Revised Common Lectionary (Complementary)
Gabayga meelokoridda.
126 Markii Rabbigu soo celiyey maxaabiistii Siyoon,
Waxaynu noqonnay sida kuwa riyooda.
2 Markaasaa afkeenna waxaa ka buuxsamay qosol,
Carrabkeennana gabay,
Kolkaasaa quruumaha waxaa laga dhex yidhi,
Rabbigu waxyaalo waaweyn ayuu iyaga u sameeyey.
3 Rabbigu wuxuu inoo sameeyey waxyaalo waaweyn,
Oo aynu ku faraxsan nahay.
4 Rabbiyow, maxaabiisnimada mar kale nooga soo celi
Sida durdurrada koonfureed.
5 Kuwa ilmada wax ku abuurtaa, farxad bay ku goosan doonaan.
6 Kii iska taga isagoo ooyaya oo abuurkiisa sita,
Wuxuu soo noqon doonaa isagoo faraxsan oo xidhmooyinkiisa sita.
12 Markaas Yeremyaah wuxuu la hadlay amiirradii oo dhan iyo dadkii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ayaa ii soo diray inaan gurigan iyo magaaladanba ka sii sheego erayadii aad maqasheen oo dhan. 13 Haddaba jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo codka Rabbiga Ilaahiinna ah addeeca, oo Rabbiguna wuu ka soo noqon doonaa masiibadii uu idinkaga hadlay. 14 Bal eega, anigu gacmihiinnaan ku jiraa, haddaba iigu sameeya sida idinla wanaagsan oo idinla qumman. 15 Laakiinse bal si xaqiiq ah u ogaada, haddaad i dishaan, waxaad nafsaddiinna iyo magaaladan iyo dadka degganba u soo jiidaysaan dhiig aan xaq qabin, waayo, sida runta ah Rabbiga ayaa ii soo diray xaggiinna inaan dhegihiinna oo dhan erayadan maqashiiyo. 16 Markaasaa amiirradii iyo dadkii oo dhammu waxay wadaaddadii iyo nebiyadii ku yidhaahdeen, Ninkanu dhimasho ma istaahilo, waayo, wuxuu nagula hadlay magicii Rabbiga Ilaaheenna ah. 17 Markaas waxaa istaagay qaar ka mid ah waayeelladii dalka oo waxay la hadleen shirkii dadka oo dhan, iyagoo leh, 18 Miikaah kii reer Mooreshed ayaa wax sii sheegay wakhtigii Xisqiyaah uu boqorka ka ahaa dalka Yahuudah, oo dadka Yahuudah oo dhan ayuu la hadlay, oo wuxuu yidhi, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Siyoon waxaa loo jeexi doonaa sida beer oo kale, oo Yeruusaalemna waxay noqon doontaa taallooyin burbur ah, oo buurta guriguna waxay noqon doontaa sidii meelaha sarsare ee kaynta ku yaal oo kale. 19 Haddaba Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo dadka Yahuudah oo dhammu miyey isagii dileen? Oo miyuusan isagu Rabbiga ka cabsan, oo uusan Rabbiga baryin, oo Rabbiguna miyuusan ka soo noqon masiibadii uu iyaga kaga hadlay? Innagu masiibo weyn ayaynu nafteenna u soo jiidi lahayn haddaan isaga dilno. 20 Oo weliba waxaa kaloo jiray nin magaca Rabbiga wax ku sii sheegay, waana Uuriyaah ina Shemacyaah oo ahaa reer Qiryad Yecaariim, oo isna wuxuu magaaladan iyo dalkanba ka sii sheegay wax erayada Yeremyaah oo dhan waafaqsan. 21 Oo markii Boqor Yehooyaaqiim, iyo raggiisii xoogga badnaa oo dhan, iyo amiirradii oo dhammu ay erayadiisii maqleen ayaa boqorkii damcay inuu isaga dilo, laakiinse Uuriyaah markuu xaalkaas maqlay ayuu baqay, oo intuu cararay ayuu dalkii Masar tegey. 22 Markaasaa Boqor Yehooyaaqiim rag u diray dalkii Masar, waxayna ahaayeen Elnaataan ina Cakboor iyo rag kale oo isaga dalkii Masar u raacay. 23 Oo iyana dalkii Masar ayay Uuriyaah ka soo bixiyeen, oo waxay u keeneen Boqor Yehooyaaqiim, oo isna seef buu isagii ku dilay, oo meydkiisiina wuu ku dhex tuuray qabuuraha dadka. 24 Habase ahaatee Axiiqaam ina Shaafaan gacantiisu way la jirtay Yeremyaah inayan isaga ku ridin dadka gacantiisa si ay u dilaan.
Ciise Wadaadnimadiisu Way Ka Sarraysaa Wadaadnimada Yuhuudda
11 Haddaba haddii kaamilnimo ku jirtay wadaadnimadii Laawi, waayo, iyada ayuu dadku sharciga ka hoos helaye, maxaa weli loogu baahnaa in wadaad kale ka kaco derejadii Malkisadaq oo aan lagu magacaabin derejadii Haaruun? 12 Waayo, wadaadnimada markii la beddelo waa lagamamaarmaan in sharcigana la beddelo. 13 Waayo, kii waxyaalahan laga sheegay waa qolo kale oo aan nin meeshii allabariga ka shaqeeyey ka iman. 14 Waa cad dahay in Sayidkeennu ka soo baxay Yahuudah, oo ah qolo aan Muuse kaga hadlin wax wadaaddo ku saabsan. 15 Oo weliba aad bay u sii cad dahay, haddii wadaad kale oo Malkisadaq u egi kaco, 16 kii aan wadaad lagaga dhigin sharciga abtirsiinyada xagga jidhka, laakiin xagga xoogga nolosha aan dhammaadka lahayn. 17 Waayo, isaga waxaa loogu markhaati furay,
Adigu weligaaba wadaad baad tahay
Sidii derejadii Malkisadaq.
18 Waayo, amarkii hore waxaa loo buriyey itaaldarradiisii iyo faa'iidola'aantiisii, 19 maxaa yeelay, sharcigu waxba ma uu kaamilin. Oo waxaa la keenay rajo ka wanaagsan oo aynu Ilaah ugu dhowaanno. 20 Oo isagu dhaarla'aan wadaad kuma uu noqon. 21 Iyagu dhaarla'aan bay wadaaddo ku noqdeen, laakiin isagu wuxuu ku noqday dhaarta kan ku yidhi,
Rabbigu waa dhaartay, kana soo noqon maayo,
Adigu weligaaba wadaad baad tahay.
22 Oo sidaasuu Ciise ku noqday dammiinka axdiga ka wanaagsan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya