Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 65

Kanu waa sabuur gabay ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

65 Ilaahow, ammaan baa Siyoon kugu sugaysa,
Oo nidarkana waa in adiga laguu oofiyo.
Kaaga baryootanka maqlow,
Dadka oo dhammu adigay kuu iman doonaan.
Waxaa iga adkaada xumaatooyin,
Xadgudubkayagase waad naga nadiifin doontaa.
Waxaa barakaysan ninkii aad dooratid, oo aad ka dhigto inuu kuu soo dhowaado,
Inuu degganaado barxadahaaga.
Waxaan ka dhergi doonnaa wanaagga gurigaaga,
Kaas oo ah meesha quduuska ah oo macbudkaaga.
Ilaaha badbaadadayadow,
Waxyaalo cabsi badan ayaad xaqnimo noogu jawaabi doontaa,
Waxaad tahay kalsoonida kuwa dunida darfaheeda oo dhan,
Iyo kuwa badda fogba,
Kaas oo xooggiisa buuraha ku adkeeya,
Isagoo dhexda xoog ku xidhay.
Wuxuu aamusiiyaa guuxa badaha, iyo guuxa hirarkooda,
Iyo dadyowga buuqooda.
Oo weliba kuwa dhulka meelaha ugu fog deggan waxay ka cabsadaan calaamooyinkaaga,
Oo adigu waad ka farxisaa meelaha ay subaxda iyo fiidkaba ka baxaan.
Dhulka waad soo booqataa, oo waad biyaysaa,
Oo aad baad u barwaaqaysaa,
Webiga Ilaahna biyaa ka buuxa,
Waxaad iyaga siisaa hadhuudh, markii aad dhulka sidaas u diyaarisay.
10 Adigu beerta jeexjeexeeda aad baad u waraabisaa,
Oo waxaad dejisaa jeexjeexa tuurahooda,
Oo tiixtiix baad ku jilcisaa,
Oo waxa ka soo baxana waad barakaysaa.
11 Sannadda waxaad taaj uga dhigtaa wanaaggaaga,
Oo waddooyinkaagana waxaa ka tifqa subag.
12 Waxay ku tifqaan daaqa cidlada,
Oo buuruhuna waxay guntadaan farxad.
13 Berrimmada daaqu waxay huwadaan tirooyin adhyo ah,
Dooxooyinkana waxaa qariya hadhuudh,
Markaasay farxad la qayliyaan, oo weliba gabyaan.

Baxniintii 9:13-35

Belaayada Roobdhagaxyaale Baas Ah

13 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Aroor hore kac, oo Fircoon hortiisa istaag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga Ilaaha Cibraaniyada ah wuxuu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene, inay ii adeegaan. 14 Waayo, waxaan markan qalbigaaga, iyo addoommadaada, iyo dadkaagaba ku soo dayn doonaa belaayadayda oo dhan, inaad ogaatid inaan dhulka oo dhan lagu arag mid anoo kale ah. 15 Waayo, haatan haddaan gacantayda fidin lahaa, oo aan belaayo kugu dhufan lahaa adiga iyo dadkaagaba, de markaas adiga dhulka waa lagaa baabbi'in lahaa, 16 laakiin sababtan aawadeed ayaan kuu taagay, inaan xooggayga kaa muujiyo iyo in magacayga laga sheego dhulka oo dhan. 17 Ma weli baad dadkayga iska weynaynaysaa, oo aanad sii daynin? 18 Bal ogow, berrito haddaa oo kale waxaan soo daadin doonaa roobdhagaxyaale baas oo aan weligiis lagu arag Masar tan iyo maalintii la dhisay ilaa haatan. 19 Haddaba cid u dir oo la soo dhaqso lo'daada iyo waxa berrinka kuu jooga oo dhan; waayo, dad iyo duunyo wixii berrinka laga helo oo dhan oo aan guryaha la soo gelin, waxaa ku soo degi doona roobka dhagaxyada leh, wayna dhiman doonaan. 20 Markaasaa mid kasta oo addoommadii Fircoon ka mid ahaa oo ka cabsanayay ereygii Rabbiga, addoommadiisii iyo lo'diisii ayuu xagga guryaha u eryay; 21 kii aan dan ka lahayn ereygii Rabbigase addoommadiisii iyo lo'diisiiba ayuu berrinka ku daayay.

22 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Gacanta xagga samada u fidi, in roobka dhagaxyada leh ku soo dego dalka Masar oo dhan, dadka dushiisa iyo duunyada dusheeda iyo dhalatada duurka ku taal dusheeda oo dhan ee dalka Masar dhammaantiis. 23 Markaasaa Muuse ushiisii u fidiyey xagga samada, oo Rabbigu wuxuu soo diray onkod iyo roobdhagaxyaale, waxaana dhulka ku soo degay dab; oo Rabbigu wuxuu dalkii Masar ku soo daayay roobdhagaxyaale. 24 Sidaas daraaddeed waxaa ku soo da'ay roobdhagaxyaale baas, roobka dhagaxyada lehna waxaa ku qaldanaa dab, kaas oo kalena weligiis kama di'in dalka Masar oo dhan tan iyo maalintii ay quruun noqotay ilaa haatan. 25 Oo roobkii dhagaxyada lahaana wuxuu laayay wax alla wixii dalka Masar oo dhan duurkiisa joogay, dad iyo duunyoba; oo dhalatadii duurka oo dhanna roobkii dhagaxyada lahaa baa laayay, oo dhirtii duurka oo dhanna wuu jejebiyey. 26 Waxaa keliyahoo aan roobdhagaxyaale ku di'in dalkii Goshen oo reer binu Israa'iil joogeen. 27 Markaasaa Fircoon cid u diray, oo u yeedhay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Markan waan dembaabay; Rabbigu waa xaq, aniga iyo dadkaygubana shar baannu leennahay. 28 Bal Rabbiga noo barya, waayo, roobkan dhagaxyada leh iyo onkodkan weynu waa nagu filan yihiin; oo waan idin sii dayn doonaa, oo idinku mar dambe sii joogi maysaan innaba. 29 Kolkaasaa Muuse wuxuu isagii ku yidhi, Isla markii aan ka baxo magaalada ayaan gacmahayga u kala bixin doonaa Rabbiga, oo onkodku waa joogsan doonaa, roobdhagaxyaale dambena ma jiri doono, si aad adigu u ogaatid inuu Rabbigu dhulka leeyahay. 30 Laakiin waan ogahay in adiga iyo addoommadaadu aydnaan weli ka cabsanayn Rabbiga Ilaaha ah. 31 Oo cudbigii iyo shaciirkiiba waa baabbe'een; waayo, shaciirku waa midhaystay, cudbigana ubax baa ka baxayay. 32 Laakiinse sarreenkii waxba kuma dhicin; waayo, weli aad uma uu bixin. 33 Oo Muusena magaaladii buu ka baxay, wuuna ka tegey Fircoon, oo gacmihiisii buu u kala bixiyey Rabbiga. Markaasaa onkodkii iyo roobkii dhagaxyada lahaaba joogsadeen, roobkiina dhulka kuma shubmin. 34 Fircoonna kolkuu arkay inay joogsadeen roobkii iyo roobdhagaxyaalihii iyo onkodkiiba, ayuu weliba sii dembaabay, oo qalbigiisiina wuu sii qallafiyey, isaga iyo addoommadiisiiba. 35 Oo Fircoon qalbigiisiina waa sii qallafsanaaday, oo reer binu Israa'iilna siima uu dayn inay tagaan, sidii Rabbigu Muuse afkiisa kaga hadlay.

Falimaha Rasuullada 27:39-44

39 Oo markii waagii beryay, ayay dhulkii garan waayeen; laakiin waxay arkeen marso xeeb leh, oo waxay doonayeen inay doonnidii halkaas ku kaxeeyaan hadday karaan. 40 Markaasay barroosinnadii badda ku xooreen oo badda ku sii daayeen, oo isla markaasba waxay fureen xadhkihii shukaanaha ku xidhnaa, oo intay shiraaqii dabaysha u sii daayeen, ayay xeebta ku hagaageen. 41 Laakiin waxay ku dhaceen meel laba badood isaga darmadaan, markaasaa doonnidii dhulka ku dhufatay; oo dhankeedii hore ayaa meel ku liimbaaday oo waxay noqotay wax aan la dhaqdhaqaajin karin, laakiin dhankii dambe wuxuu bilaabay inuu ku burburo mawjadihii xooggooda.

42 Markaasaa askartii waxay ku taliyeen inay maxaabiista laayaan, si aan midkoodna intuu dabaasho uga baxsan. 43 Laakiin boqol-u-taliyihii oo doonayay inuu badbaadiyo Bawlos, ayaa qasdigoodii ka joojiyey; oo wuxuu amray in kuwa dabaalan karaa ay doonnida iska tuuraan, oo ay marka hore dhulka tagaan; 44 oo inta kalena qaar ha ku dabaasho looxaan, qaarna waxyaalo kale oo ay doonnida ka sii qaataan. Oo sidaas daraaddeed waxay noqotay inay dhammaantood dhulkii u baxsadeen iyagoo nabdoon.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya