Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
138 Qalbigayga oo dhan ayaan kugu mahadnaqi doonaa,
Oo ilaahyada hortooda ayaan ammaan kuugu gabyi doonaa,
2 Waxaan u soo tukan doonaa macbudkaaga quduuska ah xaggiisa,
Oo magacaagana waxaan ugu mahadnaqi doonaa raxmaddaada iyo runtaada aawadood,
Waayo, eraygaaga ayaad ka sii weynaysay magacaaga oo dhan.
3 Maalintii aan qayshaday waad ii jawaabtay,
Waanad igu kalsooni gelisay xooggii aad naftayda u yeeshay.
4 Rabbiyow, boqorrada dhulka jooga oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan,
Waayo, waxay maqlaan erayada afkaaga.
5 Haah, way ka gabyi doonaan jidadka Rabbiga,
Waayo, ammaanta Rabbigu waa weyn tahay.
6 Waayo, in kastoo Rabbigu sarreeyo, haddana wuu fiiriyaa kuwa hooseeya,
Laakiinse kan kibra meel fog buu ka yaqaan.
7 In kastoo aan ku dhex socdo dhibaato waad i soo noolayn doontaa,
Oo waxaad gacantaada ku soo fidin doontaa cadhada cadaawayaashayda,
Oo gacantaada midigna way i badbaadin doontaa.
8 Rabbigaa kaamil ka dhigi doona waxa igu saabsan,
Rabbiyow, naxariistaadu weligeedba way sii waartaa,
Ha ka tegin shuqulladii gacmahaaga.
Mordekay Oo Ku Qancay Caawimaddii Esteer
4 Haddaba markii Mordekay ogaaday wixii la sameeyey oo dhan ayuu dharkiisii jeexjeexay, dhar joonyad ahna wuu xidhay oo dambas ismariyey, markaasuu magaalada dhex galay oo oohin dheer oo qadhaadh ku qayliyey. 2 Wuxuuna hor yimid boqorka iriddiisa; waayo, ninna iridda boqorka ma geli karayn isagoo dhar joonyad ah qaba. 3 Oo gobol kasta oo qaynuunkii iyo amarkii boqorku gaadhayba waxaa Yuhuuddii ka dhex dhacday baroor weyn, iyo soon, iyo oohin, iyo qaylo; kuwo badanuna dambas bay ku jiifeen iyagoo dhar joonyad ah qaba. 4 Markaasaa Esteer waxaa u yimid oo xaalkaas u soo sheegay gabdhaheedii iyo midiidinnadeedii; kolkaasay boqoraddii aad iyo aad u murugootay; oo Mordekay ayay u sii dirtay dhar uu xidho, waxayna u sheegtay inuu dharkiisii joonyadda ahaa iska furo; laakiinse dharkii ma uu qaadan. 5 Markaasaa Esteer waxay u yeedhay Hatag oo boqorka midiidinnadiisa ka mid ahaa oo uu boqorku u doortay inuu u adeego, oo waxay isagii ku amartay inuu Mordekay u tago oo uu soo ogaado bal waxa xaalkanu ahaa, iyo wuxuu u dhacayba. 6 Sidaas daraaddeed Hatag wuxuu Mordekay ugu tegey magaalada bannaankeedii ka soo hor jeeday boqorka iriddiisa. 7 Markaasaa Mordekay wuxuu isagii u sheegay dhammaan wixii isaga ku dhacay, iyo lacagtii uu Haamaan u ballanqaaday inuu siinayo boqorka khasnadihiisa in Yuhuudda la baabbi'iyo aawadeed. 8 Oo weliba wuxuu isagii u dhiibay naqilka warqaddii oo amarku ku qornaa oo Shuushan lagu faafiyey si Yuhuudda loo wada baabbi'iyo, wuxuuna taas u siiyey inuu Esteer tuso oo uu iyada u warramo, oo wuxuu iyada ku amray inay boqorka u gasho, oo ay barido oo ay isaga hortiisa wax ka weyddiisato dadkeeda aawadiis. 9 Kolkaasaa Hatag yimid oo wuxuu Esteer u sheegay erayadii Mordekay. 10 Dabadeedna Esteer baa la hadashay Hatag oo waxay farriin ugu sii dhiibtay Mordekay oo ku tidhi, 11 Boqorka addoommadiisa oo dhan iyo dadka boqorka gobolladiisa deggan oo dhammu way wada og yihiin in ku alla kii, isagoo aan loo yeedhin, boqorka ugu soo gala barxadda dhexe, ama nin ha ahaado ama naag ha ahaatee, qaynuun baa loo hayaa, waana in isaga la dilo, haddaan boqorku usha dahabka ah fidin, si uu u noolaado aawadeed; laakiinse aniga la iima yeedhin inaan boqorka u soo galo intii soddon maalmood ah. 12 Kolkaasaa Mordekay loo soo sheegay Esteer erayadeedii. 13 Markaasuu Mordekay iyagii jawaab ugu sii dhiibay Esteer, oo wuxuu ku yidhi, Ha moodin inaad adiga qudhaadu guriga boqorka ku baxsan doontid iyadoo aanay Yuhuudda ka baxsan. 14 Waayo, haddaad wakhtigan iska aamustid, waxaa Yuhuudda meel kale uga kici doona furasho iyo samatabbax, laakiinse adiga iyo reerka aabbahaaba waad halligmi doontaan. Bal yaase garanaya inaad wakhtigan oo kale daraaddiis boqortooyada u soo gashay? 15 Markaasaa Esteer waxay iyaga u sheegtay inay Mordekay jawaab ku celiyaan, oo waxay ku tidhi, 16 Tag, oo soo wada ururi Yuhuudda Shuushan joogta oo dhan, oo ii sooma, oo intii saddex maalmood ah, habeen iyo maalin toona, waxba ha cunina, waxna ha cabbina; oo aniga iyo gabdhahayguna sidaas oo kalaan u soomaynaa; oo kolkaasaan boqorka u gelayaa, taasoo aan sharciga waafaqsanayn; oo haddii aan halligmona, waan halligmayaa. 17 Markaasuu Mordekay iska tegey oo sameeyey wax alla wixii Esteer ku amartay oo dhan.
Ciisaa Duufaankii Dejiyey(A)
22 Maalmahaas middood waxaa dhacay inuu doonni fuulay isaga iyo xertiisiiba, wuxuuna iyaga ku yidhi, Dhanka kale oo badda aan u gudubno, goortaasay dhaqaaqeen. 23 Laakiin intay socdeen ayuu seexday, oo waxaa baddii ku soo dhacay duufaan weyn oo dabayl ah; doonnidiina ayaa buuxsamaysay, oo halis bay ku jireen. 24 Markaasay isaga u yimaadeen oo intay toosiyeen ayay ku yidhaahdeen, Macallimow, Macallimow, waa lumaynaaye. Kolkaasuu kacay oo canaantay dabayshii iyo hirarkii biyaha. Goortaasay degeen oo xawaal baa dhacday. 25 Markaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Rumaysadkiinnii meeh? Iyagoo baqaya oo yaabban waxay isku yidhaahdeen, Haddaba yuu yahay kan amra xataa dabaysha iyo biyaha oo ay yeelaan?
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya