Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur uu Aasaaf tiriyey.
82 Ilaah wuxuu dhex istaagaa ururka Ilaah,
Oo wuxuu wax ku xukumaa ilaahyada dhexdooda,
2 Ilaa goormaad xaqdarro wax ku xukumaysaan?
Oo ilaa goormaad kuwa sharka leh u eexanaysaan? (Selaah)
3 Miskiinka iyo agoonka gar siiya,
Oo caddaalad ugu garsoora kan dhibaataysan iyo saboolka.
4 Badbaadiya miskiinka iyo kan baahan,
Oo ka samatabbixiya gacanta kuwa sharka leh.
5 Iyagu waxba ma yaqaaniin, waxna garan maayaan,
Oo gudcur bay hor iyo dib ugu socdaan,
Dhulka aasaaskiisii oo dhammu waa wada dhaqdhaqaaqay.
6 Waxaan idhi, Idinku waxaad tihiin ilaahyo,
Oo dhammaantiin waxaad tihiin Ilaaha uga sarreeya wiilashiisii.
7 Habase yeeshee waxaad u dhiman doontaan sida dadka oo kale,
Oo waxaad u dhici doontaan sida amiirrada midkood.
8 Ilaahow, sara joogso oo dhulka xukun,
Waayo, waxaad dhaxli doontaa quruumaha oo dhan.
Sanduuqii Axdiga Oo Lagu Celiyey Israa'iil
6 Oo sanduuqii Rabbiguna wuxuu waddankii reer Falastiin yiil toddoba bilood. 2 Markaas reer Falastiin waxay u yeedheen wadaaddadii iyo kuwii wax sheegi jiray, oo waxay ku yidhaahdeen, Sanduuqa Rabbiga maxaannu ku samaynaa? Bal noo sheega waxaannu ugu dirno meeshiisii. 3 Kolkaasay iyana waxay yidhaahdeen, Haddaad diraysaan sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil, isagoo madhan ha dirina; laakiinse si walba qurbaan xadgudub u celiya; oo dabadeedna waad bogsan doontaan, oo waxaad ogaan doontaan sababta gacantiisu idinkaga dhaqaaqi weyday. 4 Oo markaasay yidhaahdeen, Qurbaanka xadgudubka ee aannu u celin doonaa muxuu noqon doonaa? Oo iyana waxay yidhaahdeen, Madaxda reer Falastiin inta tiradoodu tahay oo dhammu ha bixiyeen shan kasoobax oo dahab ah, iyo shan jiir oo dahab ah; waayo, idinka iyo madaxdiinnaba isku belaayaa idinku wada dhacday. 5 Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad samaysaan kasoobaxyadiinnii taswiirtooda, iyo jiirarkii dalkiinna kharribay taswiirtood; oo waa inaad ammaantaan Ilaaha reer binu Israa'iil; waayo, waxaa suurtowda inuu gacantiisa idinka qaado, idinka, iyo ilaahyadiinna, iyo dalkiinnaba. 6 Haddaba maxaad qalbiyadiinna ugu adkaynaysaan sidii Masriyiintii iyo Fircoon qalbiyadooda u adkeeyeen oo kale? Oo markii uu cajaa'ibka weyn dhexdooda ku sameeyey, miyaanay dadkii sii dayn inay tagaan oo miyaanay ambabbixin? 7 Haddaba sidaas daraaddeed qaata oo diyaariya gaadhi cusub, iyo laba sac oo irmaan ee aan weligood harqood la saarin, oo sacaha gaadhiga ku xidha, weylahoodana ka soo celiya oo guriga keena; 8 markaas qaada sanduuqa Rabbiga oo saara gaadhiga, oo dahabka aad ugu celinaysaan qurbaankii xadgudubka aawadiisna intaad sanduuq ku riddaan dhinaciisa saara, oo markaas iska dira ha tagee. 9 Oo bal eega, haddii uu aado xagga xuduudkiisa iyo ilaa Beytshemesh, de markaas isagaa xumaantan weyn inagu sameeyey; haddii kalese waxaannu ogaanaynaa inaanay gacantiisii ahayn waxa ina laayay, ee uu ahaa wax iskaga keen dhacay. 10 Oo dadkiina sidii bay yeeleen, oo waxay soo wateen laba sac oo irmaan, oo waxay ku xidheen gaadhigii, oo weylahoodiina waxay ku xereeyeen guriga; 11 oo sanduuqii Rabbiga iyo sanduuqii ay ku jireen jiirarkii dahabka ahaa iyo taswiirtii kasoobaxyada waxay saareen gaadhigii. 12 Sacihiina waxay qaadeen jidkii toosnaa oo Beytshemesh, oo waxay tageen xagga jidkii weynaa iyagoo sii bunaaxinaya intii ay sii socdeen, oo midig iyo bidix toona uma ay leexan, oo madaxdii reer Falastiinna way daba socdeen ilaa soohdintii Beytshemesh. 13 Oo kuwii reer Beytshemeshna waxay dooxada ka goosanayeen sarreenkoodii; oo intay indhahoodii kor u qaadeen ayay arkeen sanduuqii, oo way ku reyreeyeen inay arkaan. 14 Oo gaadhigiina wuxuu soo galay beertii Yashuuca kii reer Beytshemesh, oo wuxuu istaagay meel dhagax weynu ku yiil; oo intay qoryihii gaadhiga jeexjeexeen ayay sacihiina Rabbiga ugu bixiyeen qurbaan la gubo aawadiis. 15 Markaasay kuwii reer Laawi soo dejiyeen sanduuqii Rabbiga, iyo sanduuqii isaga la jirayba ee alaabta dahabka ahu ku jirtay, oo waxay kor saareen dhagaxii weynaa; oo isla maalintaas ayaa dadkii reer Beytshemesh Rabbiga u bixiyeen qurbaanno la gubo iyo allabaryo. 16 Oo shantii madaxda ahayd oo reer Falastiinna markay arkeen ayay isla maalintaas Ceqroon ku noqdeen.
15 Haddaba goortaad aragtaan waxa baas oo hallaynta ah ee lagaga hadlay nebi Daanyeel, oo taagan meesha quduuska ah (kii akhriyaa ha garto), 16 markaas kuwa Yahuudiya joogaa, buuraha ha u carareen. 17 Kii guri fuushanuna yaanu u soo degin inuu wixii gurigiisa ku jira soo qaato. 18 Kii beerta joogaana yaanu dib ugu noqon inuu dharkiisa soo qaato. 19 Laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya. 20 Barya inaan cararkiinnu noqon wakhtiga qabowga ama sabtida. 21 Waayo, markaas waxaa jiri doona dhib weyn sida mid aan jirin tan iyo dunida bilowgeedii ilaa hadda, mana jiri doonto weligeed. 22 Oo haddaan wakhtigaas la gaabin ninna ma uu badbaadeen, laakiin kuwa la doortay aawadood ayaa wakhtigaas loo gaabin doonaa. 23 Maarkaas haddii laydinku yidhaahdo, Waa kan Masiixa ama waa kaas, ha rumaysanina. 24 Waayo, waxaa kici doona Masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, oo waxay samayn doonaan calaamooyin waaweyn iyo yaabab, si ay xataa kuwa la doortay u khiyaaneeyaan hadday u suurtowdo. 25 Bal eega, horaan idiinku sheegaye. 26 Haddaba hadday idinku yidhaahdaan, Bal eega, wuxuu joogaa cidlada, ha u bixina. Bal eega, wuxuu joogaa qolalka qarsoon, ha rumaysanina. 27 Waayo, sida hillaacu bari uga yimaado oo u ifiyo galbeed, sidaas oo kale ayaa imaatinka Wiilka Aadanahu ahaan doonaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya