Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 37:23-40

23 Dadka socodkiisa waxaa hagaajiya Rabbiga,
Oo jidkiisuu ku farxaa.
24 Oo in kastoo uu kufo, haddana ma wada dhici doono,
Waayo, Rabbiga ayaa gacantiisa ku tiiriya.
25 Waan dhallin yaraan jiray, oo haatanna waan gaboobay,
Oo weligay ma arag mid xaq ah oo la dayriyey,
Ama carruurtiisa oo cunto tuugsanaysa.
26 Maalinta oo dhan wuu naxariistaa oo wax buu amaahiyaa,
Oo carruurtiisuna way barakaysan yihiin.
27 Sharka ka fogow, oo wanaag samee,
Oo weligaa baad degganaan doontaa.
28 Waayo, Rabbigu wuxuu jecel yahay caddaaladda,
Mana uu dayrsho quduusiintiisa,
Laakiinse iyaga weligoodba waa la ilaashaa,
Illowse kuwa sharka leh carruurtoodu way go'i doonaan.
29 Kuwa xaqa ahu dalkay dhaxli doonaan,
Oo weligoodna way dhex degganaan doonaan.
30 Kan xaqa ah afkiisu wuxuu ka hadlaa xigmadda,
Carrabkiisuna wuxuu ku hadlaa caddaaladda.
31 Oo Ilaahiisa sharcigiisu waa ku jiraa qalbigiisa,
Oo tallaabooyinkiisana midnaba dib uma simbiriirixan doonto.
32 Kan sharka lahu wuxuu fiiriyaa kan xaqa ah,
Oo wuxuu doondoonaa inuu isaga dilo.
33 Rabbigu isaga gacantiisa ku dayn maayo,
Oo eedayn maayo marka la xukumo isaga.
34 Rabbiga sug, oo jidkiisa xaji,
Oo wuxuu kuu sara marin doonaa inaad dalka dhaxasho,
Waad arki doontaa marka kuwa sharka lahu go'aan.
35 Waxaan arkay ku shar leh oo dulun badan,
Oo isu kala bixiya sida geed cagaar ah oo dhulkiisii ka baxay.
36 Laakiin waa la ag maray, oo isagii lama arag,
Oo waan doondoonay, laakiinse waa la waayay.
37 Bal fiiri ninka kaamilka ah, oo bal eeg, kan qumman,
Waayo, ninkaas ugu dambaystiisu waa nabad.
38 Laakiinse kuwa xadgudbaa dhammaantood wadajir bay u baabbi'i doonaan,
Oo kuwa sharka lahuna ugu dambaystooda way go'i doonaan.
39 Kuwa xaqa ahse badbaadadoodu waa xagga Rabbiga,
Oo wakhtiga dhibaatada isagu waa qalcaddooda.
40 Oo Rabbigu iyaguu caawiyaa, wuuna samatabbixiyaa,
Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyaa kuwa sharka leh, wuuna badbaadiyaa,
Maxaa yeelay, isagay magangaleen.

Samuu'eel Kowaad 10:17-25

17 Oo Samuu'eelna dadkii buu dhammaan isugu yeedhay xagga Rabbiga ilaa Misfaah; 18 oo wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil sidaasuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, anaa Masar idinka soo bixiyey oo anaa idinka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta, iyo kulli boqortooyooyinkii idin dulmay gacantoodii oo dhan. 19 Laakiinse idinku maanta waad diiddeen Ilaahiinnii idinka badbaadshay belaayooyinkiinnii iyo dhibaatooyinkiinnii oo dhan, oo waxaad isagii ku tidhaahdeen, Maya, laakiinse boqor noo yeel. Haddaba Rabbiga hortiisa ku soo ururiya qabiilooyinkiinna, iyo kumanyaalkiinna. 20 Sidaas aawadeed Samuu'eel wuxuu soo dhoweeyey qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaa lala baxay qabiilkii reer Benyaamiin. 21 Oo haddana wuxuu soo dhoweeyey qabiilkii reer Benyaamiin oo qoys qoys ah, oo waxaa lala baxay qoyskii reer Matrii, oo waxaa kaloo lala baxay Saa'uul oo ahaa ina Qiish; laakiinse markay doondooneen waa la waayay. 22 Sidaas daraaddeed Rabbiga wax kalay sii weyddiiyeen, Weli ma waxaa jira nin kaloo halkan imanaya? Oo Rabbiguna wuxuu ugu jawaabay, Bal eega, alaabta dhexdeeda ayuu ku dhuuntaye. 23 Oo intay ordeen ayay halkaas ka soo kexeeyeen, oo markuu dadkii soo dhex joogsaday, wuu ka dheeraa dadkii oo dhan garbihiisa iyo waxa ka sarreeyaba. 24 Markaasaa Samuu'eel wuxuu dadkii oo dhan ku yidhi, Ma aragtaan kan Rabbigu doortay inaan mid la mid ahu dadka ku jirin? Kolkaasaa dadkii oo dhammu dhawaaqeen oo waxay yidhaahdeen, Boqorku ha noolaado.

25 Kolkaasaa Samuu'eel wuxuu dadkii u sheegay sida boqortooyada xaalkeedu noqon doono, oo buug buuna ku qoray, oo Rabbiga hortiisa dhigay. Samuu'eelna markaasuu dadkii oo dhan iska diray, oo nin waluba gurigiisii buu tegey.

Cibraaniyada 6:13-20

Waxa Ilaah Ballanqaaday Waa Hubaal

13 Markii Ilaah ballan u qaaday Ibraahim, isagoo mid ka weyn oo uu ku dhaarto aan haysan, ayuu isku dhaartay, 14 isagoo leh, Hubaal waan ku barakayn doonaa, oo waan ku kordhin doonaa. 15 Oo sidaas isagoo u dulqaadanaya ayuu helay wixii loo ballanqaaday. 16 Waayo, dadku waxay ku dhaartaan kan iyaga ka weyn, oo waxaa muran kasta oo kooda ah ugu dambaysa dhaar si loo xaqiiqaysto, 17 sidaas daraaddeed, Ilaah, isagoo aad u doonaya inuu kuwa ballanka dhaxla tuso taladiisa aan beddelmi karin, ayuu dhaar ku galay; 18 in laba waxyaalood, oo aan beddelmi karin, oo aan suurtoobin inuu Ilaah been ka sheego, aynu ku helno dhiirranaan xoog leh innagoo magangal u soo cararnay si aynu u qabsanno rajada ina hor taal, 19 tan aynu sida barroosinka nafta u haysanno, mid adkaan iyo hubaalba ah oo gelaysa waxa daaha ka shisheeya, 20 meeshii Ciise sida horseed inoo galay isagoo noqday wadaad sare oo weligiis ah sidii derejadii Malkisadaq.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya