiisa dhibaa dabayshu dhaxli doonaa,
Oo nacaskuna wuxuu midiidin u ahaan doonaa kan qalbigiisu caqliga leeyahay.
30 Kan xaqa ah midhihiisu waa geed nololeed,
Oo kii nafo soo hanuuniyaana caqli buu leeyahay.
31 Bal eega, kan xaqa ahu abaalkiisuu dhulka ku heli doonaa,
Haddaba immisa abaalgud oo ka sii badan bay heli doonaan kan sharka leh iyo dembiluhu.
12 Ku alla kii edbinta jecelu aqoon buu jecel yahay,
Laakiinse kii canaanta necebu waa doqon.
2 Rabbigu ninka wanaagsan raalli buu ka ahaan doonaa.
Laakiinse khaayinka wuu xukumi doonaa.
3 Ninna shar kuma dhismi doono,
Laakiinse kuwa xaqa ah xididkooda weligiis lama dhaqaajin doono.
4 Naagtii toolmoonu waxay ninkeeda u tahay taaj,
Laakiinse tii ceebalay ahu waa sida qudhun isaga lafaha kaga jira.
5 Kuwa xaqa ah fikirradoodu waa qumman yihiin,
Laakiinse kuwa sharka leh taladoodu waa khiyaano.
6 Kuwa sharka leh erayadoodu waa gabbasho ay u gabbadaan si ay dhiig u daadiyaan,
Laakiinse kuwa qumman afkooda ayaa samatabbixin doona.
7 Kuwa sharka leh waa la afgembiyaa, oo mar dambena lama arki doono,
Laakiinse kuwa xaqa ah gurigoodu waa sii taagnaan doonaa.
8 Nin waxaa loogu bogi doonaa sida xigmaddiisu tahay,
Laakiinse kii qalbigiisu qalloocan yahay waa la quudhsan doonaa.
9 Kii la fudaydsado oo midiidin lahu
Waa ka wanaagsan yahay kii isweyneeya oo cunto u baahan.
10 Nin xaq ahu waa u tudhaa neefkiisa,
Laakiinse kuwa sharka leh naxdintoodu waa naxariisla'aan oo keliya.
11 Kii dhulkiisa beertaa cunto badan buu ka dhergi doonaa,
Laakiinse kii waxmatarayaal raacaa waa garaad daranyahay.
12 Kan sharka lahu wuxuu damcaa dabinka xumaanfalayaasha,
Laakiinse xididka kuwa xaqa ahu midhuu dhalaa.
13 Kan sharka leh waxaa u dabin ah xadgudubka bushimihiisa,
Laakiinse kan xaqa ahu dhibaatada wuu ka bixi doonaa.
14 Nin wuxuu wanaag kaga dhergi doonaa midhaha afkiisa,
Oo nin walbana waxa gacmihiisu sameeyaan ayaa loo abaalgudi doonaa.
15 Nacaska jidkiisu waa la qumman yahay isaga,
Laakiinse kii caqli lahu taladuu maqlaa.
16 Nacaska xanaaqiisa haddiiba waa la gartaa,
Laakiinse ninkii miyir lahu ceebtuu qariyaa.
17 Kii runta ku hadlaa wuxuu muujiyaa xaqnimada,
Laakiinse markhaatiga beenta ahu wuxuu muujiyaa khiyaanada.
18 Waxaa jira mid u hadla sida seef wax mudaysa,
Laakiinse kan caqliga leh carrabkiisu waa caafimaad.
19 Bushintii runta sheegtaa weligeedba way sii taagnaan doontaa,
Laakiinse carrabkii beenta sheegaa daqiiqad buu joogaa.
20 Kuwa sharka ku fikira qalbigooda khiyaanaa ku jirta,
Laakiinse taliyayaasha nabaddu farxad bay leeyihiin.
21 Sharna kan xaqa ah ku dhici maayo,
Laakiinse kuwa sharka leh xumaan baa ka buuxsami doonta.
22 Bushimaha beenta sheega Rabbigu wuu karhaa.
Laakiinse kuwa runta ku shaqeeya wuu ku farxaa.
23 Ninkii miyir lahu aqoontuu qariyaa,
Laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu naadiyaa nacasnimo.
24 Kuwa dadaala gacantoodu wax bay xukumi doontaa,
Laakiinse caajisiinta hawl baa la saari doonaa.
25 Ninkii caloolxumo gashaa wuu soo gotaa,
Laakiinse eray wanaagsanu waa ka farxiyaa isaga.
26 Kan xaqa ahu deriskiisuu hanuuniyaa,
Laakiinse kuwa sharka leh jidkoodu wuu ambiyaa iyaga.
27 Ninkii caajis ahu ma dubto wuxuu soo ugaadhsaday,
Laakiinse ninkii dadaala maalkiisu waa qaali.
28 Jidka xaqnimada nolol baa taal;
Oo waddadeedana dhimasho kuma jirto.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya