Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Chronological

Read the Bible in the chronological order in which its stories and events occurred.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Maahmaahyadii 19-21

19 Miskiinka daacadnimadiisa ku socda ayaa ka wanaagsan
Nacaska bushimihiisu qalloocan yihiin.
Oo weliba in naftu aqoon la'aato ma wanaagsana,
Oo kii cagihiisu degdegaanna wuu ambadaa.
Nin nacasnimadiisu jidkiisay qalloocisaa,
Oo isagu qalbigiisa ayuu Rabbiga uga cadhoodaa.
Maalku wuxuu badiyaa saaxiibbo,
Laakiinse miskiinku saaxiibkiisa buu ka soocmaa.
Markhaatigii been ahu ma taqsiir la'aan doono,
Oo kii been ku hadlaana ma baxsan doono.
Kuwa badan ayaa deeqsiga raallinimo ka baryi doona,
Oo nin kastaaba waa u saaxiib kii hadiyado bixiya.
Miskiinka walaalihiis oo dhammu way neceb yihiin,
Haddaba saaxiibbadiisuna intee bay ka fogaan doonaan!
Isagu hadal buu kala daba tagaa iyaga, laakiinse way tageen.
Kii xigmadda helaa naftiisuu jecel yahay,
Oo kii waxgarashada xajistaana wax wanaagsan buu heli doonaa.
Markhaatigii been ahu ma taqsiir la'aan doono,
Oo kii been ku hadlaana wuu halligmi doonaa.
10 Nacaska raaxo uma eka,
Waxaana taas ka sii liita in addoon amiirro xukumo.
11 Nin miyirkiisu cadho buu ka celiyaa,
Oo waxaa isaga ammaan u ah inuu xadgudub dhaafo.
12 Boqorka cadhadiisu waa sida libaaxa cidiisa,
Laakiinse raallinimadiisu waa sida sayaxa cawska ku dega.
13 Wiilkii nacas ahu waa u belaayo aabbihiis,
Oo naag murammadeeduna waa sida dhibicyo aan kala go'in.
14 Hoy iyo hanti aabbayaashaa laga dhaxlaa,
Laakiinse afo miyir leh xagga Rabbigaa laga helaa.
15 Caajisnimo waxay keentaa hurdo weyn,
Oo qofkii caajis ahuna wuu gaajoon doonaa.
16 Kii amarka dhawraa naftiisuu dhawraa,
Laakiinse kii jidadkiisa fudaydsadaa wuu dhiman doonaa.
17 Kii miskiinka u naxaa Rabbiguu wax amaahiyaa,
Oo wanaaggii uu sameeyeyna wuu u celin doonaa.
18 Wiilkaaga edbi intay rajo jirto,
Laakiinse naftaada ha ku qasbin si uu u dhinto.
19 Ninkii cadho badan waa la taqsiiri doonaa,
Waayo, haddaad mar isaga samatabbixiso, haddana waa inaad mar kale sidii oo kale ku samaysaa.
20 Talada maqal, oo edbinta qaado,
Si aad ugu dambaystaada caqli u yeelatid.
21 Nin qalbigiisa waxaa ku jira hindisooyin badan,
Habase ahaatee waxaa taagnaan doonta talada Rabbiga.
22 Nin waxaa loo doonayaa waa raxmaddiisa,
Oo miskiinkuna waa ka wanaagsan yahay beenaalaha.
23 Kii Rabbiga ka cabsada waxaa loo kaxeeyaa xagga nolosha,
Wuuna sii dheregsanaan doonaa,
Oo sharna loo keeni maayo.
24 Ninkii caajis ahu wuxuu gacanta geliyaa xeedhada,
Oo mar dambe xagga afkiisa uma soo celiyo.
25 Kan wax quudhsada garaac, oo garaadlaawaha ayaa miyir yeelan doona,
Oo kii garasho leh canaano, oo isna aqoon buu sii korodhsan doonaa.
26 Kii aabbihiis kharriba, hooyadiisna erya,
Waa wiil ceeb keena oo cay soo jiida.
27 Wiilkaygiiyow ka joogso in markaad edbinta maqashid
Aad dabadeed hadalka aqoonta ka ambatid.
28 Markhaatigii waxmatare ahu gartuu quudhsadaa,
Oo kan sharka leh afkiisuna wuxuu liqaa xumaan.
29 Kuwa wax quudhsada waxaa loo diyaariyey xukunno,
Oo dhabarka nacasyadana waxaa loo diyaariyey karbaash.

20 Khamri waa dadquudhsade, waxa lagu sakhraamona waa qaylokiciye,
Oo ku alla kii ku qaldamaana caqli ma laha.
Boqorka cabsigeliddiisu waa sida libaaxa cidiisa,
Oo ku alla kii ka xanaajiyaa, naftiisuu ku dembaabaa.
Nin inuu dirir ka joogsado waa u sharaf,
Laakiinse nacas waluba wuu ilaaqtamaa.
Kii caajis ahu qabowga aawadiis beer ma jeexo,
Oo sidaas daraaddeed wakhtiga beergooyska wuu baryootami doonaa, oo waxba ma heli doono.
Talada dadka qalbigiisa ku jirtaa waa sida biyo gun dheer,
Laakiinse ninkii garasho leh ayaa ka soo dhaansan doona.
Dadka intooda badanu waxay naadiyaan raxmaddooda,
Laakiinse nin aamin ah bal yaa heli kara?
Ninka xaqa ah oo daacadnimadiisa ku socda,
Carruurtiisu way barakaysnaadaan isaga dabadiis.
Boqorkii carshiga garsooridda ku fadhiyaa
Indhihiisuu sharka oo dhan ku kala firdhiyaa.
Bal yaa odhan kara, Qalbigayga waan nadiifiyey,
Oo dembigayga waan ka daahirsanahay?
10 Miisaanno kala cayn ah iyo qiyaaso kala cayn ah,
Labaduba Rabbiga waa u karaahiyo.
11 Xataa ilmo yar waxaa lagu yaqaan falimihiisa,
Inuu shuqulkiisu daahir yahay iyo inuu hagaagsan yahayba.
12 Dhegta wax maqasha iyo isha wax aragtaba,
Labadaba Rabbigaa sameeyey.
13 Hurdo ha jeclaan, waaba intaas oo aad caydhowdaaye.
Indhaha kala qaad, oo cuntaad ka dhergi doontaa.
14 Kan wax iibsadaa wuxuu yidhaahdaa, Waa xun yahay, waa xun yahay,
Laakiinse markuu tago ayuu faanaa.
15 Waxaa jira dahab iyo luul badan,
Laakiinse bushimihii aqoon lahu waa jawharad qaali ah.
16 Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad,
Oo markuu shisheeyayaal dammiinto, isaga rahmad ahaan u hay.
17 Cuntadii khiyaano lagu helaa dadka way u macaan tahay,
Laakiinse dabadeed afkiisa waxaa ka buuxsami doona quruurux.
18 Qasdi kasta waxaa lagu taagaa talo,
Oo waano wanaagsan ku dagaallan.
19 Kii sida mid xan badan u warwareegaa wuxuu daaha ka qaadaa waxyaalo qarsoon,
Haddaba sidaas daraaddeed kii bushimihiisa kala qaada ha ku darsamin.
20 Kii aabbihiis ama hooyadiis caaya,
Laambaddiisa waxaa lagu bakhtiin doonaa gudcur dam ah.
21 Dhaxalkii markii hore degdeg lagu helay,
Ugu dambaysta ma barakoobi doono.
22 Ha odhan, Shar baan ka abaalgudayaa.
Rabbiga sug, oo isna wuu ku badbaadin doonaa.
23 Miisaanno kala cayn ahu Rabbiga waa u karaahiyo,
Oo kafaddii khiyaano ahuna ma wanaagsana.
24 Nin socodkiisu waa xagga Rabbiga,
Haddaba sidaas daraaddeed dad sidee buu jidkiisa u garan karaa?
25 Waa u dabin nin inuu nacasnimo ku yidhaahdo, Waa quduus,
Oo uu dabadeed u nidraa inuu wax weyddiiyo.
26 Boqorkii caqli lahu kuwa sharka leh wuu hufaa,
Oo wuxuu dushooda marsiiyaa giringirta.
27 Dadka ruuxiisu waa laambaddii Rabbiga,
Oo wuxuu baadhaa caloosha meelaha ugu hooseeya oo dhan.
28 Naxariista iyo runtu boqorkay ilaaliyaan,
Oo carshigiisuna wuxuu ku taagnaadaa naxariis.
29 Dhallinyarada xooggoodu waa ammaantooda,
Oo cirrada odayaashuna waa quruxdooda.
30 Garaaciddii nabro yeeshaa waxay dadka ka nadiifisaa sharka,
Oo dilidda karbaashkuna sidaas oo kalay u gashaa caloosha meelaha ugu hooseeya.

21 Boqorka qalbigiisu wuxuu ku jiraa gacanta Rabbiga sida webiyada biyaha ah,
Oo wuxuu u leexiyaa meel alla meeshuu doonayo.
Nin jidkiis waluba waa la qumman yahay isaga,
Laakiinse Rabbigu qalbiyaduu miisaamaa.
Waxaa Rabbigu allabari ka sii jecel yahay
In xaqnimo iyo gar la sameeyo.
Indho qab weyn iyo qalbi kibirsan,
Kuwaas oo ah kuwa sharka leh laambaddoodu waa dembi.
Kuwa dadaala fikirradoodu waxay u geeyaan barwaaqo.
Laakiinse ku alla kii degdeg badanu wuxuu u degdegaa inuu wax u baahdo oo keliya.
Khasnadihii carrab been badan lagu helaa waa sida ceeryaamo hor iyo dib loo kaxeeyey,
Oo kuwa doondoontaana dhimashay doonaan.
Kuwa sharka leh dhacoodu iyaguu baabbi'in doonaa,
Maxaa yeelay, iyagu waxay diidaan inay gar sameeyaan.
Ninkii eed badan qaba jidkiisu aad buu u qalloocan yahay,
Laakiinse kii daahirsan shuqulkiisu waa hagaagsan yahay.
In guriga dushiisa dhinac laga joogo ayaa ka roon
In guri weyn naag muran badan lala joogo.
10 Kii shar leh naftiisu xumaan bay doonaysaa,
Oo deriskiisuna raallinimo kama helo hortiisa.
11 Markii mid wax quudhsada la taqsiiro, garaadlaawahu wuu caqliyaystaa,
Oo kii caqli leh marka la edbiyona aqoon buu helaa.
12 Kii xaq ahu wuxuu ka fikiraa kii shar leh gurigiisa,
Iyo sida kuwa sharka leh loogu afgembiyo sharnimadooda daraaddeed.
13 Kii dhegihiisa u fureeyaa si aanu qaylada miskiinka u maqlin,
Isaga qudhiisuna wuu qaylin doonaa, laakiinse lama maqli doono.
14 Hadiyaddii qarsoodi lagu bixiyaa xanaaqay qabowjisaa,
Oo laaluushkii laabta laysu geliyaana cadho kulul buu qabowjiyaa.
15 Kii xaq ahu inuu gar sameeyo waa u farxad,
Laakiinse kuwa xumaanta ka shaqeeya waa u baabba'.
16 Ninkii jidka waxgarashada ka habaabaa
Wuxuu la joogi doonaa ururka kuwii dhintay.
17 Kii raaxaysi jecelu miskiin buu ahaan doonaa,
Oo kii khamri iyo saliid jeceluna taajir ma noqon doono.
18 Kii shar lahu wuxuu furasho u noqon doonaa kii xaq ah,
Khaayinkuna wuxuu furasho u noqon doonaa kii qumman.
19 In lamadegaanka la joogo ayaa ka roon
In naag muran iyo cadho badan lala joogo.
20 Khasnad qaali ah iyo saliid baa ku jira kan caqliga leh gurigiisa,
Laakiinse nacasku wixiisa wuu wada liqaa.
21 Kii xaqnimo iyo naxariis raacaa
Wuxuu helaa nolol iyo xaqnimo iyo sharaf.
22 Kii caqli lahu kor buu ugu baxaa magaalada kuwa xoogga badan derbigeeda,
Oo weliba xoogga ay isku hallaynayaan oo dhan ayuu hoos u ridaa.
23 Ku alla kii afkiisa iyo carrabkiisa dhawraa
Naftiisuu dhibaatooyin ka dhawraa.
24 Ninkii kibirsan ee qab weyn waxaa magiciisa la yidhaahdaa quudhsade,
Oo wuxuu ku shaqeeyaa cadhada kibirka.
25 Ninkii caajis ah waxaa dila damaciisa,
Waayo, gacmihiisu waxay diidaan inay hawshoodaan.
26 Waxaa jira kuwo maalinta oo dhan si hunguri weyn wax u damca,
Laakiinse kii xaq ahu wax buu bixiyaa oo ma ceshado.
27 Ka sharka leh allabarigiisu waa karaahiyo,
Oo markuu niyo xun ku bixiyona way ka sii daran tahay!
28 Markhaatifuraha beenta ahu waa baabbi'i doonaa,
Laakiinse ninkii wax maqla hadalkiisu waa raagi doonaa.
29 Ninkii shar lahu wejigiisuu adkeeyaa,
Laakiinse kii qummanu jidadkiisuu u fiirsadaa.
30 Ma jirto xigmad ama waxgarasho
Ama talo Rabbiga ka gees ah.
31 Faraska waxaa loo diyaariyaa maalinta dagaalka,
Laakiinse guusha waxaa leh Rabbiga.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya