Revised Common Lectionary (Complementary)
Hadalkii Rabbiga Ee Ayuub
38 Markaasaa Rabbigu Ayuub uga jawaabay dabaysha cirwareenta ah,
oo wuxuu ku yidhi,
2 Waa kuma kan talada ku madoobeeya
Erayada aan aqoonta lahayn?
3 Haddaba sida nin rag ah dhexda u gunto,
Waayo, wax baan ku weyddiinayaa, oo adna waa inaad ii sheegtaa.
4 Markaan dunida aasaaskeeda dhigay xaggee baad joogtay?
Haddaad waxgarad tahay, taas ii sheeg.
5 Haddaadse taqaanid yaa qiyaasteeda amray?
Amase yaa xadhiggii lagu qiyaasay ku kor fidiyey?
6 Aasaaskeedase bal xaggee baa lagu dejiyey?
Amase yaa dhigay dhagaxa geeska ah
7 Markay xiddigaha aroorya isla wada heeseen,
Oo ay carruurta Ilaah oo dhammu farxad la qayliyeen?
8 Amase yaa badda albaabbo ku xidhay markay u soo faruurantay
Sidii wax maxal ka soo baxay,
9 Iyo markaan daruurta dharka uga dhigay,
Oo aan gudcurka maro lagu duudduubo uga dhigay,
10 Oo aan hareeraheeda xad u amray,
Oo aan u yeelay qataarro iyo albaabbo,
11 Oo aan ku idhi, Ilaa halkan soo gaadh, laakiinse innaba ha soo dhaafin,
Oo hirarkaaga kibirka lahu waa inay halkan ku joogsadaan?
Kitaabka Shanaad
Sabuurrada 107-150
107 Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay,
Oo naxariistiisuna weligeedba way sii waartaa.
2 Kuwa Rabbigu soo furtay sidaas ha yidhaahdeen,
Waana kuwa uu isagu ka soo furtay gacantii cadowga,
3 Oo uu ka soo ururiyey dalalka,
Xagga bari, iyo xagga galbeed,
Xagga woqooyi, iyo xagga koonfureedba.
23 Kuwa badda doonniyaha ku mara,
Oo shuqulkooda ku sameeya biyaha badan,
24 Kuwaasu waxay arkaan Rabbiga shuqulladiisa,
Iyo yaababkiisa moolka ku jira.
25 Waayo, wuxuu amraa oo kiciyaa dabaysha duufaanka,
Taas oo kor u qaadda hirarka badda.
26 Waxay u kacaan xagga samada, oo haddana waxay hoos ugu soo dhacaan moolalka,
Naftoodiina waxay ku dhalaashay dhibaato daraaddeed.
27 Hore iyo dib bay isaga daba noqdaan, oo sida nin sakhraan ah bay dhacdhacaan,
Oo waxay sameeyaan ayay garan waayaan.
28 Markaasay Rabbiga u qayshadaan iyagoo dhibban,
Oo isna wuxuu ka soo bixiyaa dhibaatooyinkooda.
29 Wuxuu dejiyaa duufaanka,
Si ay hirarkiisu u xasillaan.
30 Way farxaan, maxaa yeelay, way xasilloon yihiin,
Oo sidaasuu iyaga ku keenaa marsada ay doonayaan.
31 Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa,
Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
32 Iyagu ha ku sarraysiiyeen shirka dadka dhexdiisa,
Oo ha ku ammaaneen fadhiga odayaasha.
6 Annagoo la shaqaynayna Ilaah waxaannu idinka baryaynaa inaydnaan micnela'aan u qaadan nimcadii Ilaah, 2 waayo, wuxuu leeyahay,
Wakhti la aqbalay ayaan ku dhegaystay,
Oo maalintii badbaadintana ayaan ku caawiyey.
Bal eeg, hadda waa wakhtigii la aqbalay; bal eeg, hadda waa maalintii badbaadinta. 3 Annagu ninna wax uu ku turunturoodo uma dhigno, si aan adeegiddayada waxba looga sheegin. 4 Laakiin sida midiidinyada Ilaah ayaannu wax walba isugu caddaynaynaa dulqaadasho badan, annagoo ku dhex jirna dhibaatooyin, iyo baahi, iyo cidhiidhiyo, 5 iyo karbaashyo, iyo xabsiyo, iyo rabshooyin, iyo hawlo, iyo soo jeedid, iyo soomid, 6 annagoo isku caddaynayna daahirnimo, iyo aqoon, iyo samir, iyo roonaan, iyo Ruuxa Quduuskaa, iyo jacayl aan labaweji lahayn, 7 iyo hadalka runtaa, iyo xoogga Ilaah, iyo hubka xaqnimada ee midigta iyo bidixdaba, 8 haddii lana maamuuso iyo haddii lana maamuus jebiyoba, haddii war xun lanaga sheego, iyo haddii war wanaagsan lanaga sheegoba, sida annagoo ah khaa'inno laakiin kuwa runta ah; 9 sida kuwo aan la garanaynin laakiin la yaqaan, sida kuwo dhimanaya, laakiin bal eeg, waannu nool nahaye, sida kuwo la edbiyo, laakiin aan dhimasho la gaadhsiin, 10 sida kuwo la calool xumeeyey, laakiin weli had iyo goorba farxa, sida masaakiin, laakiin dad badan hodansiiya, sida kuwo aan waxba haysanin laakiin wax walba leh.
Qalbifurnaan Iyo Jacayl
11 Afkayagu waa idiin furan yahay, idinka dadka Korintosow, qalbigayaguna si weyn buu idiinku furan yahay. 12 Annagu idinma aannan cidhiidhiyin, laakiin waxaa idin cidhiidhiyey jacaylkiinna oo qudha. 13 Haddaba idinkuna sidaas oo kale abaalgud ahaan u qalbi furnaada. Waxaan idiinla hadlayaa sida carruutayda oo kale.
Ciisaa Duufaantii Dejiyey(A)
35 Maalintii qudheedii, goortii makhribkii la gaadhay, wuxuu iyaga ku yidhi, Dhanka kale aan u gudubnee. 36 Goortay dadkii badnaa direen, isagay wadeen intuu doonnidii ku jiray, oo doonniyo yaryar oo kalena way la jireen. 37 Waxaa kacay duufaan weyn oo dabayl ah, hirarkiina doonniday ku dhaceen ilaa ay doonnidii buuxsamaysay. 38 Isaguna wuxuu joogay xaggii dambe ee doonnida isagoo barkin ku hurda. Markaasay toosiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, miyaanay waxba kula ahayn inaynu lunno? 39 Kolkaasuu kacay oo dabayshii canaantay, oo badduu ku yidhi, Aamus oo xasil. Markaasaa dabayshii degtay oo xawaal weyn baa dhacday. 40 Goortaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Maxaad sidaa ugu baqaysaan? Sidee baydnaan weli rumaysad u lahayn? 41 Aad bay u baqeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Haddaba yuu yahay kan xataa dabaysha iyo badduba yeelaan?
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya