Revised Common Lectionary (Complementary)
Xukunka Iyo Badbaadada
65 Waxaan aqbalay kuwa aan wax i weyddiinayn, oo waxaa i helay kuwa aan i doondoonayn. Waxaa quruun aan magacayga loogu yeedhi jirin ku idhi, I eeg, i eeg. 2 Maalintii oo dhan waxaan gacmahayga u kala bixinayay dad caasi ah, oo jid aan wanaagsanayn ku socda, oo fikirradooda daba gala, 3 oo ah dad had iyo goorba badheedh iiga cadhaysiiya, iyagoo beero allabari ku bixiya, oo meelo leben laga sameeyey foox ku shida. 4 Waxay fadhiyaan xabaalaha dhexdooda, oo meelo qarsoon bayna ku hoydaan. Hilib doofaar bay cunaan oo weelashoodana waxaa ku jira maraq waxyaalo karaahiyo ah laga sameeyey, 5 oo waxay yidhaahdaan, Goonidaada u taagnow, oo ha ii soo dhowaanin, waayo, waan kaa quduusanahay. Kuwaasu waa qiiq sanka iga galay, iyo dab maalinta oo dhan qaxmaya. 6 Bal eega, tanu hortayday ku qoran tahay, Anigu iska aamusi maayo, laakiinse waan abaalmarin doonaa, oo waxaan abaalmarinta gelin doonaa laabtooda. 7 Xumaatooyinkiinnii iyo xumaatooyinkii awowayaashiinba isku mar baan idiinka abaalmarin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay, waayo, iyagu buurahay foox ku shideen oo kurahay igu caayeen, sidaas daraaddeed laabtooda ayaan shuqulladoodii hore gelin doonaa.
8 Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida khamriga looga helo rucubka canabka dhexdiisa, oo mid u yidhaahdo, Ha hallaynin, waayo, barakaa ku dhex jirta, sidaas oo kalaan u samayn doonaa addoommadayda aawadood, si aanan dhammaantood u wada baabbi'in. 9 Waxaan reer Yacquub ka soo bixin doonaa farcan, oo Yahuudahna waxaan ka soo bixin doonaa mid buurahayga dhaxla, oo kuwayga aan doortay ayaa dhaxli doona, oo addoommadayda ayaa halkaas degi doona.
19 Laakiinse, Rabbiyow, ha iga fogaan,
Tageerehaygiiyow, dhaqso ii caawi.
20 Naftayda ka samatabbixi seefta,
Noloshaydana ka samatabbixi xoogga eeyga.
21 Iga badbaadi libaaxa afkiisa,
Haah, xataa geesihii gisiyada waad iiga jawaabtay.
22 Magacaaga waan u sheegi doonaa walaalahay,
Oo ururka dhexdiisa ayaan kugu ammaani doonaa.
23 Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, ammaana isaga,
Farcanka Yacquubow, sharfa isaga,
Oo kuwiinna Israa'iil ka soo farcamayow, isaga ka wada cabsada.
24 Waayo, isagu ma quudhsan, mana karhin kan la dhibay dhibkiisa,
Oo wejigiisiina kama uu qarin isagii,
Laakiinse markuu u qayshaday ayuu maqlay.
25 Xaggaaga ayaa ammaantaydu kaga imanaysaa shirka weyn dhexdiisa,
Oo nidarradayda waxaan ku bixinayaa kuwa isaga ka cabsada hortooda.
26 Oo waxaa wax cuni doona oo ka dhergi doona kuwa camalka qabow,
Kuwa Rabbiga doondoonaa isagay ammaani doonaan,
Qalbigiinnu weligiis ha noolaado.
27 Dunida darafyadeeda oo dhammu waxay soo xusuusan doonaan oo u soo jeesan doonaan Rabbiga.
Oo qolooyinka quruumaha oo dhammu waxay ku sujuudi doonaan hortaada.
28 Waayo, boqortooyada waxaa leh Rabbiga,
Oo isagu waa taliyihii quruumaha.
23 Laakiinse intaan rumaysadku iman waxaa laynagu hoos hayay sharciga, innagoo xidhan, ilaa rumaysadka la muujiyo. 24 Sidaas daraaddeed sharcigu wuxuu ahaa edbiyeheenna inuu Masiixa inoo geeyo, inaynu xaq ku noqonno rumaysadka.
Waxa Rumaysadka Ka Yimaada
25 Laakiinse rumaysadkii waa yimid, oo taas daraaddeed mar dambe edbiye kama hoosayno. 26 Waayo, kulligiin waxaad wiilashii Ilaah ku tihiin rumaysad idinkoo ku jira Ciise Masiix. 27 In alla intiinna lagu baabtiisay Masiix, waxaad huwateen Masiix. 28 Ma jiro Yuhuud ama Gariig, ma jiro addoon ama xor, ma jiro lab ama dhaddig, waayo, kulligiin mid baad ku wada tihiin Ciise Masiix. 29 Haddaad tihiin Masiixa kuwiisa, waxaad tihiin Ibraahim farcankiisa oo ah kuwa dhaxalka leh sida ballanku leeyahay.
Jinnoolihii Reer Gadareni Oo La Bogsiiyey(A)
26 Waxay gaadheen dalka Gadareni ee ka soo hor jeeday Galili. 27 Goortuu dhulka u degay waxaa la kulmay nin magaalada ka yimid oo jinniyo qaba. Wakhti dheer dhar ma sidan jirin, gurina ma joogi jirin, laakiin xabaalaha ayuu dhex joogi jiray. 28 Goortuu arkay Ciise, ayuu qayliyey, hortiisana ayuu isku tuuray oo cod weyn ayuu ku yidhi, Maxaa inoo dhexeeya, Ciisow, adigoo ah Wiilka Ilaaha sarow? Waxaan kaa baryayaa, Ha i silcin. 29 Waayo, wuxuu jinnigii wasakhda lahaa ku amray inuu ninka ka baxo, maxaa yeelay, marar badan ayuu qaban jiray, oo waxaa lagu xidhi jiray silsilado iyo bircago, oo waa la ilaalin jiray; silsiladihiina wuu iska gooyn jiray oo jinniguna cidlada ayuu u kaxayn jiray. 30 Markaasaa Ciise weyddiiyey oo ku yidhi, Magacaa? Oo wuxuu ku yidhi, Liijon; waayo, jinniyo badan ayaa galay. 31 Markaasay ka baryeen inaanu amrin inay yamayska tagaan. 32 Halkaa waxaa joogay daaqsin doofaarro badan ah oo buurta daaqaysa. Waxayna ka baryeen inuu u fasaxo inay kuwaas galaan. Kolkaasuu u fasaxay. 33 Markaasay jinniyadii ninkii ka baxeen oo doofaarradii galeen. Daqsintiina jarka hoos bay uga yaacday ilaa badda, wayna ku bakhtiyeen. 34 Kuwii daajin jiray markay arkeen waxa dhacay, ayay carareen oo dadkii magaalada iyo beerahaba ayay u warrameen. 35 Kolkaasaa dadkii u soo baxay inay arkaan wixii dhacay. Markaasay u yimaadeen Ciise, oo waxay arkeen ninkii jinniyadu ka baxeen, isagoo ag fadhiya Ciise cagihiisa oo dhar sita oo miyir qaba; wayna baqeen. 36 Kolkaasaa kuwii arkay waxay iyaga u sheegeen sida jinnoolihii loo bogsiiyey. 37 Dadkii oo dhan oo dalka Gadareni ku wareegsanaa ayaa baryay inuu ka noqdo iyaga, waayo, baqdin weyn ayay baqeen. Markaasuu doonni fuulay, waana noqday. 38 Laakiin ninkii jinniyadii ka baxeen ayaa ka baryay isaga inuu raaco, laakiin wuu diray isagoo ku leh, 39 Gurigaaga ku noqo oo dadka ogeysii waxa weyn oo Ilaah kuu sameeyey. Markaasuu tegey oo wuxuu magaalada oo dhan ku naadiyey waxa weyn oo Ciise u sameeyey.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya