Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha.
49 Dadyowga oo dhammow, bal tan maqla,
Dunida kuwiinna degganow, kulligiin dhegta u dhiga,
2 Kuwiinna hoose iyo kuwiinna sare,
Taajirrada iyo masaakiintoy, dhammaantiin wada maqla.
3 Afkaygu wuxuu ku hadli doonaa xigmad,
Qalbigayguna wuxuu ka fikiri doonaa waxgarasho.
4 Dhegtayda waxaan u dhigi doonaa masaal,
Xujadaydana waxaan ku muujin doonaa kataaradda.
5 Haddaba bal maxaan u cabsanayaa wakhtiga shar jiro,
Markii xumaanu cedhbahayga ku wareegsanto?
6 Kuwa maalkooda isku halleeya,
Oo ku faana hodantinimadooda faraha badan,
7 Midkoodna walaalkiis ma furan karo,
Daraaddiisna Ilaah madaxfurasho uma siin karo,
8 (Waayo, furashada naftoodu waa qaali aad iyo aad,
Kumana filna weligeedba,)
9 Inuu isagu weligiis sii noolaado,
Oo aanu halligaad arkin weligiis.
10 Waayo, isagu wuxuu arkaa inay dadka xigmadda lahu wada dhintaan,
Iyo in nacasyada iyo doqonnaduba ay wada baabba'aan,
Oo ay maalkooda kuwa kale uga tagaan.
11 Waxay ismoodsiiyaan inay guryahoodu weligoodba sii jirayaan,
Iyo in meelaha rugtooda ahu ay sii raagayaan tan iyo qarniyada oo dhan,
Oo dhulalkoodana way isku magacaabaan.
12 Laakiinse binu-aadmigu sharaf kuma waaro,
Wuxuu la mid yahay sida xayawaanka iska baabba'a.
WACDIYAHII
Wax Walba Waa Wax Aan Micne Lahayn
1 Kuwanu waa erayadii wacdiyihii ahaa ina Daa'uud oo Yeruusaalem boqorka ku ahaa.
2 Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Waa wax aan waxba tarayn, waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waa wax aan waxba tarayn. 3 Bal maxaa faa'iido ah oo nin ka hela hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan? 4 Qarni baa taga, oo qarni kalena wuu yimaadaa, laakiinse dhulku weligiisba wuu waaraa. 5 Oo qorraxduna way soo baxdaa, oo haddana way dhacdaa, oo waxay ku degdegtaa meeshii ay ka soo baxdo. 6 Dabayshu waxay tagtaa xagga koonfureed, oo haddana waxay u soo rogmataa xagga woqooyi, oo had iyo goorba way wareegtaa, oo dabayshu waxay ku soo noqotaa wareeggeedii. 7 Webiyaasha oo dhammu waxay ku shubmaan badda, oo weli badduna ma buuxsanto, oo webiyaashu meeshii ay ku socdaan ayay haddana ku sii socdaan. 8 Wax kastaaba waa daal miidhan, dadku ma sheegi karo innaba. Ishu wax arag kama dheregto, dhegtuna waxmaqlid kama buuxsanto. 9 Wixii hore u jiri jiray waa waxa dibna u jiri doona, oo wixii la sameeyeyna waa waxa hadda ka dib la samayn doono, oo inta qorraxda ka hoosaysana wax cusub laguma arko. 10 Miyey jiraan wax la odhan karo, Bal eeg, waxanu waa cusub yihiine? Way jiri jireen tan iyo waayihii inaga horreeyey. 11 Waxyaalihii hore lama xusuusto, oo waxyaalaha iman doonana innaba laguma xusuusan doono kuwa dabadeed iman doona.
Nin Dhallinyar Oo Hodan Ah Baa Doonayay Nolosha Weligeed Ah(A)
17 Goortuu jidka u soo baxay, mid baa ku soo orday oo intuu u jilba joogsaday ayuu weyddiiyey oo ku yidhi, Macallin wanaagsanow, maxaan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah dhaxlo? 18 Ciise wuxuu ku yidhi, Maxaad iigu yeedhaysaa, Wanaagsanow? Mid wanaagsan ma jiro mid maahee, kaasuna waa Ilaah. 19 Qaynuunnada waad taqaan. Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad waxba xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Waa inaanad waxba dulmin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus. 20 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, kuwaas oo dhan tan iyo yaraantaydii ayaan dhawrayay. 21 Markaasaa Ciise intuu eegay jeclaaday oo ku yidhi, Wax keliya ayaa kuu dhiman. Tag oo iibi waxaad haysatid oo dhan, oo masaakiintana sii, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal; ee kaalay oo i soo raac. 22 Hadalkaas ayuu ka qulbay, wuuna baxay isagoo calool xun, waayo, wuxuu ahaa mid waxyaalo badan leh.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya