Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 119:97-104

MEM.

97 Aad baan sharcigaaga u jeclahay!
Maalinta oo dhan isagaan u fiirsadaa.
98 Amarradaadu waxay iga dhigaan ku ka sii caqli badan cadaawayaashayda.
Waayo, weligayba way ila jiraan.
99 Waan ka sii waxgarasho badnahay macallimiintayda oo dhan,
Waayo, waxaan u fiirsadaa markhaatifurkaaga.
100 Waan ka sii waxgarasho badnahay odayaasha,
Waayo, waxaan xajiyey amarradaada.
101 Cagahayga waan ka joojiyey jid kasta oo shar leh,
Si aan eraygaaga u dhawro.
102 Xukummadaada gees ugama aan leexan,
Waayo, wax baad i bartay.
103 Erayadaadu dhanxanaggayga u macaan badanaa!
Afkayga malab way uga sii macaan badan yihiin!
104 Amarradaada ayaan waxgarasho ku helaa,
Oo sidaas daraaddeed ayaan jid kasta oo been ah u necbahay.

Maahmaahyadii 9

Casuumaddii Xigmadda Iyo Tii Nacasnimada

Xigmaddu gurigeeday dhisatay,
Toddobadeedii tiirna way xaradhay.
Neefafkeedii ayay qashay, oo waxay isku dartay khamrigeedii;
Miiskeediina way diyaarisay.
Oo gabdhaheedii midiidinnada ahaa ayay dirtay, oo waxay ka qaylinaysaa
Magaalada meelaha ugu sarreeya, iyadoo leh,
Ku alla kii garaaddaranu, halkan ha u soo leexdo.
Oo kii waxgarasho u baahanna waxay ku leedahay,
Kaalaya oo kibistayda wax ka cuna,
Oo khamriga aan isku darayna wax ka cabba.
Garaadlaawayaashow, nacasnimada iska daaya, oo noolaada,
Oo jidka waxgarashadana mara.
Kii mid wax quudhsada toosiyaa, cay buu isu soo jiidaa,
Oo kii kan sharka leh canaantana, ceeb baa ku dhacda.
Mid wax quudhsada ha canaanan, waaba intaas oo uu ku necbaadaaye,
Nin caqli leh canaano, oo isna wuu ku jeclaan doonaa.
Nin caqli leh wax bar, oo isna caqli wuu sii yeelan doonaa.
Nin xaq ah wax bar, oo isna waxbarasho wuu sii korodhsan doonaa.
10 Rabbiga in laga cabsado waa xigmadda bilowgeeda,
Oo Kan quduuska ah in la aqoonsadona waa waxgarasho.
11 Waayo, maalmahaagu anigay igu badan doonaan,
Oo cimrigaaguna waa sii kordhi doonaa.
12 Haddaad caqli leedahay naftaadaad caqli u leedahay,
Laakiinse haddaad wax quudhsato, adiga uun baa waxquudhsashadaada xambaaran doona.
13 Naagta nacasadda ahu waa qaylo badan tahay,
Iyadu way garaaddaran tahay, oo waxba ma taqaan.
14 Waayo, waxay fadhiisataa illinka gurigeeda,
Oo kursi bay ku fadhiisataa meelaha sarsare ee magaalada,
15 Inay u yeedho kuwa jidka maraya,
Iyagoo jidadkooda iska sii soconaya,
16 Ku alla kii garaaddaranu halkan ha u soo leexdo,
Oo kii waxgarasho u baahanna waxay ku leedahay,
17 Biyo la soo xaday way macaan yihiin.
Oo cunto qarsoodi loo cunaana wax bay ka farxisaa.
18 Laakiinse isagu garan maayo in kuwii dhintay ay halkaas joogaan,
Iyo in martideedii ay She'ool guntiisa ku jiraan.

1 Yooxanaa 2:1-6

Carruurtaydiiyey, waxaan waxyaalahan idiinku soo qorayaa si aydnaan u dembaabin; oo qof uun hadduu dembaabo, waxaynu xagga Aabbaha ku leennahay Dhexdhexaadiye, waana Ciise Masiix kan xaqa ah. Oo isaguna wuxuu dembiyadeenna u yahay kafaaraggudka; oo kuweenna oo keliya uma aha ee weliba wuxuu u yahay dembiyada dunida oo dhan. Oo taas ayaynu ku garanaynaa inaynu naqaan isaga, haddaynu qaynuunnadiisa adkayno. Kan yidhaahda, Waan aqaan isaga, oo aan qaynuunnadiisa adkayn, waa beenaaleh, oo runtu kuma jirto isaga. Laakiin kan ereygiisa adkeeya, runtii, Ilaah jacaylkiisu wuu ku dhan yahay isaga. Taas aynu ku garanaynaa inaynu isaga ku jirno. Kan yidhaahda, Isagaan ku jiraa, waa inuu u socdaa siduu isagu u socday.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya