Revised Common Lectionary (Complementary)
112 Rabbiga ammaana.
Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga ka cabsada,
Oo aad ugu farxa amarradiisa.
2 Farcankiisu wuxuu ku xoog badnaan doonaa dhulka,
Kuwa qumman farcankooduna wuu barakoobi doonaa.
3 Gurigiisa waxaa ku jira maal iyo taajirnimo,
Xaqnimadiisuna weligeedba way sii waartaa.
4 Kuwa qumman iftiin baa gudcurka uga soo baxa,
Isagu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad, waana xaq.
5 Waxaa nimcaysan ninkii naxariis leh oo dadka wax amaahiya,
Kaasu danihiisuu ku wadi doonaa caddaalad.
6 Waayo, isaga weligiis lama dhaqaajin doono,
Oo kii xaq ah weligiisba waa la xusuusan doonaa.
7 Isagu innaba kama cabsan doono war xun,
Qalbigaa u fadhiya, oo wuxuu isku halleeyaa Rabbiga.
8 Qalbigaa u fadhiya, oo ma uu cabsan doono,
Ilaa uu wuxuu doonayay ku arko cadaawayaashiisa.
9 Wax buu kala qaybshay, oo wuxuu wax siiyey kuwii baahnaa,
Xaqnimadiisuna way sii waartaa weligeedba,
Geeskiisana waxaa lagu sarraysiin doonaa sharaf.
10 Kii shar lahu wuu arki doonaa, wuuna cadhoon doonaa,
Wuu ilko jirriqsan doonaa, oo wuu dhalaali doonaa,
Kuwa sharka leh doonistoodu way baabbi'i doontaa.
6 Nacaska bushimihiisu waxay keenaan muran,
Oo afkiisuna wuxuu u yeedhaa karbaash.
7 Nacaska afkiisu waa u baabba',
Oo bushimihiisuna naftiisay dabin u noqdaan.
8 Kii xan badan erayadiisu waa sida cunto macaan,
Oo waxay ku degaan meelaha caloosha ugu hooseeya.
9 Kii shuqulkiisa caajis ku ahu,
Wuxuu walaal u yahay kii wax kharriba.
10 Rabbiga magiciisu waa noobiyad xoog leh,
Kii xaq ahu iyaduu ku cararaa, meel sarena wuu ku nabad galaa.
11 Ninkii taajir ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh,
Oo waa u derbi dheer sida ay la tahay isaga.
12 Dadka qalbigiisu waa kibraa intaanu baabbi'in ka hor,
Oo sharaftana waxaa ka horraysa is-hoosaysiinta.
7 Haddaba wax walba dhammaadkoodu wuu dhow yahay, sidaas daraaddeed digtoonaada, oo tukashada u feeyignaada. 8 Wax walba hortood idinku aad isu jeclaada, maxaa yeelay, jacaylku wuxuu qariyaa dembiyo faro badan. 9 Ismartiqaada gunuunacla'aan. 10 Sida mid waluba u helay hadiyad, idinku isu adeega, sida wakiillo wanaagsan oo helay nimcada Ilaah ee badan ee kala cayncaynka ah. 11 Haddii nin hadlo, ha u hadlo sidii isagoo ku hadlaya ereyga Ilaah; haddii nin adeegona, ha u adeego siduu Ilaah xoogga u siiyo, in wax walbaba Ilaah ku ammaanmo Ciise Masiix, kaasoo weligiis iyo weligiisba leh ammaanta iyo dowladnimadaba. Aamiin.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya