Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 48

Kanu waa gabay, waana sabuur ay reer Qorax tiriyeen.

48 Rabbigu waa weyn yahay, waana in aad loogu ammaanaa
Ilaaheenna magaaladiisa, iyo buurtiisa quduuska ah.
Waxaa dhererka ku quruxsan, oo farxad u ah dunida oo dhan
Buur Siyoon oo dhanka woqooyi ah,
Meeshaas oo ah magaalada Boqorka weyn.
Ilaah wuxuu daaraheeda dhaadheer isku muujiyey inuu magangal yahay.
Waayo, bal eeg, boqorradii way iswada urursadeen,
Dhammaantood way wada dhaafeen.
Oo kolkay arkeen ayay yaabeen,
Oo argaggexeen, markaasay haddiiba carareen.
Iyagii halkaasay ku gariireen,
Wayna ku xanuunsadeen sida naag foolanaysa.
Doonniyaha Tarshiish waxaad ku jejebisaa
Dabaysha bari.
Annagu sidaan maqalnay, ayaan ku dhex aragnay
Magaalada Rabbiga ciidammada, taasoo ah magaalada Ilaaheenna,
Ilaah ayaa weligeedba adkayn doona. (Selaah)
Ilaahow, raxmaddaada ayaan ka fikirnay
Markaan macbudkaaga ku jirnay.
10 Ilaahow, sida magacaagu yahay
Ayaa ammaantaaduna ku tahay dhulka darafyadiisa oo dhan,
Gacantaada midigna waxaa ka buuxda xaqnimo.
11 Buur Siyoon ha faraxdo,
Oo gabdhaha reer Yahuudah ha ku reyreeyeen xukummadaada daraaddood.
12 Siyoon hareeraheeda socda, oo ku soo wareega,
Oo munaaradaheeda tiriya.
13 Bal aad ugu fiirsada qalcadaheeda,
Oo ka fikira daaraheeda dhaadheer,
Si aad ugu sheekaysaan farcanka soo socda.
14 Waayo, weligiis iyo weligiisba Ilaahan ayaa Ilaah inoo ah,
Oo isagaa hoggaamiye inoo ahaan doona xataa tan iyo dhimashada.

Yexesqeel 11:14-25

14 Markaasaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh, 15 Wiilka Aadamow, walaalahaa oo ah walaalahaaga runta ah, iyo dadka xigaalkaaga ah, iyo kulli reer binu Israa'iil oo dhammu waa kuwii dadka Yeruusaalem degganu ay ku yidhaahdeen, Idinku Rabbiga ka fogaada. Dalkan annagaa dhaxal naloo siiyey.

Ballankii Soo Celinta Reer Binu Israa'iil

16 Sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, In kastoo aan iyaga quruumaha ku dhex fogeeyey, iyo in kastoo aan waddammada ku kala dhex firdhiyey, weliba waxaan iyaga waddammadii ay tageen ugu ahaan doonaa meel quduus ah. 17 Sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan idinka soo ururin doonaa dadyowga dhexdooda, oo waddammadii laydinku kala firdhiyey ayaan idinka soo shirin doonaa, oo waxaan idin siin doonaa dalka reer binu Israa'iil. 18 Oo iyagu halkaasay iman doonaan, oo waxay halkaas ka fogayn doonaan waxyaalaha la naco oo dhan iyo waxyaalaha karaahiyada ah oo dhanba. 19 Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi keliya, oo waxaan gelin doonaa ruux cusub, oo qalbigii dhagaxa ahaana jidhkooda waan ka dhex bixin doonaa, oo waxaan siin doonaa qalbi jiidh ah, 20 si ay iyagu qaynuunnadayda ugu socdaan, oo ay amarradayda u xajiyaan oo ay u sameeyaan, oo waxay ahaan doonaan dadkayga, aniguna Ilaahooda ayaan ahaan doonaa. 21 Laakiinse Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Kuwa qalbigoodu daba socdo waxyaalaha la naca iyo waxyaalahooda karaahiyada ahba jidkooda ayaan madaxooda kaga abaalmarin doonaa. 22 Markaasaa keruubiimtii baalashooda kor u qaadeen, oo giraangirihiina way dhinac yiilleen, oo ammaantii Ilaaha reer binu Israa'iilna iyagay ka korraysay. 23 Markaasaa ammaantii Rabbigu magaalada dhexdeedii ka kacday, oo waxay kor istaagtay buurta magaalada dhankeeda bari ku taal. 24 Oo markaasaa Ruuxii kor ii qaaday, oo Ruuxii Ilaah wuxuu wixii lay tusay igu keenay dalkii Kalday iyo maxaabiistii meeshaas joogtay. Oo markaasaa wixii lay tusay oo aan arkay kor iiga bexeen. 25 Markaasaan kuwii maxaabiista ahaa u sheegay waxyaalihii uu Rabbigu i tusay oo dhan.

1 Korintos 2:12-16

12 Laakiin innagu ma aynu helin ruuxa dunida laakiinse Ruuxa Ilaah ka yimid, inaynu garanno waxyaalaha uu Ilaah nimco ahaan inoo siiyey. 13 Waxyaalahaasna ayaannu ku hadalnaa, kumase hadalno hadallo la baro ee ah xigmadda dadka, laakiin waxa Ruuxu baro, annaga oo waxyaalaha ruuxa ah ku simayna waxyaalaha ruuxa ah. 14 Ninka nafta raacaa ma aqbalo waxyaalaha Ruuxa Ilaah, waayo, nacasnimo bay u yihiin, mana garan karo, maxaa yeelay, ruuxa ayaa lagu imtixaamaa. 15 Kii ruuxa raacaa wax walbuu imtixaamaa, laakiinse isaga qudhiisa ninna ma imtixaamo. 16 Waayo, yaa gartay maanka Rabbiga inuu wax baro isaga? Laakiin annagu waxaannu leennahay maanka Ciise.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya