Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Chronological

Read the Bible in the chronological order in which its stories and events occurred.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Ishacyaah 18-22

Wax Sii Sheegid Ka Gees Ah Kuush

18 Dalka baalasha hadhsanaya wuxuu ka sii shisheeyaa webiyaasha Kuush! Ergooyin ayuu badda ku diraa, oo xataa doonniyo caw ah ayuu biyaha korkooda ku diraa oo yidhaahdaa, Wargeeyayaasha dheereeyow, waxaad u tagtaan quruun dheer oo sulubsan, oo ah dad tan iyo bilowgoodii aad looga cabsado, oo ah quruun xoog badan oo wax ku tumata, oo dalkeeda webiyadu kala qaybiyaan! Kuwiinna dunida deggan oo dhammow, kuwiinna dhulka joogow, markii buuraha korkooda calan laga taago fiiriya, oo markii buunka la yeedhiyana maqla. Waayo, Rabbigu wuxuu igu yidhi, Anigoo aamusan, ayaan hoygayga wax ka soo fiirin doonaa sida kulaylka widhwidhaya ee qorraxda, iyo sida daruur darab ah oo xilliga beergoosadka hooraysa. Waayo, beergoosadka ka hor markuu ubaxu dhammaado, oo uu ubaxu canab bislaanaya noqdo ayuu manjo laamaha yaryar ku gooyn doonaa, oo laamaha waaweyn ee sii faafayana wuu gooyn doonaa oo fogayn doonaa. Oo iyaga waxaa dhammaantood looga wada tegi doonaa haadka buuraha iyo dugaagga dhulka, oo haadka ayaa iyaga kulaylka ka hadhsan doonaa, oo dugaagga dhulka oo dhammuna iyagay qabowga ka dugsan doonaan. Oo wakhtigaas waxaa Rabbiga ciidammada loo keeni doonaa hadiyad laga keenay dadka dheer oo sulubsan oo ah dad tan iyo bilowgoodii aad looga cabsado, oo ah quruun xoog badan oo wax ku tumata, oo dalkeeda webiyadu kala qaybiyaan, oo waxaa la keeni doonaa Buur Siyoon oo ah meesha magaca Rabbiga ciidammada.

Wax Sii Sheegid Ku Saabsan Masar

19 Kanu waa warka culus ee Masar ku saabsan.

Bal eega, Rabbigu wuxuu fuushan yahay daruur dheeraysa oo wuxuu u socdaa Masar, oo sanamyada Masarna waxay ku gariiri doonaan hortiisa, oo Masriyiinta qalbigooduna cabsi buu kula dhex dhalaali doonaa. Oo Masriyiinta waxaan ku kicin doonaa Masriyiin kale, oo midkood kastaaba wuxuu la diriri doonaa walaalkiis iyo deriskiisa, magaalaba magaalay la diriri doontaa, boqortooyana boqortooyo kale. Oo Masriyiinta ruuxooduna wuu ka dhammaan doonaa, oo taladooda waan baabbi'in doonaa, oo waxay talo u doonan doonaan sanamyada, iyo falanfallowyada, iyo kuwa ruuxaanta leh, iyo saaxiriinta. Oo Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan Masriyiinta gacanta u gelin doonaa sayid nac weyn, oo waxaa u talin doona boqor xoog badan. Oo biyuhuna badda way ka madhan doonaan, oo webiguna wuu gudhi doonaa oo engegi doonaa. Oo webiyaashuna way qudhmi doonaan oo durdurrada Masarna way madhan doonaan oo engegi doonaan, oo cawsduurka iyo dareemaduna way wada qallali doonaan. Oo seeraha Webi Niil oo qarkiisa ku yaal, iyo wax kasta oo lagu beeray Webi Niil agtiisuba way wada engegi doonaan, oo dabayshaa la tegi doonta, oo mar dambena lama arki doono. Oo kalluumaystayaashuna way ooyi doonaan, kuwa jillaabka Webi Niil ku rida oo dhammuna way wada barooran doonaan, oo kuwa biyaha korkooda shabagga ku kala bixiyaana way macaluuli doonaan. Oo kuwa geed linenka dharka ka sameeya iyo kuwa cudbiga dharka ka sameeyaaba way quusan doonaan. 10 Oo kuwa waddanka tiirarka u ah oo dhammuna way wada jabi doonaan, kuwa kiro u shaqeeyaana way murugoon doonaan. 11 Amiirrada Socan waa nacasyo, oo taladii taliyayaasha ugu xigmad badnaa ee Fircoon waxay noqotay doqonnimo. Sidee baad Fircoon ugu tidhaahdaan, Anigu waxaan ahay nin xigmad leh wiilkiis, oo waxaan ahay farcankii boqorradii hore? 12 Haddaba meeye raggaaga xigmadda lahu? Oo bal haatan ha kuu sheegeen, oo ha ogaadeen waxa Rabbiga ciidammadu Masar ugu talaggalay. 13 Amiirradii Socan waxay noqdeen nacasyo, oo amiirradii Nofna waa la khiyaaneeyey Masarna waxaa qalday kuwa qabiilooyinkeeda tiirarka u ah. 14 Oo Rabbigu wuxuu ku dhex qasay wareer, oo iyana waxay Masar shuqulladeedii oo dhan ugu qaldeen sida nin sakhraanu mantaggiisa ugu dhacdhaco oo kale. 15 Oo Masarna laguma arki doono shuqul ay samayn karaan madaxa ama dabadu, laanta ama cawsduurku toona.

16 Oo wakhtigaas Masriyiintu waxay noqon doonaan sida naago oo kale, oo waxay la gariiri doonaan oo la cabsan doonaan ruxruxidda gacanta Rabbiga ciidammada, oo uu Masar korkeeda ku ruxruxi doono. 17 Oo dalka Yahuudahna cabsi buu Masar u noqon doonaa, oo mid kasta oo la xusuusiyaaba wuu ka cabsan doonaa, waana talada Rabbiga ciidammadu uu iyaga u goostay aawadeed.

18 Oo wakhtigaas waxaa dalka Masar jiri doona shan magaalo oo afka Kancaan ku hadasha oo Rabbiga ciidammada ku dhaarata, oo middoodna waxaa lagu magacaabi doonaa Magaalada baabba'a.

19 Oo wakhtigaas dalka Masar dhexdiisa meel allabari baa Rabbiga ugu oolli doonta, oo soohdinteedana waxaa Rabbiga u jiri doona tiir. 20 Oo taasu waxay calaamad iyo markhaati dalka Masar dhexdiisa ugu noqon doontaa Rabbiga ciidammada, waayo, kuwa dulma aawadood ayay Rabbiga ugu qayshan doonaan, oo isna wuxuu u soo diri doonaa badbaadiye iyo mid xoog badan, wuuna samatabbixin doonaa. 21 Oo wakhtigaas ayaa Rabbigu Masriyiinta is-ogeysiin doonaa, oo ay Masriyiintuna Rabbiga aqoon doonaan, oo waxay ku caabudi doonaan allabari iyo qurbaan, oo Rabbiga ayay nidar u nidri doonaan, wayna oofin doonaan. 22 Oo Rabbigu wax buu Masar ku dhufan doonaa, wax buu ku dhufan doonaa, wuuna dawayn doonaa, oo iyana Rabbigay u soo noqon doonaan, oo isna baryootankooda ayuu aqbali doonaa, wuuna bogsiin doonaa.

23 Oo wakhtigaas waxaa jiri doona jid weyn oo Masar ka baxa oo tan iyo Ashuur gaadha, oo kuwa reer Ashuur ah ayaa Masar geli doona, oo Masriyiintuna reer Ashuur bay Ilaah la caabudi doonaan.

24 Oo wakhtigaas dalka Israa'iil wuxuu saddex ku noqon doonaa Masar iyo Ashuur, oo dhulka dhexdiisana barako buu ku ahaan doonaa, 25 waayo, Rabbiga ciidammadu wuu barakeeyey, isagoo leh, Barako waxaa leh Masar oo ah dadkayga, iyo Ashuur oo ah shuqulkii gacmahayga, iyo Israa'iil oo ah dhaxalkayga.

Wax Sii Sheegid Ka Gees Ah Masar Iyo Kuush

20 Sannaddii Sargoon oo ahaa boqorkii Ashuur uu Tartaan Ashdood u diray, oo uu tegey, oo la diriray oo qabsaday Ashdood, ayaa Rabbigu Ishacyaah ina Aamoos la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Tag, oo dharka joonyadda ah dhexdaada ka fur, oo kabahaagana iska siib. Oo isna saasuu yeelay, oo wuxuu socday isagoo qaawan oo caga cad. Markaasaa Rabbigu wuxuu yidhi, Sidii addoonkaygii Ishacyaah saddex sannadood qaawanaan iyo cago caddaan uu ugu socday inuu calaamad iyo yaab Masar iyo Itoobiyaba u ahaado ayaa boqorka Ashuur kaxaysan doonaa maxaabiista Masar iyo masaafurisyada Itoobiya, yar iyo weynba, iyagoo qaaqaawan oo wada cagacad, oo badhidoodu muuqato, si uu Masriyiinta u ceebeeyo aawadeed. Markaasaa la nixi doonaa oo la ceeboobi doonaa Itoobiya oo rajadoodii ahayd aawadeed iyo Masar oo sharaftoodii ahayd aawadeed. Oo kuwa xeebta degganu waxay wakhtigaas odhan doonaan, Bal eega wixii ku dhacay kuwii aan isku hallaynaynay oo aan caawimaad ugu cararaynay inay boqorka Ashuur naga samatabbixiyaan Oo bal annagu sidee baannu u baxsanaynaa?

Wax Sii Sheegid Ka Gees Ah Baabuloon

21 Kanu waa warka culus ee ku saabsan cidlada badda ku ag taal. Sida cirwareentu koonfur uga timaado oo kale ayuu cidlada oo ah dal cabsi badan uga yimaadaa. Waxaa lay tusay muujin culus. Khaa'inkii khiyaanuu sameeyaa, oo kan wax dhacaana wax buu dhacaa. Reer Ceelaamow, ku kac, reer Maadayow, hareeree. Taahiddii oo dhan anigu waan joojiyey. Sidaas daraaddeed naxdin baa cidhiidhi i gelisay, oo waxaa i qabtay xanuun badan sida naag foosheed oo kale, oo xanuun aawadiis waxba waan maqli kari waayay, oo naxdin aawadeed waxba waan arki kari waayay. Waan qalbitakhtakhay, oo cabsi baa i argaggixisay. Fiidkii aan istareexa ka filanayay gariir buu iigu rogmaday. Miis bay diyaarsadaan, oo gogol bay gogladaan, wax bayna cunaan oo cabbaan. Amiirradow, sara joogsada, oo gaashaanka subka. Waayo, Sayidku wuxuu igu yidhi, Tag, oo waardiye meel dhig, oo isna wuxuu arko ha sheego. Oo markaasuu arkay ciidan fardo fuushan oo laba laba u socda, iyo ciidan dameerro fuushan, iyo ciidan rakuubbo fuushan, aad buuna u dhegaystay oo aad iyo aad buu uga fikiray. Oo wuxuu u qayliyey sidii libaax oo kale oo yidhi, Sayidow, maalintii oo dhan waxaan had iyo goorba ku kor taagnahay munaaradda waardiyaha, oo habeen walbana waxaan joogaa meeshayda waardiyaha. Oo bal eeg, waxaa soo socda ciidan fardo fuushan oo laba laba u socda. Oo isna waa u jawaabay oo wuxuu yidhi, Baabuloon waa dhacday, waa dhacday, oo sanamyadeedii xardhanaa oo ilaahyadeedu way wada jajabeen oo dhulkay daadsan yihiin. 10 Dadkayga sida hadhuudh la tumayow, wixii aan Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil ka maqlay waan idin ogeysiiyey.

Wax Sii Sheegid Ka Gees Ah Duumah

11 Kanu waa warka culus ee Duumah ku saabsan.

Mid baa aniga Seciir iiga yeedhay, isagoo leh, Waardiyow, habeenka ka warran? 12 Oo waardiyihiina wuxuu yidhi, Waagu waa beryayaa, habeenkuna waa soo socdaa, haddii aad wax weyddiinaysaan, weyddiiya, soo noqda oo kaalaya.

Wax Sii Sheegid Ka Gees Ah Dalka Carabta

13 Kanu waa warka culus ee dalka Carabta ku saabsan.

Kuwiinna safarka ah oo reer Dedaanow, waxaad ku hoyan doontaan kaynta dalka Carabta. 14 Kuwa oomman biyo u keena, kuwa dalka Teemaa degganow, kuwa qaxay cunto kala hor taga. 15 Waayo, iyagu seef bay ka carareen, taas oo ahayd seef gal la', iyo qaanso xodan iyo dagaal aad u kulul. 16 Waayo, Sayidku wuxuu igu yidhi, Muddo sannad ah oo ah sida sannadaha shaqaalaha ayaa sharafta Qedaar oo dhammu ku baabbi'i doontaa. 17 Oo intii ka hadhay tirada ragga qaansaleyda ah oo ah ragga xoogga badan oo reer Qedaarna way yaraan doontaa, waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa saas ku hadlay.

Wax Sii Sheegid Ku Saabsan Yeruusaalem

22 Kanu waa war culus ee dooxada muujinta ku saabsan.

War maxaa idinku dhacay, oo aad dhammaantiin guryaha dushooda la korteen? Magaalada qaylada iyo bulxanku ka buuxaanay, magaalada farxadda badanay, kuwa dhexdaada lagu laayay seef laguma layn, dagaalna kuma ay dhiman. Taliyayaashaadii oo dhammu way wada carareen, oo qaansola'aan iyagoo ah ayaa la xidhay. Inta lagaa helay oo dhan waa la wada xidhay in kastoo ay meel fog u carareen. Sidaas daraaddeed ayaan idhi, Aniga iga sii jeesta. Si qadhaadh baan u ooyi doonaa, ha isku daalinnina inaad dadkayga iiga qalbi qabowjisaan. Waayo, waa maalin ay naxdin iyo kutumasho iyo isku qasnaanu Sayidka ah Rabbiga ciidammada ka iman doonaan oo ay dooxada muujinta ku dhici doonaan, waana wakhti derbiyada la dumin doono oo buuraha lagu qaylin doono. Oo reer Ceelaam wuxuu qaatay gabooyihii, oo gaadhifardoodyo iyo rag fardo fuushan baa la socday, oo reer Qiirna gaashaankii buu daaha ka qaaday. Oo waxay noqotay in dooxooyinkaagii ugu wacanaa gaadhifardoodyo ka buuxsameen, ragga fardooleyda ahuna waxay isku diyaariyeen iridda horteeda. Oo isna wuxuu banneeyey daahii dadka Yahuudah, oo adna maalintaas waxaad aad u fiirisay hubkii guriga kaynta yiil. Oo weliba waxaad aragteen in daldaloolka magaalada Daa'uud ay badan yihiin, oo waxaad isku soo wada ururiseen biyihii balliga hoose. 10 Oo waxaad tiriseen guryihii Yeruusaalem, oo waxaad guryihii u dumiseen inaad derbiga adkaysaan. 11 Oo weliba biyihii balligii hore waxaad biyoxidheen uga samayseen labada derbi dhexdooda laakiinse ma aydaan fiirin kii waxan sameeyey, mana aydaan u jeedsan kii waa hore sameeyey. 12 Oo Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu maalintaas dadka ugu yeedhay oohin, iyo madax-xiirnaan, iyo dhar joonyad ah guntashadiisa. 13 Oo bal eega, waxaa jira farxad iyo rayrayn, dibi la qalo iyo ido la gowraco, hilib la cuno iyo khamri la cabbo, oo waxaa la yidhaahdaa, Aynu wax cunno oo cabno, waayo, berrito waynu dhiman doonaaye. 14 Oo Rabbiga ciidammada ayaa waxan dhegaha ii saaray. Sida xaqiiqada ah xumaantan laydinkama maydhi doono jeeraad dhimataan, ayaa Sayidka ah Rabbiga ciidammadu leeyahay.

15 Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Kac, oo waxaad u tagtaa Shebnaa oo ah khasnajiga guriga u sarreeya, oo waxaad ku tidhaahdaa, 16 Waadiga qabrigaagii halkan ka qotay, oo xabaashaadiina meel sare ka qotay, oo dhagaxana hoy ka samaystay, bal maxaad halkan ku samaynaysaa? Oo yaad halkan ku haysataa? 17 Bal eeg, ninka xoogga badanow, Rabbigu xoog buu kuu tuuri doonaa. Aad buu kuu qaban doonaa. 18 Oo hubaal sida kubbad oo kale ayuu kugu wadhfin doonaa dhul weyn oo ballaadhan, oo halkaasaad ku dhiman doontaa, oo gaadhifardoodyadii sharaftaaduna halkaasay joogi doonaan, adigoo ah ceebta gurigii sayidkaaga. 19 Oo waxaan kaa eryi doonaa derejadaada, oo jagada aad joogtona isagaa kaa soo dejin doona. 20 Oo waxaan maalintaas u yeedhi doonaa addoonkayga Elyaaqiim ina Xilqiyaah. 21 Oo waxaan isaga huwin doonaa shuluggaaga, oo waxaan ku adkayn doonaa dhex-xidhkaaga, oo dowladnimadaada isagaan u dhiibi doonaa, oo isna aabbe buu dadka Yeruusaalem deggan iyo reer Yahuudah u noqon doonaa. 22 Oo furihii guriga Daa'uudna garbihiisaan saari doonaa, oo wuu furi doonaa, oo ninna ma xidhi doono, wuu xidhi doonaa, oo ninna ma furi doono. 23 Oo waxaan isaga u dhuujin doonaa sida dhidib meel adag haysta, oo isna wuxuu reerka aabbihiis u noqon doonaa carshi sharaf badan. 24 Oo waxaa korkiisa laga lalmin doonaa sharaftii reerka aabbiihiis oo dhan, dhasha iyo farcanka, iyo weelasha yaryar oo dhan, koobabka iyo xataa sibraarrada waaweyn oo dhanba. 25 Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Maalintaas dhidibkii meesha adag ku dhuuqsanaa wuu ka siibmi doonaa, oo intuu jabo ayuu dhici doonaa, oo culayskii saarnaana waa la baabbi'in doonaa, waayo, Rabbiga ayaa saas ku hadlay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya