Chronological
Gabaygii Daa'uud Ku Ammaanay Rabbiga
22 Daa'uud wuxuu Rabbiga kula hadlay erayadii gabaygan maalintii Rabbigu ka samatabbixiyey gacantii cadaawayaashiisa oo dhan, iyo gacantii Saa'uulba: 2 oo wuxuu yidhi,
Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah, iyo qalcaddayda iyo samatabbixiyahayga, xataa waa kayga;
3 Iyo Ilaaha ah gabbaadkayga, isagaan isku hallayn doonaa;
Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer, iyo magangalkayga,
Iyo badbaadshahayga, waxaad iga badbaadisaa dulmiga.
4 Waxaan baryayaa Rabbiga istaahila in la ammaano,
Oo sidaasaan cadaawayaashayda kaga badbaadi doonaa.
5 Waayo, waxaa i hareereeyey hirarkii dhimashada,
Oo waxaa i cabsiiyey daadkii cibaadola'aanta.
6 Waxaa igu wareegsanaa xadhkihii She'ool;
Oo waxaa i qabsaday dabinnadii dhimashada.
7 Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga baryay,
Haah, waxaan u qayshaday Ilaahay;
Oo isna codkayguu macbudkiisa ka maqlay,
Oo qayladayduna dhegihiisay gashay.
8 Markaasaa dhulku ruxmay oo gariiray,
Oo samada aasaaskeediina wuu dhaqdhaqaaqay,
Oo wuu ruxmay, maxaa yeelay, Ilaah waa cadhaysnaa.
9 Oo dulalka sankiisa waxaa ka soo baxay qiiq,
Afkiisana waxaa ka soo baxay dab wax gubaya;
Oo dhuxulaa ka shidmay isaga.
10 Oo samooyinkiina wuu soo foororshay, oo hoos buu u soo degay,
Oo cagihiisana waxaa hoos yiil gudcur weyn.
11 Wuxuuna fuulay Keruub, wuuna duulay;
Haah, oo waxaa lagu arkay isagoo fuushan dabaysha baalasheeda.
12 Oo gudcurkii wuxuu ka dhigay taambuug hareerihiisa ku wareegsan,
Iyo biyo urursan, iyo daruuraha qarada waaweyn oo cirka.
13 Oo nuurka hortiisa yaal aawadiisna
Dhuxulo dab ah ayaa shidmay.
14 Rabbiguna wuxuu ka onkoday samada,
Sarreeyuhuna wuxuu ku hadlay codkiisii.
15 Markaasuu fallaadho soo ganay, oo kala firdhiyey iyagii,
Oo wuxuu soo diray hillaac, wuuna baabbi'iyey iyagii.
16 Oo canaantii Rabbiga aawadeed, iyo dulalka sankiisa neefta ka soo baxaysa aawadeed
Ayaa durdurradii baddu la muuqdeen,
Oo aasaaskii duniduna wuu soo bannaan baxay.
17 Xagga sare ayuu cid ka soo diray, oo wuu i qaaday;
Oo wuxuu iga soo dhex bixiyey biyo badan.
18 Wuxuu iga samatabbixiyey cadowgaygii xoogga badnaa,
Iyo kuwii i necbaaba; waayo, iyagu way iga xoog badnaayeen.
19 Waxay igu soo kediyeen maalintii aan belaayaysnaa;
Laakiinse Rabbigu wuxuu ii ahaa tiir.
20 Weliba wuxuu i keenay meel ballaadhan;
Wuu i samatabbixiyey, maxaa yeelay, wuu igu farxay.
21 Rabbigu wuxuu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd;
Oo sida ay nadiifsanaantii gacmahaygu ahayd ayuu iigu abaalguday.
22 Waayo, anigu waan xajiyey jidadkii Rabbiga,
Oo Ilaahayna sii caasinimo ah ugama tegin.
23 Waayo, xukummadiisii oo dhammu hortayday yiilleen,
Oo qaynuunnadiisana anigu kama aan tegin.
24 Oo weliba xaggiisana waan ku qummanaa,
Oo waan iska dhawray xumaantaydii.
25 Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd;
Iyo sidii nadiifsanaantaydii ay ku ahayd indhihiisa hortooda.
26 Kii naxariis leh waad u naxariisanaysaa,
Oo ninkii qummanna waad u qummanaanaysaa.
27 Kii daahir ahna daahir baad u ahaanaysaa.
Oo kii qalloocanna mid maroorsan baad u ahaanaysaa.
28 Oo dadka dhibaataysanna waad badbaadinaysaa;
Laakiinse indhahaagu way arkaan kuwa kibirsan inaad hoos u dejiso.
29 Waayo, Rabbiyow, waxaad tahay laambaddayda;
Oo Rabbiga ayaa gudcurkayga iftiiminaya.
30 Oo adaan col kuugu dhex ordaa,
Oo Ilaahay caawimaaddiisa ayaan derbi kaga boodaa.
31 Ilaah jidkiisu waa qumman yahay;
Rabbiga eraygiisuna waa mid la tijaabiyey;
Oo isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isku halleeya oo dhan.
32 Bal yaa Ilaah ah, Rabbiga mooyaane?
Oo bal yaa dhagax weyn ah, Ilaahayaga mooyaane?
33 Ilaah waa qalcaddayda xoogga badan;
Oo isagu wuxuu hoggaamiyaa kuwa jidkiisa ku qumman.
34 Isagu cagahayga wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada,
Oo wuxuu igu fadhiisiyaa meelahayga sarsare.
35 Gacmahaygana wuxuu baraa dagaalka;
Oo sidaas daraaddeed gacmahaygu waxay xoodaan qaanso naxaas ah.
36 Weliba waxaad kaloo i siisay gaashaankii badbaadadaada;
Oo roonaantaada ayaa i weynaysay;
37 Adigu tallaabooyinkayga ayaad ku ballaadhisay hoostayda,
Oo cagahayguna ma ay simbiriirixan.
38 Anigu waxaan eryaday cadaawayaashaydii, oo waan baabbi'iyey;
Dibna ugama soo noqon jeeray wada baabbe'een.
39 Oo iyagaan baabbi'iyey, waanan wada laayay, si aanay mar dambe u awoodin inay soo sara kacaan,
Oo cagahaygay ku soo hoos dhaceen.
40 Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis;
Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.
41 Oo cadaawayaashaydiina waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan,
Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.
42 Wax bay fiirsadeen, laakiinse way waayeen mid iyaga badbaadiya;
Oo xataa Rabbiga way baryeen, laakiinse uma uu jawaabin.
43 Markaasaan iyagii u duqeeyey sida boodhka dhulka,
Waan ku tuntay sidii dhoobada jidadka taal oo kale, markaasaan kala firdhiyey.
44 Oo waxaad kaloo iga samatabbixisay murankii dadkayga;
Oo waxaad iga sii dhigtay quruumaha madaxdoodii;
Oo dad aanan aqoon ayaa ii adeegi doona.
45 Oo shisheeyayaashu way isu kay dhiibi doonaan,
Oo mar alla markay warkayga maqlaan way i addeeci doonaan.
46 Shisheeyayaashu way libdhi doonaan,
Oo iyagoo gariiraya ayay qolalkooda ka soo bixi doonaan.
47 Rabbigu waa nool yahay; oo mahad waxaa leh dhagaxayga weyn;
Oo ha sarreeyo Ilaaha ah dhagaxa weyn ee badbaadintayda;
48 Kaasoo ah Ilaaha aniga ii aarguda,
Oo dadkana hoostayda ku soo tuura,
49 Oo wuxuu iga soo bixiyaa cadaawayaashayda;
Haah, waxaad iga sara marisaa kuwa igu kaca;
Oo waxaad iga samatabbixisaa ninka dulmiga badan.
50 Sidaas daraaddeed, Rabbiyow, anigu waxaan kuugu mahadnaqi doonaa quruumaha dhexdooda,
Oo magacaaga ammaan baan ugu gabyi doonaa.
51 Rabbigu si weyn buu boqorkiisa u samatabbixiyaa,
Oo wuxuu weligiis raxmad u sameeyaa kii uu subkaday,
Kaasoo ah Daa'uud iyo farcankiisaba weligiis iyo weligiis.
Erayadii Ugu Dambeeyey Ee Daa'uud
23 Haddaba erayadanu waa kuwii ugu dambeeyey oo Daa'uud.
Daa'uud ina Yesay wuxuu leeyahay,
Ninkii kor loo qaadayna wuxuu leeyahay,
Kaasoo ah kii Ilaaha Yacquub subkay,
Ee ugu sabuur macaan reer binu Israa'iil oo dhan:
2 Rabbiga ruuxiisii baa iga dhex hadlay,
Oo eraygiisiina carrabkayguu saarnaa.
3 Ilaaha reer binu Israa'iil baa yidhi,
Oo Dhagaxii weynaa ee reer binu Israa'iil ayaa ila hadlay, isagoo leh,
Waxaa jiri doona mid dadka si xaq ah ugu taliya,
Oo Ilaah cabsidiisa wax ku xukuma,
4 Kaasu wuxuu ahaan doonaa sida iftiinka subaxdii, marka qorraxdu soo baxdo,
Iyo sida aroor aan cadar ahayn;
Markuu doog jilicsanu dhulka ka soo baxo,
Oo uu bayaan u dhalaalayo roobka dabadiis.
5 Sida runta ah reerkaygu xagga Ilaah saas kuma aha;
Laakiinse axdi aan weligiis dhammaanayn ayuu ila dhigtay,
Oo wax kastaba wuu hagaajiyey, wuuna adkeeyey;
Oo in kastoo uusan soo bixin weliba waa badbaadadayda oo dhan iyo doonistayda oo dhanba.
6 Laakiinse kuwa waxmatarayaasha ah dhammaantood waxay noqonayaan sidii qodxanta layska tuuro,
Waayo, iyaga gacanta laguma qaadi karo;
7 Laakiinse ninkii iyaga taabta
Waa in hub looga dhigaa bir iyo waran samaydiisa;
Oo iyana dhammaantood meeshoodaa lagu gubi doonaa.
Nimankii Xoogga Badnaa Ee Daa'uud
8 Kuwanu waa magacyadii nimankii xoogga badnaa oo Daa'uud haystay: Yoshebbashebed oo ahaa reer Taxkemon, oo saraakiisha madax u ahaa, kaasoo ahaa Cadiinoo kii reer Cesen, oo warankiisa u qaaday siddeedda boqol oo isku mar qudha dilay. 9 Oo kaas dabadiisna waxaa jiray Elecaasaar ina Dooday, oo ahaa reer Axoo'ax, oo kaasu wuxuu ahaa saddexdii nin oo Daa'uud la jirtay midkood, markay caayeen reer Falastiin oo halkaas isugu urursaday inay la diriraan, oo ay dadkii reer binu Israa'iilna mar hore sii tageen. 10 Wuu kacay, oo laayay reer Falastiin ilaa ay gacantii daashay, oo gacantii seeftii ku dhegtay; oo Rabbiguna maalintaas aad buu u guuleeyey, markaasaa dadkiina u soo noqdeen inay wax dhacaan oo keliya. 11 Oo isaga dabadiisna waxaa jiray Shammaah oo ahaa ina Agee oo qoladiisuna ahayd reer Haraarii. Oo reer Falastiinna waxay isu soo wada urursadeen inay soo dhacaan meel misir ka buuxo, oo dadkiina waxay ka carareen reer Falastiin. 12 Laakiinse isagu beertuu isdhex taagay oo daafacay, wuuna laayay reer Falastiin; oo Rabbiguna aad buu u guuleeyey. 13 Oo soddonkii madaxda ahaa saddex ka mid ah ayaa tegey, oo Daa'uud ugu yimid godkii Cadullaam xilligii beergooyska; oo colkii reer Falastiinna waxay soo degeen dooxadii Refaa'iim. 14 Oo markaas Daa'uud wuxuu ku jiray dhufayska, oo ciidankii reer Falastiin xeradooduna waxay ahayd Beytlaxam. 15 Oo Daa'uud intuu biyo u xiisooday ayuu yidhi, Waxaan jeclaan lahaa in biyo layga siiyo ceelka Beytlaxam ee iridda ku ag yaal! 16 Markaasaa saddexdii nin ee xoogga badnaa ayaa dhex maray ciidankii reer Falastiin, oo waxay biyo ka soo dhaamiyeen ceelkii Beytlaxam ee iridda ku ag yiil, oo intay soo qaadeen ayay Daa'uud u keeneen, laakiinse wuu diiday inuu ka cabbo biyahaas, Rabbiguuse u daadshay. 17 Oo wuxuu yidhi, Rabbiyow, Ha iga fogaato inaan saas yeelo; ma waxaan cabbaa dhiiggii raggii naftooda biimeeyey? Sidaas daraaddeed wuu diiday inuu cabbo. Oo saddexdii nin oo xoogga badnaana saasay yeeleen. 18 Oo saddexdoodana waxaa madax u ahaa Abiishay oo ahaa Yoo'aab walaalkiis, oo ay Seruuyaah dhashay. Oo kaasu wuxuu waran u qaatay saddex boqol oo nin, wuuna wada laayay, saddexdiina magac buu ku lahaa. 19 Isagu miyaanu saddexdooda ugu ciso badnayn? Sidaas daraaddeed waxaa looga dhigay sirkaal, habase yeeshee saddexdii hore ma uu gaadhin. 20 Oo Benaayaah ina Yehooyaadaac, oo uu dhalay nin xoog weyn oo reer Qabse'eel ahu, kaasoo sameeyey falimo waaweyn, wuxuu dilay labadii wiil oo Arii'eel kii reer Moo'aab, oo haddana wuu tegey oo libaax buu god ku dhex dilay wakhtiga barafka, 21 oo wuxuu kaloo dilay nin Masri ah oo dheer, oo Masriguna wuxuu gacanta ku haystay waran, laakiinse isagu wuxuu ula tegey ul, oo warankii ka dhufsaday gacantii Masriga, oo isagii ku dilay warankiisii. 22 Oo waxyaalahan waxaa sameeyey Benaayaah ina Yehooyaadaac, oo isna saddexdii nin ee xoogga badnaa magac buu ku lahaa. 23 Oo weliba isagu wuu ka ciso badnaa soddonka, laakiinse ma uu gaadhin saddexdii hore. Oo Daa'uudna wuxuu isaga madax uga dhigay lataliyayaashiisii.
24 Oo soddonka waxaa ka mid ahaa Casaaheel oo Yoo'aab walaalkiis ahaa, iyo Elxaanaan oo ahaa ina Doodoo oo reer Beytlaxam ahaa, 25 iyo Shammaah oo ahaa reer Xarod, iyo Eliiqaa oo ahaa reer Xarod, 26 iyo Xeles oo ahaa reer Faltii, iyo Ciiraa ina Ciqeesh oo ahaa reer Teqooca, 27 iyo Abiiceser oo ahaa reer Canaatood, iyo Mebunnay oo ahaa reer Xushaad; 28 iyo Salmoon oo ahaa reer Axoo'ax, iyo Maharay oo ahaa reer Netofaah, 29 iyo Xeeleb ina Bacanaah oo ahaa reer Netofaah, iyo Itay ina Riibay oo ahaa reer Gibecaah oo qoladiisu ahayd reer Benyaamiin; 30 iyo Benaayaah oo ahaa reer Fircaatoon, iyo Xidday oo ka yimid durdurradii Gacash; 31 iyo Abiicalboon oo ahaa reer Caraabaah, iyo Casmaawed oo ahaa reer Barxum; 32 iyo Elyaxbaa oo ahaa reer Shacalbiim, iyo wiilashii Yaasheen, Yoonaataan, 33 iyo Shammaah oo ahaa reer Haraarii, iyo Axiyaam ina Shaaraar oo ahaa reer Araarii; 34 iyo Eliifeled ina Axasbay, oo ahaa wiilkii kii reer Macakaah, iyo Eliicaam ina Axiitofel oo ahaa reer Giloh; 35 iyo Xesroo oo ahaa reer Karmel, iyo Facaray oo ahaa reer Araab; 36 iyo Yigaal ina Naataan oo ahaa reer Soobaah, iyo Baanii oo ahaa reer Gaad; 37 iyo Seleq oo ahaa reer Cammoon, iyo Naxaray oo ahaa reer Bi'irod, iyo kuwii gaashaanka u qaadi jiray Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay; 38 iyo Ciiraa oo ahaa reer Yeter, iyo Gaareeb oo ahaa reer Yeter, 39 iyo Uuriyaah oo ahaa reer Xeed; oo kulligoodna waxay ahaayeen toddoba iyo soddon.
Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Altashed. Wuxuuna tiriyey markii uu Saa'uul ka cararay, oo uu godka galay.
57 Ii naxariiso, Ilaahow, ii naxariiso,
Waayo, naftaydu adigay ku magan gashaa,
Haah, waxaan magangeli doonaa hooska baalashaada,
Ilaa ay belaayooyinkanu gudbayaan.
2 Waxaan u qayshanayaa Ilaaha ugu sarreeya,
Oo ah Ilaaha wax kasta ii sameeya.
3 Isagu samaduu caawimaad ka soo diri doonaa, wuuna i badbaadin doonaa,
Markuu kan i liqi lahaa i caayo, (Selaah)
Ilaah wuxuu soo diri doonaa naxariistiisa iyo runtiisa.
4 Naftaydu waxay ku dhex jirtaa libaaxyo,
Oo anigu waxaan dhex jiifaa kuwo dab lagu shiday,
Kuwaasoo ah binu-aadmiga oo ilkahoodu yihiin warmo iyo fallaadho,
Oo carrabkooduna yahay seef af badan.
5 Ilaahow, samooyinka ka sara mar,
Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso.
6 Dabin bay cagahayga u diyaariyeen,
Oo naftaydii baa foororsatay,
Oo waxay hortayda ka qodeen god,
Oo iyaga qudhoodii baa ku dhex dhacay. (Selaah)
7 Qalbigaa ii fadhiya, Ilaahow, qalbigaa ii fadhiya,
Haddaba waan gabyi doonaa, haah, ammaan baan ku gabyi doonaa.
8 Naftaydoy, toos, shareerad iyo kataaradoy, toosa,
Aniga qudhayduna waxaan toosi doonaa aroor hore.
9 Sayidow, dadyowga dhexdooda ayaan kaaga mahadnaqi doonaa,
Oo quruumaha dhexdooda ayaan ammaan kuugu gabyi doonaa.
10 Waayo, naxariistaadu waa weyn tahay oo waxay gaadhaa samooyinka,
Oo runtaaduna waxay gaadhaa daruuraha.
11 Ilaahow, samooyinka ka sara mar,
Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya