Revised Common Lectionary (Complementary)
Baaqii Xigmadda
8 Haddaba xigmaddu sow ma dhawaaqin?
Waxgarashaduna codkeedii sow kor uma qaadin?
2 Waxay taagan tahay meelaha sarreeya
Oo jidka agtiisa ah, meesha waddooyinku ku kulmaan.
3 Oo waxay ka qaylisaa irdaha agtooda,
Meesha magaalada laga soo galo,
Iyo meesha albaabbada laga soo galoba.
4 Nimanyahow, idinkaan idiin dhawaaqayaa,
Oo codkayguna wuxuu u yeedhayaa binu-aadmiga.
22 Rabbigu wuxuu i lahaan jiray bilowgii jidkiisa
Iyo shuqulladiisii hore ka hor.
23 Aniga aakhirada hore waa lay taagay, waxaan jiray bilowgii ugu horreeyey,
Ama intaan dunidu jirin ka hor.
24 Anigu waxaan dhashay intaan moolal jirin ka hor,
Iyo intaanay jirin ilo biyo ka buuxaan.
25 Intaan la qotomin buuraha
Iyo kuraha ka hor ayaan anigu dhashay,
26 Intaanuu isagu samayn dhulka iyo berrimmada,
Amase ciiddii dunida ugu horraysay.
27 Markuu samooyinka hagaajiyey anigu waan joogay,
Markuu xariijinta ku wareejiyey moolka dushiisa,
28 Markuu cirka sare taagay,
Markii ilaha moolku xoog yeesheen,
29 Markuu badda xad u yeelay
Si aan biyuhu amarkiisa ugu xadgudbin,
Markuu aasaaskii dhulka dhigay,
30 Markaas anigu isagaan dhinac joogay, anigoo ah sidii hawlhoggaamiye,
Oo anigu maalin kasta faraxiisaan ahaa,
Oo mar kasta hortiisaan ku rayrayn jiray;
31 Waxaan ku rayrayn jiray inta dhulkiisa la degay,
Oo waxaan ku farxi jiray binu-aadmiga.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Gitiid.
8 Rabbiyow, Sayidkayagiiyow,
Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!
Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka.
2 Waxaad xoog u yeeshay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga,
Waana cadaawayaashaada daraaddood,
Si aad u aamusiisid cadowga iyo aardoonka.
3 Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey,
Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay,
4 Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga?
Iyo wiilka aadanaha oo aad u soo booqataa?
5 Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha,
Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad.
6 Oo waxaad isaga ka dhigtay inuu u taliyo shuqullada gacmahaaga,
Oo wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay,
7 Idaha iyo lo'da oo dhan,
Iyo xayawaanka duurka joogaba,
8 Iyo haadka hawada, iyo kalluunka badda,
Iyo wax alla waxa ku dhex socda waddooyinka badaha.
9 Rabbiyow, Sayidkayagiiyow,
Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!
Waxa Rumaysadka Laga Helo
5 Sidaas daraaddeed innagoo xaq laynagaga dhigay rumaysad, nabad baynu xagga Ilaah ku haysannaa Rabbigeenna Ciise Masiix; 2 kan xaggiisa aynu rumaysad ku galnay nimcadan aynu dhex taagan nahay, oo waxaynu ku faraxnaa rajada ammaanta Ilaah. 3 Oo taas oo keliya ma aha, laakiinse waxaynu ku faraxnaa dhibaatooyinkeenna, innagoo og in dhibaatadu dulqaadasho keento; 4 dulqaadashaduna aqoon dheer, aqoonta dheeruna rajo; 5 rajaduna inama ceebayso, maxaa yeelay, jacaylka Ilaah baa qalbiyadeenna ku dhex shubmay, oo waxaa ku shubay Ruuxa Quduuska ah oo layna siiyey.
12 Wax badan oo kalaan leeyahay inaan idiin sheego, laakiin imminka qaadi kari maysaan. 13 Laakiin markuu kan Ruuxa runta ahu yimaado, wuxuu idinku wadi doonaa runta oo dhan, waayo, isagu iskama hadli doono, wuxuuse ku hadli doonaa wuxuu maqlo, wuxuuna idiin sheegi doonaa waxa imanaya. 14 Wuu i ammaani doonaa, waayo, waxayguu qaadi doonaa, wuuna idiin sheegi doonaa. 15 Wax kasta oo Aabbuhu leeyahay anigaa leh. Sidaa daraaddeed waxaan idhi, Waxayguu qaadaa, wuuna idiin sheegi doonaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya