Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Chronological

Read the Bible in the chronological order in which its stories and events occurred.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Boqorradii Labaad 12-13

Yoo'aash Oo Macbudkii Dib U Hagaajiyey

12 Oo Yehoo'aash wuxuu boqor noqday sannaddii toddobaad oo Yeehuu; oo afartan sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa; oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Sibyaah tii reer Bi'ir Shebac. Oo Yehoo'aashna wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa wakhtigii uu wadaadkii Yehooyaadaac isaga baray oo dhan. Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in; oo dadkuna meelihii sarsare weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen. Oo Yehoo'aash wuxuu ku yidhi wadaaddadii, Alaabta quduuska laga dhigay ee guriga Rabbiga la keenay lacagteeda oo dhan, taas oo ah lacagta nin waluba bixiyey markuu u gudbay kuwa la tiriyo, iyo lacagta kuwii lagu qiimeeyey, iyo lacagta nin kastaba qalbigiisa ka damcay inuu guriga Rabbiga keeno, wadaaddada nin waluba ha ka qaado kii uu yaqaan, oo ha ku dhiso meelaha guriga ka jajaban meel kasta oo meel jaban laga heloba. Laakiinse sannaddii saddex iyo labaatanaad oo Yehoo'aash wadaaddadii weli ma ay dhisin guriga meelihiisii jajabnaa. Markaasaa Boqor Yehoo'aash wuxuu u yeedhay wadaadkii Yehooyaadaac ahaa, iyo wadaaddadii kaleba, oo wuxuu ku yidhi, War maxaad guriga meelihiisa jajaban u dhisi weydeen? Haddaba lacag dambe ha ka qaadanina dadka aad taqaaniin, laakiinse meelaha jajaban ee guriga aawadood ku bixiya. Oo wadaaddadiina waxay oggolaadeen inayan dadka lacag dambe ka qaadin, oo guriga meelihiisa jajabanna ayan dhisin. Laakiinse wadaadkii Yehooyaadaac ahaa ayaa intuu sanduuq qaaday daboolka ka dalooliyey oo wuxuu ag qotomiyey meeshii allabariga xagga midigta markii guriga Rabbiga la soo gelayo; oo wadaaddadii albaabka dhawri jiray ayaa ku riday lacagtii guriga Rabbiga la keenay oo dhan. 10 Oo markay arkeen in lacag badanu sanduuqii ku jirto ayaa waxaa yimid karraanigii boqorka iyo wadaadkii sare, oo kiishash bay ku gureen markay tiriyeen lacagtii laga helay gurigii Rabbiga. 11 Oo lacagtii la miisaamay ayay u dhiibeen kuwii shuqulka sameeyey, kuwaas oo guriga Rabbiga u talin jiray; oo waxay siiyeen nijaarradii iyo waxdhisayaashii ka shaqeeyey gurigii Rabbiga, 12 iyo wastaadyadii, iyo kuwii dhagaxyada qori jiray, waxayna u bixiyeen in lagu iibiyo alwaax iyo dhagaxyo la qoray si loogu dhiso meelihii guriga Rabbiga ka jajabnaa, iyo wax kasta oo loo bixiyey in guriga lagu dhiso. 13 Laakiinse lacagtii guriga Rabbiga la soo geliyey guriga Rabbiga looguma samayn koobab lacag ah, iyo alaab laambado lagu safeeyo, iyo maddiibado, iyo turumbooyin, iyo innaba weelal dahab ah amase weelal lacag ah, 14 waayo, waxay lacagtii siiyeen kuwii shuqulka sameeyey, oo waxay ku dhiseen gurigii Rabbiga. 15 Oo weliba lama ay xisaabtamin raggii ay lacagta u dhiibeen inay iyagu siiyaan nimankii shuqulka sameeyey, maxaa yeelay, waxay ku shaqeeyeen aaminnimo. 16 Oo lacagtii qurbaannada xadgudubka iyo lacagtii qurbaannada dembiga toona lama soo gelin gurigii Rabbiga; oo waxaa iska lahaa wadaaddada. 17 Markaasaa Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya kacay oo wuxuu la diriray Gad, wuuna qabsaday. Kolkaasaa Xasaa'eel wuxuu u jeestay oo u kacay Yeruusaalem. 18 Markaasaa Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wada qaaday alaabtii quduuska ahayd oo dhan, taasoo ay boqorradii dalka Yahuudah quduus ka dhigeen, iyagoo ahaa awowayaashiis Yehooshaafaad, iyo Yehooraam, iyo Axasyaah, iyo weliba isaga alaabtiisii quduuska ahayd, iyo kulli dahabkii laga helay khasnadihii guriga Rabbiga iyo gurigii boqorkaba, oo wuxuu u diray boqorkii Suuriya oo Xasaa'eel ahaa; oo isna Yeruusaalem wuu ka tegey. 19 Haddaba Yoo'aash falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah? 20 Oo addoommadiisii intay ku kaceen ayay sirqooleen, oo waxay Yoo'aash ku dileen guriga Millo agtiisa oo ku ag yiil jidka u kaca xagga Sillaa. 21 Oo kuwii isagii dilay waxay ahaayeen addoommadiisii oo ahaa Yooskar oo ay Shimcaad dhashay iyo Yehoosaabaad oo ay Shomeer dhashay; wuuna dhintay, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Amasyaah.

Yehoo'aaxaas, Boqorkii Israa'iil

13 Yoo'aash ina Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii saddex iyo labaatanaad ayaa Yehoo'aaxaas ina Yeehuu dalka Israa'iil boqor ugu noqday Samaariya, oo wuxuuna boqor ahaa toddoba iyo toban sannadood. Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, wuuna raacay dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad uu dadkii Israa'iil dembaajiyey, kamana uu tegin. Oo Rabbiga cadhadiisiina aad bay ugu kululaatay dadkii Israa'iil, oo wuxuu had iyo goorba gacanta u gelin jiray Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya, iyo Benhadad ina Xasaa'eel. Oo Yehoo'aaxaas ayaa Rabbiga baryay, Rabbiguna wuu maqlay, waayo, wuxuu arkay dulmigii uu boqorkii Suuriya dadka Israa'iil ku hayay. (Markaasaa Rabbigu wuxuu dadkii Israa'iil siiyey badbaadiye, wayna ka hoos baxeen gacantii reer Suuriya; kolkaasay dadkii Israa'iil teendhooyinkoodii iska degeen sidii hore. Habase yeeshee kama ay tegin dembiyadii reerkii Yaaraabcaam uu dadkii Israa'iil dembaajiyey, laakiinse way ku socdeen, oo Samaariyana waxaa ku hadhay geedihii Asheeraah.) Waayo, Rabbigu waxba dadkii ugama uu reebin Yehoo'aaxaas konton nin oo fardooley ah, iyo toban gaadhifaras, iyo toban kun oo nin oo lug ah mooyaane; waayo, boqorkii Suuriya wuu wada baabbi'iyey, oo wuxuu ka dhigay sida boodhka lagu tunto oo kale. Haddaba Yehoo'aaxaas falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisiiba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil? Markaasaa Yehoo'aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay Samaariya; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yoo'aash.

Yehoo'aash, Boqorkii Israa'iil

10 Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii toddoba iyo soddonaad ayaa Yehoo'aash ina Yehoo'aaxaas dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, wuxuuna boqor ahaa lix iyo toban sannadood. 11 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kamana uu tegin dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad oo dhan kuwaasoo uu dadkii Israa'iil dembaajiyey; laakiinse wuu ku socday. 12 Haddaba Yoo'aash falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisii uu kula diriray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil? 13 Markaasaa Yoo'aash dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo carshigiisiina waxaa ku fadhiistay Yaaraabcaam; Yoo'aashna waxaa Samaariya lagula aasay boqorradii dalka Israa'iil.

14 Haddaba Eliishaa wuxuu la bukooday cudurkii uu u dhintay, oo waxaa isagii u yimid Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo intuu ku dul ooyay ayuu ku yidhi, Aabbow, aabbow, bal eeg, gaadhifardoodkii dalka Israa'iil iyo raggoodii fardooleyda ahaa! 15 Markaasaa Eliishaa ku yidhi, Bal qaado qaanso iyo fallaadho, kolkaasuu qaanso iyo fallaadho soo qaatay. 16 Oo isna wuxuu boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Bal qaansada gacanta kor saar, markaasuu gacantii kor saaray. Kolkaasaa Eliishaa gacmihiisii kor saaray gacmihii boqorka. 17 Oo wuxuu ku yidhi, Bal daaqadda xagga bari fur; oo isna wuu furay. Kolkaasaa Eliishaa ku yidhi, Fallaadha gan, oo isna wuu ganay. Oo wuxuu yidhi, Tanu waa fallaadhii Rabbiga ee badbaadada, oo waxa weeye fallaadha badbaadada laga heli doona reer Suuriya; waayo, waa inaad reer Suuriya Afeeq ku laysaa ilaa aad wada baabbi'iso. 18 Markaasuu yidhi, War fallaadhaha qaado, oo isna wuu qaatay. Markaasuu boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Bal dhulka ku dhufo; kolkaasuu saddex jeer dhulka ku dhuftay, oo joogsaday. 19 Markaasaa ninkii Ilaah dhirfay oo wuxuu ku yidhi, War waxaa ku ekayd inaad ku dhufatid shan ama lix jeer; oo markaas reer Suuriya waad wada layn lahayd ilaa aad wada baabbi'iso; laakiinse haatan reer Suuriya waxaad laynaysaa saddex jeer oo keliya.

20 Markaasaa Eliishaa dhintay, waana la aasay. Oo sannad kasta bilowgeeda waxaa dalka dhici jiray guutooyinkii reer Moo'aab. 21 Markii nin la aasayay ayay kuwii aasayay u jeedeen guuto soo socota; markaasay waxay ninkii ku dhex tuureen qabrigii Eliishaa; oo haddiiba ninkii markuu taabtay Eliishaa lafihiisii ayuu soo noolaaday, oo sara joogsaday.

22 Oo Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya ayaa dadkii Israa'iil dulmi jiray wakhtigii Yehoo'aaxaas oo dhan. 23 Laakiinse Rabbigu iyaga wuu u roonaaday, oo u naxariistay, wuxuuna ugu jeestay iyaga axdigii uu la dhigtay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub aawadiis, oo mana uu doonayn inuu baabbi'iyo oo weli hortiisa kama uu tuurin. 24 Markaasaa Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya dhintay, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Benhadad. 25 Markaasaa Yehoo'aash ina Yehoo'aaxaas ayaa Benhadad ina Xasaa'eel mar kale ka qaatay magaalooyinkii uu dagaalka kaga qaatay aabbihiis Yehoo'aaxaas. Oo Yoo'aash saddex jeer buu isagii dagaal ku dhuftay oo ka soo dhacsaday magaalooyinkii dalka Israa'iil.

Taariikhdii Labaad 24

Yoo'aash Oo Hagaajiyey Macbudkii

24 Yoo'aashna toddoba sannadood buu jiray markuu boqor noqday, oo afartan sannadoodna Yeruusaalem buu boqor ku ahaa, oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Sibyaah tii reer Bi'ir Shebac. Oo Yoo'aashna wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa wakhtigii wadaadkii Yehooyaadaac ahaa noolaa oo dhan. Oo Yehooyaadaacna wuxuu isagii u guuriyey laba naagood, oo wuxuu dhalay wiilal iyo gabdhoba. Oo waxyaalahaas dabadoodna Yoo'aash wuxuu ku fikiray inuu gurigii Rabbiga cusboonaysiiyo. Markaasuu soo wada ururiyey wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi, oo wuxuu ku yidhi, Baxa oo magaalooyinka dalka Yahuudah taga, oo reer binu Israa'iil oo dhan waxaad ka soo ururisaan lacag guriga Ilaahiinna lagu cusboonaysiiyo sannad ilaa sannad, oo xaalkaas dhaqso u sameeya. Habase yeeshee kuwii reer Laawi xaalkaas kuma ayan dhaqsan. Markaasaa boqorkii wuxuu u yeedhay Yehooyaadaac oo madax ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad u weyddiin weyday reer Laawi inay dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalem ka soo ururiyaan cashuurtii Muuse oo ahaa addoonkii Rabbiga iyo tii shirka reer binu Israa'iil teendhadii maragga aawadeed? Waayo, Catalyaah oo ahayd tu shar ah wiilasheedii ayaa gurigii Ilaah burburiyeen, oo weliba alaabtii guriga Rabbiga oo quduuska laga dhigay oo dhan waxay wada siiyeen Bacaliim. Sidaas daraaddeed boqorkii wuu amray oo iyana waxay sameeyeen sanduuq, oo waxay ag qotomiyeen guriga Rabbiga iriddiisa dibaddeeda. Markaasay dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem oo dhan ku naadiyeen in Rabbiga loo keeno cashuurtii Muuse oo ahaa addoonkii Ilaah uu reer binu Israa'iil kor saaray markay cidlada dhex joogeen. 10 Markaasaa amiirradii iyo dadkii oo dhammu reyreeyeen oo intay wax keeneen ayay ku rideen sanduuqii ilaa ay ka buuxiyeen. 11 Oo waxay noqotay in markii sanduuqii la geeyey xafiiskii boqorka iyadoo ay reer Laawi sidaan, oo la arkay in lacag badanu ku jirto ayaa waxaa yimid oo sanduuqii ka shubay karraanigii boqorka iyo sirkaalkii wadaadka sare, oo haddana sanduuqii bay qaadeen oo meeshiisii ku celiyeen. Oo saasay maalin kasta yeeli jireen, oo waxay soo ururiyeen lacag faro badan. 12 Oo boqorkii iyo Yehooyaadaac waxay lacagtii siin jireen kuwii samayn jiray hawshii adeegidda guriga Rabbiga, oo waxay soo kiraysteen wastaadyo iyo nijaarro si ay u cusboonaysiiyaan gurigii Rabbiga, oo waxay kaloo siin jireen kuwii bir iyo naxaas wax uga samayn jiray si ay gurigii Rabbiga ugu hagaajiyaan. 13 Markaasay shaqaalihii shaqeeyeen, oo shuqulkiina gacantoodii buu ku hagaagay, oo gurigii Ilaahna waxay ka dhigeen siduu ahaan jiray, wayna adkeeyeen. 14 Oo markay hawshii dhammeeyeen waxay lacagtii hadhay keeneen boqorkii iyo Yehooyaadaac hortooda, oo taasna waxaa gurigii Rabbiga looga sameeyey weelal, kuwaasoo ahaa weelal lagu adeegi jiray iyo kuwa wax lagu bixin jiray, iyo malgacadihii, iyo weelashii ahaa dahabka iyo lacagta. Oo Yehooyaadaac cimrigiisii oo dhanna guriga Rabbiga waxaa had iyo goor lagu bixin jiray qurbaanno la gubo. 15 Laakiinse Yehooyaadaac wuu da' weynaa, gabow buuna la dhacay, wuuna dhintay, oo markuu dhintay wuxuu jiray boqol iyo soddon sannadood. 16 Oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, iyo meel qabuurihii boqorrada dhexdooda ah, maxaa yeelay, wax wanaagsan buu ku dhex sameeyey reer binu Israa'iil, iyo xagga Ilaah iyo xagga gurigiisba.

Xumaatadii Yoo'aash

17 Haddaba markii Yehooyaadaac dhintay dabadeed waxaa yimid amiirradii dalkii Yahuudah oo boqorkay u sujuudeen. Markaasaa boqorkii iyagii maqlay. 18 Oo iyana waxay ka tageen gurigii Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood, oo waxay u adeegeen geedihii Asheeraah iyo sanamyadii. Markaasaa dadkii dalka Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaa waxaa ku soo degtay cadho xadgudubkoodan aawadiis. 19 Oo weliba wuxuu u soo diray nebiyo si ay iyaga ugu soo celiyaan Rabbiga xaggiisa, iyana way ku marag fureen iyagii, laakiin ma ay maqlin. 20 Markaasaa Ruuxii Ilaah wuxuu ku soo degay Sekaryaah oo uu dhalay wadaadkii Yehooyaadaac ahaa, oo isna intuu meel dadka ka korraysaa istaagay ayuu ku yidhi, Ilaah wuxuu idinku leeyahay, War maxaad ugu xadgudbaysaan Rabbiga amarradiisa? Idinku ma liibaani karaysaan, maxaa yeelay, Rabbiga waad ka tagteen, isna wuu idinka tegey. 21 Oo iyana intay isagii shirqool u dhigeen, ayay iyagoo boqorka amar ka wata isagii ku dhagxiyeen barxadda guriga Rabbiga. 22 Sidaasuusan Boqor Yoo'aash u xusuusan roonaantii uu Yehooyaadaac oo isaga aabbihiis ahaa u sameeyey, laakiinse wuxuu dilay wiilkiisii. Oo markuu dhimanayay ayuu yidhi, Rabbigu xaalkan ha fiiriyo oo ha idin weyddiiyo. 23 Oo isla sannaddaas dhammaadkeedii waxaa isagii ku soo kacay ciidankii reer Suuriya, oo intay dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalem yimaadeen ayay amiirradii dadka oo dhan ka baabbi'iyeen dadka dhexdiisii, oo wixii ay dhaceen oo dhan ayay u direen boqorkii Dimishaq degganaa. 24 Ciidankii reer Suuriya waxay yimaadeen iyagoo ah guuto yar, markaasaa Rabbigu wuxuu gacanta u geliyey ciidan aad u faro badan, maxaa yeelay, waxay ka tageen Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashood. Oo sidaasaa xukun loogu soo dejiyey Yoo'aash. 25 Oo markay isagii ka tageen, (waayo, waxay ka tageen isagoo aad iyo aad u buka) ayaa isaga addoommadiisii u sirqooleen dhiiggii uu qabay oo ilma Yehooyaadaac, kii wadaadka ahaa, oo waxay dileen isagoo sariirtiisii ku jiifa, wuuna dhintay. Oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, laakiinse isagii laguma dhex aasin qabuurihii boqorrada. 26 Oo kuwii isaga sirqoolka u dhigayna waxay ahaayeen Saabaad oo ay dhashay Shimcaad oo ahayd reer Cammoon, iyo Yehoosaabaad oo ay dhashay Shimriid oo ahayd reer Moo'aab. 27 Haddaba xaalkii wiilashiisa, iyo culaabtii weynayd ee korkiisa saarnayd, iyo siduu gurigii Ilaah mar dambe u dhisayba, bal eeg waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii boqorrada. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Amasyaah.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya