Revised Common Lectionary (Complementary)
8 Waan maqli doonaa waxa Ilaaha Rabbiga ahu ku hadlo,
Waayo, nabad buu kula hadli doonaa dadkiisa iyo quduusiintiisa,
Laakiin yaanay nacasnimo ku noqon.
9 Hubaal badbaadadiisu way u dhow dahay kuwa isaga ka cabsada,
Si ay ammaanu dalkayaga u degganaato.
10 Naxariis iyo runu way isla kulmeen,
Xaqnimo iyo nabaduna way isdhunkadeen.
11 Runtu waxay ka soo baxdaa dhulka,
Xaqnimaduna waxay hoos ka soo fiirisaa samada.
12 Haah, Rabbigu wuxuu ina siin doonaa waxa wanaagsan,
Oo dalkeennuna wuxuu soo bixin doonaa midhihiisa.
13 Hortiisa waxaa socon doonta xaqnimo,
Oo waxay tallaabooyinkiisa ka dhigi doontaa jid la maro.
6 Rabbigu wuxuu leeyahay, Magaalooyinkiinna oo dhan waxaan idinku siiyey ilko nadiifsan oo ka timaado cuntola'aan ka dhacda meelihiinna oo dhan, laakiinse iima aydaan soo noqon. 7 Oo anna roobkii waan idinka ceshaday markii ay saddex bilood ka hadhay xilligii beergoosashada, oo magaalo baan roob ku di'iyey, magaalo kalena roob kuma aan di'in. Roob baa meel ku da'ay, oo meeshii aan roobku ku di'inna way engegtay. 8 Sidaas daraaddeed laba ama saddex magaalo ayaa magaalo u soo wareegay inay biyo ka cabbaan aawadeed, oo kamana ay wabxin, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay. 9 Waxaan idinku dhuftay beera-engeeg iyo caariyaysi, oo beerihiinnii badnaa, iyo beercanabyadiinnii, iyo dhirtiinnii berdaha ahayd, iyo dhirtiinnii saytuunka ahaydba waxaa wada laasatay koronkorrada, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay. 10 Waxaan idinku soo dhex daayay cudur belaayo sidaan Masar ugu soo daayay oo kale. Barbaarradiinnii seef waan ku laayay, oo fardihiinniina waan wada kaxaystay, oo waxaan ka dhigay in qudhunkii xeradiinnu uu xataa soo gaadho sankiinna dulalkiisa, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay. 11 Oo qaarkiin waan u afgembiyey sidii markii Ilaah u afgembiyey Sodom iyo Gomora, oo idinna waxaad ahaydeen sidii qori ololaya oo dab laga soo dhiftay, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay. 12 Haddaba dadka Israa'iilow, sidaasaan idinku samayn doonaa, oo waxan aan idinku samayn doona aawadeed isu diyaariya inaad Ilaahiinna la kulantaan, dadka Israa'iilow. 13 Waayo, bal eega, kan buuraha sameeya, oo dabaysha uuma, oo binu-aadmiga u sheega waxa fikirkiisu yahay, kan subaxdii gudcur ka dhiga, oo ku kor tunta dhulka meelihiisa sare, magiciisu waxaa weeye Rabbiga oo ah Ilaaha ciidammada.
Dhalashadii Yooxanaa Baabtiisaha; Aabbihiis Gabaygiisii Ammaanta Ahaa
57 Hadda Elisabed wakhtigii ay umuli lahayd ayaa la joogay, oo wiil bay dhashay. 58 Derisyadeedii iyo xigaalkeedii ayay maqleen siduu Rabbigu naxariistiisii ugu weyneeyey iyada, wayna la farxeen. 59 Waxaa dhacay inay maalintii siddeedaad u yimaadeen inay wiilkii gudaan, oo waxayna u bixiyeen magicii aabbihiis Sakariyas. 60 Kolkaasaa hooyadiis u jawaabtay oo ku tidhi, Sidaas ma aha; waxaase loogu yeedhi doonaa Yooxanaa. 61 Waxay ku yidhaahdeen, Xigaalkaaga kuma jiro qof magacaas loo bixiyey. 62 Waxay aabbihiis gacan ugu tilmaameen oo weyddiiyeen wuxuu doonayay in loogu yeedho. 63 Markaasuu wuxuu weyddiistay loox oo ku qoray, isagoo leh, Magiciisu waa Yooxanaa. Wayna wada yaabeen. 64 Kolkiiba afkiisii ayaa furmay, oo carrabkiisiina waa debcay, markaasuu hadlay oo Ilaah ammaanay. 65 Dadkii agtooda joogay oo dhammu way wada cabsadeen, oo hadalladan oo dhan waa lagaga hadlayay dalkii buuraha lahaa oo Yahuudiya oo dhan. 66 Kuwa waxyaalahaas maqlay oo dhan ayaa qalbigooda geliyey oo waxay yidhaahdeen, Haddaba ilmahanu muxuu noqon doonaa? Waayo, gacantii Rabbiga ayaa la jirtay isaga.
67 Markaasaa aabbihiis Sakariyas waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, waxna wuu sii sheegay isagoo leh,
68 Ha ammaanmo Rabbiga ah Ilaaha Israa'iil,
Waayo, dadkiisii ayuu soo booqday oo furtay.
69 Badbaadiye xoog leh ayuu inoogu kiciyey
Gurigii midiidinkiisa Daa'uud,
70 (Siduu afkii nebiyadiisii quduuska ahaa tan iyo bilowgii uga hadli jiray),
71 Inuu inaga badbaadiyo cadaawayaasheenna iyo gacanta kuwa ina neceb oo dhan,
72 Iyo inuu u naxariisto awowayaasheen,
Iyo inuu axdigiisii quduuska ahaa xusuusto,
73 Oo ahaa dhaartii uu awoweheennii Ibraahim ugu dhaartay,
74 Inuu ina siiyo innagoo cadaawayaasheenna gacmahooda laynaga bixiyey
Inaynu baqdinla'aan isaga ugu hawshoonno
75 Quduusnimada iyo xaqnimada isaga hortiisa cimrigeenna oo dhan.
76 Adiguna, ilma yahow, waxaa laguugu yeedhi doonaa nebigii Kan ugu sarreeya,
Waayo, waxaad hor mari doontaa Rabbiga hortiisa inaad jidadkiisa diyaargaraysid;
77 Oo aad dadkiisa ogeysiisid badbaadada
Ee dembidhaafkooda ah,
78 Ee laga hela naxariista weyn ee Ilaaheenna,
Tan qorraxda soo baxda xagga sare inaga soo booqan doonta,
79 Inay iftiimiso kuwa fadhiya gudcurka iyo hooskii dhimashada,
Iyo inay cagaheenna jidkii nabadda ku kaxayso,
80 Wiilkuna waa koray oo ruuxuu ka xoogoobay, wuxuuna joogay cidlada ilaa maalintii uu Israa'iil istusi lahaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya