Chronological
16 Qalbiga qasdiyadiisa dadkaa leh,
Laakiinse carrabka jawaabtiisu xagga Rabbigay ka timaadaa.
2 Nin jidadkiisa oo dhammu waa la nadiifsan yihiin isaga,
Laakiinse Rabbigu ruuxyaduu miisaamaa.
3 Shuqulladaada Rabbiga ku aamin,
Oo fikirradaaduna way taagnaan doonaan.
4 Rabbigu wax kastuu isu abuuray,
Haah, oo xataa ka sharka leh wuxuu u abuuray maalinta sharkaa.
5 Ku alla kii qalbiga ka kibirsanu Rabbiga waa u karaahiyo,
Waxaan aad idiin ku xaqiijinayaa inaan isagu taqsiir la'aan doonayn.
6 Waxaa dembiga lagu kafaaraggudaa naxariis iyo run,
Oo dadkuna waxay sharka kaga fogaadaan Rabbiga ka cabsashadiisa.
7 Markii Rabbigu ku farxo nin jidadkiis,
Wuxuu nabad dhex dhigaa isaga iyo xataa cadaawayaashiisa.
8 Wax yar oo xaqnimo la jirto
Ayaa ka wanaagsan wax badan oo kordha oo xaqdarro la jirto.
9 Nin walba qalbigiisaa jidkiisa u fiirsada,
Laakiinse Rabbigaa tallaabooyinkiisa toosiya.
10 Xukunka Rabbigu wuxuu ku jiraa bushimaha boqorka,
Afkiisuna kuma xadgudbo garsooridda.
11 Miisaankii iyo kafadihii xaq ah Rabbigaa leh,
Dhagaxyada miisaanka oo kiishka ku jira oo dhammuna waa shuqulkiisa.
12 Waa u karaahiyo boqorrada inay xumaan falaan.
Waayo, carshigu xaqnimuu ku dhismaa.
13 Boqorradu bushimaha xaqa ah way ku farxaan,
Oo kii si qumman u hadlana way jecel yihiin.
14 Boqor cadhadiisu waa sida warqaadayaal geeriyeed,
Laakiinse nin caqli leh ayaa qaboojin doona.
15 Nuurka wejiga boqorka nolol baa ku jirta,
Oo raallinimadiisuna waa sida daruurta roobka dambe.
16 In xigmad la helaa intee bay ka sii wanaagsan tahay in dahab la helo!
In waxgarasho la helaana waa laga doortaa in lacag la helo.
17 Kuwa qumman jidkoodu waa inay sharka ka leexdaan,
Kii jidkiisa dhawraa naftiisuu ilaaliyaa.
18 Kibirku wuxuu hor socdaa baabba',
Oo madaxweynaanuna waxay hor socotaa dhicid.
19 In kuwa kibirsan booli lala qaybsado
Waxaa ka sii wanaagsan in kuwa hooseeya laysla sii hoosaysiiyo.
20 Kii hadalka dhegaystaa wax wanaagsan buu heli doonaa,
Oo ku alla kii Rabbiga aaminaana waa barakaysan yahay.
21 Kii qalbigiisu caqli leeyahay waxaa loogu yeedhi doonaa mid miyir leh,
Oo bushimaha macaankooduna waxbarashuu kordhiyaa.
22 Waxgarashadu waa u il nololeed kii haysta,
Laakiinse edbinta nacasyadu waa nacasnimo.
23 Kii caqli leh qalbigiisu afkiisuu wax baraa,
Oo waxbarashuu bushimihiisa u kordhiyaa.
24 Hadalkii wacanu waa sida awlallo shinniyeed oo kale,
Nafta wuu u macaan yahay, oo lafahana waa u caafimaad.
25 Waxaa jirta waddo dadka la qumman,
Laakiinse dhammaadkeedu waa jidadkii dhimashada.
26 Kii hawshooda gaajadiisuu u hawshoodaa,
Waayo, afkiisaa qasba isaga.
27 Ninkii waxmatare ahu xumaan buu qodqodaa,
Oo bushimihiisana waxaa ku jira dab wax gubaya.
28 Ninkii qalloocanu muran buu beeraa,
Oo kii xan badanuna wuxuu kala kaxeeyaa saaxiibbo.
29 Ninka wax dulmaa deriskiisuu sasabtaa,
Oo wuxuu u kaxeeyaa jid aan wanaagsanayn.
30 Kii indhaha isugu qabta inuu wax qalloocan hindiso,
Oo bushimihiisa qaniinaa, shar buu soo wadaa.
31 Madaxa cirro lahu waa taaj sharfeed
Haddii laga helo jidka xaqnimada.
32 Kii cadhada u gaabiyaa waa ka wanaagsan yahay kii xoog badan,
Oo kii ruuxiisa xukumaana waa ka wanaagsan yahay kii magaalo qabsada.
33 Saamiga waxaa lagu tuuraa dhabta,
Laakiinse go'aankiisa oo dhan Rabbigaa leh.
17 Wuxoogaa cunto qallalan ah oo xasilloonaanu la jirto
Ayaa ka wanaagsan guri hilib allabari ka buuxo oo diriru la jirto.
2 Addoonkii caqli lahu wuxuu xukumi doonaa wiilkii ceeb soo jiida,
Oo walaalaha ayuu la dhaxal geli doonaa.
3 Weelka lacagta lagu safeeyo lacagtaa iska leh, oo foornadana dahabkaa iska leh,
Laakiinse Rabbigu qalbiyaduu imtixaamaa.
4 Xumaanfaluhu wuxuu maqlaa bushimaha shar leh,
Oo beenaaluhuna wuxuu dhegaystaa carrabka xun.
5 Ku alla kii miskiinka ku majaajiloodaa wuxuu caayaa Kan sameeyey,
Kii belaayooyin ku farxaana ma taqsiir la'aan doono.
6 Odayaasha waxaa taaj u ah carruurta carruurtooda,
Oo sharafta carruurtuna waa aabbayaashood.
7 Hadalkii weynu nacas uma eka,
Sidaas oo kalena bushimihii been sheegaa amiir uma eka.
8 Hadiyaddu waxay kii haysta la tahay sida dhagax qaali ah,
Oo meel alla meeshay u leexataba way ku barwaaqowdaa.
9 Kii xadgudub qariyaa jacayl buu doondoonaa,
Laakiinse kii xaal ku noqnoqdaa saaxiibbuu kala kaxeeyaa.
10 Canaantu waxay ninkii garasho leh u tartaa
In ka badan boqol jeedal oo nacas lagu dhuftay ay u taraan.
11 Ninkii shar lahu wuxuu doondoonaa caasinimo keliya,
Sidaas daraaddeed waxaa isaga lagu diri doonaa farriingeeye aan naxariis lahayn.
12 Nin ha la kulmo orso dhasheeda laga xaday,
Intuu nacas nacasnimo samaynaya la kulmi lahaa.
13 Ku alla kii wanaag xumaan ku celiyaa,
Gurigiisa xumaanu ka fogaan mayso.
14 Muranka bilowgiisu waa sida biyo la soo faruuray.
Haddaba isqabashada iska daa intaan lays ilaaqin.
15 Kii kan sharka leh xaq ka dhiga, iyo kii kan xaqa ah gardarro ku xukuma,
Labadaba Rabbigu aad buu u karhaa.
16 Lacagta nacaska gacantiisa ku jirtaa bal maxay u tartaa inuu xigmad ku soo iibsado,
Waayo, isagu garasho ma leh?
17 Had iyo goor saaxiibba saaxiibkii wuu jecel yahay,
Walaalna wuxuu u dhashay dhibaato.
18 Ninkii garaaddaranu gacan buu dhaar ugu dhiibaa,
Oo wuxuu dammiin ku noqdaa deriskiisa hortiisa.
19 Kii xadgudub jecelu muran buu jecel yahay,
Oo kii iriddiisa sarraysiiyaana wuxuu doondoontaa baabba'.
20 Kii qalbi qalloocan lahu wanaag ma helo,
Oo kii carrab maroorsan lahuna wuxuu ku dhex dhacaa belaayo.
21 Kii nacas dhalaa murugtiisuu u dhalaa,
Oo nacas aabbihiisna farxad ma leh.
22 Qalbigii faraxsanu waa dawo wanaagsan,
Laakiinse qalbigii jabanu lafahuu engejiyaa.
23 Ninkii shar lahu laabtuu laaluush ka qaataa,
Si uu jidadka garta u qalloociyo.
24 Xigmaddu waxay hor joogtaa kii garasho leh;
Laakiinse nacaska indhihiisu waxay eegaan dhulka darafkiisa.
25 Wiilkii nacas ahu waa u murug aabbihiis,
Waana u qadhaadh tii dashay.
26 Weliba ma wanaagsana in kii xaq ah la taqsiiro,
Ama in kuwa sharafka leh qummanaantooda aawadeed wax loogu dhufto.
27 Kii hadalkiisa yareeyaa, aqoon buu leeyahay,
Oo kii qalbigiisu qabow yahayna waa nin garasho leh.
28 Xataa nacasku markuu iska aamusan yahay waxaa loo yaqaan mid caqli leh,
Kii bushimihiisa isku qabtana nin miyir leh.
18 Kii gooni isu soocaa, wuxuu doondoonaa damaciisa,
Oo xigmadda oo dhanna wuu ku kacaa.
2 Nacasku waxgarashada kuma farxo,
Laakiinse wuxuu ku farxaa uun inuu waxa qalbigiisa ku jira muujiyo.
3 Markii kii shar lahu yimaado waxaa kaloo timaada quudhsasho,
Sharafla'aantana waxaa la timaada ceeb.
4 Nin afkiis erayada ku jiraa waa sida biyo gun dheer,
Oo isha xigmadduna waa sida durdur socda.
5 Ma wanaagsana in kan sharka leh loo eexdo,
Ama in kan xaqa ah garta lagu afgembiyo.
6 Nacaska bushimihiisu waxay keenaan muran,
Oo afkiisuna wuxuu u yeedhaa karbaash.
7 Nacaska afkiisu waa u baabba',
Oo bushimihiisuna naftiisay dabin u noqdaan.
8 Kii xan badan erayadiisu waa sida cunto macaan,
Oo waxay ku degaan meelaha caloosha ugu hooseeya.
9 Kii shuqulkiisa caajis ku ahu,
Wuxuu walaal u yahay kii wax kharriba.
10 Rabbiga magiciisu waa noobiyad xoog leh,
Kii xaq ahu iyaduu ku cararaa, meel sarena wuu ku nabad galaa.
11 Ninkii taajir ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh,
Oo waa u derbi dheer sida ay la tahay isaga.
12 Dadka qalbigiisu waa kibraa intaanu baabbi'in ka hor,
Oo sharaftana waxaa ka horraysa is-hoosaysiinta.
13 Kii xaajo ka jawaabaa isagoo aan maqlin,
Waa u nacasnimo iyo ceeb.
14 Nin qalbigiisu waa u adkaysan karaa cudurkiisa,
Laakiinse qalbi jaban bal yaa u dulqaadan kara?
15 Kii miyir leh qalbigiisu wuxuu helaa aqoon,
Oo kuwa caqliga leh dhegtooduna waxay doondoontaa aqoon.
16 Nin hadiyaddiisu meel bay u bannaysaa.
Oo waxay isaga hor keentaa rag waaweyn.
17 Kii dacwaddiisa u hor mara, mid xaq ah baa la moodaa,
Laakiinse deriskiisaa ka daba yimaada oo imtixaama isaga.
18 Saamigu wuxuu joojiyaa murammo,
Oo wuxuu kala kaxeeyaa kuwa xoogga badan.
19 In walaal la xumeeyey la soo celiyo waa ka sii adag tahay in magaalo xoog leh la qabsado,
Oo murammona waa ka xoog badan yihiin qalcad biraheeda.
20 Nin calooshiisu waxay ka buuxsami doontaa midhaha afkiisa,
Oo wuxuu isagu ka dhergi doonaa waxa bushimihiisa u kordha.
21 Geeri iyo nololuba waxay ku jiraan itaalka carrabka,
Oo kuwa jeceluna waxay cuni doonaan midhihiisa.
22 Ku alla kii afo helaa wuxuu helaa wax wanaagsan,
Oo Rabbigana raallinimuu ka helaa.
23 Miskiinku baryootan buu ku hadlaa,
Laakiinse taajirku si qallafsan buu ugu jawaabaa.
24 Ninkii saaxiibbo badsadaa naftiisuu kharribaa,
Laakiin waxaa jira saaxiib walaalkaa kaaga dhow.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya