Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Chronological

Read the Bible in the chronological order in which its stories and events occurred.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Ishacyaah 23-27

Wax Sii Sheegid Ku Saabsan Turos

23 Kanu waa warka culus ee Turos ku saabsan. Doonniyaha Tarshiishow, baroorta, waayo, way baabba'day, guri iyo irid la galo midna ma leh, waxaana iyaga looga muujiyey dalka Kitiim. Kuwiinnan gasiiradda deggan ee baayacmushtariyaasha Siidoon oo badda gudbayaa ay alaab ka buuxiyeenow, aamusa. Biyaha badan waxaa laga keenay sarreenkii Shiixoor iyo waxa beerihii Webi Niil laga goostay oo faa'iidadeedii ahaa, oo iyadu waxay noqotay suuqii quruumaha. Siidoonay, ceebow, waayo, baddii way hadashay, oo qalcaddii baddu waxay tidhi, Anigu ma foolan, carruurna ma dhalin, barbaarrona ma korin, gabdhona ma korin. Markii warku Masar soo gaadho aad bay warka Turos uga xanuunsan doonaan. Tarshiish xaggeeda u gudba. Kuwiinna gasiiradda degganow, baroorta. Tanu ma magaaladiinnii waa hore jirtay oo faraxsanayd baa oo cagaheeda meel fog u waday inay dal shisheeye degto aawadeed? Yaa taladan u goostay Turos oo ahayd magaaladii taajajka bixisay, oo baayacmushtariyaasheedu amiirro ahaayeen, oo geddisleydeeduna ay ahaayeen kuwii dhulka sharafta ku lahaa? Rabbiga ciidammada ayaa waxaas u qasdiyey inuu jebiyo kibirka faanka oo dhan, iyo inuu ka dhigo in kuwa dhulka sharafta ku leh oo dhan la quudhsado.

10 Reer Tarshiishow, bal dalkaaga dhex mar sida Webi Niil oo kale. Innaba wax ku celiya oo dambe ma jiraan. 11 Isagu wuxuu gacantiisa ku fidiyey badda korkeeda, oo boqortooyooyinkiina wuu gariiriyey. Rabbigu wuxuu amar ku bixiyey in la dumiyo qalcadaha Kancaan. 12 Oo isagu wuxuu yidhi, Dadka Siidoon oo ah sida bikrad la nijaaseeyeyow, mar dambe ma farxi doontid. Kac, oo xagga Kitiim u gudub, oo xataa halkaasna nasasho kama heli doontid. 13 Bal dalka reer Kaldayiin fiiriya, dadkaasu ma jirin. Kii reer Ashuur kuwii cidlada degganaa ayuu u aasaasay, munaaradaa la dhisay, daaraheedii waaweynaana waa la dumiyey, oo baabba' buu ka dhigay. 14 Doonniyaha Tarshiishow, baroorta, waayo, qalcaddiinnii waa la baabbi'iyey. 15 Oo waxay wakhtigaas noqon doontaa in Turos la illoobi doono toddobaatan sannadood, oo ah sida boqor wakhtigiis. Oo toddobaatankaas sannadood markay dhammaadaan ayaa Turos waxaa laga heesi doonaa sida dhillada oo kale. 16 Dhilladii la illoobayay, kataarad qaado, oo magaalada ku dhex wareeg, oo luuq macaan luuqee, oo heeso badan hees, si lagugu soo xusuusto aawadeed. 17 Oo toddobaatanka sannadood markay dhammaadaan ayaa Rabbigu Turos soo booqan doonaa, oo waxay ku soo noqon doontaa kiradeedii, oo waxay dhulka kaga dhillaysan doontaa boqortooyooyinka dunida oo dhan. 18 Laakiinse baayacmushtarigeeda iyo kiradeedaba quduus baa Rabbiga looga dhigi doonaa, lama urursan doono, lamana kaydsan doono, waayo, baayacmushtarigeedu wuxuu u ahaan doonaa kuwa Rabbiga hortiisa jooga inay wax ku filan cunaan oo ay dhar raagaya xidhaan.

Rabbiga Oo Dhulka Baabbi'inayaa

24 Bal eega, Rabbigu dalkuu madhinayaa, oo baabba' buu ka dhigayaa, wuuna afgembiyayaa, oo kuwa degganna wuu kala firdhinayaa. Oo waxay noqon doontaa in wixii dadka ku dhaca ay wadaadkana ku dhacaan, oo wixii addoonka hela, sayidkana way heli doonaan, oo wixii iibiyaha helana, iibsadahana way heli doonaan, oo wixii amaahiyaha helana amaahsadahana way heli doonaan, oo wixii korsaarqaataha helana, korsaarbixiyahana way heli doonaan. Oo dalkana dhammaantiis waa la madhin doonaa oo la kharribi doonaa, waayo, Rabbiga ayaa eraygaas ku hadlay. Dhulku wuu baroortaa, wuuna qallalaa, dunidu way daashaa, wayna qallashaa, oo dadka sarena way daalaan. Oo dhulkiina waxaa nijaaseeyey kuwa deggan, maxaa yeelay, iyagu qaynuunnadii bay ku xadgudbeen, oo amarkiina way beddeleen, oo axdigii daa'imka ahaana way jebiyeen. Sidaas daraaddeed dhulkii waxaa baabbi'iyey habaar, oo kuwii dhex degganaana eed baa laga helay, sidaas daraaddeed kuwii dhulka degganaa way gubteen oo wax yar baa ka hadhay. Khamriga cusubu wuu baroortaa, dhirta canabkuna way dhadaa, oo kuwii qalbigoodu faraxsanaa oo dhammuna way taahaan. Farxaddii dafku way joogsatay, oo kuwii rayraynayay buuqoodiina waa dhammaaday, farxaddii kataaradduna way joogsatay. Mar dambe khamri hees kuma ay cabbi doonaan, oo wax lagu sakhraamona wuu u qadhaadhaan doonaa kuwa cabba. 10 Magaalada cidlada ah waa la dumiyey, oo guri kastana waa la xidhay si aan ninna u soo gelin. 11 Jidadka waxaa looga ooyayaa khamri la waayay aawadeed, farxaddii oo dhammuna way madoobaatay, oo rayrayntiina dalkay ka dhammaatay. 12 Magaaladii waxaa lagaga dhex tegey baabba', oo albaabkiina intii la jebiyey, ayaa la baabbi'iyey. 13 Waayo, sidaasay ahaan doontaa dalka iyo dadyowga dhexdoodaba, oo waxay noqon doontaa sida ruxruxidda geedka saytuunka ah iyo sida xaaxaabka canabka marka midhaha laga gurto dabadeed. 14 Codkooday kor u qaadi doonaan, wayna dhawaaqi doonaan, oo haybadda Rabbiga ayay badda aad ugaga qaylin doonaan. 15 Haddaba sidaas daraaddeed xagga bari Rabbiga ka ammaana, oo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil magiciisana waxaad ka ammaantaan gasiiradaha badda.

16 Darafka dhulka ugu shisheeya ayaan ka maqalnay gabayo lahaa, Ammaanu ha u ahaato kan xaqa ah. Laakiinse anigu waxaan idhi, Caatoobay oo caatoobay, anaa iska hoogay! Khaa'innadii khiyaanay sameeyeen, hubaal khaa'innadii aad iyo aad bay khiyaano xun u sameeyeen. 17 Kan dhulka degganow, waxaa ku hor yaal cabsi iyo yamays iyo dabin. 18 Oo kii qaylada cabsida ka cararaa yamayskuu ku dhici doonaa, oo kii yamayska ka soo baxana waxaa qaban doona dabinka, waayo, waxaa la furay daaqadihii xagga sare, oo aasaaskii dhulkuna wuu gariirayaa. 19 Dhulkii dhammaantiis wuu dumay, oo dhulkii kulligiis wuu burburay, oo dhulkii aad iyo aad buu u dhaqdhaqaaqay. 20 Dhulku wuxuu u dhicdhici doonaa sida nin sakhraansan, oo waxaa loo dhaqdhaqaajin doonaa sida buul oo kale. Xadgudubkiisuna wuu ku cuslaan doonaa, oo wuu dhici doonaa, oo mar dambena sooma kici doono.

21 Oo waxay maalintaas noqon doontaa in Rabbigu ciidanka kuwa sare kor ku ciqaabi doono, oo boqorrada dunidana dhulkuu ku ciqaabi doonaa. 22 Oo iyaga waxaa laysugu soo ururin doonaa sida maxaabiista godxabsiga loogu urursho, oo waa la xabbisi doonaa oo maalmo badan dabadeed ayaa la ciqaabi doonaa. 23 Oo markaasaa dayaxu isku qasmi doonaa, oo qorraxduna way ceeboobi doontaa, waayo, Rabbiga ciidammadu boqor buu ku ahaan doonaa Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, isagoo odayaashiisa hortooda sharaftiisa ka muujinaya.

Rabbiga Ammaana

25 Rabbiyow, waxaad tahay Ilaahay. Waan ku sarraysiin doonaa, oo magacaagana waan ammaani doonaa, waayo, waxaad samaysay waxyaalo yaab badan oo ah talooyin aad waa hore aaminnimo iyo run ku talaggashay. Waayo, waxaad magaalo ka dhigtay meel tuulan, oo magaalo deyr lehna burbur, oo daartii weynayd ee shisheeyahana waxaad ka dhigtay wax aan magaalo ahayn, oo mar dambena lama dhisi doono. Sidaas daraaddeed dadka xoogga badanu way ku ammaani doonaan, oo magaalada quruumaha laga cabsadona way ka cabsan doontaa. Waayo, waxaad miskiinka u ahayd xoog, oo saboolka baahanna markuu dhibaataysnaa xoog baad u ahayd, waxaadna ahayd meel duufaanka laga dugsado oo kulaylkana laga hadhsado markii kuwa laga cabsado neeftoodu ay ahayd sida duufaan derbi ku dhacaya. Waxaad hoos u ridi doontaa buuqa shisheeyayaasha sida kulaylka meesha engegan oo kale. Sida hooska daruurtu kulaylka u rida ayaa kuwa laga cabsado gabaygooda hoos loo ridi doonaa. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu dadyowga oo dhan buurtan ugu samayn doonaa diyaafad ah baruur miidhan, iyo khamri raagay, iyo waxyaalo baruur badan oo dhuux ka buuxo, iyo khamri raagay oo aad loo miiray. Oo isagu wuxuu buurtan ku baabbi'in doonaa daboolka dadyowga oo dhan la dul saaray iyo indhashareerta quruumaha oo dhan lagu dul fidiyey. Oo dhimashadana weligeed buu liqay, Sayidka Rabbiga ahuna weji kastaba ilmada wuu ka tirtiri doonaa, oo ceebta dadkiisana dhulka oo dhan wuu ka qaadi doonaa, waayo, sidaasuu Rabbigu ku hadlay.

Oo waxaa maalintaas la odhan doonaa, Bal eega, waa kan Ilaahayagu. Isagaannu sugaynay, wuuna na badbaadin doonaa. Kanu waa Rabbiga, isagaannu sugaynay, oo waxaannu ku farxi oo ku rayrayn doonnaa badbaadintiisa. 10 Waayo, Rabbiga gacantiisu waxay saarnaan doontaa buurtan, oo Moo'aabna meeshiisaa lagula tuman doonaa sida cawska meesha digada lagula tunto. 11 Oo isna gacmihiisuu ku dhex kala fidin doonaa sida mid dabaalanaya gacmihiisa u kala fidiyo inuu dabaasho aawadeed, laakiinse Rabbigu wuxuu hoos u ridi doonaa kibirkooda iyo shuqulkii gacmahoodaba. 12 Oo qalcadda dheer oo derbiyadaada adagna wuu dumin doonaa, oo hoos buu u ridi doonaa, oo dhulka iyo ilaa ciidda, ayuu ku xoori doonaa.

Gabay Ammaan ah

26 Oo maalintaas dalka Yahuudah waxaa lagaga gabyi doonaa gabaygan, Annagu magaalo xoog badan baannu leennahay, oo Rabbigu wuxuu derbiyo iyo qalcado nooga dhigi doonaa badbaado. Irdaha fura, quruunta xaqa ah oo runta xajisa ha soo gashee. Qofkii maankiisu isku kaa halleeyo nabad dhan baad ku dhawri doontaa, maxaa yeelay, adiguu ku aaminsan yahay. Rabbiga weligiinba aamina, waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waa dhagax daa'im ah. Maxaa yeelay, isagaa hoos u soo dejiyey kuwii meelaha sare degganaa, oo magaaladii sarajoogga dheeraydna wuu hoosaysiiyey, oo wuxuu hoos ugu soo dejiyaa tan iyo dhulka, oo ciidduu ku soo xooraa. Oo cagahaa ku tuman doona, waana cagaha masaakiinta iyo tallaabooyinka saboolka baahan. Kan xaqa ah jidkiisu waa qumman yahay oo adigoo qumman ayaa wadiiqada kan xaqa ah toosiya. Rabbiyow, annagu waxaannu kugu sugaynay jidka xukummadaada. Oo naftayaduna waxay xiiso u qabtaa magacaaga iyo xusuustaada. Habeenka naftaydu adigay kuu xiisootay, oo ruuxa gudahayga ku jira ayaan aad kuugu doondooni doonaa, waayo, markii xukummadaadu ay dhulka joogaan ayaa dadka dunida degganu xaqnimo bartaan. 10 Kan sharka ah haddii raalli laga noqdo isagu innaba xaqnimo ma barto, oo dalka qummanaanta ayuu caddaaladdarro ku samayn doonaa, oo haybadda Rabbigana ma uu fiirin doono.

11 Rabbiyow, gacantaadu kor bay u taagan tahay, laakiinse iyagu ma ay arkaan illowse waxay arki doonaan dadaalkaaga aad dadka u dadaashid, wayna ceeboobi doonaan, oo cadaawayaashaadana dab baa baabbi'in doona. 12 Rabbiyow, nabad baad na siin doontaa, oo weliba shuqulladayadii oo dhan baad noo wada samaysay. 13 Rabbiyow, Ilaahayagow, sayidyo kale oo aan adiga ahayn ayaa noo talin jiray, laakiinse adiga keliya ayaannu xusuusannaa oo magacaaga soo qaadnaa. 14 Iyagu way dhinteen, soona noolaan maayaan, way baabbe'een, soona sarakici maayaan, oo sidaas daraaddeed waad soo booqatay oo baabbi'isay, oo xusuustoodii oo dhanna waad tirtirtay. 15 Quruunta waad kordhisay, Rabbiyow, quruunta waad kordhisay, oo adiga waa lagu ammaanay, oo dalka soohdimihiisii oo dhanna waad wada ballaadhisay.

16 Rabbiyow, markay dhibaataysnaayeen way ku doondooneen, oo markaad edbinaysayna aad bay kuu baryeen. 17 Rabbiyow, naag uur leh oo ku soo dhowaatay shinkii ay dhali lahayd, siday u xanuunsato oo ay foosheeda ugu qayliso ayaannu hortaada ku noqonnay. 18 Annagu waannu uuraysannay, oo xanuunkii foosha ayaa na qabtay, oo waxaannu noqonnay sidii wax dabayl dhalay, oo dhulkana samatabbixin kuma aannu samayn, oo dadka dunida degganuna ma ay dhalan. 19 Kuwaagii dhintay way soo noolaan doonaan, meydadkuna way soo sara kici doonaan. Kuwiinna ciidda ku dhex jirow, soo toosa oo gabya! Rabbiyow, dharabkaagu waa sida dharabka geedaha nooleeya, oo dhulkuna meydadkuu soo xoori doonaa.

20 Dadkaygow, kaalaya, qolladihiinna gala, oo albaabbadiinna soo xidha, oo wakhti yar dhuunta, intay cadhadu gudbayso. 21 Waayo, bal eega, Rabbigu wuxuu meeshiisa uga soo kacayaa inuu dadka dhulka deggan xumaantooda u ciqaabo. Dhulkuna wuxuu daaha ka qaadi doonaa dhiiggiisa, oo kuwa la laayayna mar dambe ma dabooli doono.

Samatabbixintii Israa'iil

27 Oo wakhtigaas ayaa Rabbigu seeftiisa adag ee weyn ee xoogga badan ku ciqaabi doonaa Lewiiyaataan oo ah maska dheereeya, iyo xataa Lewiiyaataan oo ah maska qalloocan, oo wuxuu dili doonaa bahalka baas ee badda ku jira.

Oo wakhtigaas waxaa la odhan doonaa, Beerta canabka ee la jecel yahay darandoorri ugu heesa. Aniga Rabbiga ah ayaa ilaaliya, oo daqiiqad kastana waan waraabin doonaa. Si aan ciduna wax u yeelin ayaan habeen iyo maalinba dhawri doonaa. Aniga cadho iguma jirto. Haddii yamaarugga iyo qodxantu ay dagaal igu soo kicin lahaayeen, intaan iyaga ku kaco ayaan dhammaantood wada gubi lahaa. Haddii kalese xooggayga ha la qabsado, ha layla nabdo, ha layla nabdo. Oo wakhtiga soo socdana reer Yacquub xidid buu yeelan doonaa, dadka Israa'iilna waa magooli doonaa oo ubxin doonaa, oo dunida oo dhanna midhay ka buuxin doonaan.

Miyuu isaga wax ugu dhuftay siduu wax ugu dhuftay kuwii isaga wax ku dhuftay oo kale? Amase isaga ma la dilay sidii layntii kuwuu laayay oo kale? Markaad eriday qiyaas baad ku edbisay. Intuu dalka ka masaafuriyey ayuu maalintii dabaysha bari duufaan adag ku eryay. Haddaba sidaas daraaddeed xumaanta reer Yacquub tanaa lagu kafaaraggudi doonaa, oo tanuna waa midhihii qaadidda dembigiisa oo dhan, markuu dhagaxyada meesha allabariga oo dhan ka wada dhigo sida dhagaxyada nuuradda ah oo la burburiyo oo kale, si aanay geedaha Asheeraah iyo sanamyada qorraxduna mar dambe u soo kicin. 10 Waayo, magaaladii deyrka lahayd way cidlowday, waxayna tahay hoy laga kacay, oo waxaa looga tegey sida cidlada oo kale. Halkaas waxaa daaqi doona weylka, wuuna jiifsan doonaa, oo wuxuu dhammayn doonaa laamaheeda oo dhan. 11 Markii laamaheedu engegaan way wada jajabi doonaan, oo naagaa iman doona oo gubi doona, waayo, kuwanu waa dad aan innaba waxgarasho lahayn, oo sidaas daraaddeed kii iyaga uumay uma uu naxariisan doono, oo kii iyaga sameeyeyna raalli kama ahaan doono.

12 Oo wakhtigaas Rabbigu hadhuudhkiisuu ku tuman doonaa tan iyo Webi Yufraad iyo ilaa durdurka Masar, oo reer binu Israa'iilow, midba mid baa laydiin soo wada ururin doonaa.

13 Oo wakhtigaas buun weyn baa la yeedhin doonaa, oo kuwii halligaadda u diyaarsanaa iyo kuwii dalka Masar loo masaafuriyey waxay ka iman doonaan dalka Ashuur, oo Rabbigay buurta Yeruusaalem ku caabudi doonaan.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya