Chronological
WACDIYAHII
Wax Walba Waa Wax Aan Micne Lahayn
1 Kuwanu waa erayadii wacdiyihii ahaa ina Daa'uud oo Yeruusaalem boqorka ku ahaa.
2 Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Waa wax aan waxba tarayn, waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waa wax aan waxba tarayn. 3 Bal maxaa faa'iido ah oo nin ka hela hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan? 4 Qarni baa taga, oo qarni kalena wuu yimaadaa, laakiinse dhulku weligiisba wuu waaraa. 5 Oo qorraxduna way soo baxdaa, oo haddana way dhacdaa, oo waxay ku degdegtaa meeshii ay ka soo baxdo. 6 Dabayshu waxay tagtaa xagga koonfureed, oo haddana waxay u soo rogmataa xagga woqooyi, oo had iyo goorba way wareegtaa, oo dabayshu waxay ku soo noqotaa wareeggeedii. 7 Webiyaasha oo dhammu waxay ku shubmaan badda, oo weli badduna ma buuxsanto, oo webiyaashu meeshii ay ku socdaan ayay haddana ku sii socdaan. 8 Wax kastaaba waa daal miidhan, dadku ma sheegi karo innaba. Ishu wax arag kama dheregto, dhegtuna waxmaqlid kama buuxsanto. 9 Wixii hore u jiri jiray waa waxa dibna u jiri doona, oo wixii la sameeyeyna waa waxa hadda ka dib la samayn doono, oo inta qorraxda ka hoosaysana wax cusub laguma arko. 10 Miyey jiraan wax la odhan karo, Bal eeg, waxanu waa cusub yihiine? Way jiri jireen tan iyo waayihii inaga horreeyey. 11 Waxyaalihii hore lama xusuusto, oo waxyaalaha iman doonana innaba laguma xusuusan doono kuwa dabadeed iman doona.
Xigmaddu Waa Wax Aan Micne Lahayn
12 Anigan wacdiyaha ahu boqor baan reer binu Israa'iil ugu ahaa Yeruusaalem. 13 Oo waxaan qalbigayga oo dhan u soo jeedshay inaan doono oo xigmad ku baadho waxyaalaha samada hoosteeda lagu sameeyo oo dhan. Dhibaatadan kulul ayaa Ilaah binu-aadmigu u siiyey inay ku hawshoodaan. 14 Shuqullada qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan waan arkay, oo bal eeg, dhammaantood waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale. 15 Wixii qalloocan lama toosin karo, oo wixii dhimmanna lama tirin karo. 16 Qalbigaygaan la hadlay, oo waxaan ku idhi, Bal eeg, anigu waxaan helay xigmad ka sii badan tii kuwii hortaydii Yeruusaalem u talin jiray oo dhan, oo qalbigaygu aad buu u arkay xigmad badan iyo aqoon dheer. 17 Waxaan qalbigayga siiyey inaan xigmad ogaado iyo inaan waalli iyo nacasnimo ogaado, oo waxaan gartay inay taasuna tahay dabagalka dabaysha oo kale. 18 Waayo, xigmaddii badan caloolxumo badan baa ku jirta, oo kii aqoon korodhsadaana murug buu sii korodhsadaa.
Raaxo Waa Wax Aan Micne Lahayn
2 Waxaan qalbiga iska idhi, Bal kaalay, waxaan kugu tijaabin doonaa farxad, haddaba bal iska raaxayso, oo bal eeg, taasuna waa wax aan waxba tarayne. 2 Qosol waxaan ka idhi, Waa waalli! Farxadna waxaan ka idhi, Bal maxay taraysaa? 3 Waxaan qalbigayga ka damcay inaan jidhkayga khamri ku istareexiyo intii qalbigaygu xigmad igu hoggaaminayo, iyo inaan nacasnimo xagsado jeeraan arko waxa binu-aadmiga ku wanaagsan inay cimrigooda oo dhan samada hoosteeda ku sameeyaan. 4 Waxaan samaystay shuqullo waaweyn, guryana waan dhistay, beero canab ahna waan beertay. 5 Waxaan samaystay beero iyo firdows, oo waxaan ku dhex beeray geed midho cayn kastaba leh. 6 Waxaan samaystay balliyo biya ah oo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo. 7 Waxaan soo iibsaday addoommo rag iyo dumarba ah, oo waxaan lahaa addoommo gurigayga ku dhashay, weliba waxaan lahaa hanti aad u badan oo ishkin iyo adhiba leh, oo waan ka sii hodansanaa kuwii Yeruusaalem iiga horreeyey oo dhan. 8 Oo weliba waxaan kaloo soo urursaday lacag, iyo dahab, iyo khasnado khaas ah oo ay boqorro iyo gobollo leeyihiin. Oo waxaan yeeshay niman ii gabya iyo naago ii gabya, iyo waxyaalaha ay binu-aadmigu ku farxaan iyo dumar badan. 9 Sidaasaan u weynaa oo uga maal badnaa kuwii Yeruusaalem iiga horreeyey oo dhan, oo weliba xigmaddaydiina way igu hadhay. 10 Oo wax kasta oo indhahaygu jeclaysteenna kama aan celin, oo qalbigaygana kama aan joojin farxad cayn kastoo ay tahayba, waayo, qalbigaygu wuu ku reyreeyey hawshaydii oo dhan, oo taasuna waxay ahayd qaybtii aan hawshaydii oo dhan ka helay. 11 Markaasaan fiiriyey shuqulladii ay gacmahaygu sameeyeen oo dhan, iyo hawshii aan ku hawshooday oo dhan, oo bal eeg, dhammaantood waxay ahaayeen wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale, oo innaba faa'iido laguma arag inta qorraxda ka hoosaysa.
Xigmad Iyo Nacasnimo Waa Wax Aan Micne Lahayn
12 Markaasaan u soo jeestay inaan xigmad iyo waalli iyo nacasnimoba fiiriyo, waayo, ninka boqorka ka dambeeya bal muxuu samayn karaa wixii hore loo sameeyey mooyaane? 13 Markaasaan gartay in xigmaddu ay ka sii fiican tahay nacasnimada, sida iftiinku uu gudcurka uga fiican yahay oo kale. 14 Ninkii xigmadda leh indhihiisu madaxiisay ku yaallaan, oo nacasku gudcur buu ku dhex socdaa, laakiinse waxaan gartay inuu isku wax dhammaantood ku dhoco. 15 Oo haddana waxaan qalbigayga iska idhi, Wixii nacaska ku dhaca anigana way igu dhici doonaan, haddaba bal maxaan uga xigmad badnaaday? Markaasaan qalbigayga iska idhi, Taasuna waa wax aan waxba tarayn. 16 Waayo, kan xigmadda leh lama xusuusto ilaa weligiis xataa sida aan nacaska loo xusuusan, maxaa yeelay, wakhtiga soo socda waxa haatan jooga oo dhan waa la wada illoobi doonaa. Oo bal kan xigmadda lahu wuxuu u dhintaa sida nacaska oo kale!
Hawl Waa Wax Aan Micne Lahayn
17 Sidaas daraaddeed nolosha waan nacay, maxaa yeelay, shuqulka qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhammu dhib buu ii ahaa, waayo, kulli waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha. 18 Wixii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo dhan waan nacay, maxaa yeelay, waa inaan uga tago ninka iga dambeeya. 19 Bal yaase yaqaan inuu ahaan doono nin xigmad leh amase nacas? Kolleyse isagaa u talin doona hawshaydii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo aan xigmad ku muujiyey oo dhan. Taasuna waa wax aan waxba tarayn. 20 Haddaba sidaas daraaddeed ayaan uga qalbi jabay wixii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo dhan. 21 Waayo, waxaa jira nin hawshiisa xigmad, iyo aqoon, iyo guul ku sameeya, oo haddana uga taga nin aan ku hawshoon. Taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo xaqdarro. 22 Bal maxaa nin ka helaa hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan iyo dabagalka qalbigiisaba? 23 Waayo, maalmihiisa oo dhammu waa u murug, dhibaatadiisuna waa u tiiraanyo, oo xataa habeenkii qalbigiisu ma nasto. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.
24 Nin inuu wax cuno oo wax cabbo oo uu hawshiisa si wanaagsan ugu raaxaysto wax uga roon lama arko, oo taasna waxaan arkay inay tahay wax gacanta Ilaah ka yimid. 25 Waayo, bal yaa wax cuni kara, yaase raaxaysan kara in iga badan? 26 Waayo, qofkii Ilaah ka farxiyo wuxuu siiyaa xigmad iyo aqoon iyo farxad, laakiinse dembilaha wuxuu siiyaa dhib inuu wax u ururiyo oo uu taallaysto si uu u siiyo kan Ilaah ka farxiya. Taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.
Wax Kasta Xilli Bay Leeyihiin
3 Wax kastaaba waxay leeyihiin wakhti u khaas ah, wax kasta oo samada ka hooseeyaaba waxay leeyihiin wakhti go'an. 2 Waxaa jira wakhti la dhasho, iyo wakhti la dhinto; wakhti wax la beero, iyo wakhti wixii la beeray la gurto; 3 wakhti wax la dilo, iyo wakhti wax la bogsiiyo; wakhti wax la dumiyo, iyo wakhti wax la dhiso; 4 wakhti la ooyo iyo wakhti la qoslo; wakhti la baroorto, iyo wakhti la cayaaro; 5 wakhti dhagaxyo la xooro, iyo wakhti dhagaxyo la soo ururiyo; wakhti laysku duubo, iyo wakhti iskuduubidda la daayo; 6 wakhti wax la doondoono, iyo wakhti wax la lumiyo; wakhti wax la sii haysto iyo wakhti wax la xooro; 7 wakhti wax la jeexjeexo, iyo wakhti wax la tolo; wakhti la aamuso iyo wakhti la hadlo; 8 wakhti wax la jeclaado iyo wakhti wax la necbaado; wakhti dagaaleed, iyo wakhti nabdeed. 9 Kii shaqeeyaa bal maxaa faa'iido ah oo uu ka helaa hawshiisa uu ku hawshoodo? 10 Dhibaatadii Ilaah binu-aadmiga u siiyey inay ku hawshoodaan ayaan arkay. 11 Wax kastuu ka dhigay inay wakhtigooda quruxsanaadaan, oo haddana daa'imnimadii ayuu qalbigooda ku beeray, hase ahaatee binu-aadmigu ma uu garto shuqulkii Ilaah sameeyey tan iyo bilowgii ilaa ugudambaysta. 12 Waan ogahay inaan binu-aadmigu lahayn wax uga wanaagsan inay iska farxaan oo ay cimrigooda oo dhan wanaag sameeyaan mooyaane. 13 Oo weliba waa hibo Ilaah in nin kastaaba wax cuno oo wax cabbo, oo uu wanaag ku istareexo intuu hawshoodo oo dhan. 14 Waxaan ogahay in wax kasta oo Ilaah sameeyaaba ay weligood sii raagayaan. Waxba laguma dari karo, waxbana lagama dhimi karo. Oo Ilaah wuxuu saas u yeelay in dadku ka cabsado. 15 Waxa haatan jiraa horeba way u jireen, oo waxa jiri doonaana horeba way u jireen, oo Ilaahna wuxuu doondoonaa wixii hore u dhaafay.
16 Weliba waxaan kaloo qorraxda hoosteeda ku arkay in meeshii garsooridda ay caddaaladdarro ku jirto, oo meeshii xaqnimadana ay xumaanu ku jirto. 17 Waxaan qalbigayga iska idhi, Ilaah baa u kala garsoori doona kan xaqa ah iyo kan sharka ah, waayo, wax kasta iyo shuqul kastaaba halkaasay wakhti ku leeyihiin. 18 Waxaan qalbigayga iska idhi, Waxaa Ilaah doonaya inuu binu-aadmiga u tijaabiyo inay ogaadaan inay xayawaan yihiin. 19 Waayo, wixii binu-aadmiga ku dhacaaba xayawaankana way ku dhacaan, oo xataa isku wax baa ku dhaca, oo sidii midkood u dhinto ayaa kan kalena u dhinta, oo weliba dhammaantood waxay leeyihiin isku neef, oo dadku xayawaanka waxba ma dheera, waayo, wax kastaaba waa wax aan waxba tarayn. 20 Kulli isku meel bay tagaan, oo kulligood ciiddaa laga abuuray, oo kulligoodna ciidday ku wada noqon doonaan. 21 Waayo, bal yaa yaqaan in dadka naftiisu ay kor tagto iyo in xayawaanka naftiisu ay dhulka hoos u tagto iyo in kale? 22 Haddaba sidaas daraaddeed waxaan ogaaday inaan dadka wax u dhaama la arag in nin kasta shuqulladiisa ku farxo mooyaane, waayo, taasu waa qaybtiisii, maxaa yeelay, bal yaa isaga dib u soo celinaya inuu arko waxa dabadiis ahaan doona?
Dulmi, Hawl, Iyo Saaxiibla'aannimo
4 Markaasaan mar kale soo fiirsaday waxyaalaha dulmiga ah ee qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, oo waxaan fiiriyey kuwa la dulmay ilmadoodii, oo mid u qalbi qabowjiyana ma ay lahayn. Kuwii iyaga dulmayay dhankooda xoog baa jiray, laakiinse iyagu qalbiqabowjiye ma ay lahayn. 2 Sidaas daraaddeed waxaan ammaanay kuwii dhintay in ka sii badan kuwa haatan jooga ee weli nool. 3 Oo weliba waxaa labadoodaba ka wanaagsan kan aan weli dhalan oo aan arag shuqulka sharka ah oo qorraxda hoosteeda lagu sameeyo.
4 Oo haddana waxaan arkay in hawl oo dhan iyo shuqul kasta oo lagu guulaystoba uu nin deriskiisu ugu hinaaso. Oo taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale. 5 Nacasku gacmihiisuu isku duudduubaa, oo wuxuu cunaa hilibkiisa. 6 Sacab muggiis oo xasilloonaan lagu helo ayaa ka wanaagsan laba sacab oo hawl iyo dabagalka dabaysha lagu helo.
7 Oo haddana waxaan qorraxda hoosteeda ku fiirsaday wax aan waxba tarayn. 8 Waxaa jira mid keligiis ah oo uusan mid labaadna wehelin, oo aan wiil iyo walaal toona lahayn. Hawshiisa oo dhammu dhammaad ma leh, oo indhihiisuna taajirnimo kama dhergaan. Oo wuxuu isku yidhaahdaa, Bal yaan u hawshoonayaa, yaanse naftayda waxyaalo wanwanaagsan ugu diidayaa? Taasuna waa wax aan waxba tarayn, waana dhib aad u xun. 9 Laba waa ka wanaagsan yihiin mid qudha, maxaa yeelay, abaalgud wanaagsan bay hawshooda ka helaan. 10 Waayo, hadday dhacaan, mid ba wadaygiis sare u qaadi doona, laakiinse waxaa iska hoogay kii markuu dhaco keligiis ah, oo aan lahayn mid kale oo sare u qaada. 11 Oo haddana haddii laba wada seexdaan way iskululeeyaan, laakiinse sidee baa mid keligiis ahu u kululaan karaa? 12 Oo hadduu nin ka adkaado mid keligiis ah kolley laba way hor joogsan doonaan. Xadhig saddex qaybood laysugu soohay dhaqso uma kala go'o.
Dallacaaddu Micne Ma Leh
13 Boqor nacas ah oo gaboobay oo aan innaba mar dambe talo qaadan waxaa ka wanaagsan barbaar miskiin ah oo xigmad leh. 14 Waayo, xabsi buu uga soo baxay inuu boqor noqdo, oo boqortooyadiisuu ku dhex dhashay isagoo miskiin ah. 15 Waxaan arkay inta nool ee qorraxda hoosteeda socota oo dhan iyagoo la jooga barbaarka meeshiisa istaagi doona. 16 Dadka uu isagu u taliyey oo dhammu dhammaad ma lahayn, laakiinse kuwa isaga ka daba iman doonaa kuma rayrayn doonaan isaga. Hubaal taasuna waa wax aan waxtar lahayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.
Ilaah Cabsi Ku Horjoog
5 Markaad guriga Ilaah tegaysid is-ilaali, waayo, inaad u dhowaatid si aad wax u maqashid way ka roon tahay inaad bixisid allabariga nacasyada oo kale, maxaa yeelay, iyagu ma oga inay wax shar ah samaynayaan. 2 Afkaaga ha ku degdegin, oo inaad Ilaah hortiisa wax kaga hadashid ha u dhaqsan, waayo, Ilaah samaduu joogaa, adna dhulkaad joogtaa, haddaba hadalkaagu ha yaraado. 3 Waayo, riyo waxay ka dhalataa hawl badan, oo nacaska codkiisana waxaa lagu gartaa hadalkiisa badan. 4 Markaad Ilaah nidar u nidartid waa inaadan inaad bixisid dib uga dhicin, waayo, isagu nacasyada kuma farxo ee wixii aad u nidartay bixi. 5 Inaad nidar gasho oo aadan bixin waxaa ka wanaagsan inaadan waxba nidrin. 6 Afkaaga ha u oggolaan inuu jidhkaaga dembaajiyo, oo malaa'igta horteedana ha ka odhan, Qalad bay ahaayeen. Bal maxaad Ilaah codkaaga ugu cadhaysiisaa si uu shuqulka gacmahaaga u baabbi'iyo? 7 Waayo, riyooyin iyo erayo fara badanba waxaa ku jira wax badan oo aan waxtar lahayn, laakiinse adigu Ilaah ka cabso.
Taajirnimadu Micne Ma Leh
8 Haddaad gobol ku aragtid masaakiin la dulmayo, iyo garsoorid iyo caddaalad si xoog leh loo qalloocinayo, waxaas ha la yaabin, waayo, kan sare mid ka sii sarreeya ayaa eegaya, oo weliba waxaa jira kuwa ka sii sarreeya iyaga. 9 Dhulka faa'iidadiisu kulli way ka dhexaysaa, waayo, boqorka qudhiisaba waxaa looga adeegaa beerta.
10 Kii lacag jecelu lacag kama dhergi doono, oo kii maal badan jeceluna faa'iido kama dhergi doono, taasuna waa wax aan waxba tarayn. 11 Markii maalku bato kuwa cunaana way sii bataan. Maalku bal muxuu kan leh u taraa inuu indhihiisa ku fiiriyo mooyaane? 12 Ninkii hawshooda hurdadiisu waa u macaan tahay, hadduu wax yar cuno iyo hadduu wax badan cunoba, laakiinse taajirka maalkiisa badanu hurdaduu u diidaa.
13 Waxaa jira wax shar ah oo aad u xun oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, waana maal badan oo uu kan lahu sii haysto oo uu waxyeello uun isu keeno. 14 Oo maalkaasu wax xun buu ku baabba'aa, oo kii lahaana wiil buu dhalay, laakiinse gacantiisa waxba kuma jiraan. 15 Siduu uurka hooyadiis uga soo baxay ayuu isagoo qaawan ku tegi doonaa, siduu hore ku yimid oo kale. Oo hawshiisa aawadeedna wax uu gacanta ku qaadan karo ma qaadan doono. 16 Oo weliba taasuna waa wax aad u xun inuu si kastaba ku tago siduu hore ku yimid oo kale; haddaba kan dabayl ku hawshooda bal maxaa faa'iido ah oo uu helayaa? 17 Oo weliba cimrigiisa oo dhan wuxuu ku cunaa gudcur, oo intaasna wuxuu ku jiraa murug, iyo cudur, iyo cadho.
18 Bal eeg, waxaan gartay inay wanaagsan tahay oo habboon tahay in qof wax cuno oo wax cabbo, iyo inuu hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan ku istareexo cimrigii Ilaah siiyey oo dhan, waayo, taasu waa qaybtiisa. 19 Oo weliba nin kasta oo Ilaah maal iyo hanti siiyey, oo haddana siiyey karti uu wax kaga cuno, oo uu kaga qayb qaato, iyo inuu hawshiisa ku reyreeyoba, taasu waa hibo Ilaah. 20 Waayo, isagu aad uma xusuusan doono wakhtigii uu noolaa, maxaa yeelay, Ilaah baa farxad qalbigiisa geliya.
6 Waxaa jira wax xun oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, taasuna waa wax dadka ku culus, 2 waana nin Ilaah siiyey maal, iyo hanti, iyo sharaf, oo wax alla wixii naftiisu jeceshahayna aan waxba ka dhinnayn, oo haddana Ilaah isaga aan siin karti uu wax kaga cuno, laakiinse uu shisheeye iska cuno. Taasu waa wax aan waxba tarayn iyo dhibaato xun. 3 Haddii nin boqol carruur ah dhalo, oo uu sannado badan noolaado si uu u cimri dheeraado, laakiinse ayan naftiisu wax wanaagsan ka dhergin, oo haddana aan la aasin, waxaan leeyahay, Kaas waxaa ka wanaagsan dhicis. 4 Waayo, dhicisku wax aan waxba tarayn ayuu u yimaadaa, gudcur buuna ku tagaa, oo magiciisana gudcur baa daboola. 5 Oo weliba qorraxda ma uu arag, mana garan, oo kaasu waa ka sii nasasho badan yahay kii kale. 6 In kastoo uu noolaado kun sannadood oo laba jibbaar ah, laakiinse uusan wax wanaagsan ku raaxaysan, sow kulliba isku meel lama wada tago? 7 Nin hawshiisa oo dhan waa u afkiisaa, laakiinse kama hamuun beelo. 8 Waayo, bal kii xigmad lahu maxaa faa'iido ah oo uu nacaska dheer yahay? Miskiinkii kuwa nool hortooda si loogu socdo yaqaanse, maxaa faa'iido ah oo uu leeyahay? 9 Damac iska wareega waxaa ka wanaagsan indhaha aragtiddooda, taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.
10 Nin waluba wuxuu yahayba waa horaa loo magacaabay, oo waa la garanayaa inuu binu-aadmi yahay, oo lamana uu diriri karo kan isaga ka xoog badan. 11 Waxaa jira waxyaalo badan oo sii kordhiya waxa aan waxba tarayn, bal maxaa faa'iido ah oo uu binu-aadmigu leeyahay? 12 Waayo, bal yaa garanaya waxa qof u wanaagsan intuu nool yahay oo ah maalmihii cimrigiisa aan waxba tarayn oo dhan ee uu sida hoos oo kale u dhaafiyo? Waayo, bal yaa nin u sheegi kara waxa qorraxda hoosteeda isaga dabadiis ahaan doona?
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya