Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 111

111 Rabbiga ammaana.
Qalbigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugaga mahadnaqi doonaa
Guddiga kuwa qumman dhexdiisa iyo ururka dhexdiisaba.
Shuqullada Rabbigu way waaweyn yihiin,
Oo waxaa doondoona kuwa ku faraxsan oo dhan.
Shuqulkiisu waa sharaf iyo haybad,
Oo xaqnimadiisuna weligeedba way waartaa.
Wuxuu ka dhigay in la sii xusuusto shuqulladiisa yaabka badan,
Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad.
Wuxuu cunto siiyey kuwa isaga ka cabsada,
Oo weligiisna wuxuu xusuusnaan doonaa axdigiisii.
Wuxuu dadkiisii tusay xooggii shuqulladiisa,
Markii uu iyaga siiyey quruumaha dhaxalkoodii.
Shuqullada gacmihiisu waa run iyo garsoorid,
Oo amarradiisa oo dhammuna waa hubaal.
Way sii adag yihiin weligood iyo weligoodba,
Oo waxaa lagu sameeyey run iyo qummanaan.
Wuxuu dadkiisa u soo diray furasho,
Oo wuxuu amray in axdigiisu ahaado mid weligiisba waara,
Magiciisu waa quduus, waana mid laga cabsado.
10 Rabbiga ka cabsashadiisu waa bilowga xigmadda,
Kuwa sidaas yeela oo dhammu waxay leeyihiin waxgarasho wanaagsan,
Ammaantiisu way waartaa weligeedba.

Bilowgii 18:1-15

Saddexdii Booqde

18 Oo Rabbigaa u muuqday isaga oo ag jooga dhirtii Mamre, isagoo iridda teendhada fadhiya markii maalinta ugu kululayd. Oo indhihiisii buu kor u taagay oo eegay, oo wuxuu arkay saddex nin oo hortiisa taagan: oo kolkuu arkay, ayuu ka orday iriddii teendhada inuu ka hor tago iyagii, kolkaasuu dhulka ku sujuuday, oo wuxuu yidhi, Sayidkaygiiyow, haddaad raalli iga tahay, ha i dhaafin anigoo addoonkaaga ah. Biyo yar ha laydiin keeno, oo cagamaydha, oo geedka hoostiisa ku nasta: oo waxaan idiin keeni doonaa wuxoogaa cunto ah, ee raaxaysta; waayo, waxaad u timaadeen addoonkiinna; markaas ka dib waad tegi doontaan. Oo waxay ku yidhaahdeen, Yeel sidaad tidhi. Ibraahimna dhaqsuu u galay teendhadii, oo Saarah u tegey, oo wuxuu ku yidhi, Saddex koombo oo bur ah degdeg u diyaari, oo cajiin, oo kibis ka samee. Oo Ibraahim xagga lo'dii buu ku orday, oo wuxuu soo kaxeeyey dibi yar oo dhaylo ah oo wanaagsan, oo wuxuu u dhiibay nin dhallinyaro ah, isaguna dhaqsuu u diyaariyey. Kolkaasuu u qaaday subag, iyo caano, iyo dibigii uu diyaariyey, oo hortooduu dhigay; isna dhinacooduu istaagay geedkii hoostiisii; iyana way cuneen. Oo waxay ku yidhaahdeen, Meeday bilcantaadii Saarah? Markaasuu yidhi, Waa taa; teendhaday ku jirtaa. 10 Wuxuuna ku yidhi, Hubaal waan kuu soo noqon doonaa markii xilligu soo wareego; oo bal ogow, naagtaada Saarah wiil bay dhali doontaaye. Saarahna way maqashay, iyadoo joogta iriddii teendhada oo ka dambaysay isaga. 11 Haddaba Ibraahim iyo Saarah way da' weynaayeen; gabow bayna la dhaceen; caadadii naaguhuna Saarah way ka joogsatay. 12 Saarahna qalbigay ka qososhay, iyadoo leh, Ma anigoo gaboobay baan farxad heli doonaa, iyadoo sayidkayguna gaboobay? 13 Rabbiguna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Saarah maxay u qososhay, iyadoo leh, Runtii ma ilmaan dhali doonaa, anoo gaboobay? 14 Ma wax Rabbiga ku adag baa jira? Wakhtigii la ballamay baan kugu soo noqon doonaa, markii xilligu soo wareego, oo Saarah wiil bay dhali doontaa.

15 Markaasaa Saarah dafirtay oo tidhi, Ma aan qoslin; maxaa yeelay, way cabsatay. Oo isna wuxuu yidhi, Maya, laakiin waad qososhay.

Filiboy 4:10-20

Bawlos Wuxuu Dadka Filiboy Ugu Mahadnaqay Deeqdoodii

10 Laakiin Rabbiga aad baan ugu faraxsanahay inaad haatan ugu dambaysta mar kale iga fikirteen; taas oo aad ka fikiri jirteen laakiin aad fursad u weydeen. 11 Ka hadli maayo baahi, waayo, waxaan bartay inaan raalli ku ahaado hadba xaaladdii aan ku jiro. 12 Waxaan aqaan saboolnimada, oo weliba waxaan aqaanna barwaaqada. Meel kasta iyo wax walba waxaan ku bartay dhergidda iyo gaajadaba, barwaaqada iyo baahidaba. 13 Wax walba waan ku samayn karaa gargaarkiisa kan i xoogeeya. 14 Habase yeeshee si wanaagsan baad yeesheen markaad dhibaatadayda ila qaybsateen. 15 Idinka qudhiinnuba waad taqaaniin, reer Filiboyow, in injiilka bilowgiisii markii aan Makedoniya ka soo kacay aan kiniisaduna ila qaybsan waxa ku saabsan bixinta iyo helidda, idinkoo keliya mooyaane. 16 Waayo, xataa markii aan Tesaloniika joogay, idinku mar iyo labaad ii soo dirteen wixii aan u baahnaa. 17 Ma aha inaan hadiyad doonayo, laakiin waxaan doonayaa midhaha xaggiinna ku kordhaya. 18 Laakiinse anigu wax kastaba waan haystaa, oo waan barwaaqaysanahay. Waan dheregsanahay, waayo, waxaan Ebafroditos ka helay wixii aad ii soo dirteen, kuwaas oo ah allabari Ilaah aqbali karo oo uu aad ugu farxo oo caraf udgoon leh. 19 Ilaahaygu wuu idin siin doonaa wixii aad u baahan tihiin oo dhan, sida ay tahay hodantinimadiisa xagga ammaanta Ciise Masiix ku jirta. 20 Haddaba ammaanu ha u ahaato Ilaaha Aabbeheenna ah weligiis iyo weligiis. Aamiin.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya