Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 25:11-20

11 Rabbiyow, dembigayga iga cafi magacaaga daraaddiis,
Waayo, aad buu u weyn yahay.
12 Bal waa ayo ninka Rabbiga ka cabsadaa?
Kaas wuxuu ku hanuunin doonaa jidkii uu isagu doorto.
13 Naftiisu wanaag bay ku jiri doontaa,
Oo farcankiisuna wuxuu dhaxli doonaa dalka.
14 Rabbiga taladiisa qarsoon waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada,
Oo wuxuu iyaga tusi doonaa axdigiisa.
15 Weligayba indhahaygu waxay u jeedaan xagga Rabbiga,
Waayo, wuxuu cagahayga ka bixin doonaa dabinka.
16 Bal xaggayga u soo jeeso, oo ii naxariiso,
Waayo, waan cidloobay, oo dhib baa i haysa.
17 Dhibaatooyinka qalbigaygu way sii ballaadheen,
Cidhiidhigayga iga bixi.
18 Bal fiiri dhibkayga iyo qaxarkayga,
Oo dembiyadayda oo dhan iga cafi.
19 Bal fiiri cadaawayaashayda, waayo, way badan yihiin,
Oo waxay igu neceb yihiin nacayb dulmi miidhan ah.
20 Naftayda dhawr, oo i samatabbixi,
Oo yaanan ceeboobin, waayo, waan isku kaa halleeyaa.

Ayuub 24:1-8

24 Ilaaha Qaadirka ahu muxuu wakhtiyo u kaydin waayaa?
Kuwa isaga yaqaanse maxay maalmihiisa u arki waayaan?
Waxaa jira kuwa soohdinta dalka durkiya,
Oo waxay xoog ku dhacaan adhyo, kolkaasay daajiyaan.
Oo waxay iska kaxaystaan dameerka agoonta,
Oo waxay rahaamad u qaataan naag carmal ah dibigeed.
Saboolka baahan ayay jidka ka leexiyaan,
Oo masaakiinta dhulkana dhammaantood way wada dhuuntaan.
Bal eeg, sida dameerdibadeedyo lamadegaanka jooga
Ayay shuqulkooda ugu baxaan, iyagoo cunto aad u doonaya;
Cidladuna carruurtooda cuntay u soo bixisaa.
Cuntadooda waxay ka goostaan berrinka,
Oo waxay xaabxaabaan canabka kuwa sharrowyada ah.
Oo habeenkii oo dhan iyagoo qaawan oo aan dhar lahayn ayay jiifsadaan,
Oo dhaxanta waxay ka huwadaanna ma leh.
Waxaa iyaga qoya roobka buuraha,
Oo gabbaadla'aan daraaddeed ayay dhagaxa u dugsadaan.

Yacquub 2:1-7

Kadigidda Kala-eexashada

Walaalahayow, iimaanka Rabbigeenna Ciise Masiix kan ammaanta leh eexasho ha ku haysanina. Haddii nin kaatun dahab ah iyo dhar quruxsan qabaa shirkiinna soo galo, oo haddana haddii nin kale oo miskiin ah oo dhar uskag leh qabaa soo galo, oo aad fiirisaan ka dharka quruxdasan qaba oo aad ku tidhaahdaan, Adigu kaalay oo halkan wanaagsan fadhiiso, oo aad ku tidhaahdaan ka miskiinka ah, Adigu xaggaas istaag ama halkan cagahayga ag fadhiiso, miyeydnaan kala qaybsamin oo miyeydnaan noqonin kuwa fikirrada sharka leh wax ku xukuma? I dhegaysta, walaalahayga aan jeclahayow. Miyaan Ilaah u dooran kuwa ah masaakiinta xagga dunida inay ahaadaan kuwa hodan ku ah rumaysadka oo dhaxla boqortooyaduu u ballanqaaday kuwa isaga jecel? Laakiin idinku waad maamuus jebiseen miskiinkii. Taajiriintu miyaanay idin dulmin oo miyaanay idiin jiidin maxkamadda? Miyaanay caayin magaca wanaagsan oo laydiinku yeedhay?

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya