Chronological
Daa'uud Oo Ka Guulaystay Reer Cammoon
10 Taas dabadeedna boqorkii reer Cammoon ayaa dhintay, meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xaanuun ahaa. 2 Markaasaa Daa'uud yidhi, Anigu Xaanuun ina Naaxaash, waxaan ugu roonaan doonaa sidii aabbihiis iigu roonaaday oo kale. Sidaas daraaddeed Daa'uud wuxuu u diray addoommadiisii inay ka soo tacsiyeeyaan aabbihiis. Oo addoommadii Daa'uudna waxay yimaadeen dalkii reer Cammoon. 3 Laakiinse amiirradii reer Cammoon waxay ku yidhaahdeen sayidkoodii Xaanuun, Ma waxaad u malaynaysaa in Daa'uud aabbahaa cisaynayo oo uu sidaas daraaddeed kuugu soo diray kuwa tacsiyada wada? Daa'uud sow uma soo dirin addoommadiisii inay magaalada baadhaan, oo ay soo basaasaan, oo ay dabadeedna afgembiyaan? 4 Sidaas daraaddeed Xaanuun wuxuu qabsaday Daa'uud addoommadiisii, oo intuu gadhkoodii badh ka xiiray ayuu dharkoodiina dhexda ka kala gooyay xataa ilaa dabada, markaasuu iska eryay. 5 Oo taas markii Daa'uud loo soo sheegay wuxuu iyagii u diray dad ka hor taga, waayo, nimankii aad bay u ceeboobeen. Boqorkiina wuxuu iyagii ku yidhi, Yerixoo iska jooga ilaa gadhku idiin soo baxo, dabadeedna soo noqda. 6 Oo reer Cammoonna markay ogaadeen inay Daa'uud isnacsiiyeen ayay u cid direen oo ka soo kiraysteen reer Suuriyihii Beytrexob degganaa, iyo reer Suuriyihii Soobaah degganaa labaatan kun oo nin oo lug ah, iyo boqorkii Macakaah oo isna wata kun nin, iyo raggii reer Toob oo iyana ahaa laba iyo toban kun oo nin. 7 Oo Daa'uudna markuu taas maqlay ayuu diray Yoo'aab, iyo ciidankii raggii xoogga lahaa oo dhan. 8 Oo reer Cammoonna way soo baxeen, oo waxay dagaal isugu soo diyaariyeen iridda horteeda; oo reer Suuriyihii Soobaah ka yimid, iyo kuwii Rexob ka yimid, iyo raggii reer Toob iyo reer Macakaahna, duurkay keli ahaantood joogeen. 9 Haddaba Yoo'aab markuu arkay in dagaal looga soo kacshay hore iyo dibba ayuu raggii reer binu Israa'iil ka xushay kuwii xuladka ahaa oo dhan, oo wuxuu u soo diyaariyey inay reer Suuriya la dagaallamaan. 10 Oo dadkii intiisii kalena wuxuu u dhiibay walaalkiis Abiishay, oo isna wuxuu u soo diyaariyey inay reer Cammoon la dagaallamaan. 11 Oo wuxuu yidhi, Haddii reer Suuriya iga xoog bataan, waa inaad i soo caawisaa, laakiinse haddii reer Cammoon kaa xoog bataan, markaasaan kuu iman doonaa oo waan ku soo caawin doonaa. 12 Haddaba si fiican u dhiirranow, oo aynu rag u ahaanno dadkeenna, iyo magaalooyinka Ilaaheen aawadood; oo Rabbiguna ha sameeyo wixii la wanaagsan. 13 Sidaas daraaddeed Yoo'aab iyo dadkii la jirayba waxay ugu soo dhowaadeen inay la dagaallamaan reer Suuriya, oo iyana markaasay hortiisa ka carareen. 14 Oo reer Cammoonna markay arkeen in reer Suuriya carareen, ayay Abiishay iyana hortiisa saasoo kale uga carareen, oo waxay galeen magaaladii. Markaasaa Yoo'aab ka soo noqday reer Cammoon, oo Yeruusaalem yimid. 15 Oo reer Suuriyana markay arkeen in iyaga looga adkaaday reer binu Israa'iil hortooda ayay dhammaantood isa soo wada urursadeen. 16 Markaasaa Hadarceser u cid diray oo soo wada kexeeyey reer Suuriyihii Webiga ka shisheeyey; oo waxay yimaadeen Xeelaam, iyagoo uu madax u yahay Shoobag oo ahaa sirkaalkii ciidanka Hadarceser. 17 Taas waxaa loo soo sheegay Daa'uud, kolkaasuu reer binu Israa'iil oo dhan soo wada ururiyey, oo intuu ka soo gudbay Webi Urdun ayuu Xeelaam yimid. Markaasaa reer Suuriya isugu soo diyaariyeen inay Daa'uud la dagaallamaan, wayna la dirireen. 18 Oo reer Suuriyana way ka carareen reer binu Israa'iil. Daa'uudna wuxuu reer Suuriya ka laayay toddoba boqol oo gaadhifaras raggoodii iyo afartan kun oo fardooley ah, oo wuxuu dilay Shoobag oo ahaa sirkaalkii ciidankooda, halkaasuuna ku dhintay. 19 Oo markii boqorradii Hadarceser addoommada u ahaa oo dhammu ay arkeen in iyaga reer binu Israa'iil hortooda looga adkaaday ayay la nabdeen reer binu Israa'iil, wayna u adeegeen. Oo saas aawadeed reer Suuriya way ka cabsadeen inay mar dambe reer Cammoon caawiyaan.
La Dagaallankii Reer Cammoon
19 Taas dabadeedna Naaxaash oo boqor u ahaa reer Cammoon ayaa dhintay, meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii. 2 Markaasaa Daa'uud yidhi, Anigu waxaan u roonaan doonaa Xaanuun ina Naaxaash, maxaa yeelay, aabbihiis baa ii roonaaday. Sidaas daraaddeed Daa'uud wuxuu u diray wargeeyayaal inay u tacsiyeeyaan aabbihiis. Markaasaa Daa'uud addoommadiisii waxay dalkii reer Cammoon ugu yimaadeen Xaanuun inay isaga u tacsiyeeyaan. 3 Laakiinse amiirradii reer Cammoon waxay Xaanuun ku yidhaahdeen, Ma waxaad u malaynaysaa in Daa'uud aabbahaa cisaynayo oo uu sidaas daraaddeed kuugu soo diray kuwa tacsiyada wada? Addoommadiisu sow kuuguma iman inay dalka baadhaan oo basaasaan oo afgembiyaan? 4 Sidaas daraaddeed Xaanuun wuxuu qabsaday Daa'uud addoommadiisii, oo intuu iyagii u xiiray ayuu dharkoodiina dhexda ka kala gooyay xataa ilaa dabada, markaasuu iska eryay. 5 Markaasaa la tegey oo Daa'uud loo soo sheegay sidii nimankii loo galay. Oo isna wuxuu iyagii u diray dad ka hor taga, waayo, nimankii aad bay u ceeboobeen. Boqorkiina wuxuu iyagii ku yidhi, Yerixoo iska jooga ilaa gadhku idiin soo baxo, dabadeedna soo noqda. 6 Oo reer Cammoonna markay ogaadeen inay Daa'uud isnacsiiyeen ayaa Xaanuun iyo reer Cammoon sii dhiibeen kun talanti oo lacag ah inay gaadhifardood iyo rag fardooley ah kaga soo kiraystaan Mesobotamiya, iyo Aram Macakaah, iyo Soobaah. 7 Sidaasay u soo kiraysteen laba iyo soddon kun oo gaadhifaras, iyo boqorkii Macakaah iyo dadkiisii, kuwaasoo yimid oo Meedebaa horteeda degay. Oo reer Cammoonna waxay iska soo wada urursadeen magaalooyinkoodii, oo dagaal bay u soo baxeen. 8 Oo Daa'uudna markuu taas maqlay ayuu diray Yoo'aab iyo ciidankii raggii xoogga lahaa oo dhan. 9 Oo reer Cammoonna way soo baxeen, oo waxay dagaal isugu soo diyaariyeen magaalada iriddeeda, oo boqorradii yimidna duurkay keli ahaantood joogeen. 10 Haddaba Yoo'aab markuu arkay in dagaal looga soo kacshay hore iyo dibba, ayuu raggii reer binu Israa'iil ka xushay kuwii xuladka ahaa oo dhan, oo wuxuu u soo diyaariyey inay reer Suuriya la dagaallamaan. 11 Oo dadkii intiisii kalena wuxuu u dhiibay walaalkiis Abiishay, oo iyana waxay isu soo diyaariyeen inay reer Cammoon la dagaallamaan. 12 Oo wuxuu walaalkiis ku yidhi, Haddii reer Suuriya iga xoog bataan waa inaad i soo caawisaa, laakiinse haddii reer Cammoon kaa xoog bataan, markaasaan ku soo caawin doonaa. 13 Haddaba si fiican u dhiirranow, oo aynu rag u ahaanno dadkeenna iyo magaalooyinka Ilaaheen aawadood, oo Rabbiguna ha sameeyo wixii la wanaagsan. 14 Sidaas daraaddeed Yoo'aab iyo dadkii la jirayba waxay ugu soo dhowaadeen inay la dagaallamaan reer Suuriya, oo iyana markaasay hortiisa ka carareen. 15 Oo reer Cammoonna markay arkeen in reer Suuriya carareen ayay iyana walaalkiis Abiishay hortiisa saasoo kale uga carareen, oo waxay galeen magaaladii. Markaasaa Yoo'aab Yeruusaalem yimid. 16 Oo reer Suuriya markay arkeen in iyaga looga adkaaday reer binu Israa'iil hortooda ayay wargeeyayaal u direen oo soo kaxeeyeen reer Suuriyihii Webiga ka shisheeyey, iyagoo uu madax u yahay Shoofag oo ahaa sirkaalkii ciidanka Hadarceser. 17 Taas waxaa loo soo sheegay Daa'uud, kolkaasuu reer binu Israa'iil oo dhan soo wada ururiyey, oo intuu Webi Urdun ka soo gudbay ayuu reer Suuriya u yimid, oo ciidankiisii ayuu weerar ugu soo diyaariyey, haddaba Daa'uud markuu raggiisii u diyaariyey inay reer Suuriya la dagaallamaan ayay iyana la dirireen. 18 Oo reer Suuriyana way ka carareen reer binu Israa'iil hortooda. Daa'uudna wuxuu reer Suuriya ka laayay toddoba kun oo gaadhifaras raggoodii, iyo afartan kun oo nin oo lug ah, oo wuxuu dilay Shoofag oo ahaa sirkaalkii ciidanka. 19 Oo markii Hadarceser addoommadiisii arkeen in reer binu Israa'iil hortooda looga adkaaday ayay la nabdeen Daa'uud, wayna u adeegeen, oo reer Suuriyana way diideen inay mar dambe reer Cammoon caawiyaan.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
20 Rabbigu ha kuu jawaabo maalinta dhibta,
Ilaaha Yacquub magiciisu meel sare ha ku taago,
2 Caawimaadna ha kaaga soo diro meesha quduuska ah,
Oo Siyoonna ha kaa xoogeeyo,
3 Ha xusuusto qurbaannadaadii oo dhan,
Oo ha aqbalo allabarigaagii gubnaa, (Selaah)
4 Oo ha ku siiyo waxa qalbigaagu doono,
Oo ha kuu yeelo muraadkaaga oo dhan.
5 Innagu waxaynu ku guulaysanaynaa badbaadintaada,
Oo calammadeennana waxaynu ku sudhaynaa magaca Ilaaheenna,
Rabbigu ha ku siiyo waxaad weyddiisato oo dhan.
6 Anigu hadda waan ogahay in Rabbigu badbaadiyo kii uu isagu subkaday,
Oo wuxuu isaga uga soo jawaabi doonaa samadiisa quduuska ah,
Oo wuxuuna ugu jawaabi doonaa xooggiisa wax badbaadiya oo gacantiisa midig.
7 Qaar waxay isku halleeyaan gaadhifardoodyo, qaarna waxay isku halleeyaan fardo,
Laakiinse innagu waxaynu xusuusanaynaa magaca Rabbiga Ilaaheenna ah.
8 Iyagu way foororsadeen, wayna dheceen,
Laakiinse innagu waynu kacnay, oo waynu taagan nahay.
9 Rabbiyow, ina badbaadi,
Oo Boqorku ha inoo jawaabo markii aynu u qayshanno.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya