Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 119:17-24

GIMEL.

17 Anoo addoonkaaga ah wax badan oo wanaagsan ii samee, si aan u noolaado,
Oo sidaasaan eraygaaga u dhawri doonaa.
18 Indhahayga fur
Si aan waxyaalo yaab badan sharcigaaga uga arko.
19 Socotaan dhulka ku ahay,
Haddaba amarradaada ha iga qarin.
20 Naftaydu waxay u xiisootay
Jacaylkay had iyo goorba u qabto xukummadaada.
21 Waxaad canaanatay kuwa kibirsan oo inkaaran,
Oo amarrada ka leexda.
22 Cay iyo ceeb iga fogee,
Waayo, markhaatifurkaaga waan xajiyey,
23 Oo weliba amiirraa fadhiistay oo wax iga gees ah ka wada hadlay,
Laakiinse anoo addoonkaaga ah aad baan uga fiirsaday qaynuunnadaada.
24 Markhaatifurkaagu waa waxa iga farxiya,
Waana lataliyayaashayda.

Yeremyaah 33:1-11

Ballankii Dib U Soo Celinta

33 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah mar labaad u yimid intuu weli barxaddii xabsiga ku xidhnaa, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga waxyaalahaas sameeya, oo u yeela inuu sii adkeeyo aawadeed, magiciisu waa Rabbiga, oo wuxuu leeyahay, I bari, waanan kuu jawaabi doonaa, oo waxaan ku tusi doonaa waxyaalo waaweyn oo qarsoon oo aadan aqoon. Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay guryaha magaaladan iyo guryaha boqorrada dalka Yahuudah oo loo dumiyey in la sameeyo wax lagaga daafaco tuulmooyinkii dagaalka iyo seefta, Iyagu waxay u imanayaan inay reer Kaldayiin la diriraan, laakiinse waxay meeshan ka buuxin doonaan dad dhintay meydadkood, kuwaasoo aan cadhadayda iyo xanaaqayga ku laayay, oo aan dhammaantood xumaantooda aawadeed magaaladan wejigayga uga qariyey. Bal ogaada, anigu waxaan iyada u keeni doonaa caafimaad iyo fayoobi, waanan bogsiin doonaa, oo waxaan iyaga u muujin doonaa nabad iyo run badan. Oo maxaabiistii dadka Yahuudah, iyo maxaabiistii dadka Israa'iilba waan soo celin doonaa, oo iyagaan u dhisi doonaa sidii markii hore oo kale. Xumaantoodii ay igu dembaabeen oo dhan waan ka nadiifin doonaa, oo xumaatooyinkoodii ay igu dembaabeen oo ay igu xadgudbeen oo dhanna waan ka cafiyi doonaa. Oo magaaladanu waxay igu noqon doontaa magac farxadeed, oo ammaan iyo sharaf ku hor leh quruumaha dunida oo maqli doona wanaagga aan iyaga u sameeyo oo dhan hortooda, oo iyagu waxay la cabsan doonaan oo la wada gariiri doonaan wanaagga iyo nabadda aan u yeelo oo dhan. 10 Rabbigu wuxuu leeyahay, Meeshan aad tidhaahdaan, Waa cidla aan dad iyo duunyo toona lahayn, taasoo ah magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalem, oo ah baabba' cidla ah, oo aan lagu arag dad, iyo wax deggan, iyo duunyo toona, waxaa mar kale laga dhex maqli doonaa 11 codka farxadda, iyo codka rayraynta, iyo codka arooska, iyo codka aroosadda, iyo codka kuwa leh, Rabbiga ciidammada u mahadnaqa, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa, iyo kuwa guriga Rabbiga allabaryo mahadnaqid ah keena. Waayo, maxaabiista dalka waan soo celin doonaa sidii markii hore oo kale, ayaa Rabbigu leeyahay.

Matayos 20:29-34

Ciise Wuxuu Bogsiiyey Laba Nin Oo Indhala'(A)

29 Kolkay Yerixoo ka tegayeen waxaa raacay dad aad u badan. 30 Oo laba nin oo indha la' ayaa jidka ag fadhiyey, oo goortay maqleen in Ciise ag marayo ayay qayliyeen iyagoo leh, Sayidow, ina Daa'uudow, noo naxariiso. 31 Dadkii badnaa ayaa canaantay si ay u aamusaan, laakiin si ka badan ayay u qayliyeen iyagoo leh, Sayidow, ina Daa'uudow, noo naxariiso. 32 Markaasaa Ciise joogsaday, oo intuu u yeedhay ayuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaan idiin sameeyo? 33 Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, in indhuhu noo furmaan ayaannu doonaynaa. 34 Ciise intuu u naxariistay ayuu indhahooda taabtay oo kolkiiba wax bay arkeen, wayna raaceen.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya