Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 33:12-22

12 Waxaa barakaysan quruunta Ilaaheedu Rabbiga yahay,
Taasoo ah dadka uu isagu u doortay dhaxalkiisa.
13 Rabbigu samaduu wax ka soo fiiriyaa,
Oo wuxuu arkaa binu-aadmiga oo dhan,
14 Oo meesha isaga rugta u ah
Ayuu wuxuu ka soo fiiriyaa kuwa dhulka deggan oo dhan,
15 Waa isaga kan qalbiyadooda oo dhan sameeya,
Oo shuqulladooda oo dhan u wada fiirsada.
16 Ma jiro boqor ku badbaada ciidan weyn,
Ninkii xoog badanuna iskuma samatabbixiyo xoog badan.
17 Faras waa waxmatare in badbaado laysugu halleeyo,
Oo weliba ninnaba kuma samatabbixiyo xooggiisa badan.
18 Bal eega, Rabbiga ishiisu waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada,
Waana kuwa naxariistiisa rajeeya,
19 Inuu naftooda dhimashada ka samatabbixiyo,
Iyo inuu wakhtiga abaartaa sii nooleeyo iyaga.
20 Nafteennu waxay sugtay Rabbiga,
Waayo, isagu wuxuu inoo yahay caawimaad iyo gaashaan.
21 Haddaba qalbigeennu isaguu ku rayrayn doonaa,
Maxaa yeelay, innagu waxaynu isku halleeynay magiciisa quduuska ah.
22 Rabbiyow, naxariistaadu ha noogu soo degto,
Sidii aannu kaa rajaynay.

Ayuub 21:1-16

Ayuub

21 Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
Maqla oo warkayga aad u dhegaysta,
Oo tanuna ha noqoto wixii aad igu qalbiqabowjisaan.
Bal mar ii oggolaada aan hadlee,
Oo kolkii aan hadlo dabadeed iska sii majaajilooda.
Balse anigu ma dad baan ka ashtakoonayaa?
Maxaan u ahaan waayay mid aan dulqaadan?
Bal i eega, oo yaaba,
Oo afkiinna gacanta saara.
Oo xataa markaan soo xusuusto waan welwelaa,
Oo jidhkaygana waa hoog iyo ba'.
Bal maxay kuwa sharka ahu u noolaanayaan?
Oo ay u gaboobayaan? Balse maxay xoog badan u yeeshaan?
Farcankoodu iyagoo la jooga hortooduu ku xoogaystaa,
Oo dhashoodiina hortooday ku dhisan yihiin.
Reerahoodu cabsi way ka ammaan galeen,
Oo ushii Ilaahna iyaga ma kor saarna.
10 Dibidoodu way dhalaan, oo marnaba madhalays ma noqdaan,
Sacyahooduna way dhalaan, dhicis mana keenaan.
11 Dhallaankooda dibadday u baxshaan sidii adhi oo kale,
Oo carruurtooduna way cayaaraan.
12 Waxay ku gabyaan daf iyo kataarad,
Oo dhawaaqa biibiilaha way ku reyreeyaan.
13 Cimrigooda waxay ku dhammaystaan barwaaqo,
Oo dabadeedna daqiiqad ayay She'ool ku dhaadhacaan.
14 Laakiin waxay Ilaah ku yidhaahdeen, War naga tag,
Waayo, dooni mayno aqoonta jidadkaaga.
15 Waa maxay Ilaaha Qaadirka ah, oo aan u adeegayno?
Balse maxaa faa'iido ah oo aannu ka helaynaa, haddaan isaga u tukanno?
16 Bal eeg, barwaaqadoodii gacantooda kuma jirto,
Kuwa sharka ahna taladoodu way iga fog tahay.

Rooma 9:1-9

Bawlos Waa U Tiraanyooday Reer Binu Israa'iil Rumaysaddarradooda

Runtaan ku sheegayaa Masiixa, oo been sheegi maayo, qalbigayguna marag buu iigu furayaa Ruuxa Quduuskaa in caloolxumo weyn iyo xanuun aan joogsanaynin ay ku jiraan qalbigayga. Waayo, waxaan jeclaan lahaa inaan aniga qudhaydu ka inkaarnaado Masiixa walaalahay aawadood oo ah xigaalkayga aannu isku jidhka nahay, kuwa ah reer binu Israa'iil, oo leh carruur-ka-dhigidda, iyo ammaanta, iyo axdiyada, iyo sharciga siintiisa, iyo u-adeegidda Ilaah, iyo ballamada, kuwa awowayaasha leh, oo xagga jidhka Masiixu ka yimid iyaga, kan wax walba ka sarreeya oo ah Ilaah ammaanta leh weligiis. Aamiin.

Ilaah Ballamadiisii Ma Uu Beenayn

Laakiin mana aha sidii iyadoo ereygii Ilaah dhacay. Waayo, kuwa Israa'iil ka dhashay kulligood reer binu Israa'iil ma wada aha. Farcankii Ibraahim oo ay yihiin aawadeed kulligood carruur kuma wada aha, laakiin waxaa la yidhi, Kuwa Isxaaq ka farcama ayaa farcankaaga loogu yeedhi doonaa. Taas waxaa weeyaan, inaan carruurta jidhku ahayn carruurta Ilaah, laakiin carruurtii loo ballanqaaday ayaa farcan lagu tiriyaa. Waayo, kanu waa hadal ballan ah, Wakhtigan oo kale ayaan kuu iman doonaa, oo Saarah waxay dhali doontaa wiil.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya