Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey in la gabyo markii Gurigii loo furay Ilaah.
30 Rabbiyow, waan ku sarraysiinayaa, waayo, kor baad iga yeeshay,
Oo weliba igama aad dhigin in cadaawayaashaydu ii faanaan.
2 Rabbiyow, Ilaahayow,
Waan kuu qayshaday oo adna waad i bogsiisay.
3 Rabbiyow, waxaad naftaydii kor uga qaadday She'ool,
Oo waad i sii noolaysay si aanan yamayska ugu dhicin.
4 Quduusiintiisoy, Rabbiga ammaan ugu gabya,
Oo mahad ku naqa magiciisa quduuska ah.
5 Waayo, cadhadiisu waa daqiiqad keliya,
Laakiinse raallinimadiisu waa cimriga,
Habeenka waxaa jirta oohin,
Laakiinse aroorta farxad baa timaada.
6 Aniguse intaan barwaaqaysnaa waxaan idhi,
Weligay dhaqdhaqaaqi maayo.
7 Rabbiyow, raallinimadaada aawadeed ayaad buurtayda ka dhigtay inay si adag u taagnaato,
Wejigaagaad qarisay, oo anna waan argaggaxay.
8 Rabbiyow, adigaan kuu soo qayshaday,
Oo baryootankaygii waxaan gaadhsiiyey Rabbiga.
9 Bal markaan yamayska ku dego, maxaa faa'iido ah oo dhiiggayga ku jirta?
Ma ciiddaa ku ammaanaysa? Oo ma runtaaday sheegaysaa?
10 Rabbiyow, i maqal oo ii naxariiso,
Rabbiyow, kaalmeeyahayga ahow.
11 Baroortaydii waxaad iigu beddeshay cayaar,
Oo dharkaygii joonyadaha ahaana waad iga furtay, oo waxaad ii guntisay farxad,
12 Taasuna waa si nafsaddaydu ay ammaan kuugu gabaydo, oo aanay u aamusin.
Rabbiyow, Ilaahayow, weligayba waan kugu mahadnaqayaa.
2 Sayidku sidee buu xanaaqiisii magaalada Siyoon daruur ugu daboolay! Quruxdii dadka Israa'iilna samaduu ka soo tuuray oo dhulkuu ku soo xooray,
Oo maalintii cadhadiisa meeshuu cagaha dhigan jiray sooma uu xusuusan.
2 Sayidku wuxuu liqay rugihii dadka Yacquub oo dhan, umana uu tudhin.
Wuxuu cadhadiisii ku dumiyey qalcadihii dadka Yahuudah,
Oo dhulkuu ku soo xooray iyagii,
Oo boqortooyadii iyo amiirradeediiba nijaas buu ku tiriyey.
3 Wuxuu cadhadiisii kululayd ku gooyay geeskii dadka Israa'iil oo dhan.
Oo gacantiisii midigna wuu ka soo ceshaday cadowga hortiisii,
Dadka Yacquubna wuxuu u gubay sidii dab ololaya oo baabbi'iya waxaa hareerihiisa yaal oo dhan.
4 Wuxuu qaansadiisii u xootay sidii cadow oo kale, oo gacantiisii midigna wuu u taagay sidii nacab oo kale,
Oo wixii isha u roonaa ayuu wada laayay,
Oo taambuuggii magaalada Siyoonna cadhadiisuu ugu soo daadiyey sidii dab oo kale.
5 Sayidku wuxuu noqday sidii cadow oo kale, oo dadka Israa'iilna wuu liqay,
Daarahoodii waaweynaana wuu wada liqay, oo qalcadahoodiina wuu wada burburiyey,
Oo dalka Yahuudahna wuxuu ku badiyey baroor iyo oohin.
6 Taambuuggiisii wuxuu u dumiyey sidii waab beer ku yaal,
Oo meeshii shirkiisana wuu baabbi'iyey.
Rabbigu wuxuu ka dhigay in Siyoon lagu dhex illoobo iiddii iyo sabtidiiba,
Oo dhirifkii cadhadiisa ayuu ku quudhsaday boqorkii iyo wadaadkiiba.
7 Sayidku wuu xooray meeshiisii allabariga, oo meeshiisii quduuska ahaydna wuu karhay,
Derbiyadii daaraheeda waaweynna gacanta cadowga buu u geliyey.
Oo gurigii Rabbigana way ku dhex qayliyeen sidii maalin iid ah.
8 Rabbigu wuu u qasdiyey inuu baabbi'iyo derbigii magaalada Siyoon.
Xadhig buu ku kala fidiyey, oo gacantiisiina kama celin baabbi'inteedii.
Wuxuu ka dhigay dhufays iyo derbi inay baroortaan, oo dhammaantoodna way wada jilceen.
9 Irdaheedii dhulkay ku tiimbadeen, oo qataarradeediina wuu wada burburiyey oo jejebiyey.
Boqorkeedii iyo amiirradeediiba waxay dhex joogaan quruumaha, sharcigiina innaba ma jiro,
Oo nebiyadeediina xagga Rabbiga waxba loogama muujin.
10 Odayaashii magaalada Siyoon iyagoo aamusan ayay dhulka fadhiyaan,
Boodh bay madaxa ku shubteen, oo waxay guntadeen joonyado.
Bikradihii Yeruusaalem madaxay dhulka ku foororiyeen.
11 Indhahaygii ilmay la gudheen, uurkuna waa i gubanayaa,
Oo aad baan u caloolxumahay, waayo, waxaa la baabbi'iyey dadkaygii,
Maxaa yeelay, carruurtii iyo naasonuugyadiiba jidadka magaalada bay ku itaal darnaadaan.
12 Waxay hooyooyinkood ku yidhaahdaan, Meeh hadhuudhkii iyo khamrigii?
Iyagoo jidadka magaalada ku itaaldaran sida dad dhaawac ah oo kale,
Markii ay naftoodu kaga baxayso laabta hooyooyinkood.
Wax-u-Ururinta Masaakiinta Yeruusaalem
8 Haddaba, walaalayaalow, waxaannu idin ogeysiinaynaa nimcada Ilaah oo la siiyey kiniisadaha Makedoniya, 2 si, markii dhib lagu tijaabiyey, farxaddooda badan iyo miskiinnimadooda weyni ay ugu badnaadeen hodantinimada deeqsinimadooda. 3 Waayo, waxaan u marag furayaa inay tabartooda ku siiyeen, oo weliba si dhaafsiisan tabartooda, siday u doonayeen, 4 iyagoo aad nooga baryaya inaannu ka guddoonno hadiyadda qaybta ku leh adeegidda xagga quduusiinta, 5 oo mana aha sidaan rajaynay, laakiin hortii way isa siiyeen Rabbiga iyo annagaba sidii Ilaah doonayay. 6 Sidaas daraaddeed Tiitos waannu ka barinnay, in siduu hortii u bilaabay, sidaas oo kale uu idiinku dhammeeyo nimcadatan. 7 Laakiin sidaad wax kasta badnaan uga haysaan xagga rumaysadka, iyo hadalka, iyo aqoonta, iyo dadaalka oo dhan, iyo jacaylka aad noo qabtaan, waa inaad nimcadanna badnaan uga haysaan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya