Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 123

Gabayga meelokoridda.

123 Kaaga samooyinka dhex fadhiyow,
Adigaan indhahayga kor kuugu taagaa.
Bal eeg, sida ay indhaha addoommadu u fiiriyaan gacanta sayidkooda,
Iyo sida ay gabadh indhaheedu u fiiriyaan gacanta sayidaddeeda
Ayay indhahayagu u fiiriyaan Rabbiga Ilaahayaga ah,
Ilaa uu noo naxariisto.
Rabbiyow, noo naxariiso, annaga noo naxariiso,
Waayo, waxaa aad nooga buuxda quudhsasho.
Naftayadii waxaa aad uga batay
Qosolka kuwa istareexsan
Iyo quudhsashadii kuwa kibirsan.

Yeremyaah 7:1-15

Diin Been Ah Waxtar Malaha

Kanu waa eraygii Yeremyaah uga yimid xagga Rabbiga, isagoo leh, Guriga Rabbiga iriddiisa istaag, oo waxaad halkaas ka naadisaa eraygan, oo waxaad tidhaahdaa, Kuwiinna dadka Yahuudah oo irdahan u gala inaad Rabbiga caabuddaanow, kulligiin bal erayga Rabbiga maqla. Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo anna waan idinka yeeli doonaa inaad meeshan degganaataan. Ha isku hallaynina erayo been ah oo leh, Macbudkii Rabbiga, Macbudkii Rabbiga, Macbudkii Rabbigu waa kan. Waayo, haddaad jidadkiinna iyo falimihiinnaba wada hagaajisaan, oo aad caddaalad ugu garsoortaan nin iyo deriskiisa, iyo haddaydnan dulmin shisheeyaha iyo agoonta iyo carmalka, oo aydaan meeshan ku daadin dhiig aan xaq qabin, oo aydaan ilaahyo kale waxyeelladiinna u daba gelin, de markaas waxaan idinka yeeli doonaa inaad degganaataan meeshan, oo ah dalkii aan waa hore awowayaashiin u siiyey inay weligood lahaadaan. Bal eega, idinku waxaad isku hallaysaan erayo been ah oo aan waxba idin tari karin. Intaad wax xaddaan, oo dhiig daadisaan, oo sinaysataan, oo been ku dhaarataan, oo Bacal foox u shiddaan, oo ilaahyo kale oo aydaan aqoon daba gashaan, 10 miyaad i hor imanaysaan, oo gurigan laygu magacaabay gudihiisa soo istaagaysaan, oo odhanaysaan, Annaga waa nala samatabbixiyey, si aad haddana karaahiyadan oo dhan u sii samaysaan? 11 Gurigan laygu magacaabay ma wuxuu hortiinna ku noqday god tuugo? Bal eega, Rabbigu wuxuu leeyahay, Aniguba waan arkay. 12 Laakiinse haatan bal taga meeshaydii Shiiloh ku oolli jirtay, oo aan markii ugu horraysay magacayga dejiyey, oo bal soo arka wixii aan ugu sameeyey xumaantii dadkayga reer binu Israa'iil aawadeed. 13 Oo haatan Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku waxaad samayseen shuqulladan oo dhan, oo anna goor wanaagsan waan idinla hadlay, laakiinse ima aydaan maqlin, waanan idiin dhawaaqay, laakiinse iima aydaan jawaabin, 14 sidaas daraaddeed gurigan laygu magacaabay, oo aad isku hallaynaysaan, iyo meeshii aan siiyey idinka iyo awowayaashiinba ayaan ku samayn doonaa wixii aan Shiiloh ku sameeyey oo kale. 15 Oo idinkana hortaydaan idinka xoori doonaa sidaan u xooray dhammaan walaalihiinna ah farcankii Efrayim oo dhan.

1 Korintos 4:8-13

Horaad u dheregteen, horaad hodan u noqoteen, la'aantayo sida boqorro ayaad wax u xukunteen. Waan jeclaan lahaa inaad wax xukuntaan, inaannu annaguna wax idinla xukunno. Waayo, waxaan u malaynayaa in Ilaah na soo saaray, annagoo ah rasuulladii ugu dambeeyey, sida kuwa dhimashada lagu xukumay oo kale, maxaa yeelay, wax la daawado ayaa lanooga dhigay dunida, iyo malaa'igaha, iyo dadkaba. 10 Annagu waxaannu nahay Masiixa aawadiis doqonno, idinkuse caqli baad ku leedihiin xagga Masiixa. Annagu waa xoog darannahay, idinkuse waad xoog badan tihiin, idinku ammaan baad leedihiin, annaguse waa maamuus la' nahay. 11 Tan iyo saacaddan waan gaajaysan nahay, waanan harraadsan nahay, waanan arradan nahay, waa nala garaacay, oo meel aan ku hoyannona ma lihin. 12 Waana hawshoonnaa annagoo gacmahayaga ku shaqayna; markii lana caayona waan ducaynaa; markii lana silciyona waan dulqaadannaa. 13 Markii lana xantona, si qabow ayaannu u hadallaa, waxaannu noqonnay uskagga dunida iyo waxa ugu wasakhsan wax kasta tan iyo haatan.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya