Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Chronological

Read the Bible in the chronological order in which its stories and events occurred.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Taariikhdii Kowaad 26-29

Iridjoogayaashii

26 Oo kooxihii iridjoogayaashiina waa kuwan: reer Qorax waxaa laga doortay Meshelemyaah ina Qore oo ahaa reer Aasaaf. Oo Meshelemyaahna wuxuu lahaa wiilal, oo curadkiisii wuxuu ahaa Sekaryaah, kii labaadna Yediica'eel, kii saddexaadna Sebadyaah, kii afraadna Yatnii'eel, kii shanaadna Ceelaam, kii lixaadna Yehooxaanaan, kii toddobaadna Eliihooceenay. Oo Cobeed Edoomna wuxuu lahaa wiilal, oo curadkiisii wuxuu ahaa Shemacyaah, kii labaadna Yehoosaabaad, kii saddexaadna Yoo'aax, kii afraadna Saakaar, kii shanaadna Netaneel, kii lixaadna Ammii'eel, kii toddobaadna Isaakaar, kii siddeedaadna Fecultay, waayo, Ilaah baa isaga barakeeyey. Oo weliba wiilkiisii Shemacyaahna wiilal baa u dhashay, oo iyagaa u talin jiray reerkii aabbahood, waayo, waxay ahaayeen rag xoog badan. Wiilashii Shemacyaahna waxay ahaayeen Cotnii, iyo Refa'eel, iyo Coobeed, iyo Elsaabaad, walaalahoodna oo ah Eliihuu iyo Semakiyaah waxay ahaayeen rag xoog badan. Oo kulli intaasoo dhammu waxay ahaayeen reer Cobeed Edoom, oo iyaga iyo wiilashoodii iyo walaalahoodba waxay ahaayeen rag xoog iyo karti adeegidda u leh, waxayna ahaayeen laba iyo lixdan nin oo reer Cobeed Edoom wada ah. Oo Meshelemyaahna wuxuu lahaa siddeed iyo toban nin oo ahaa rag xoog badan, waxayna wada ahaayeen wiilashiisii iyo walaalihiis. 10 Oo weliba Xosaah oo ahaa reer Meraariina wuxuu lahaa wiilal, waxaana ugu weynaa Shimrii (waayo, in kastoo uusan curadkii ahayn haddana aabbihiis ayaa madax ka dhigay), 11 kii labaadna wuxuu ahaa Xilqiyaah, kii saddexaadna Tebalyaah, kii afraadna Sekaryaah. Oo Xosaah wiilashiisii iyo walaalihiis oo dhammu waxay ahaayeen saddex iyo toban. 12 Oo iridjoogayaasha kooxahooduna intaasay ka koobnaayeen, waxayna ahaayeen rag madax ah, oo sida walaalahood hawl madax ka ah inay guriga Rabbiga ka dhex adeegaan. 13 Oo iyana midkooda ugu yar iyo midka ugu weynba, sidii ay qolooyinkoodu kala ahaayeen ayay irid kasta saami ugu riteen. 14 Oo saamigii dhanka bari wuxuu u soo baxay Shelemyaah. Oo haddana waxay saami u rideen wiilkiisii Sekaryaah, oo ahaa lataliye xigmad badan, oo saamigiisiina wuxuu ku helay dhankii woqooyi. 15 Cobeed Edoomna waxaa u soo baxay dhankii koonfureed, oo wiilashiisiina waxaa u soo baxay guryihii wax lagu kaydin jiray. 16 Shufiim iyo Xosaahna waxaa u soo baxay dhankii galbeed oo u dhowaa iriddii Shalleked la odhan jiray, oo ku ag tiil jidka kor u baxa, oo waardiyeba waardiyaha kaluu ka soo hor jeeday. 17 Dhanka bari waxaa joogi jiray lix reer Laawi ah, dhanka woqooyina maalintiiba waxaa dhawri jiray afar nin, dhanka koonfureedna maalintiiba waxaa dhawri jiray afar nin, oo guryaha wax lagu kaydiyana waxaa dhawri jiray laba laba nin. 18 Oo Farbaar dhankeedii galbeed, oo u dhow jidkiina waxaa dhawri jiray afar, oo Farbaarna waxaa dhawri jiray laba. 19 Intaasu waxay ahaayeen kooxihii iridjoogayaasha, oo waxayna ahaayeen reer Qorax iyo reer Meraarii.

Khasnajiyada Iyo Madax Kale

20 Oo mid ka mid ahaa reer Laawi oo Axiiyaah ahaana wuxuu u talin jiray khasnadihii guriga Ilaah, iyo khasnadihii ay alaabta quduuska ahu tiil. 21 Kuwii reer Lacdaan ee reer Gershoon oo uu lahaa Lacdaan, oo ahaa madaxdii reerahooda oo uu lahaa Lacdaan oo ahaa reer Gershoon, waxay ahaayeen Yexii'eelii, 22 iyo wiilashii Yexii'eelii oo ahaa Seetaam, iyo Yoo'eel oo walaalkiis ahaa, waxayna u talin jireen khasnadihii guriga Rabbiga. 23 Oo waxaana jiray reer Camraam, iyo reer Isehaar, iyo reer Xebroon, iyo reer Cusii'eel. 24 Oo Shebuu'eel oo ahaa ina Gershoom, oo ahaa reer Muusena wuxuu ahaa taliye xukuma khasnadihii. 25 Waxaana la jiray walaalihiis ahaa reer Eliiceser, kuwaasoo ahaa wiilkiisii Rexabyaah, iyo isagii wiilkiisii Yeshacyaah, iyo isagii wiilkiisii Yooraam, iyo isagii wiilkiisii Sikrii, iyo isagii wiilkiisii Shelomood. 26 Oo kuwan oo ah Shelomood iyo walaalihiis waxay u talin jireen khasnadihii alaabta quduuska ah, kuwaasoo ay quduus ka dhigeen Boqor Daa'uud, iyo madaxdii qolooyinka, iyo kuwii kun kun u taliyey iyo kuwii boqol boqol u taliyey, iyo saraakiishii ciidanku. 27 Maalkii boolida ahaa oo dagaalka lagu soo dhacay waxay quduus uga dhigeen si loogu cusboonaysiiyo gurigii Rabbiga. 28 Oo kulli waxyaalihii ay quduus ka dhigeen Samuu'eel oo wax arke ahaa, iyo Saa'uul ina Qiish, iyo Abneer ina Neer, iyo Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay, iyo wax alla wixii quduus laga dhigay oo dhammu waxay ku jireen gacantii Shelomood iyo tii walaalihiis. 29 Oo Kenanyaah iyo wiilashiisii oo ahaa reer Isehaarna waxay saraakiil iyo xaakinno u ahaayeen hawlaha dibadda oo reer binu Israa'iil. 30 Oo Xashabyaah iyo walaalihiis oo ahaa reer Xebroon, oo weliba ahaa rag xoog badan, oo tiradoodu ahayd kun iyo toddoba boqol oo nin, waxay u talin jireen reer binu Israa'iilkii dhanka galbeed oo Webi Urdun ka shisheeyey, iyo shuqulkii Rabbiga oo dhan, iyo adeegiddii boqorkaba. 31 Oo reer Xebroonna Yeriyaah madax buu ahaa, intaasu waa reer Xebroon sidii dadka reerahoodu u kala dhasheen. Oo waxaa iyaga la doondoonay sannaddii afartanaad oo boqortooyadii Daa'uud, oo waxaa iyaga dhexdoodii laga helay rag xoog badan oo jooga Yacser tii reer Gilecaad. 32 Oo walaalihiis oo ahaa rag xoog badanuna waxay ahaayeen laba kun iyo toddoba boqol oo nin, oo ah madaxdii qolooyinka kuwaasoo boqor Daa'uud uu ka dhigay inay taliyayaal ugu ahaadaan reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis, xagga wax kasta oo xag Ilaah ku saabsan, iyo xagga danaha boqorkaba.

Qaybihii Ciidanka

27 Haddaba waa tan reer binu Israa'iil sidii tiradoodu ay ahayd, waxayna ahaayeen madaxdii qolooyinka, iyo kuwii kun kun u taliyey, iyo kuwii boqol boqol u taliyey, iyo saraakiishoodii boqorka uga adeegi jiray wax kasta oo ku saabsan kooxihii soo geli jiray oo bixi jiray bil kasta oo ah bilaha sannadda oo dhan; koox kasta tiradeedu waxay ahayd afar iyo labaatan kun oo nin. Oo kooxdii kowaad ee bixi jirtay bishii kowaad waxaa madax u ahaa Yaashaabcaam ina Sabdii'eel, oo kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin. Oo isagu wuxuu ahaa reer Feres, wuxuuna ugu wada sarreeyey saraakiishii ciidanka oo bishii kowaad bixi jiray oo dhan. Oo kooxdii bishii labaadna waxaa madax u ahaa Doday oo ahaa reer Axoo'ax, oo kooxdiisa waxaa ku jiray Miqlood oo taliye ahaa, oo kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin. Oo sirkaalkii saddexaad ee ciidanka oo bishii saddexaad bixi jirayna wuxuu ahaa Benaayaah oo madax ahaa oo ahaa ina wadaadkii ahaa Yehooyaadaac, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin. Oo kaasu waa Benaayaah oo ahaa kii ugu xoog badnaa soddonkii, oo weliba soddonka madax u ahaa, oo kooxdiisana waxaa ku jiray wiilkiisii Cammiisaabaad. Oo sirkaalkii afraad ee bishii afraad bixi jirayna wuxuu ahaa Casaaheel oo ahaa Yoo'aab walaalkiis, wiilkiisii Sebadyaahna wuu ku xigay, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin. Oo sirkaalkii shanaad ee bishii shanaad bixi jirayna wuxuu ahaa Shamhuud oo ahaa reer Yisraax, oo kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin. Oo sirkaalkii lixaad oo bishii lixaad bixi jirayna wuxuu ahaa Ciiraa ina Ciqeesh oo ahaa reer Teqooca, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin. 10 Oo sirkaalkii toddobaad ee bishii toddobaad bixi jirayna wuxuu ahaa Xeles oo ahaa reer Feloonii, oo ka ahaa reer Efrayim, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin. 11 Oo sirkaalkii siddeedaad oo bishii siddeedaad bixi jirayna wuxuu ahaa Sibbekay oo ahaa reer Xushaad, oo ka ahaa reer Serax, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin. 12 Oo sirkaalkii sagaalaad ee bishii sagaalaad bixi jirayna wuxuu ahaa Abiiceser oo ahaa reer Canaatood, oo ka ahaa reer Benyaamiin, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin. 13 Oo sirkaalkii tobnaad ee bishii tobnaad bixi jirayna wuxuu ahaa Maharay oo ahaa reer Netofaah oo ka ahaa reer Serax, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin. 14 Oo sirkaalkii kow iyo tobnaad ee bishii kow iyo tobnaad bixi jirayna wuxuu ahaa Benaayaah oo ahaa reer Fircaatoon, oo ka ahaa reer Efrayim, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin. 15 Oo sirkaalkii laba iyo tobnaad ee bishii laba iyo tobnaad bixi jirayna wuxuu ahaa Xelday oo ahaa reer Netofaah, oo ka ahaa reer Cotnii'eel, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.

Madaxdii Qolooyinka

16 Oo weliba waxaa qabiilooyinkii reer binu Israa'iil u talinayay kuwan: reer Ruubeen waxaa u talinayay Eliiceser ina Sikrii oo taliye ahaa, reer Simecoonna waxaa u talinayay Shefatyaah ina Macakaah, 17 reer Laawina waxaa u talinayay Hashabyaah ina Qemuu'eel, reer Haaruunna waxaa u talinayay Saadooq, 18 reer Yahuudahna waxaa u talinayay Eliihuu, oo Daa'uud walaalihiis ka mid ahaa, reer Isaakaarna waxaa u talinayay Coomrii ina Miikaa'eel, 19 reer Sebulunna waxaa u talinayay Yishmacyaah ina Cobadyaah, reer Naftaalina waxaa u talinayay Yereemood ina Casrii'eel, 20 reer Efrayimna waxaa u talinayay Hoosheeca ina Casasyaah, oo reer Manaseh badhkiisna waxaa u talinayay Yoo'eel ina Fedaayaah, 21 reer Manaseh badhkiisii kale oo joogay dalka Gilecaadna waxaa u talinayay Iddo ina Sekaryaah, reer Benyaamiinna waxaa u talinayay Yacasii'eel ina Abneer, 22 reer Daanna waxaa u talinayay Casareel ina Yeroxaam. Oo kuwaasu waxay ahaayeen saraakiishii qabiilooyinka reer binu Israa'iil. 23 Laakiinse Daa'uud ma uu tirinin intoodii labaatan sannadood ka yarayd, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu yidhi inuu reer binu Israa'iil u badinayo sida xiddigaha samada oo kale. 24 Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay ayaa bilaabay inuu dadka tirsho, laakiinse ma uusan dhammayn, oo tirintaas aawadeed ayaa reer binu Israa'iil cadho ugu soo degtay, oo tiradiina laguma darin xisaabtii kitaabkii taariikhda oo Boqor Daa'uud.

Mas'uuliyiintii Boqorka

25 Oo boqorka khasnadihiisana waxaa u talinayay Casmaawed ina Cadii'eel, oo guryihii wax lagu kaydiyey ee beeraha ku yiil, iyo kuwii ku yiil magaalooyinka, iyo tuulooyinka, iyo qalcadahaba waxaa u talinayay Yoonaataan ina Cusiyaah. 26 Oo kuwii samayn jiray shuqulka beeraha inay dhulka qodaanna waxaa u talinayay Cesrii ina Keluub. 27 Oo beeraha canabka ahna waxaa u talinayay Shimcii oo ahaa reer Raamad, oo guryihii lagu kaydiyey khamrigii laga helay beeraha canabka ahna waxaa u talinayay Sabdii oo ahaa reer Shifmii. 28 Oo dhirtii saytuunka ahayd iyo dhirtii darayga ahayd oo dalkii dooxada ahaa ku yiilna waxaa u talinayay Bacal Xaanaan oo ahaa reer Geder, guryihii saliidda lagu kaydiyeyna waxaa u talinayay Yoo'aash. 29 Oo lo'dii Shaaroon daaqi jirtayna waxaa u talinayay Shitray oo ahaa reer Shaaroon, oo lo'dii dooxooyinka joogtayna waxaa u talinayay Shaafaad ina Adlay. 30 Oo geelashana waxaa u talinayay Oobiil oo ahaa reer Ismaaciil, oo dameerahana waxaa u talinayay Yexdeyaah oo ahaa reer Meeronotii, 31 oo adhyahana waxaa u talinayay Yaasiis oo ahaa reer Hagrii. Oo kulli intaas oo dhammu waxay ahaayeen taliyayaashii maalkii Boqor Daa'uud.

32 Oo weliba Yoonaataan oo ahaa Daa'uud adeerkiis wuxuu ahaa lataliye waxgarasho weyn leh, iyo karraaniba, oo Yexii'eel ina Xakmooniina wuxuu la jiray boqorka wiilashiisa. 33 Oo Axiitofelna wuxuu ahaa boqorka lataliyihiisa, oo Xuushay oo ahaa reer Arkiina wuxuu ahaa boqorka saaxiibkiis. 34 Oo Axiitofelna waxaa ku xigay Yehooyaadaac ina Benaayaah, iyo Aabyaataar, oo boqorka ciidankiisana waxaa sirkaal u ahaa Yoo'aab.

Qorshihii Daa'uud Ee Macbudka

28 Markaasaa Daa'uud wuxuu Yeruusaalem ku soo wada shiriyey amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo amiirradii qabiilooyinka, iyo saraakiishii kooxihii boqorka mile milaha ugu adeegi jiray, iyo kuwii kun kun u talin jiray iyo kuwii boqol boqol u talin jiray, iyo taliyayaashii xukumi jiray maalka iyo hantidii boqorka iyo tii wiilashiisaba, iyo saraakiishii iyo raggii xoogga badnaa, xataa kulli raggii xoogga badnaa oo dhanba. Markaasaa Boqor Daa'uud cagaha isku taagay, oo wuxuu yidhi, Walaalahay iyo dadkaygiiyow, i maqla. Aniga waxaa qalbigayga ku jirtay inaan guri nasasho u dhiso sanduuqa axdiga Rabbiga iyo meel uu Ilaaheennu cago saaro, oo dhismihiina alaab baan u diyaariyey. Laakiinse Ilaah baa igu yidhi, Waa inaadan guri u dhisin magacayga aawadiis, maxaa yeelay, waxaad tahay nin dagaal, oo dhiig baad daadisay. Habase yeeshee Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu iga doortay reerkii aabbahay oo dhan inaan weligay ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya, waayo, isagu wuxuu Yahuudah u doortay inuu amiir ahaado, oo reer Yahuudahna wuxuu ka doortay reerkii aabbahay, oo wiilashii aabbahayna aniguu igala dhex baxay oo igu farxay inuu iga dhigo boqor u taliya reer binu Israa'iil oo dhan. Rabbigu wiilal badan buu i siiyey oo wuxuu wiilashaydii oo dhan ka doortay wiilkayga Sulaymaan inuu carshiga boqortooyada Rabbiga ku fadhiisto oo uu reer binu Israa'iil u taliyo. Oo wuxuu igu yidhi, Wiilkaaga Sulaymaan ayaa dhisi doona gurigayga iyo barxadahaygaba, waayo, waxaan isaga u doortay inuu ahaado wiilkaygii, oo anna waxaan isaga u ahaan doonaa aabbihiis. Oo anigu boqortooyadiisaan xoogayn doonaa weligeed, hadduu ku sii adkaado inuu sameeyo amarradayda iyo xukummadayda, siday maantadan tahay. Haddaba sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil oo dhan oo ah shirkii Rabbiga hortooda, iyo iyadoo uu Ilaaheennu ina maqlayo, dhawra oo doondoona amarrada Rabbiga Ilaaheenna ah oo dhan inaad idinku hantidaan dalkan wanaagsan oo aad weliba carruurtiinna idinka dambaysana uga tagtaan dhaxal weligiis raagaya. Haddaba Sulaymaanow, wiilkaygiiyow, Ilaahii aabbahaa garo, oo ugu adeeg qalbi qumman iyo maan raalli ah, waayo, Rabbigu wuxuu baadhaa qalbiyada oo dhan, wuuna wada gartaa malayaasha fikirrada oo dhan, oo haddaad isaga doondoontid waad heli doontaa, laakiinse haddaad isaga ka tagtid wuu ku xoori doonaa weligaaba. 10 Haddaba iska jir, waayo, Rabbigu wuxuu kuu doortay inaad meesha quduuska ah guri u dhistid. Xoog yeelo oo samee.

11 Markaasaa Daa'uud wiilkiisii Sulaymaan siiyey tilmaantii balbaladii macbudka, iyo tii guryihiisa, iyo tii khasnadihiisa, iyo tii qowladihiisa sare, iyo tii qolalkiisa hoose, iyo tii meeshii daboolka kafaaraggudka. 12 Oo wuxuu kaloo siiyey kulli wixii uu ruuxii ku hayay tilmaantoodii oo dhan, kuwaasoo ah barxadihii guriga Rabbiga, iyo qolalkii ku wareegsanaa oo dhan, iyo khasnadihii guriga Ilaah, iyo khasnadihii alaabta quduuska ah la dhigi lahaa, 13 iyo weliba tilmaantii kooxihii ahaa wadaaddada iyo reer Laawi, iyo shuqulkii laga qaban lahaa guriga Rabbiga oo dhan, iyo weelashii guriga lagaga adeegi lahaa oo dhan, 14 iyo tilmaantii dahabkii loo miisaami lahaa weelasha dahabka ah, oo ah kulli weelasha lagu adeegi lahaa cayn kasta oo adeegid ah, iyo tii lacagtii loo miisaami lahaa kulli weelasha lacagta ah oo ah kulli weelasha lagu adeegi lahaa cayn kasta oo adeegid ah, 15 iyo weliba tii dahabkii loo miisaami lahaa laambadaha dahabka ah, iyo laambadahooda yaryar ee dahabka ah oo dhan, laambad kasta iyo laambadaheeda yaryarba miisaankooda, iyo tii lacagtii loo miisaami lahaa laambadaha lacagta ah, laambad kasta iyo laambadaheeda yaryarba miisaankooda, si waafaqsan wixii laambad kasta lagu qaban lahaa, 16 iyo tii dahabkii loo miisaami lahaa miisaska kibista tusniinta, miis kasta miisaankiisa, iyo tii lacagtii miisaska lacagta ah, 17 iyo tilmaantii mudacyada, iyo maddiibadaha, iyo koobabka laga samayn lahaa dahab saafi ah, oo baaquliyada dahabka ahna baaquli kasta dahabkiisii miisaankiisa, oo baquliyada lacagta ahna baquli kasta lacagtiisii miisaankeeda, 18 iyo tilmaantii girgiraha fooxa dahabkiisa la safeeyey miisaankiisa, iyo tilmaantii dahabka loo miisaami lahaa naqshadda gaadhifaraska, iyo keruubiimtii baalashooda kala bixisay oo ku qarisay sanduuqii axdiga Rabbiga. 19 Oo Daa'uud wuxuu yidhi, Waxan oo dhan waxaa laygu garansiiyey qorniin laga helay gacantii Rabbiga, si aan ku garto tilmaantan shuqulkeeda oo dhan. 20 Markaasaa Daa'uud wuxuu wiilkiisii Sulaymaan ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, oo hawshan samee, oo ha cabsan, hana qalbi jabin, waayo, Rabbiga Ilaaha ah oo ah Ilaahayga ayaa kula jira, oo isagu kuma gabi doono, kumana dayrin doono, jeer la wada dhammeeyo kulli shuqulka adeegidda guriga Rabbiga oo dhan. 21 Oo bal eeg, waxaa jooga kooxaha ah wadaaddada iyo reer Laawi, inay dhammaan qabtaan adeegidda guriga Ilaah, oo waxaa kula jiri doona oo hawl kasta qaban doona nin kasta oo adeegid kasta sanco u yaqaan oo raalli ah, oo weliba saraakiisha iyo dadka oo dhammuna amarkaaga way oggolaan doonaan.

Hadiyadihii Loo Bixiyay Dhisiddii Macbudka

29 Markaasaa Boqor Daa'uud shirkii oo dhan ku yidhi, Wiilkayga Sulaymaan oo Ilaahu keligiis doortay, weli wuu yar yahay, waana tabar daranyahay, oo shuqulkuna waa weyn yahay, waayo, guriga nin loo dhisi maayo, laakiinse waxaa loo dhisayaa Rabbiga Ilaaha ah. Haddaba xooggaygii oo dhan ayaan gurigii Ilaahayga u diyaarshay dahabka laga sameeyo alaabta dahabka, iyo lacagta laga sameeyo alaabta lacagta ah, iyo naxaasta laga sameeyo alaabta naxaasta ah, iyo birta laga sameeyo alaabta birta ah, iyo qoriga laga sameeyo alaabta qoriga ah, iyo dhagaxyo onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyada la dejiyo oo wax lagu qurxiyo oo midabyo kala cayncayn ah, iyo cayn kasta oo dhagaxyo qaaliya ah, iyo dhagaxyo badan oo marmar ah. Oo weliba anigu aad baan u jeclahay guriga Ilaahayga, oo taas daraaddeed waxaan guriga Ilaahayga siinayaa khasnad mulkigayga ah oo dahab iyo lacag ah, taasoo aan ku jirin wixii aan u diyaariyey gurigii quduuska ah, waxa weeye saddex kun oo talanti oo dahab ah oo weliba ah dahabkii Oofir, iyo toddoba kun oo talanti oo ah lacag la safeeyey, in lagu dahaadho guryaha derbiyadoodii oo dhan, iyo in dahab laga sameeyo alaab dahab ah, iyo in lacag laga sameeyo alaab lacag ah, iyo shuqul kasta oo ay kuwa sancada yaqaan gacmahooda ku qabtaan. Haddaba yaa raalli ka ah oo maantadan nafsaddiisa Rabbiga u bixinaya? Markaas amiirradii reeraha iyo amiirradii qabiilooyinka reer binu Israa'iil iyo kuwii kun kun u taliyey, iyo kuwii boqol boqol u taliyey, iyo taliyayaashii boqorka hawshiisa xukumi jirayba waxay bixiyeen wax ay raalli ka yihiin. Oo adeegidda guriga Ilaah daraaddeed waxay u bixiyeen shan kun oo talanti iyo toban kun oo dirham oo dahab ah, iyo toban kun oo talanti oo lacag ah, iyo siddeed iyo toban kun oo talanti oo naxaas ah, iyo boqol kun oo talanti oo bir ah. Oo kuwii dhagxanta qaaliga ah laga helayna waxay siiyeen khasnaddii guriga Rabbiga, waxaana loo dhiibay gacantii Yexii'eel oo ahaa reer Gershoon. Markaasaa dadkii aad ugu farxay raallinimadii ay raalligooda wax ku bixiyeen aawadeed, maxaa yeelay, iyagu qalbi qumman ayay Rabbiga wax ugu bixiyeen iyagoo raalli ka ah, oo Boqor Daa'uudna farxad weyn buu farxay.

Baryadii Daa'uud

10 Haddaba sidaas daraaddeed ayaa Daa'uud Rabbiga ku ammaanay shirkii oo dhan hortiisa, oo yidhi, Rabbiyow, awowgayo Israa'iil Ilaahiisiiyow, weligaa iyo weligaaba ammaanu ha kuu ahaato. 11 Rabbiyow, weynaanta, iyo xoogga, iyo ammaanta, iyo guusha, iyo haybaddaba adigaa iska leh, waayo, waxa samada ku jira oo dhan iyo waxa dhulka saaranba adigaa iska leh. Rabbiyow, boqortooyada adigaa iska leh, oo adiga waxaa laguu sarraysiiyaa sidii madax wax kasta ka sarreeya. 12 Oo maal iyo sharafuba xaggaagay ka yimaadaan, oo wax kasta adigaa u taliya, oo gacantaadana waxaa ku jira xoog iyo itaal, oo gacantaada weeye midda wax weynayn karta oo qof kastaba xoog siin karta. 13 Haddaba sidaas daraaddeed, Ilaahayagiiyow, waannu kugu mahadnaqaynaa, oo magacaaga haybadda badanna waannu ammaanaynaa. 14 Laakiinse bal anigu yaan ahay, dadkayguse waa ayo, inaan annagu awoodno inaan sidan wax u bixinno annagoo raalli ka ah? Waayo, wax kastaaba xaggaagay ka yimaadeen, oo annana waxaagii baan wax ka siinnay. 15 Waayo, annagu hortaada waxaannu ku nahay shisheeyayaal sodcaal ah, sidii awowayaashayo oo dhammu ay ahaan jireen, oo cimrigayaga aan dhulka joognaana waa sida hoos oo kale, oo wax la filayaana ma jiro. 16 Rabbiyow Ilaahayagiiyow, kaydkan aannu u diyaarinnay inaan guri ugu dhisno magacaaga quduuska ah dhammaantiis wuxuu ka yimid gacantaada oo kulligiisna adigaa iska leh. 17 Weliba waan ogahay, Ilaahayow, inaad qalbiga imtixaantid, oo aad qummanaanta ku faraxdid. Oo aniguna iyadoo qalbigaygu qumman yahay ayaan waxyaalahan oo dhan bixiyey anigoo raalli ah, oo haddana farxad baan ku arkay dadkaaga halkan jooga oo wax bixinaya iyagoo raalli ah. 18 Rabbiyow, awowayaashayo Ibraahim iyo Isxaaq iyo Israa'iil Ilaahoodiiyow, weligaaba saas ka yeel malayaasha fikirrada qalbiga dadkaaga, oo qalbigoodana xaggaaga u soo toosi. 19 Oo wiilkayga Sulaymaanna waxaad siisaa qalbi qumman oo uu ku dhawro amarradaada iyo markhaatigaaga iyo qaynuunnadaada, inuu waxyaalahan oo dhan sameeyo, iyo inuu dhiso gurigii aan wax u sii diyaarshay.

20 Markaasaa Daa'uud wuxuu shirkii oo dhan ku yidhi, Haddaba Rabbiga Ilaahiinna ah ammaana. Kolkaasay shirkii oo dhammu ammaaneen Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood, oo intay madaxa foororiyeen ayay u sujuudeen Rabbiga iyo boqorkaba.

Boqornimadii Sulaymaan Oo La Aqoonsaday

21 Oo subaxdii maalintaas ka dambaysay ayay Rabbiga u bixiyeen allabaryo iyo qurbaanno la gubo oo ah kun dibi, iyo kun wan, iyo kun baraar ah, iyo qurbaannadooda cabniinka ah, iyo allabaryo tiro badan oo reer binu Israa'iil oo dhan loo bixiyey. 22 Oo maalintaas iyagoo aad u faraxsan ayay Rabbiga hortiisa wax ku cuneen oo wax ku cabbeen. Oo Sulaymaan ina Daa'uud ayay mar labaad boqreen, oo isaga Rabbiga ugu subkeen inuu madax ahaado, Saadooqna inuu wadaad ahaado. 23 Markaasaa Sulaymaan carshigii Rabbiga ku fadhiistay isagoo jagadii aabbihiis Daa'uud boqor ka ah, wuuna barwaaqoobay, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna isagay addeeceen. 24 Oo amiirradii oo dhan iyo raggii xoogga badnaa iyo Boqor Daa'uud wiilashiisii kale oo dhammuba Boqor Sulaymaan ayay addeeceen oo ka wada dambeeyeen. 25 Oo Rabbiguna Sulaymaan aad iyo aad buu ugu weyneeyey reer binu Israa'iil oo dhan hortooda, oo wuxuu isaga siiyey boqortooyo haybad leh oo ayan lahaan jirin boqorradii reer binu Israa'iil oo isaga ka horreeyey oo dhammu.

Dhimashadii Daa'uud

26 Haddaba Daa'uud ina Yesay wuxuu boqor u ahaan jiray reer binu Israa'iil oo dhan. 27 Oo wakhtigii uu reer binu Israa'iil boqor u ahaana wuxuu ahaa afartan sannadood; toddoba sannadood ayuu Xebroon boqor ka ahaa, saddex iyo soddon sannadoodna wuxuu boqor ka ahaa Yeruusaalem. 28 Oo wuxuu dhintay isagoo oday ah oo ka dhergay cimri, iyo maal, iyo sharafba, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Sulaymaan. 29 Haddaba Boqor Daa'uud falimihiisii, intii hore iyo intii dambeba, waxay ku qoran yihiin taariikhdii Samuu'eel oo wax arke ahaa, iyo taariikhdii Nebi Naataan, iyo taariikhdii Gaad oo isna wax arke ahaa. 30 Oo waxaa halkaas ku qoran kulli wakhtiyadii ay soo mareen boqortooyadiisii iyo xooggiisii, iyo wakhtiyadii ay isaga iyo reer binu Israa'iil, iyo boqortooyooyinkii waddammada oo dhammuba soo mareen.

Sabuurradii 127

Gabayga meelokoridda oo Sulaymaan tiriyey.

127 Haddaan Rabbigu guriga dhisin,
Kuwa dhisaya, waxtarla'aan bay u hawshoodaan,
Haddaan Rabbigu magaalada dhawrin,
Waardiyuhu micnela'aan buu u soo jeedaa.
Faa'iido idiinma leh inaad aroor hore kacdaan oo aad goor dambe seexataan,
Oo aad kibista dhibka cuntaan,
Waayo, wuxuu kuwuu jecel yahay siiyaa hurdo.
Bal eeg, carruurtu waa dhaxal xagga Rabbiga laga helo.
Oo midhaha maxalku waa abaalgudkiisa.
Sida fallaadho ku jira nin xoog badan gacantiis,
Sidaasoo kale weeye carruurta dhallinyaranimadu.
Waxaa barakaysan ninkii gabooyihiisa ka buuxsada iyaga,
Iyagu ma ay ceeboobi doonaan
Markay cadaawayaashooda kula hadlaan xagga iridda.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya