Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa baryootan Maskiil ah ee Daa'uud tiriyey markuu godkii ku jiray.
142 Anigu codkaygaan Rabbiga ugu qayshadaa,
Oo codkaygaan Rabbiga ku baryaa.
2 Oo hortiisaan ku cawdaa,
Oo dhibaatadaydana hortiisaan ku muujiyaa.
3 Markii naftaydu gudahayga ku itaal darnaatay, waddadayda waad tiqiin,
Jidka aan ku socdona dabin bay iigu qariyeen.
4 Bal fiiri xaggayga midig, oo bal arag,
Waayo, nin i yaqaan ma jiro,
Meel aan magangalo ayaan waayay, ninna naftayda dan kama leh.
5 Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday,
Oo waxaan idhi, Waxaad tahay magangalkayga,
Iyo qaybta aan dalka kuwa nool ku leeyahay.
6 Qayladayda dhegayso, waayo, aad baa hoos laygu dejiyey,
Kuwa i silciya iga samatabbixi, waayo, iyagu way iga xoog badan yihiin.
7 Naftayda xabsiga ka soo bixi, si aan magacaaga ugu mahadnaqo,
Kuwa xaqa ah ayaa igu hareeraysnaan doona,
Waayo, wax badan oo wanaagsan baad ii samayn doontaa.
Israa'iil Waa La Baabbi'in Doonaa
9 Waxaan arkay Sayidka oo ag taagan meesha allabariga, oo wuxuu yidhi, Fayaaradaha garaac ilaa meelahooda sare gariiraan, oo dadka oo dhan madaxooda ku wada jejebi, oo intii ka hadhana seef baan ku layn doonaa. Midkoodna ma carari doono, oo midkoodna ma baxsan doono. 2 Oo xataa hadday hoos u qodaan ilaa She'ool, gacantaydaa halkaas ka soo saari doonta, oo xataa hadday samada fuulaan anigaa ka soo dejin doona halkaasna. 3 Oo xataa hadday ku dhuntaan Buur Karmel dhaladeeda anigaa halkaas ka baadhi doona oo ka soo bixin doona, oo xataa hadday badda gunteeda iga dhuntaan, halkaasna waan ka amri doonaa mas, oo isna wuu qaniini doonaa. 4 Oo xataa hadday cadaawayaashooda maxaabiis ahaan u hor socdaan, halkaasna seef baan ka amri doonaa, iyana way layn doontaa, oo waxaan indhahayga iyaga ugu taagi doonaa inaan belaayo ku sameeyo oo aanan wanaag u samayn.
Yuhuuddu Shirqool Bay U Dhigeen Bawlos
12 Oo markii ay maalin noqotayna, ayaa Yuhuuddii urur samaysteen oo nidar wada galeen iyagoo leh, Waxba cuni mayno, waxbana cabbi mayno ilaa aan Bawlos dilno mooyaane. 13 Kuwa isku dhaartayna waxay ka badnaayeen afartan. 14 Markaasay u yimaadeen wadaaddadii sare iyo waayeelladii, oo waxay ku yidhaahdeen, Nidar weyn ayaannu wada galnay, oo waxaannu isku dhaarsannay inaannan waxba dhadhamin ilaa aannu Bawlos dilno. 15 Haddaba idinka iyo shirkuba waxaad sirkaalka sare garansiisaan inuu isagii idiin keeno sidii idinkoo doonaya inaad aad u sii garataan waxyaalaha ku saabsan isagii; annaguna, intuusan soo dhowaan, diyaar baannu nahay inaannu dilno isagii.
16 Laakiin Bawlos wiilkuu abtiga u ahaa wuxuu maqlay gaadmadoodii, markaasuu yimid oo qalcaddii galay oo Bawlos u warramay. 17 Markaasaa Bawlos wuxuu u yeedhay boqol-u-taliyayaashii midkood oo ku yidhi, Wiilkan u gee sirkaalka sare, maxaa yeelay, war buu qabaa inuu u sheego. 18 Sidaas daraaddeed ayuu kaxeeyey oo u geeyey sirkaalkii sare oo ku yidhi, Bawlos oo maxbuuska ah ayaa ii yeedhay, oo wuxuu i weyddiistay inaan kuu keeno wiilka oo war qaba inuu kuu sheego. 19 Markaasaa sirkaalkii sare gacanta ku qabtay isagii oo gees ula leexday oo gooni ahaan u weyddiiyey isagoo leh, Waa maxay warkaad qabtaa inaad ii sheegtid? 20 Markaasuu ku yidhi, Yuhuuddu waxay ku heshiiyeen inay kuu weyddiistaan inaad berrito Bawlos shirka hor keentid sidii adigoo doonaya inaad u sii weyddiisatid wax ku saabsan isagii. 21 Haddaba yaanay ku oggolaysiin; maxaa yeelay, waxaa isagii gaadaya kuwa ka badan afartan nin oo iyaga ka mid ah, kuwaasoo nidar galay inayan wax cunin, waxna cabbin ilaa ay isaga dilaan; haddana diyaar bay yihiin, iyagoo ballanqaad kaa filanaya. 22 Haddaba sirkaalkii sare wiilkii buu iska diray isagoo ku amraya oo leh, Ninna ha u sheegin inaad waxyaalahan ii muujisay.
Bawlos Waxaa Loo Diray Kaysariya
23 Markaasuu wuxuu u yeedhay laba ka mid ah boqol-u-taliyayaashii oo ku yidhi, Waxaad diyaarisaan inay saddexda saacadood oo habeennimo tagaan ilaa Kaysariya laba boqol oo askar ah iyo toddobaatan fardooley ah iyo laba boqol oo warmooley ah. 24 Wuxuu kaloo ku yidhi, Keena neefaf ay Bawlos fuuliyaan oo nabad isaga ugu geeya taliye Feelikos. 25 Markaasuu qoray warqad sidan ah:
26 Kalawdiyos Lusiyas wuxuu salaamayaa taliyaha sharafka weyn leh oo Feelikos ah. 27 Markii Yuhuuddu qabatay ninkan oo ay u dhowaayeen inay dilaan, ayaan askar la imid oo bixiyey, markaan ogaaday inuu reer Rooma yahay. 28 Anigoo doonaya inaan ogaado sababtii ay ku dacwaynayeen, ayaan isagii shirkoodii hor keenay; 29 kaasoo aan markaas gartay inay isaga ku dacweeyeen su'aalo ku saabsan sharcigooda, laakiin inaan lagu ashtakayn wax uu ku istaahilo in la dilo ama in la xidho. 30 Haddaba markii la ii sheegay in loo heshiiyey in ninkii la gaadi doono, ayaan dhaqso kuugu soo diray isagii, anigoo ku amraya kuwii soo dacwaynayay inay hortaada ku dacweeyaan isaga.
31 Sidaas daraaddeed ayaa askartii, sidii lagu amray, Bawlos kaxeeyeen, oo habeennimo keeneen Antibatris. 32 Laakiin maalintii dambe ayay fardooleydii daayeen inay isaga sii raacaan, iyaguna waxay ku noqdeen qalcaddii; 33 kuwaasu markay Kaysariya yimaadeen oo ay warqaddii u dhiibeen taliyaha, ayay Bawlos hor taageen isagii. 34 Markuu akhriyeyna, wuxuu weyddiiyey gobolkii uu ka yimid; oo kolkuu ogaaday inuu Kilikiya ka yimid, 35 ayuu wuxuu ku yidhi, Waan maqli doonaa dacwadaada markii kuwii ku dacwaynayay yimaadaan; markaasuu ku amray in lagu hayo gurigii taliyaha.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya