Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Gitiid.
81 Aad ugu gabya Ilaaha xooggeenna ah,
Oo farxad ugu qayliya Ilaaha Yacquub.
2 Sabuurka kor u qaada, oo waxaad halkan keentaan dafka,
Iyo kataaradda lagu farxo, iyo shareeradda.
3 Buunka afuufa markay bishu dhalato,
Iyo markuu dayaxu caddo buuxda yahay, iyo maalinta iiddeenna quduuska ah.
4 Waayo, taasu qaynuun bay u tahay reer binu Israa'iil,
Waana amar ka yimid Ilaaha Yacquub.
5 Oo wuxuu reer Yuusuf dhexdooda ka dhigay markhaati,
Markii uu dalkii Masar ku soo baxay,
Halkaas oo aan ka maqlay af aanan aqoon.
6 Garbihiisa waxaan ka qaaday culaabtii saarnayd,
Gacmihiisana waxaa laga xoreeyey dambiishii.
7 Waad ii dhawaaqatay markii dhib kuu yimid, oo anna waan ku soo samatabbixiyey,
Waxaan kaaga jawaabay onkodka meeshiisa qarsoon,
Oo waxaan kugu tijaabiyey biyihii Meriibaah. (Selaah)
8 Dadkaygiiyow, bal i maqla,
Oo anna waan idiin digi doonaa,
Reer binu Israa'iilow, bal haddaad i maqli lahaydeen!
9 Waa inaan ilaah qalaad idinku dhex jirin,
Oo waa inaydaan innaba ilaah qalaad caabudin.
10 Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah,
Oo kaa soo bixiyey dalkii Masar,
Afkaaga aad u kala qaad, oo anna waan buuxin doonaa.
5 Oo waa inaad bur soo qaadataa, oo aad ka dubtaa laba iyo toban xabbadood oo kibis ah, oo xabbaddiiba waa inuu eefaah toban meelood loo dhigo labadiis meelood ku jiraa. 6 Oo waa inaad laba saf u dhigtaa oo safkiiba waxaad ka dhigtaa lix xabbadood, oo waxaad saartaa miiska saafiga ah oo Rabbiga hortiisa yaal. 7 Oo saf kastaba waxaad ku shubtaa foox saafi ah, si uu kibista ugu noqdo xusuus, kaasoo ah qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo. 8 Oo isagu had iyo goorba sabti kasta waa inuu Rabbiga hortiisa ku hagaajiyaa; waayo, kaasu wuxuu reer binu Israa'iil u yahay axdi weligiis ah. 9 Oo kibistaas waxaa iska yeelan doona Haaruun iyo wiilashiisa, oo waa inay meel daahir ah ku cunaan, waayo, taasu isaga waa ugu wada quduusan tahay qurbaannada Rabbiga ee dabka lagu sameeyo oo qaynuun weligiis ah loo amray.
19 Miyaan Muuse sharciga idin siin? Midkiinnana sharciga ma yeelo. Maxaad u doonaysaan inaad i dishaan? 20 Dadkii badnaa waxay ugu jawaabeen, Jinni baad qabtaa. Yaa doonaya inuu ku dilo? 21 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Shuqul keliya ayaan sameeyey, kulligiinna waad la yaabteen. 22 Sidaa aawadeed Muuse wuxuu idin siiyey gudniinta (kamana iman Muuse, waxayse ka timid awowayaashii); idinku sabtida ayaad nin guddaan. 23 Haddii sabtida nin la gudo, si aan sharciga Muuse u jabin, ma waxaad iigu cadhoonaysaan nin aan dhammaantiis sabtidii bogsiiyey? 24 Aragtida waxba ha ku xukumina, laakiin ku xukuma xukunka xaqa ah.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya