Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Gitiid.
8 Rabbiyow, Sayidkayagiiyow,
Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!
Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka.
2 Waxaad xoog u yeeshay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga,
Waana cadaawayaashaada daraaddood,
Si aad u aamusiisid cadowga iyo aardoonka.
3 Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey,
Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay,
4 Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga?
Iyo wiilka aadanaha oo aad u soo booqataa?
5 Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha,
Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad.
6 Oo waxaad isaga ka dhigtay inuu u taliyo shuqullada gacmahaaga,
Oo wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay,
7 Idaha iyo lo'da oo dhan,
Iyo xayawaanka duurka joogaba,
8 Iyo haadka hawada, iyo kalluunka badda,
Iyo wax alla waxa ku dhex socda waddooyinka badaha.
9 Rabbiyow, Sayidkayagiiyow,
Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!
19 Rabbigu wuxuu dhulka ku aasaasay xigmadda,
Oo samooyinkana wuxuu ku dhisay waxgarashada.
20 Aqoontiisa ayaa moolalku ku dillaaceen,
Oo cirkuna wuxuu soo daadiyaa sayax.
21 Wiilkaygiiyow, waxyaalahanu yaanay indhahaaga ka tegin.
Xigmadda iyo digtoonaanta xajiso.
22 Sidaasay naftaada nolol ugu noqon doonaan,
Qoortaadana nimco.
23 Markaasaad jidkaaga ammaan ku mari doontaa,
Oo cagtaaduna ma turunturoon doonto.
24 Markaad jiifsatidna ma cabsan doontid;
Haah, waad jiifsan doontaa, oo hurdadaaduna way kuu macaanaan doontaa.
25 Ha ka baqin cabsi kedis ah,
Iyo baabbi'inta kuwa sharka leh toona markii ay timaado.
26 Waayo, Rabbigu wuxuu kuu ahaan doonaa Kan aad ku kalsoonaan karto.
Oo cagtaadana wuu dhawri doonaa si aan loo qabsan.
Yeedhista Ilaah Iyo Midownimada
4 Haddaba sidaas daraaddeed anigoo maxbuus ku ah Rabbiga, waxaan idinka baryayaa inaad yeedhistii laydiinku yeedhay ugu socotaan si istaahil ah, 2 idinkoo leh is-hoosaysiin iyo qalbiqaboobaan oo dhan iyo samir, oo midkiinba midka kale jacayl ugu dulqaadanayo. 3 Ku dadaala inaad midownimada xagga Ruuxa ku xajisaan xidhiidhka nabadda. 4 Haddaba waxaa jira jidh keliya iyo Ruux keliya, xataa sida idinka laydiinkugu yeedhay rajo keliya xagga yeedhistiinnii. 5 Oo waxaa jira Rabbi keliya iyo iimaan keliya iyo baabtiis keliya, 6 iyo Ilaah keliya oo kulli Aabbe u ah, oo wax walba ka sarreeya, oo wax walba ka dhex shaqeeya, oo wax walba ku jira.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya