Revised Common Lectionary (Complementary)
23 Dadka socodkiisa waxaa hagaajiya Rabbiga,
Oo jidkiisuu ku farxaa.
24 Oo in kastoo uu kufo, haddana ma wada dhici doono,
Waayo, Rabbiga ayaa gacantiisa ku tiiriya.
25 Waan dhallin yaraan jiray, oo haatanna waan gaboobay,
Oo weligay ma arag mid xaq ah oo la dayriyey,
Ama carruurtiisa oo cunto tuugsanaysa.
26 Maalinta oo dhan wuu naxariistaa oo wax buu amaahiyaa,
Oo carruurtiisuna way barakaysan yihiin.
27 Sharka ka fogow, oo wanaag samee,
Oo weligaa baad degganaan doontaa.
28 Waayo, Rabbigu wuxuu jecel yahay caddaaladda,
Mana uu dayrsho quduusiintiisa,
Laakiinse iyaga weligoodba waa la ilaashaa,
Illowse kuwa sharka leh carruurtoodu way go'i doonaan.
29 Kuwa xaqa ahu dalkay dhaxli doonaan,
Oo weligoodna way dhex degganaan doonaan.
30 Kan xaqa ah afkiisu wuxuu ka hadlaa xigmadda,
Carrabkiisuna wuxuu ku hadlaa caddaaladda.
31 Oo Ilaahiisa sharcigiisu waa ku jiraa qalbigiisa,
Oo tallaabooyinkiisana midnaba dib uma simbiriirixan doonto.
32 Kan sharka lahu wuxuu fiiriyaa kan xaqa ah,
Oo wuxuu doondoonaa inuu isaga dilo.
33 Rabbigu isaga gacantiisa ku dayn maayo,
Oo eedayn maayo marka la xukumo isaga.
34 Rabbiga sug, oo jidkiisa xaji,
Oo wuxuu kuu sara marin doonaa inaad dalka dhaxasho,
Waad arki doontaa marka kuwa sharka lahu go'aan.
35 Waxaan arkay ku shar leh oo dulun badan,
Oo isu kala bixiya sida geed cagaar ah oo dhulkiisii ka baxay.
36 Laakiin waa la ag maray, oo isagii lama arag,
Oo waan doondoonay, laakiinse waa la waayay.
37 Bal fiiri ninka kaamilka ah, oo bal eeg, kan qumman,
Waayo, ninkaas ugu dambaystiisu waa nabad.
38 Laakiinse kuwa xadgudbaa dhammaantood wadajir bay u baabbi'i doonaan,
Oo kuwa sharka lahuna ugu dambaystooda way go'i doonaan.
39 Kuwa xaqa ahse badbaadadoodu waa xagga Rabbiga,
Oo wakhtiga dhibaatada isagu waa qalcaddooda.
40 Oo Rabbigu iyaguu caawiyaa, wuuna samatabbixiyaa,
Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyaa kuwa sharka leh, wuuna badbaadiyaa,
Maxaa yeelay, isagay magangaleen.
Khudbaddii Samuu'eel
12 Samuu'eel wuxuu reer binu Israa'iil oo dhan ku yidhi, Bal eega, anigu waan maqlay codkiinnii iyo wixii aad igu tidhaahdeen oo dhan, oo waxaan idiin yeelay boqor idiin taliya. 2 Oo haatan, bal eega, boqorkii wuu idin hor socdaaye, oo anigu waan gaboobay, waanan cirroobay; oo bal eega, wiilashaydiina way idinla joogaan, oo aniguna waxaan idin hor socday tan iyo yaraantaydii. 3 Bal waa i kan. Rabbiga hortiisa igu markhaati fura, iyo kan uu subkaday hortiisaba. Bal yaan dibigiisii ka qaatay? Amase bal yaan dameerkiisii ka qaatay? Amase yaan dulmay? Amase yaan cadaadiyey? Kumaanse gacantiisa laaluush ka qaatay si aan isu indhatiro daraaddeed? Hadday saas tahay waan idiin celin. 4 Oo iyana waxay yidhaahdeen, Nama aad dulmin, namana aad cadaadin, oo ninnaba gacantiisa waxba kama aad qaadan. 5 Markaasuu isna wuxuu ku yidhi iyaga, Maanta Rabbigaa idinku marag ah, iyo kan uu subkaday, inaydnaan waxba gacantayda ku helin. Oo iyana waxay yidhaahdeen, Haah, isagu waa ka marag. 6 Markaasaa Samuu'eel wuxuu dadkii ku yidhi, Muuse iyo Haaruun waxaa doortay Rabbiga, oo isagaa awowayaashiin ka soo saaray dalkii Masar. 7 Haddaba bal joogsada inaan Rabbiga hortiisa idinkula hadlo wax ku saabsan falimihii Rabbiga oo xaqa ahaa oo dhan, oo uu idiin sameeyey idinka iyo awowayaashiinba. 8 Markii Yacquub Masar yimid, oo awowayaashiin Rabbiga u qayshadeen, kolkaasaa Rabbigu soo diray Muuse iyo Haaruun, kuwaasoo awowayaashiin ka soo bixiyey Masar oo halkan soo dejiyey. 9 Laakiinse way illoobeen Rabbigii Ilaahooda ahaa, markaasuu wuxuu ka iibsaday oo gacanta u geliyey Siiseraa, oo ahaa sirkaalkii ciidanka Xaasoor, oo wuxuu geliyey gacantii reer Falastiin, iyo gacantii boqorkii reer Moo'aab, wayna la dirireen iyaga. 10 Markaasay Rabbiga u qayshadeen, oo yidhaahdeen, Waannu dembaabnay, maxaa yeelay, waannu kaa tagnay, Rabbiyow, oo u adeegnay Bacaliim iyo Cashtarod, laakiinse haatan naga samatabbixi gacanta cadaawayaashayada, oo waannu kuu adeegi doonnaa. 11 Dabadeedna Rabbigu wuxuu soo diray Yerubbacal, iyo Bedaan, iyo Yeftaah, iyo Samuu'eel, oo idinka samatabbixiyey gacantii cadaawayaashiinnii dhan walba idinka jiray, oo ammaan baad ku degganaateen. 12 Oo markii aad aragteen boqorkii Naaxaash ahaa oo reer Cammoon inuu idinku soo duulay, waxaad igu tidhaahdeen, Maya, laakiinse waa inuu boqor noo taliyaa; markaasna waxaa boqor idiin ahaa Rabbiga Ilaahiinna ah. 13 Haddaba bal eega boqorkii aad doorateen oo aad i weyddiisateen, oo hadda bal eega, Rabbigu wuxuu idiin yeelay boqor idiin taliya. 14 Waa hagaag, haddii aad Rabbiga ka cabsataan oo aad u adeegtaan, oo aad codkiisa maqashaan, oo aydnaan ku caasiyoobin amarka Rabbiga, oo aad idinka iyo boqorka idiin taliyaaba ahaataan kuwo raacaya Rabbiga Ilaahiinna ah. 15 Laakiinse haddii aydnaan dhegaysan codka Rabbiga, illowse aad ku caasiyowdaan amarka Rabbiga, de markaas gacanta Rabbigu gees bay idinka ahaanaysaa, siday awowayaashiinba uga ahayd. 16 Haddaba bal joogsada oo eega waxan weyn oo uu Rabbigu ku samayn doono hortiinna. 17 Sow maanta ma aha maalintii sarreenka la gooynayay? Anigu Rabbigaan baryayaa inuu soo diro onkod iyo roob; oo idinna markaasaad ogaan doontaan oo arki doontaan inuu weyn yahay sharkiinna aad Rabbiga hortiisa ku samayseen markaad boqor weyddiisateen. 18 Saas aawadeed Samuu'eel Rabbiguu baryay, oo Rabbiguna maalintaasuu onkod iyo roob soo diray, oo dadkii oo dhammuna aad iyo aad bay uga cabsadeen Rabbiga iyo Samuu'eelba. 19 Markaasaa dadkii oo dhammu waxay Samuu'eel ku yidhaahdeen, Addoommadaada u bari Rabbiga Ilaahaaga ah, yaannan dhimanne, waayo, dembiyadayadii oo dhan waxaan ku darsannay sharkan markaannu boqor weyddiisannay. 20 Oo Samuu'eelna wuxuu dadkii ku yidhi, Ha cabsanina; xaqiiqa, waxaad samayseen sharkan oo dhan, laakiinse gees ha uga leexanina Rabbiga lasocodkiisa, waxaadse ugu adeegtaan qalbigiinna oo dhan; 21 oo gees ha uga leexanina, waayo, markaas waxaad raaci lahaydeen waxyaalo aan micne lahayn ee aan waxba tari karin, waxna badbaadin karin, waayo, iyagu micne ma leh. 22 Maxaa yeelay, Rabbigu ka tegi maayo dadkiisa, magiciisa weyn aawadiis; maxaa yeelay, Rabbiga way ka farxisay inuu dad idinka dhigto. 23 Oo haddana aniga xaggayga, Ilaah ha iga fogeeyo inaan Rabbiga ku dembaabo, taasoo ah anoo joojinaya inaan idiin duceeyo; laakiinse waxaan idin barayaa jidka wanaagsan oo qumman. 24 Laakiinse idinku Rabbiga ka cabsada, oo si run ah qalbigiinna oo dhan ugu adeega; waayo, bal ka fiirsada waxyaalaha waaweyn oo uu idiin sameeyey. 25 Laakiinse haddaad shar sii samaysaan waa laydin baabbi'in doonaa idinka iyo boqorkiinnaba.
Ciise Xertuu U Cago Maydhay
13 Iidda Kormaridda horteed Ciise wuxuu garanayay inay timid saacaddiisii uu dunidan ka tegi lahaa ilaa Aabbaha, oo siduu u jeclaa kuwiisii dunida joogay, ayuu u jeclaa tan iyo dhammaadka. 2 Ibliiska ayaa markii hore qalbiga Yuudas Iskariyod ina Simoon geliyey inuu Ciise gacangeliyo. 3 Oo wakhtiga cashada Ciise oo garanaya in Aabbuhu wax walba gacanta u geliyey iyo inuu Ilaah ka yimid oo Ilaah ku noqonayo, 4 ayuu cashadii ka kacay oo dharkii iska dhigay, tuwaalna wuu qaatay oo guntaday. 5 Markaasuu biyo weel ku shubay oo bilaabay inuu xertiisa cagaha u maydho oo ku tirtiro tuwaalkii uu guntanaa. 6 Wuxuu haddaba u yimid Simoon Butros. Kaasaa ku yidhi, Sayidow, ma adaa cagaha ii maydhaya? 7 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan samaynaya, garan maysid imminka, laakiinse dabadeed waad garan doontaa. 8 Butros ayaa ku yidhi, Weligaa cagaha ii maydhi maysid. Ciise wuxuu ugu jawaabay, Haddaanan kuu maydhin, qayb iguma lihid. 9 Markaasaa Simoon Butros ku yidhi, Sayidow, cagaha keliya ha ii maydhin, laakiin gacmaha iyo madaxana ii maydh. 10 Ciise ayaa ku yidhi, Kii maydhni uma baahna inuu maydho cagihiisa mooyaane, laakiin waa wada nadiifsan yahay, idinkuna waa nadiifsan tihiin, laakiin dhammaantiin ma aha. 11 Waayo, wuu garanayay kii gacangelin lahaa. Sidaa daraaddeed ayuu u yidhi, Dhammaantiin ma wada nadiifsanidin.
12 Haddaba markuu cagihii u maydhay iyagii, oo dharkiisa qaatay, oo haddana fadhiistay, markaasuu ku yidhi, Ma garanaysaan waxaan idinku sameeyey? 13 Waxaad iigu yeedhaan, Macallin iyo Sayid, waadna ku hagaagsan tihiin, waayo, waan ahay. 14 Haddaba haddaan cagaha idiin maydhay anigoo ah Sayidka iyo Macallinka, idinkuna waa inaad cagaha isu maydhaan. 15 Waxaan idin siiyey masaal inaad samaysaan sidaan idinku sameeyey. 16 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Addoon kama weyna sayidkiis, mid la soo dirayna kama weyna kii soo diray. 17 Haddaad waxyaalahan garanaysaan, waad barakaysan tihiin haddaad yeeshaan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya