Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 66:1-9

Kanu waa sabuur gabay ah oo loo tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

66 Dadka dhulka oo dhammow, Ilaah farxad ugu qayliya,
Oo ammaanta magiciisa ku gabya,
Ammaantiisana qurxiya.
Ilaah waxaad ku tidhaahdaan, Shuqulladaadu cabsi badanaa!
Weynaanta xooggaaga aawadiis ayaa cadaawayaashaadu isugu kaa dhiibi doonaan.
Dadka dhulka oo dhammu adigay ku caabudi doonaan,
Wayna kuu gabyi doonaan,
Magacaagay u gabyi doonaan. (Selaah)
Bal kaalaya, oo arka shuqullada Ilaah,
Xagga binu-aadmiga wuxuu ku sameeyey waa cabsi badan yihiin.
Wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan,
Oo iyagu webiga dhexdiisa waxay ku mareen lug,
Oo halkaasaan isaga ku rayraynay.
Isagu weligiisba wuxuu ku taliyaa xooggiisa,
Oo indhihiisuna waxay fiiriyaan quruumaha,
Haddaba caasiyiintu yaanay kor isu qaadin. (Selaah)
Dadyahow, Ilaaheenna ammaana,
Oo codka ammaantiisa ha la maqlo,
Kaasoo nafteenna nolol ku haya,
Oo cagaheennana aan u oggolayn in la dhaqdhaqaajiyo.

Boqorradii Labaad 21:1-15

Manaseh, Boqorkii Yahuudah

21 Oo Manaseh markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo toban sannadood; oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ka ahaa shan iyo konton sannadood, oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Xefsiibaah. Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, sidii karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda. Waayo, wuxuu mar kale dhisay meelihii sarsare ee aabbihiis Xisqiyaah baabbi'iyey, oo Bacalna meelo allabari buu u dhisay, oo geedo Asheeraahna wuu sameeyey siduu yeelay Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo wuxuu caabuday oo u wada adeegay ciidanka samada oo dhan. Oo wuxuu meelo allabari ka dhex dhisay gurigii Rabbiga, kaasoo Rabbigu ka hadlay oo yidhi, Magacayga waxaan dhigayaa Yeruusaalem dhexdeeda. Oo wuxuu ciidanka samada oo dhan meelo allabari uga dhisay labadii barxadood oo gurigii Rabbiga. Oo wiilkiisiina dab buu dhex mariyey, faalna wuu ku noqnoqday, wuxuuna u tegey falanfallowyo, wuuna la macaamilooday kuwii ruuxaanta lahaa iyo saaxiriintii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa ku sameeyey shar badan oo uu isaga kaga xanaajiyey. Oo sanamkii xardhanaa ee geedihii Asheeraah ee uu sameeyey ayuu dhex qotomiyey gurigii Rabbigu ka hadlay oo Daa'uud iyo wiilkiisii Sulaymaanba ku yidhi, Gurigan iyo Yeruusaalem dhexdeeda oo aan ka doortay qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ayaan magacayga weligiisba ku dayn doonaa. Oo cagaha reer binu Israa'iilna mar dambe ka dhigi maayo kuwo ka wareega dalkii aan awowayaashood siiyey, hadday dhawraan uun wixii aan ku amray oo dhan, iyo sharcigii addoonkaygii Muuse ku amray oo dhan. Laakiinse way dhegaysan waayeen, oo Manaseh ayaa iyagii ku sasabay inay sameeyaan shar ka sii badan kii ay sameeyeen quruumihii Rabbigu ku hor baabbi'iyey reer binu Israa'iil. 10 Markaasaa Rabbigu ka dhex hadlay nebiyadii addoommadiisa ahaa, oo yidhi, 11 Manaseh oo ah boqorka dalka Yahuudah ayaa sameeyey karaahiyadan, wuuna sameeyey shar ka sii badan kii reer Amorkii isaga ka horreeyey ay sameeyeen, oo dadka Yahuudahna wuxuu ku dembaajiyey sanamyadiisii, 12 oo sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, belaayo weyn baan ku soo ridi doonaa Yeruusaalem iyo dalka Yahuudahba, si ku alla kii maqlaaba uu u argaggaxo. 13 Oo Yeruusaalem korkeeda waxaan ku soo fidin doonaa xadhiggii Samaariya iyo xadhiggii miisaanka lahaa ee gurigii Axaab; oo Yeruusaalem waxaan u tirtiri doonaa siduu nin saxan u tirtiro oo kale, isagoo tirtira oo gembiya. 14 Oo waan xoorayaa kuwa dhaxalkayga ka hadha, oo waxaan u gacangelinayaa cadaawayaashooda, oo iyana waxay cadaawayaashooda oo dhan u noqon doonaan dhac iyo wax la boobo; 15 maxaa yeelay, wax shar ah ayay hortayda ku samayn jireen oo way iga xanaajin jireen tan iyo maalintii awowayaashood ay Masar ka soo baxeen ilaa maantadan.

Rooma 7:14-25

Dadka Labadiisa Dabci

14 Waayo, waxaynu og nahay in sharcigu ku saabsan yahay ruuxa, laakiinse anigu waxaan ahay mid jidhka raaca oo lagu iibiyey dembiga hoostiisa. 15 Waayo, waxaan samaynayo garan maayo, maxaa yeelay, ma sameeyo wixii aan doonayo, laakiin waxaan sameeyaa wixii aan necbahay. 16 Laakiin haddaan sameeyo waxa aanan doonayn, de markaas waxaan gartay in sharcigu wanaagsan yahay. 17 Haddabase haatan ma aha aniga kan waxaas sameeyaa, laakiinse waa dembiga igu dhex jira. 18 Waayo, waan ogahay inaan wax wanaagsanu igu dhex jirin, taas waxaan ula jeedaa, jidhkayga wax wanaagsanu kuma jiraan, waayo, waan ku talo jiraa inaan waxa wanaagsan sameeyo, laakiin ma sameeyo. 19 Waayo, waxa wanaagsan oo aan doonayo inaan falo, ma sameeyo, laakiinse waxa sharka ah oo aanan doonayn inaan falo, ayaan sameeyaa. 20 Laakiin haddaan sameeyo wixii aanan doonayn inaan falo, de haatan ma aha aniga kan sameeyaa, laakiinse waa dembiga igu dhex jira. 21 Haddee waxaan arkaa qaynuunka in shar ila jiro in kastoo aan doonayo inaan waxa wanaagsan sameeyo. 22 Waayo, sharciga Ilaah ayaan kaga farxaa ninka gudaha ah. 23 Laakiin waxaan xubnahayga ka arkaa qaynuun kale, isagoo la dagaallamaya qaynuunka maankayga oo maxbuus iiga dhigaya qaynuunka dembiga oo xubnahayga ku jira. 24 Nin belaysan baan ahay. Yaa iga furan doona jidhkan dhimashada leh? 25 Waxaan Ilaah ugu mahadnaqayaa inuu Rabbigeen Ciise Masiix igu furan doono. Sidaas daraaddeed aniga qudhaydu waxaan maankayga ugu adeegaa sharciga Ilaah; laakiinse waxaan jidhka ugu adeegaa qaynuunka dembiga.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya