Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 104:24-34

24 Rabbiyow, shuqulladaadu tiro badanaa!
Kulligoodna xigmad baad ku samaysay,
Dhulka waxaa ka buuxa hodantinimadaada.
25 Halkoo waxaa ku taal bad weyn oo ballaadhan,
Gudaheedana waxaa ku jira waxyaalo gurguurta oo aan la tirin karin,
Iyo xayawaan waaweyn iyo kuwo yaryarba.
26 Halkaas waxaa ku socda doonniyo,
Oo waxaa halkaas yaal bahal badeed oo Lewiiyaataan la odhan jiray oo aad u abuurtay inuu ku dhex cayaaro.
27 Kuwaas oo dhammu adigay kaa sugaan,
Inaad cuntadooda siiso wakhti ku habboon.
28 Oo waxaad iyaga siiso ayay isu soo urursadaan,
Gacantaadaad furtaa oo waxay ka dhergaan waxyaalo wanaagsan.
29 Wejigaagaad qarisaa, oo way dhibtoodaan,
Naftoodaad ka qaaddaa oo way dhintaan,
Oo waxay ku noqdaan ciiddoodii.
30 Waxaad soo dirtaa ruuxaaga, kolkaasay iyagu abuurmaan,
Dhulkana waad cusboonaysiisaa.
31 Rabbiga ammaantiisu ha sii raagto weligeedba,
Oo Rabbigu ha ku reyreeyo shuqulladiisa.
32 Isagu dhulkuu eegaa, oo wuu gariiraa,
Wuxuu taabtaa buuraha, oo way qiiqaan.
33 Intaan noolahay oo dhan ayaan Rabbiga u gabyi doonaa,
Oo Ilaahay ayaan ammaan ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.
34 Fikirkaygu isaga ha u macaanaado,
Rabbigaan ku rayrayn doonaa.

Sabuurradii 104:35

35 Dembilayaashu dhulka ha ka baabbe'een,
Oo kuwa sharka lahuna yaanay mar dambe sii jirin.
Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
Rabbiga ammaana.

Ishacyaah 32:11-17

11 Naagaha istareexsanow, gariira, oo kuwiinna aan digtoonaynow, dhibtooda. Ismudhxiya, oo isqaawiya, oo dhar joonyad ah dhexda ku xidha. 12 Beerihii wanaagsanaa iyo canabkii midhaha badnaa ee la waayay aawadood ayay naasahooda u garaaci doonaan. 13 Oo dalka dadkayga iyo xataa guryaha farxadda oo magaalooyinka faraxsan ku yaal oo dhan waxaa ka soo bixi doona qodxan iyo yamaarug, 14 maxaa yeelay, daarta boqornimada waa laga tegi doonaa, oo magaalada dadka badanna waa laga kici doonaa, oo buurta iyo munaaradduna waxay weligood ahaan doonaan godad dugaag, iyo farxad dameer banjoog ah, iyo daaqsin idaad, 15 ilaa Ruuxa xagga sare nalagu kor shubo, oo cidladuna ay noqoto beer midho badan, oo beerta midhaha badanna sida duud oo kale lagu tiriyo. 16 Oo markaas dabadeed ayaa caddaaladu cidlada joogi doontaa, oo xaqnimona waxay ku sii jiri doontaa beerta midhaha badan. 17 Oo xaqnimada shuqulkeeduna wuxuu ahaan doonaa nabad, xaqnimaduna weligeed waxay keeni doontaa xasilloonaan iyo kalsooni.

Galatiya 5:16-25

Midhaha Ruuxa

16 Laakiin waxaan leeyahay, Ruuxa ku socda, kolkaas aydnaan damaca jidhka yeelayne. 17 Waayo, damaca jidhku waa ka gees Ruuxa, Ruuxuna waa ka gees jidhka, maxaa yeelay, kuwanu waa kala gees, si aydnaan u samayn waxyaalahaad doonaysaan. 18 Laakiinse haddii Ruuxu idin hoggaamiyo, sharciga kuma hoos jirtaan. 19 Shuqullada jidhku waa muuqdaan, waana kuwan, sino, wasakhnimo, dhillanimo, 20 sanamcaabudid, sixirnimo, cadownimo, dirir, masayr, xanaaq, is-ilaaq, iskala qaybqaybin, bidcinimo, 21 xaasidnimo, sakhraannimo, rabshooyin iyo waxyaalo la mid ah. Kuwaas waan idiinka digayaa, sidaan markii horeba idiinku sheegay, in kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeyaa ayan dhaxli doonin boqortooyada Ilaah. 22 Laakiin midhaha Ruuxu waa jacayl, farxad, nabad, dulqaadasho, roonaan, wanaag, aaminnimo, 23 qabownimo, iscelin; waxa caynkaas ah sharci ka gees ahu ma jiro. 24 Kuwa Ciise Masiix waxay iskutallaabta ku qodbeen jidhka iyo kacsigiisa xaaraanta ah iyo damacyadiisa sharka ah.

25 Haddii aynu Ruuxa ku nool nahay, aynu Ruuxana ku soconno.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya