Chronological
Ammaanta Siyoon Ee Mustaqbalka
54 Rabbigu wuxuu leeyahay, Faraxsanow, madhalaysta aan dhalinay, hees ku dhufo oo mashxarad, taada aan carruur ku foolanay, waayo, tan cidlowday carruurteedu waa ka badan yihiin tan ninka leh carruurteeda. 2 Meesha teendhadaada ballaadhi, oo rugahaaga daahyadoodana ha la kala bixiyo. Waxba ha la hadhin, xadhkahaaga sii dheeree, oo dhidbahaagana sii xoogee. 3 Waayo, waxaad u kala faafi doontaa xagga midigta iyo xagga bidixdaba, oo farcankaaguna wuxuu dhaxli doonaa quruumaha, oo magaalooyinka baabba'ayna wuxuu ka dhigi doonaa in la dego. 4 Ha cabsan, waayo, ma aad ceeboobi doontid, hana sharafjabin, waayo, laguma ceebayn doono, oo ceebtii yaraantaadana waad illoobi doontaa, oo ceebtii carmalnimadaadana innaba mar dambe sooma aad xusuusan doontid. 5 Waayo, Uumahaaga ayaa ninkaaga ah, oo magiciisana waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada. Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iilna waa Bixiyahaaga, oo waxaa isaga la odhan doonaa Ilaaha dhulka oo dhan. 6 Waayo, Ilaahaagu wuxuu leeyahay, Anoo Rabbiga ahu waxaan kuugu yeedhay sidii adoo ah naag laga tegey oo nafsaddeedu murugootay, iyo sidii bilcaan yaraanteedii lagu nacay oo kale. 7 Muddo yar baan kaa tegey, laakiinse waxaan kugu soo ururin doonaa naxariis badan. 8 Rabbiga Bixiyahaaga ahu wuxuu leeyahay, Muddo gaaban ayaan cadho yar wejigayga kaaga qariyey, laakiinse raxmad weligeed ah ayaan kuugu naxariisan doonaa. 9 Maxaa yeelay, tanu waxay iila mid tahay sidii biyihii wakhtigii Nuux oo kale, waayo, sidaan ugu dhaartay inaanay biyihii Nuux mar dambe dhulka kor mari doonin ayaan ugu dhaartay inaanan mar dambe kuu cadhoon doonin, iyo inaanan innaba ku canaanan doonin. 10 Waayo, Rabbiga kuu naxariistaa wuxuu leeyahay, In kastoo ay buuruhu fogaadaan oo ay kuruhuna dhaqdhaqaaqaan raxmaddaydu innaba kaa fogaan mayso, oo axdigayga nabdeedna dhaqdhaqaaqi maayo.
11 Taada dhibaataysan, oo duufaanku rogrogay, oo aan la qalbi qabowjinay, bal eeg, dhagaxyadaada waxaan ku qurxin doonaa midabyo kala cayncayn ah, oo aasaaskaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo safayr la yidhaahdo. 12 Oo daaqadahaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo cascas oo yaaquud la yidhaahdo, irdahaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo dhalaalaya, oo derbigaaga oo dhanna waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo qaali ah. 13 Oo Rabbigu carruurtaada oo dhan ayuu wax bari doonaa, oo nabadda carruurtaaduna waxay ahaan doontaa mid weyn. 14 Xaqnimaad ku dhismi doontaa, oo dulmina waad ka fogaan doontaa, waayo, ma aad cabsan doontid, oo cabsigelintana waad ka fogaan doontaa, waayo, innaba kuuma ay soo dhowaan doonto. 15 Bal ogow, haddii dagaal laysu soo wada urursado xaggayga kama iman doono. Ku alla kii dagaal kugu kiciyaaba aawadaa buu u dhici doonaa. 16 Bal eeg, anigaa abuuray birtumaha dabka dhuxuleed afuufa oo hub dagaal u soo saara, oo weliba waxaan abuuray kan wax dumiya inuu wax baabbi'iyo aawadeed. 17 Hub laguu samaystay oo liibaanaya ma jiro, oo af kasta oo garsoorid kuugu kacana waad xukumi doontaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kanu waa dhaxalkii addoommada Rabbiga, oo xaqnimadooduna xaggaygay ka timid.
Casumaadda Kuwa Oomman
55 Hoy, kuwiinna oomman oo dhammow, xagga biyaha kaalaya, xataa kii aan lacag haysanow, kaalaya, wax iibsada, oo wax cuna, kaalaya oo khamri iyo caano lacagla'aan iyo iibla'aan ku qaata. 2 Haddaba bal maxaad lacag ugu bixisaan wax aan cunto ahayn? Oo wixii aad ku hawshooteenna maxaad ugu bixisaan wax aan idin dherjinayn? Bal aad ii maqla, oo waxa wanaagsan cuna, oo naftiinnuna ha iskaga istareexdo barwaaqo miidhan. 3 Dhegihiinna soo dhiga, oo ii kaalaya, i maqla oo naftiinnuna way noolaan doontaa, oo anna waxaan idinla dhigan doonaa axdi weligiis ah, kaasoo ah waxyaalahii naxariista lahaa oo la hubo ee aan Daa'uud u ballanqaaday. 4 Bal eega, isagaan dadyowga markhaati uga dhigay, oo hoggaamiye iyo taliyena dadyowgaan uga dhigay. 5 Bal eeg, waxaad u yeedhi doontaa quruun aadan aqoon, oo quruun aan ku aqoonna way kuu soo ordi doontaa, waana Rabbiga ah Ilaahaaga iyo kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil aawadiis, waayo, wuu ku sharfay.
6 Rabbiga doondoona inta isaga la heli karo, oo isaga barya intuu dhow yahay. 7 Ka sharka lihi jidkiisa ha ka tago, ninka aan xaqa ahaynuna fikirradiisa, oo Rabbiga ha u soo noqdo, oo isna wuu u naxariisan doonaa, oo ha u yimaado Ilaaheenna, waayo, aad buu u saamixi doonaa. 8 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Fikirradaydu fikirradiinna ma aha, oo jidadkiinnuna jidadkayga ma aha. 9 Maxaa yeelay, sida samooyinku ay dhulka uga sarreeyaan ayay jidadkaygu jidadkiinna uga sarreeyaan, oo ay fikirradayduna fikirradiinna uga sarreeyaan. 10 Waayo, sida roobka iyo barafka cadu ay samada uga da'aan, oo ayan halkaas ugu noqon, laakiinse ay dhulka u waraabiyaan oo ay uga dhigaan inuu soo bixiyo oo magoolo, si uu abuur u siiyo kan wax abuurta, oo uu cunto u siiyo kan wax cuna, 11 sidaas oo kaluu ereygii afkayga ka soo baxaa noqon doonaa, oo isagoo madhan igu soo noqon maayo, laakiinse wuxuu oofinayaa wixii aan ula qasdiyey, waana ku soo liibaanayaa wixii aan u diray. 12 Waayo, farxad baad la bixi doontaan, oo nabad baa laydinku hoggaamin doonaa, oo buuraha iyo kuruhuna hortiinnay hees ku dhufan doonaan, oo dhirta duurka oo dhammuna way sacbin doonaan. 13 Qodaxda meesheedii waxaa ka soo bixi doona geed beroosh ah, oo maraboobta meesheediina waxaa ka soo bixi doona geed hadaas ah, oo taasu waxay Rabbiga u ahaan doontaa magac iyo calaamad weligeed sii waaraysa oo aan la baabbi'in doonin.
Badbaadada Kuwa Kale
56 Rabbigu wuxuu leeyahay, Caddaaladda dhawra oo xaqnimada sameeya, waayo, badbaadintaydu way soo dhow dahay inay timaado, oo xaqnimadayduna dhaqsay u soo muuqan doontaa. 2 Waxaa barakaysan ninkii waxan sameeya iyo binu-aadmigii waxan xajiya, oo sabtida dhawra si uusan u nijaasayn, oo gacantiisana dhawra si ayan innaba wax shar ah u samayn. 3 Shisheeyihii Rabbiga raacay yuusan odhanin, Hubaal Rabbigu dadkiisa wuu iga sooci doonaa, oo ninkii bohon ahuna yuusan odhanin, Bal eega, anigu waxaan ahay geed qallalan. 4 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bohommada sabtiyadayda dhawra, oo wixii iga farxiya doorta, oo axdigayga aad u xajiya 5 waxaan gurigayga iyo derbiyadayda dhexdooda ku siin doonaa meel iyo magac ka sii wanaagsan wiilal iyo gabdhoba. Waxaan iyaga siin doonaa magac weligiis sii waaraya oo aan la baabbi'in doonin. 6 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Weliba shisheeyayaasha i raaca inay ii adeegaan, iyo inay magacayga jeclaadaan, oo ay addoommo ii ahaadaan, mid kasta oo sabtida dhawra si uusan u nijaasayn, oo axdigaygana aad u xajiya, 7 kuwaas oo dhan buurtayda quduuska ah ayaan keeni doonaa, oo gurigayga tukashada ayaan kaga farxin doonaa. Qurbaannadooda la gubo iyo allabaryadooda ay meeshayda allabariga ku kor bixiyaan waa la aqbali doonaa, waayo, gurigayga waxaa dadyowga oo dhan loogu yeedhi doonaa guriga tukashada. 8 Sayidka Rabbiga ah oo masaafurisyadii dadka Israa'iil soo ururiyaa wuxuu leeyahay, Weliba waxaan u soo ururin doonaa qaar kale oo aan ahayn kuwoodii la ururiyey.
Cadhada Ku Dhacda Kuwa Diida Talada Ilaah
9 Dugaagga duurka jooga oo dhan iyo dugaagga duudda oo dhammow, kaalaya aad wax cunteene. 10 Waardiyayaashiisu waa indha la' yihiin, oo kulligoodna aqoon ma leh, dhammaantoodna waa eeyo carrab la' oo aan ciyi karin. Way riyoodaan oo jiifaan, oo jecel yihiin inay hurdaan. 11 Eeyadu way hunguri weyn yihiin, weligoodna ma dhergi karaan, oo kuwaasuna waa adhijirro aan innaba wax garan karin. Kulligood waxay u leexdeen jidkoodii, oo midkood kastaaba xataa kii ugu dambeeyey wuxuu iska daba galay faa'iidadiisii. 12 Oo waxay yidhaahdaan, Kaalaya khamri baan doonan doonaaye oo wax lagu sakhraamo baynu ka soo dhergi doonnaaye, oo berrina waxay ahaan doontaa sida maanta oo kale, oo weliba ka sii weyn.
57 Kan xaqa ah wuu halligmaa, oo ninna qalbiga ma geliyo. Cibaadalaawayaashana waa la kexeeyey, oo ciduna ma garato in kan xaqa ah belaayada soo socota laga waday. 2 Isagu wuu nabad galaa, oo mid kasta oo qummanaantiisa ku socdana sariirtiisuu ku nastaa.
3 Laakiinse wiilasha saaxiradda, oo ah farcankii dhillayga iyo dhilladu ay iska dhaleenow, bal halkan u soo dhowaada. 4 Bal yaad ku cayaaraysaan? Oo bal yaad afka ku kala qaadaysaan oo aad carrabka ku soo taagaysaan? Sow idinku ma ihidin carruurtii xadgudubka iyo farcankii beenta, 5 idinkoo geedaha dhexdooda iyo geed kasta oo cagaar ah hoostiisa iskula kacsada, oo carruurta dooxooyinka iyo meelaha dhagaxyada dillaacsan ka hooseeya ku gowraca. 6 Qaybtaadu waxay dhex taallaa dhagaxyada siman oo dooxada dhex yaal, oo iyaga qudhoodu waa qaybtaada, waayo, iyagaad qurbaan cabniin ah u daadisay, oo iyagaad qurbaan u bixisay. Haddaba bal miyaan waxyaalahaas raalli ka noqon doonaa? 7 Waxaad sariirtaadii dul dhigatay buur sarraysa oo dheer, oo halkaasaad sii fuushay inaad allabari ku bixisid aawadeed. 8 Oo albaabbada iyo tiirarka dabadooda ayaad xusuustaadii qotonsatay, waayo, waxaad isu qaawisay mid kale oo aan aniga ahayn, waanad sii fuushay, oo sariirtaadiina waad sii ballaadhisay, oo axdi baad iyaga la dhigatay. Sariirtoodana meeshaad ku aragtay waad ku jeceshahay. 9 Saliid baad boqorka ula tagtay, oo cadarkaagiina waad iska sii badisay, ergooyinkaagiina meel fog baad u dirtay, oo ceeb baad ku dhaadhacday tan iyo She'ool. 10 Waxaad ku daashay jidkaaga dhererkiisa, laakiinse ma aad odhan, Rajo ma leh. Waxaad heshay xoog cusub, oo sidaas daraaddeed ma aadan taag qabin. 11 Oo bal yaad ka baqday oo aad ka cabsatay, oo aad saas darteed been u sheegtay oo aadan ii soo xusuusan, ama aadan innaba xaalkan qalbigaaga u gelin? Miyaanan wakhti dheer iska aamusin? Oo ma sidaas aawadeed baadan iiga cabsanayn? 12 Waxaan sheegi doonaa xaqnimadaada iyo shuqulladaada, iyaguse waxba kuuma tari doonaan. 13 Markaad qayshatid, bal guutooyinkaagu ha ku samatabbixiyeen, laakiinse iyaga dabayl baa qaadi doonta, oo neef baa wada kaxayn doonta, laakiinse kii isku kay halleeyaa dalkuu hantiyi doonaa oo wuxuu dhaxli doonaa buurtayda quduuska ah.
Dhiirrigelinta Kuwa Toobadkeena
14 Oo isna wuxuu odhan doonaa, Dhisa, dhisa, oo jidka hagaajiya, oo jidka dadkayga waxa lagu turunturoodo ka wareejiya.
15 Waayo, Kan dheer oo sarreeya, oo weligiis waara, oo magiciisu Quduuska yahay wuxuu leeyahay, Anigu waxaan degganahay meesha sare oo quduuska ah, oo weliba waxaan la jiraa kan toobadkeena oo is-hoosaysiiya inaan soo nooleeyo ruuxa kuwa is-hoosaysiiya, iyo inaan soo nooleeyo qalbiga kuwa toobadkeena. 16 Waayo, ilaa weligay diriri maayo oo ilaa weligay sii cadhaysnaan maayo, haddii kalese ruuxii iyo nafihii aan abuurayba hortayda way ku taag darnaan lahaayeen. 17 Xumaantii hunguriweynaantiisa aawadeed ayaan u cadhooday oo aan wax ugu dhuftay. Waan isqariyey oo waan cadhooday, oo isna wuu ku sii leexday xagga jidkii qalbigiisa. 18 Jidadkiisii waan arkay, laakiinse isagaan bogsiin doonaa, oo weliba waan soo hoggaamin doonaa, oo isaga iyo kuwa u barooranayaba waan qalbiqaboojin doonaa. 19 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu midhaha bushimahaan abuuraa. Nabad iyo nabadu ha u ahaato kan fog iyo kan dhowba. Oo isagaan bogsiin doonaa. 20 Laakiinse kuwa sharka ahu waa sida bad kacsan oo kale, waayo, iyadu innaba ma xasilli karto, oo biyaheeduna waxay kor u soo xooraan wasakh iyo dhoobo. 21 Ilaahaygu wuxuu leeyahay, Kuwa sharka ah nabadu uma jirto.
Soonka Runta Ah
58 Aad u qayli, oo waxba ha iskula hadhin, codkaagana sida buun oo kale kor u qaad, oo dadkayga xadgudubkooda u sheeg, oo reer Yacquubna dembiyadooda u sheeg. 2 Laakiinse iyagu maalin kasta way i doondoonaan, oo waxay jecel yihiin inay jidadkayga ogaadaan. Sidii quruun xaqnimo samaysay oo aan innaba amarkii Ilaahooda ka tegin waxay i weyddiistaan amarro xaq ah, oo waxay aad u jecel yihiin inay Ilaah ku soo dhowaadaan. 3 Waxay leeyihiin, Bal maxaannu u soonnay oo aad u arki weyday? Bal maxaannu naftayada u dhibnay oo aad u daymoon weyday? Bal eega, maalintii aad soontaan waad iska raaxaysataan, oo shaqaalihiinna oo dhanna waad dulantaan. 4 Bal eega, idinku waxaad u soontaan dirir iyo dood keliya, iyo inaad feedhkii sharnimada wax ku dhufataan. Maanta uma soontaan si codkiinna xagga sare looga maqlo. 5 Soonkii aan doortay ma waxaas oo kalaa? Ma maalin nin naftiisa dhibo baa? Ma inuu madaxiisa sida cawsduur u foororsho, oo uu hoostiisa dhar joonyad ah iyo dambas ku goglo baa? Waxaa ma waxaad tidhaahdaan, Waa soon iyo maalin Rabbigu aqbali karo? 6 Sow kanu ma aha soonkii aan doortay in silsiladihii sharnimada la furo, oo guntimihii harqoodka la debciyo, oo kuwa la dulmay la xoreeyo, oo aad harqood kasta jebisaan? 7 Sow ma aha inaad kibistaada ka gaajaysan u gooysid, oo aad masaakiinta aan hoy lahayn gurigaaga soo gelisid, oo markaad aragtid mid qaawan aad wax huwisid, oo aadan xigtadaada aad isku jiidhka tihiin ka dhuuman? 8 Oo markaas iftiinkaagu wuxuu u soo kaahi doonaa sida kaaha waaberi, oo bogsiintaaduna dhaqso bay u soo bixi doontaa, oo xaqnimadaaduna way ku hor socon doontaa, oo ammaanta Rabbiguna way ku daba socon doontaa. 9 Markaasaad dhawaaqi doontaa, oo Rabbiguna waa kuu jawaabi doonaa, waad u qayshan doontaa, oo isna wuxuu ku odhan doonaa, Waa i kan. Haddaad dhexdaada ka fogaysid harqoodka, iyo farta fiiqiddeeda, iyo hadlidda sharka ah, 10 oo haddaad ka gaajaysan quudkaaga siisid, oo aad nafta dhibaataysan dherjisid, markaas iftiinkaagu gudcur buu ka soo dhex kaahi doonaa, oo madowgaaguna wuxuu noqon doonaa sida hadh cad oo kale. 11 Oo Rabbiguna had iyo goorba wuu ku hoggaamin doonaa, oo iyadoo abaar ah ayuu naftaada dherjin doonaa, lafahaagana wuu adkayn doonaa, oo adna waxaad noqon doontaa sida beer la waraabiyey, iyo sida il biya ah oo aan innaba biyeheedu gudhin. 12 Oo kuwaaga ayaa meelihii hore oo burburay dhisi doona, oo waxaad sara kicin doontaa aasaasyada qarniyada badan, oo waxaa laguugu yeedhi doonaa Jabniinkabe, iyo kan jidadka cusboonaysiiya si loo dego. 13 Haddaad sabtida cagtaada ula hadhid si aadan maalintayda quduuska ah damacaaga u samayn, aadse sabtida ugu yeedhid farxad, iyo tan quduuska ah ee Rabbiga, oo sharafta badan, iyo haddaad sabtida sharaftid, adigoo aan siyaalahaaga samaynayn, ama aan damacaaga daba galayn, ama aan hadalkaaga ku hadlayn, 14 markaasaad Rabbiga ku farxi doontaa, oo anna waxaan ku marsiin doonaa meelaha sarsare ee dhulka, oo dhaxalkii awowgaa Yacquub ayaan kugu quudin doonaa, waayo, afkii Rabbiga ayaa saas ku hadlay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya