Revised Common Lectionary (Complementary)
16 Laakiinse anigu Ilaah baan baryi doonaa,
Oo Rabbigaa i badbaadin doona.
17 Fiidka, iyo subaxda, iyo duhurkaba, anigu waan cataabi doonaa, oo waan taahi doonaa,
Oo isna codkayguu maqli doonaa.
18 Naftayda nabadduu kaga samatabbixiyey dagaalkii iga geesta ahaa,
Waayo, kuwii ila diriray way badnaayeen.
19 Ilaah oo ah kan weligiis waara,
Wuu maqli doonaa oo u jawaabi doonaa iyaga,
Kuwaas oo aan beddelmin, (Selaah)
Oo aan Ilaah ka cabsan.
20 Isagu wuxuu u gacan qaaday kii isaga heshiiska la ahaa,
Oo axdigiisiina wuu buriyey.
21 Afkiisu wuxuu u nuglaa sidii subag oo kale,
Laakiinse qalbigiisu wuxuu ahaa dagaal,
Erayadiisu saliid way ka jilicsanaayeen,
Laakiinse waxay ahaayeen seefo galkii laga siibay.
22 Culaabtaada Rabbiga saar, oo isna wuu ku xanaanayn doonaa,
Waayo, isagu kan xaqa ah marnaba u dayn maayo in la dhaqaajiyo.
23 Laakiinse, Ilaahow, iyaga waxaad ku dhaadhicin doontaa yamayska halligaadda,
Dhiigyocabyada iyo dadka khaa'innada ahu cimrigooda nus ma kadban doonaan,
Laakiinse anigu waan isku kaa hallayn doonaa.
7 Kolkaasaa boqorkii isagoo cadhaysan, ka kacay martiqaadkii khamriga, oo wuxuu u baxay xagga beerta hoyga boqorka; oo Haamaan ayaa u istaagay inuu Boqorad Esteer naftiisa u baryo, waayo, wuxuu arkay in boqorku belaayo la damacsan yahay. 8 Markaasaa boqorkii beertii ka soo noqday oo galay meeshii martiqaadka khamriga lagu dhigay, Haamaanna wuxuu ku sii dhacayay sariirtay Esteer fuushanayd. Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Xataa ma boqoradduu hortayda ku xoogayaa iyadoo guriga joogta? Oo isla markii eraygaasu boqorka afkiisii ka soo baxay ayaa Haamaan wejigiisii la deday. 9 Kolkaasaa Xarboona oo ahaa boqorka midiidinnadiisa midkood oo boqorka hortiisa joogay ayaa yidhi, Weliba bal eeg, waxaa Haamaan gurigiisa ag qotoma qoriga deldelaadda oo dhererkiisu yahay konton dhudhun, oo Haamaan u sameeyey inuu ku deldelo Mordekay oo boqorka wax wanaagsan kaga hadlay. Markaasaa boqorkii yidhi, Halkaas ku deldela. 10 Sidaas daraaddeed Haamaan waxaa lagu deldelay meeshii deldelaadda oo uu u diyaarshay inuu Mordekay ku deldelo, oo markaasaa boqorkii cadho baxay.
Amarkii Boqorka Ee Ku Saabsanaa Yuhuudda
8 Oo isla maalintaas ayaa Boqor Ahashwerus wuxuu gurigii Haamaan oo ahaa cadowgii Yuhuudda siiyey Boqorad Esteer. Mordekayna wuxuu yimid boqorka hortiisii, waayo, Esteer ayaa boqorka u sheegtay wuxuu iyada u ahaa. 2 Markaasaa boqorkii wuxuu iska soo bixiyey kaatunkiisii uu Haamaan ka soo qaatay, oo wuxuu siiyey Mordekay. Esteerna gurigii Haamaan ayay Mordekay madax uga dhigtay.
3 Oo Esteer boqorka hortiisii ayay haddana ka hadashay, oo intay cagihiisa ku dhacday ayay iyadoo ooyaysa ka bariday inuu baabbi'iyo belaayadii Haamaan kii reer Agag iyo xeeladdiisii uu Yuhuudda ku samaynayay. 4 Markaasaa boqorkii wuxuu Esteer u soo fidiyey ushii dahabka ahayd. Oo taas daraaddeed Esteer way kacday oo waxay istaagtay boqorka hortiisii. 5 Oo kolkaasay tidhi, Boqorow, haddaad ku faraxsan tahay, oo aad raalli iga tahay, oo haddii xaalkaasu kula wanaagsan yahay, oo aad ii bogtay, ha la qoro warqado lagu beddelo warqadihii uu xeeladda ku qoray Haamaan ina Hamedaata oo ahaa reer Agag, kuwaasoo uu u qoray in lagu baabbi'iyo Yuhuudda boqorka gobolladiisa deggan oo dhan. 6 Waayo, bal sidee baan ugu adkaysan karaa inaan arko belaayada dadkayga ku dhacaysa? Amase sidee baan ugu adkaysan karaa inaan arko baabbi'inta dadkayga? 7 Markaasaa Boqor Ahashwerus wuxuu Boqorad Esteer iyo Yuhuudigii Mordekay ku yidhi, Bal eega, gurigii Haamaan ayaan Esteer siiyey, isagiina waxaa lagu deldelay meesha deldelaadda, maxaa yeelay, wuxuu gacan ku fidiyey Yuhuudda. 8 Haddaba idinku sidaad doonaysaan Yuhuudda warqado ugu qora. Magaca boqorka ku qora, oo ku shaabadeeya kaatunka boqorka, waayo, qorniinkii lagu qoro boqorka magiciisa, oo haddana kaatunka boqorka lagu shaabadeeyo, ninna ma beddeli karo. 9 Oo markaasaa isla wakhtigaasba waxaa loo yeedhay boqorka karraaniyadiisii. Oo waxayna ahayd bisha Siwaan, oo ah bisha saddexaad, maalinteedii saddex iyo labaatanaad. Oo waxaa la qoray wax alla wixii Mordekay uu ku amray Yuhuuddii iyo saraakiishii iyo taliyayaashii iyo amiirradii joogay gobolladii ku yiil Hindiya iyo Itoobiya inta ka dhex leh, oo ahaa boqol iyo toddoba iyo labaatan gobol, oo waxaa gobol kasta loogu qoray fartiisii, dad kastana waxaa loogu qoray afkoodii, oo Yuhuuddiina waxaa loogu qoray fartoodii iyo afkoodiiba. 10 Oo wuxuu warqadihii ku qoray Boqor Ahashwerus magiciisii, oo ku shaabadeeyey kaatunkii boqorka, markaasuu u sii dhiibay warqaadayaal fuushan fardo iyo baqlo iyo rakuubbo. 11 Oo boqorkii wuxuu u oggolaaday Yuhuuddii magaalo kasta degganayd inay isa soo wada urursadaan oo ay daaficidda naftooda isu taagaan, oo ay baabbi'iyaan, oo laayaan, oo halaag ku ridaan kulli xooggii dadka iyo gobolkii doonayay inay weeraraan iyaga iyo dhallaankooda iyo dumarkoodaba, iyo inay maalkooda booli ahaan u dhacaan. 12 Oo amarkii wuxuu ahaa in Boqor Ahashwerus gobolladiisa oo dhan saas isku maalin laga yeelo, taas oo ah maalinta saddex iyo tobnaad oo bisha laba iyo tobnaad ee Adaar la yidhaahdo. 13 Oo warqaddii amarku ku qornaa naqilkeedii ayaa lagu faafiyey gobol kasta, oo waxaa loo sii dhiibay dadyowga oo dhan, taasoo leh, Maalintaas Yuhuuddu diyaar ha u ahaadeen inay ka aarsadaan cadaawayaashooda. 14 Oo sidaas daraaddeed warqaadayaashii fuushanaa baqlo iyo rakuubbo way ambabbexeen, iyagoo degdegsan oo ku dhaqsanaya boqorka amarkiisa; oo amarkiina waxaa lagu naadiyey Shuushan oo ahayd hoygii boqorka.
15 Markaasaa Mordekay wuxuu ka tegey boqorka hortiisii isagoo qaba dhar boqortooyo oo ah buluug iyo caddaan, oo madaxana waxaa u saarnaa taaj weyn oo dahab ah, wuxuuna huwanaa shulug laga sameeyey maro wanaagsan oo guduudan, oo magaaladii Shuushanna waa laga qayliyey oo laga farxay. 16 Oo Yuhuuddiina waxaa u ahaaday iftiin iyo farxad iyo rayrayn iyo sharaf. 17 Oo gobol kasta iyo magaalo kasta oo boqorka amarkiisii iyo naadadiisii ay gaadheen, Yuhuuddii waxaa u ahaaday farxad iyo rayrayn, iyo iid iyo maalin wanaagsan. Oo qaar badan oo ka mid ahaa dadyowgii dalka degganaa waxay noqdeen Yuhuud, maxaa yeelay, waxaa iyaga ku dhacday cabsidii ay Yuhuudda ka cabsanayeen.
Jacaylka Iyo Dabeecadda Daahirka Ah(A)
43 Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid, 44 laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya, 45 si aad u ahaataan wiilashii Aabbihiinna jannada ku jira, waayo, qorraxdiisa wuxuu u soo bixiya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan, roobna wuu u di'iyaa kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahaynba. 46 Waayo, haddaad jeceshihiin kuwa idin jecel, abaalkee baad leedihiin? Cashuurqaadayaashu miyaanay sidaas oo kale samayn? 47 Haddaad salaantaan walaalihiin oo keliya, maxaa dheeraad ah oo aad samaysaan? Dadka kale miyaanay sidaas oo kale samayn? 48 Saas aawadeed u samaada sida Aabbihiinna jannadu u san yahay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya