Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha.
49 Dadyowga oo dhammow, bal tan maqla,
Dunida kuwiinna degganow, kulligiin dhegta u dhiga,
2 Kuwiinna hoose iyo kuwiinna sare,
Taajirrada iyo masaakiintoy, dhammaantiin wada maqla.
3 Afkaygu wuxuu ku hadli doonaa xigmad,
Qalbigayguna wuxuu ka fikiri doonaa waxgarasho.
4 Dhegtayda waxaan u dhigi doonaa masaal,
Xujadaydana waxaan ku muujin doonaa kataaradda.
5 Haddaba bal maxaan u cabsanayaa wakhtiga shar jiro,
Markii xumaanu cedhbahayga ku wareegsanto?
6 Kuwa maalkooda isku halleeya,
Oo ku faana hodantinimadooda faraha badan,
7 Midkoodna walaalkiis ma furan karo,
Daraaddiisna Ilaah madaxfurasho uma siin karo,
8 (Waayo, furashada naftoodu waa qaali aad iyo aad,
Kumana filna weligeedba,)
9 Inuu isagu weligiis sii noolaado,
Oo aanu halligaad arkin weligiis.
10 Waayo, isagu wuxuu arkaa inay dadka xigmadda lahu wada dhintaan,
Iyo in nacasyada iyo doqonnaduba ay wada baabba'aan,
Oo ay maalkooda kuwa kale uga tagaan.
11 Waxay ismoodsiiyaan inay guryahoodu weligoodba sii jirayaan,
Iyo in meelaha rugtooda ahu ay sii raagayaan tan iyo qarniyada oo dhan,
Oo dhulalkoodana way isku magacaabaan.
12 Laakiinse binu-aadmigu sharaf kuma waaro,
Wuxuu la mid yahay sida xayawaanka iska baabba'a.
23 Markaad u fadhiisatid inaad taliye wax la cuntid,
Aad uga fiirso waxa hortaada yaal,
2 Oo mindi cunaha iska saar
Haddaad tahay nin hunguri weyn.
3 Cuntadiisa macaan ha damcin,
Waayo, waa cunto khiyaaneed.
4 Ha isku daalin si aad taajir ku noqotid.
Oo xigmaddaadana ka joogso.
5 Ma waxaad indhaha ku dayaysaa wax aan jirin?
Waayo, hubaal maalku wuxuu yeeshaa baalal,
Sida gorgor samada u duula oo kale.
6 Kan isha sharka leh kibistiisa ha cunin,
Cuntadiisa macaanna ha damcin,
7 Waayo, isagu waxaa weeye siduu qalbiga kaga fikiro;
Wuxuu kugu leeyahay, Cun oo cab,
Laakiinse qalbigiisu kulama jiro.
8 Wixii aad cuntay waad soo mantagi doontaa,
Oo erayadaadii macaanaana way kaa lumi doonaan.
9 Nacas waxba ha kula hadlin,
Waayo, isagu xigmadda hadalkaaga wuu quudhsan doonaa.
10 Soohdintii hore ha durkin,
Beeraha agoommadana ha dhex gelin,
11 Waayo, bixiyahoodu waa xoog badan yahay;
Oo isaga ayaa dacwadooda kugu qaadi doona.
33 Mool dheeraa hodantinimada iyo xigmadda iyo aqoonta Ilaah! Xukummadiisa lama baadhi karo, jidadkiisana lama raadin karo! 34 Waayo, bal yaa soo ogaaday maanka Rabbiga? Bal yaase lataliyihiisii noqday? 35 Yaase awil wax siiyey oo loo abaalgudi doonaa? 36 Waayo, wax waluba isagay ka yimaadeen oo ku yimaadeen oo u yimaadeen aawadiis. Ammaanta isagaa leh weligiis. Aamiin.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya