Chronological
Daa'uud Oo Tirinaya Nimankii Dagaalyahanka Ahaa
24 Oo haddana Rabbiga cadhadiisii aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo Daa'uud buu iyagii ku soo kiciyey, oo wuxuu yidhi, Tag oo soo tiri reer Israa'iil iyo reer Yahuudah. 2 Markaasaa boqorkii ku yidhi Yoo'aab oo ahaa sirkaalkii ciidanka oo isaga la joogay, Horay iyo dib u dhex mar qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan, tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac, oo dadka soo tiriya si aan u ogaado dadka tiradiisa. 3 Markaasaa Yoo'aab boqorkii ku yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ahu ha badiyo dadka, oo in kastoo ay yihiinba, ha ku daro boqol jibbaar, oo indhahaagu, boqorow, sayidkaygiiyow, taas ha arkeen; laakiinse maxaad taas ugu farxaysaa, boqorow, sayidkaygiiyow? 4 Habase yeeshee boqorka hadalkiisii waa ka adkaaday hadalladii Yoo'aab iyo saraakiishii ciidankaba. Markaasaa Yoo'aab iyo saraakiishii ciidankuba boqorka hortiisii ka tageen inay dadkii soo tiriyaan. 5 Oo waxay ka gudbeen Webi Urdun, oo degeen Carooceer, oo ku taal xagga midigta oo magaalada ku dhex taal dooxadii Gaad, iyo tan iyo Yacser, 6 oo haddana waxay yimaadeen Gilecaad, iyo ilaa dalkii Taxtiim Xodshii; oo waxay yimaadeen Daan Yacan, iyo Siidoon hareeraheeda, 7 oo waxay yimaadeen dhufayskii Turos, iyo magaalooyinkii reer Xiwi iyo reer Kancaan oo dhan; oo waxay tageen xagga koonfureed oo dalka Yahuudah ilaa Bi'ir Shebac. 8 Haddaba markay dalkii oo dhan horay iyo dib u dhex mareen ayay Yeruusaalem ku soo noqdeen sagaal bilood iyo labaatan maalmood dabadood. 9 Markaasaa Yoo'aab boqorkii siiyey tiradii dadka; oo waxaa dalka Israa'iil ku jiray siddeed boqol oo kun oo nin oo seefqaad ah oo xoog leh; oo waxaa dalka Yahuudahna ku jiray shan boqol oo kun oo nin.
10 Oo Daa'uudna qalbigiisii ayaa naxay markuu dadka tiriyey dabadeed. Markaasaa Daa'uud Rabbiga ku yidhi, Waxaan sameeyey aad baan ugu dembaabay; haddaba Rabbiyow, waan ku baryayaaye, iga fogee dembigayga anoo addoonkaaga ah, waayo, nacasnimo weyn baan sameeyey. 11 Oo markii Daa'uud subixii toosay ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Gaad, oo ahaa Daa'uud wax arkihiisa, oo wuxuu yidhi, 12 Tag oo Daa'uud la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Saddexdan waxyaalood baan ku siinayaa, ee ka dooro mid aan kugu sameeyo. 13 Sidaas daraaddeed Gaad baa Daa'uud u yimid, oo intuu u warramay ayuu ku yidhi, Toddoba sannadood dalkaaga abaari ma kuugu soo degtaa? Mase saddex bilood baad cadaawayaashaada ka cararaysaa iyagoo ku eryanaya? Mase saddex maalmood baa belaayo dalkaaga lagu soo dejiyaa? Haddaba tasho, oo ka fiirso jawaabta aan u celiyo kii i soo diray. 14 Markaasaa Daa'uud wuxuu Gaad ku yidhi, Cidhiidhi weyn baan ku jiraa; haddaba Rabbiga gacantiisa aan ku dhacno; waayo, naxariistiisu waa badan tahay; laakiinse yaanan dad gacantiis ku dhicin. 15 Saas aawadeed Rabbigu belaayo ayuu ku soo dejiyey reer binu Israa'iil, taasoo timid subaxdii iyo ilaa wakhtigii loo qabtay; oo ilaa Daan iyo tan iyo Bi'ir Shebac waxaa dadkii ka dhintay toddobaatan kun oo nin. 16 Markii malaggii gacanta u fidiyey inuu baabbi'iyo Yeruusaalem ayaa Rabbigu belaayadii ka qoomamooday, oo wuxuu ku yidhi malaggii dadka baabbi'inayay, Bes weeye, haddaba gacanta soo celi. Oo malaggii Rabbiguna wuxuu ag joogay meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo uu Arawnaah kii reer Yebuus lahaa. 17 Markaasaa Daa'uud wuxuu la hadlay Rabbiga kolkuu arkay malaggii dadka laayay, oo yidhi, Bal eeg, waan dembaabay, oo wax qalloocan baan sameeyey, laakiinse idahanu maxay sameeyeen? Haddaba waan ku baryayaaye, gacantaadu ha ka gees noqoto aniga iyo reerka aabbahay.
Daa'uud Oo Dhisay Meel Allabari
18 Oo Gaadna maalintaas ayuu Daa'uud u yimid, oo ku yidhi, Tag, oo Rabbiga meel allabari uga dhis meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray ee Arawnaahkii reer Yebuus. 19 Oo Daa'uud baa ku tegey wixii uu Gaad ku yidhi iyo sidii Rabbigu ku amray. 20 Oo Arawnaah ayaa arkay boqorkii iyo addoommadiisii oo xaggiisa u soo socda; markaasaa Arawnaah soo baxay, oo boqorka hortiisii ayuu ku sujuuday, wejigana dhulkuu saaray. 21 Oo Arawnaah wuxuu yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, maxaad iigu timid anoo addoonkaaga ah? Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Waxaan kuugu imid inaan kaa iibsado meesha wax lagu tumo, si aan Rabbiga uga dhiso meel allabari inay belaayadu dadka ka joogsato. 22 Oo Arawnaahna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, qaado oo Ilaah u bixi wax alla wixii kula wanaagsan; bal eeg, waa kuwan dibidii qurbaanka la gubo, waana kuwan alaabtii wax lagu tumayay iyo alaabtii dibidu si ay qoryihii u noqdaan. 23 Boqorow, waxan oo dhan anoo Arawnaah ah ayaan ku siinayaa. Oo Arawnaah wuxuu boqorkii ku yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ahu ha ku aqbalo. 24 Markaasaa boqorkii wuxuu Arawnaah ku yidhi, Maya, laakiinse sida runta ah qiimaan kaaga iibsanayaa, oo Rabbiga Ilaahayga ahna qurbaanno la gubo ugu bixin maayo wax aanan waxba ka bixin. Haddaba Daa'uud wuxuu meeshii wax lagu tumi jiray iyo dibidiiba ku iibsaday konton sheqel oo lacag ah. 25 Markaasaa Daa'uud halkaas Rabbiga uga dhisay meel allabari, oo wuxuu u bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino. Haddaba Rabbigu waa aqbalay baryadii dalkii loo baryay, oo belaayadiina dalkii way ka joogsatay.
Daa'uud Oo Tiriyey Raggiisii Dagaalyahanka Ahaa
21 Haddaba Shayddaan baa ku kacay reer binu Israa'iil oo wuxuu Daa'uud ku dhaqaajiyey inuu reer binu Israa'iil tiriyo. 2 Markaasaa Daa'uud ku yidhi Yoo'aab iyo amiirradii, Taga oo reer binu Israa'iil soo tiriya tan iyo Bi'ir Shebac iyo ilaa Daan, oo war ii keena si aan u ogaado dadka tiradiisa. 3 Markaasaa Yoo'aab yidhi, Rabbigu dadkiisa ha ka dhigo boqol jeer in ka sii badan inta ay haatan yihiin, laakiinse boqorow sayidkaygiiyow, iyagu kulligood sow ma aha addoommadaada? Maxaadse waxan u doonaysaa, sayidkaygiiyow? Oo maxaadse reer binu Israa'iil sabab ay ku dembaabaan ugu noqonaysaa? 4 Habase yeeshee boqorka hadalkiisii waa ka adkaaday hadalkii Yoo'aab. Haddaba sidaas daraaddeed Yoo'aab wuu tegey, oo wuxuu dhex maray reer binu Israa'iil oo dhan, dabadeedna Yeruusaalem buu yimid. 5 Markaasaa Yoo'aab Daa'uud siiyey tiradii dadka, oo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ahaayeen kun kun iyo boqol kun oo nin oo seefqaad ah, oo reer Yahuudahna waxay ahaayeen afar boqol iyo toddobaatan kun oo nin oo seefqaad ah. 6 Laakiinse isagu sooma uu tirin reer Laawi iyo reer Benyaamiin, maxaa yeelay, Yoo'aab waa karaahiyeystay boqorka hadalkiisii. 7 Haddaba taas ayaa Ilaah ugu cadhooday, markaasuu laayay reer binu Israa'iil. 8 Markaasaa Daa'uud Ilaah ku yidhi, Waxaan sameeyey aad baan ugu dembaabay, haddaba waan ku baryayaaye, iga fogee dembigayga anoo addoonkaaga ah, waayo, nacasnimo weyn baan sameeyey. 9 Markaasaa Rabbigu la hadlay Gaad oo ahaa Daa'uud waxarkihiisa, oo wuxuu yidhi, 10 Tag oo Daa'uud la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Saddexdan waxyaalood baan ku siinayaa, ee ka dooro mid aan kugu sameeyo. 11 Sidaas daraaddeed Gaad baa Daa'uud u yimid oo ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Midkaad doonaysid dooro, 12 saddex sannadood oo abaar ah, ama saddex bilood oo aad ku baabba'did cadaawayaashaada hortooda iyadoo seefta cadaawayaashaadu ay ku gaadhayso, amase haddii kale saddex maalmood oo seefta Rabbigu iyadoo belaayo ah ay dalka dhex marayso, oo ay malaa'igtii Rabbiga dadka baabbi'inayso kulli dalka reer binu Israa'iil oo dhan. Haddaba bal ka fiirso jawaabta aan u celiyo kii i soo diray. 13 Markaasaa Daa'uud wuxuu Gaad ku yidhi, Cidhiidhi weyn baan ku jiraa, Rabbiga gacantiisa aan ku dhaco, waayo, naxariistiisu waa badan tahay, laakiinse yaanan dad gacantiis ku dhicin. 14 Saas aawadeed Rabbigu belaayo ayuu ku soo dejiyey reer binu Israa'iil, oo waxaa reer binu Israa'iil ka dhintay toddobaatan kun oo nin. 15 Oo haddana Rabbigu wuxuu Yeruusaalem u soo diray malag wax baabbi'iya, oo markuu u dhowaaday inuu baabbi'iyo ayaa Rabbigu fiiriyey, oo belaayadii ka qoomamooday, oo wuxuu malaggii wax baabbi'inayay ku yidhi, Bes weeye, haddaba gacanta soo celi. Oo malaggii Rabbigu wuxuu ag joogay meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo uu Aarnaankii reer Yebuus lahaa. 16 Markaasaa Daa'uud indhihii kor u taagay oo wuxuu arkay malaggii Rabbiga oo taagan dhulka iyo samada dhexdooda oo gacanta ku haysta seef gal la' oo Yeruusaalem ku kor fidsan. Markaasay Daa'uud iyo odayaashiiba, iyagoo dhar joonyad ah qaba, wejiga dhulka saareen. 17 Markaasaa Daa'uud wuxuu Ilaah ku yidhi, Kii amray in dadka la soo tiriyo sow aniga ma aha? Kii dembaabay oo waxa aad u xun sameeyey waa aniga, laakiinse idahanu maxay sameeyeen? Haddaba Rabbiyow Ilaahayow, waan ku baryayaaye, gacantaadu ha ka gees noqoto aniga iyo reerka aabbahay, laakiinse dadkaaga yaanay ka gees noqon oo aanay belaayo ku dhicin. 18 Markaasaa malaggii Rabbigu Gaad ku amray inuu Daa'uud ku yidhaahdo, Tag oo Rabbiga meel allabari ugu dhis meeshii wax lagu tumi jiray ee Aarnaankii reer Yebuus leeyahay. 19 Oo Daa'uud baa ku tegey wixii uu Gaad yidhi, oo uu ku hadlay magicii Rabbiga. 20 Markaasaa Aarnaan soo jeestay oo arkay malaggii, oo afartiisii wiil oo isaga la joogayna way dhuunteen. Haddaba Aarnaan wuxuu tumayay sarreen. 21 Oo markii Daa'uud u yimid Aarnaan ayaa Aarnaan arkay Daa'uud, oo intuu meeshii ka baxay ayuu u sujuuday Daa'uud, wejigana dhulkuu saaray. 22 Markaasaa Daa'uud wuxuu Aarnaan ku yidhi, Meeshan wax lagu tumo i sii, aan meel allabari Rabbiga uga dhisee. Waxaad igu siinaysaa qiima buuxa in belaayadu ay dadka ka joogsato. 23 Markaasaa Aarnaan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Boqorow sayidkaygiiyow, qaado oo samee wixii kula wanaagsan, bal eeg, dibida waxaan kuu siinayaa qurbaanno la gubo aawadiis, oo alaabta wax lagu tumona qoryo aawadood, sarreenkana qurbaan aawadiis, anigu kulli waan ku wada siinayaa. 24 Markaasaa Boqor Daa'uud wuxuu Aarnaan ku yidhi, Maya, laakiinse sida runta ah qiima buuxa ayaan kaaga iibsanayaa, waayo, Rabbiga u qaadi maayo wax aad adigu leedahay, oo qurbaan la gubo oo aanan waxba ka bixin anigu Ilaah ugu bixin maayo. 25 Haddaba Daa'uud wuxuu Aarnaan meeshii ka siiyey dahab miisaankiisu yahay lix boqol oo sheqel. 26 Markaasaa Daa'uud halkaas Rabbiga uga dhisay meel allabari, oo wuxuu u bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino, oo Rabbiguu baryay, oo isna wuxuu isagii samada ugaga jawaabay dab ku soo kor dhacay meeshii qurbaanka la gubo. 27 Markaasaa Rabbigu amray malaggii, isna seeftiisuu ku celiyey galkeedii.
28 Oo isla markaasba Daa'uud markuu arkay in Rabbigu isaga uga jawaabay meeshii wax lagu tumi jiray oo uu lahaa Aarnaan oo ahaa reer Yebuus ayuu halkaas ku allabaryay. 29 Waayo, taambuuggii Rabbiga ee Muuse cidlada ku dhex sameeyey iyo meeshii qurbaanka la guboba markaas waxay dhex yiilleen meesha sare ee Gibecoon ku taal. 30 Laakiinse Daa'uud meeshaas ma uu hor tegi karin inuu Ilaah wax soo weyddiisto, maxaa yeelay, wuxuu ka baqayay seeftii malagga Rabbiga.
22 Markaasaa Daa'uud yidhi, Kanu waa gurigii Rabbiga Ilaaha ah, oo tanuna waa meeshii qurbaanka la gubo oo reer binu Israa'iil.
Diyaarintii Macbudka
2 Markaasaa Daa'uud amray in la soo wada ururiyo shisheeyayaashii dalka reer binu Israa'iil degganaa oo dhan, oo wuxuu kaloo amray in wastaadyo dhagxan soo qoraan in la dhiso gurigii Ilaah aawadeed. 3 Oo Daa'uud wuxuu diyaariyey bir faro badan in musmaarro looga dhigo albaabbada irdaha iyo qabsatooyinka, oo wuxuu kaloo diyaariyey naxaas tiro badan oo aan miisaan lahayn, 4 iyo geedo kedar ah oo aan tiro lahayn, waayo, reer Siidoon iyo reer Turos waxay Daa'uud u keeneen geedo kedar ah oo tiro badan. 5 Markaasaa Daa'uud yidhi, Wiilkayga Sulaymaan waa yar yahay, waana tabar daranyahay, oo guriga Rabbiga loo dhisayaana waa inuu ahaado mid aad iyo aad u weyn, oo magac iyo ammaan ku leh kulli waddammada oo dhan, haddaba wax baan u sii diyaarin doonaa. Sidaas daraaddeed Daa'uud waxyaalo faro badan ayuu diyaariyey intuusan dhiman ka hor.
6 Markaasuu wiilkiisii Sulaymaan u yeedhay oo wuxuu ku amray inuu guri u dhiso Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil. 7 Oo haddana Daa'uud wuxuu wiilkiisii Sulaymaan ku yidhi, Waxaa qalbigayga ku jiray inaan guri u dhiso magaca Rabbiga Ilaahayga ah. 8 Laakiinse waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh, Adigu waxaad daadisay dhiig badan, oo aad baad u dagaallantay. Waa inaadan guri u dhisin magacayga, maxaa yeelay, dhiig badan ayaad dhulka ku daadisay anigoo u jeeda. 9 Oo bal eeg, waxaa kuu dhalan doona wiil, kaasoo ahaan doona nin nasasho, oo waxaan ka nasin doonaa cadaawayaashiisa ku wareegsan oo dhan, oo isaga magiciisu wuxuu ahaan doonaa Sulaymaan, oo wakhtigiisa waxaan reer binu Israa'iil siin doonaa nabad iyo xasilloonaan. 10 Oo guri buu magacayga u dhisi doonaa, oo wuxuu ahaan doonaa wiilkaygii, oo anna waxaan u ahaan doonaa aabbihiis, oo waxaan carshiga boqortooyadiisa u xoogayn doonaa inuu weligiis u taliyo reer binu Israa'iil. 11 Haddaba wiilkaygiiyow, Rabbigu ha kula jiro, oo u barwaaqow, oo gurigii Rabbiga Ilaahaaga ah u dhis siduu kaaga hadlay. 12 Oo Rabbigu ha ku siiyo xigmad iyo waxgarasho, oo amarka reer binu Israa'iilna ha kuu dhiibo si aad u dhawrtid sharciga Rabbiga Ilaahaaga ah. 13 Markaas waad barwaaqoobi doontaa haddaad dhawrto oo yeesho qaynuunnadii iyo xukummadii Rabbigu Muuse ku amray oo uu reer binu Israa'iil ugu soo dhiibay; xoog yeelo, oo aad u dhiirranow, ha cabsan, hana qalbi jabin. 14 Haddaba bal eeg, anoo dhibaataysan waxaan guriga Rabbiga u diyaarshay boqol kun oo talanti oo dahab ah, iyo kun kun oo talanti oo lacag ah, iyo naxaas iyo bir aan miisaan lahayn, waayo, aad bay u badan yihiin, oo weliba waxaan kaloo diyaariyey alwaax iyo dhagxan, oo adiguna intaas wax baad ku sii dari karaysaa. 15 Oo weliba waxaa kula jira rag shaqaale ah oo faro badan, kuwaasoo ah kuwa qora oo ka shaqeeya dhagxanta iyo alwaaxdaba, iyo rag kasta oo yaqaan sanco kasta, 16 oo ah tan dahabka, iyo tan lacagta, iyo tan naxaasta, iyo tan birta, iyagu tiro ma leh, haddaba kac oo shaqee, oo Rabbiguna ha kula jiro. 17 Oo haddana Daa'uud wuxuu amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan ku amray inay caawiyaan wiilkiisa Sulaymaan. 18 Oo wuxuu iyagii ku yidhi, War sow Rabbiga Ilaahiinna ahu idinlama jiro? Oo sow dhan kastaba nasasho idinkama siin? Waayo, dadyowgii dalka degganaa oo dhan ayuu soo geliyey gacantayda, oo dalkiina waxaa lagu jebshay Rabbiga iyo dadkiisa hortooda. 19 Haddaba qalbigiinna iyo naftiinna u jeediya inaad Rabbiga Ilaahiinna ah doondoontaan, oo sidaas daraaddeed kaca oo dhisa meesha quduuska ah oo Rabbiga Ilaahiinna ah, in sanduuqii axdiga Rabbiga iyo weelashii Ilaah oo quduuska ahaa la soo geliyo guriga loo dhisayo magaca Rabbiga.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey in la gabyo markii Gurigii loo furay Ilaah.
30 Rabbiyow, waan ku sarraysiinayaa, waayo, kor baad iga yeeshay,
Oo weliba igama aad dhigin in cadaawayaashaydu ii faanaan.
2 Rabbiyow, Ilaahayow,
Waan kuu qayshaday oo adna waad i bogsiisay.
3 Rabbiyow, waxaad naftaydii kor uga qaadday She'ool,
Oo waad i sii noolaysay si aanan yamayska ugu dhicin.
4 Quduusiintiisoy, Rabbiga ammaan ugu gabya,
Oo mahad ku naqa magiciisa quduuska ah.
5 Waayo, cadhadiisu waa daqiiqad keliya,
Laakiinse raallinimadiisu waa cimriga,
Habeenka waxaa jirta oohin,
Laakiinse aroorta farxad baa timaada.
6 Aniguse intaan barwaaqaysnaa waxaan idhi,
Weligay dhaqdhaqaaqi maayo.
7 Rabbiyow, raallinimadaada aawadeed ayaad buurtayda ka dhigtay inay si adag u taagnaato,
Wejigaagaad qarisay, oo anna waan argaggaxay.
8 Rabbiyow, adigaan kuu soo qayshaday,
Oo baryootankaygii waxaan gaadhsiiyey Rabbiga.
9 Bal markaan yamayska ku dego, maxaa faa'iido ah oo dhiiggayga ku jirta?
Ma ciiddaa ku ammaanaysa? Oo ma runtaaday sheegaysaa?
10 Rabbiyow, i maqal oo ii naxariiso,
Rabbiyow, kaalmeeyahayga ahow.
11 Baroortaydii waxaad iigu beddeshay cayaar,
Oo dharkaygii joonyadaha ahaana waad iga furtay, oo waxaad ii guntisay farxad,
12 Taasuna waa si nafsaddaydu ay ammaan kuugu gabaydo, oo aanay u aamusin.
Rabbiyow, Ilaahayow, weligayba waan kugu mahadnaqayaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya