Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

M’Cheyne Bible Reading Plan

The classic M'Cheyne plan--read the Old Testament, New Testament, and Psalms or Gospels every day.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Tirintii 5

Daahirkii Xerada

Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Waxaad reer binu Israa'iil amar ku tidhaahdaa, Xerada ka saara mid kasta oo baras qaba, iyo mid kasta oo dheecaan ka dareera, iyo mid kasta oo meyd ku nijaasoobay. Oo waa inaad rag iyo dumarba bixisaan, oo aad xerada dibaddeeda geeysaan si aanay u nijaasayn xeradooda aan anigu dhex deggan ahay. Oo reer binu Israa'iilna sidaasay yeeleen, oo iyagii xerada dibaddeeday geeyeen, oo sidii Rabbigu Muuse kula hadlay ayaa reer binu Israa'iil yeeleen.

Magdhawgii Xadgudubka

Oo haddana ayaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin ama naagu ay galaan dembi ay dadku galaan, oo ay Rabbiga ku xadgudbaan, oo ay naftaasu sidaas eed ku lahaato, markaas waa inay qirtaan dembigoodii ay sameeyeen. Oo wixii uu ku xadgudbay waa inuu dhammaan u magdhabaa, oo weliba ku sii daraa shan meelood meesheed, oo siiyaa kii uu ku xadgudbay. Laakiinse ninku hadduusan lahayn xigto xadgudubkii mag laga siiyo, markaas magta xadgudubka ee Rabbiga loo bixiyo waxaa lahaan doona wadaadka; oo weliba waxaa wehliya wanka kafaaraggudka oo isaga aawadiis loogu kafaaro gudo. Oo qurbaan kasta oo sare loo qaado oo ah waxyaalaha quduuska ah oo dhan ee ay reer binu Israa'iil wadaadka u keenaan waa in isagu lahaadaa. 10 Oo nin walba waxyaalihiisa quduuska ah waa in wadaadku lahaadaa, oo wax alla wixii nin wadaadka siiyana isagu waa inuu lahaadaa.

Imtixaamiddii Naagta Aan Aamminka Ahayn

11 Oo haddana ayaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 12 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin naagtiis isaga ka tagto oo ay ku xadgudubto, 13 oo haddii nin kale la jiifsado oo waxaas ninkeedii laga qariyo oo qarsoodi loo haysto, oo ay naagtaasu sidaas ku nijaasowdo, laakiinse markhaati loo waayo iyada, amase aan iyada lagu qaban samayntii, 14 oo markaas haddii masayr ku soo dego ninka oo uu naagtiisa ka masayro oo ay iyadu nijaasowday, amase haddii masayr ku soo dego oo uu naagtiisa ka masayro oo ayan iyadu nijaasoobin, 15 markaas ninku waa inuu naagtiisa wadaadka u keenaa, oo iyada aawadeed qurbaan ugu keenaa eefaah toban meelood loo qaybiyey meeshiis bur shaciir ah. Isagu waa inuusan saliidna ku shubin amase foox saarin, waayo, taasu waxa weeye qurbaankii masayrka, waana qurbaan xusuuseed oo dembiga lagu soo xusuusto. 16 Markaas wadaadku waa inuu iyada soo dhoweeyaa oo Rabbiga hortiisa keenaa. 17 Oo markaas wadaadku waa inuu biyo quduus ah weel dhoobo ah ku qaadaa, oo ciidda taambuugga dhulkiisa taalna waa in wadaadku qaadaa oo biyaha ku shubaa, 18 oo markaas waa in wadaadku naagta keenaa Rabbiga hortiisa, oo naagta timaheeduna ha furfurnaadaan, oo qurbaankii xusuuseedna gacmaheeda ha ku rido, kaasoo ah qurbaankii masayrka. Wadaadkuna gacanta ha ku haysto biyaha qadhaadhka ah oo habaarka kiciyo. 19 Oo markaas wadaadku iyada ha dhaariyo, oo ha ku yidhaahdo naagta, Hadduusan nin kale kula jiifsan, oo aadan nijaaso ku leexan, adoo ninkaaga ka dambayn lahaa, ka xorow biyahan qadhaadhka ah oo habaarka kiciyo, 20 laakiinse haddaad gees u leexatay adigoo ninkaaga ka dambayn lahaa, oo aad markaas nijaasowday, oo haddii nin kale kula jiifsaday ninkaaga mooyaane, 21 markaas wadaadku waa inuu naagta ku dhaariyaa dhaar habaar ah, oo wadaadku naagta ha ku yidhaahdo, Markuu Rabbigu bowdadaada hilib beeliyo oo uu calooshaada barariyo, dadkaaga dhexdiisa ha kaaga dhigo habaar iyo dhaar, 22 oo biyahan habaarka kiciyaa way ku geli doonaan, oo calooshaaday bararin doonaan, bowdadaadana way hilib beelin doonaan. Oo naagtuna waa inay tidhaahdaa, Aamiin, Aamiin. 23 Oo wadaadkiina waa inuu habaarradaas buug ku qoraa, oo uu biyaha qadhaadhka ah ku baabbi'iyaa. 24 Oo waa inuu naagta cabsiiyaa biyaha qadhaadhka ah oo habaarka kiciya, oo biyaha habaarka kiciyaa ayaa iyada geli doona oo qadhaadh bay noqon doonaan. 25 Oo markaas wadaadku waa inuu qurbaankii masayrka naagta gacanteeda ka qaadaa oo Rabbiga hortiisa ku ruxruxaa, oo markaas waa inuu meesha allabariga keenaa. 26 Oo markaas wadaadku waa inuu qaadaa cantoobo muggeed oo qurbaanka xusuuseed ah, oo waa inuu meesha allabariga ku dul gubaa, oo haddana naagta biyaha cabsiiyaa. 27 Oo markuu iyada biyaha cabsiiyo markaas hadday iyadu nijaasowday, oo ay ninkeeda ku xadgudubtay, biyaha habaarka kiciya iyaday geli doonaan oo qadhaadh bay noqon doonaan, oo caloosheedu way barari doontaa oo bowdadeeduna way hilib beeli doontaa; oo naagtu waxay dadkeeda ku dhex ahaan doontaa habaar. 28 Laakiinse naagtu haddaanay nijaasoobin illowse ay daahir tahay, markaas iyadu xor bay ahaanaysaa, wayna uuraysanaysaa. 29 Kanu waa sharciga ku saabsan masayrka haddii naagu iyadoo ninkeeda ka dambayn lahayd ka leexato oo ay nijaasowdo, 30 ama haddii masayr ku soo dego nin, oo uu naagtiisa ka masayro, de markaas waa inuu naagta Rabbiga hor keenaa, oo wadaadku waa inuu iyada sharcigaas oo dhan ku oofiyaa. 31 Oo markaas ninku dembi xor buu ka ahaanayaa, oo naagtaasuna dembigeeda way qaadan doontaa.

Sabuurradii 39

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey Yeduutuun oo ahaa madaxdii muusikaystayaasha.

39 Waxaan idhi, Jidadkaygaan iska jiri doonaa,
Si aanan carrabkayga ugu dembaabin,
Oo afkayga waxaan ku qaban doonaa xakame inta kii shar lahu i hor joogo.
Waan carrab beelay oo shib baan iska idhi, oo waan ka aamusay xataa wixii wanaagsanaa,
Tiiraanyadaydiina waa kacday.
Qalbigaygu uurkayguu ku kululaaday,
Oo intii aan fikirayay ayaa dabkii shidmay,
Markaasaan carrabkaygii ku hadlay, oo idhi,
Rabbiyow, i ogaysii ugu dambaystayda
Iyo cimrigayga dhererkiisu intuu yahay,
Oo i ogaysii inta tabardarradaydu tahay.
Bal eeg, maalmahayga waxaad ka dhigtay calaacal ballaadhkeed
Oo cimrigayguna hortaada waxba kuma aha,
Hubaal nin kastaba marka xaalkiisu ugu wanaagsan yahay dhammaantiis waa bilaash. (Selaah)
Hubaal nin kastaaba wuxuu ku socdaa hawo been ah,
Hubaal waxay ku rabshaysan yihiin hawo been ah,
Isagu maal buu tuulaa, mana uu yaqaan kii urursan doona.
Haddaba Sayidow, bal maxaan sugaa?
Waayo, rajadaydu adigay kugu xidhan tahay.
Xadgudubyadayda oo dhan iga samatabbixi,
Oo ha iga dhigin mid nacasyadu caayaan.
Anigu waan carrab la'aa, oo afkaygana ma aan kala qaadin,
Maxaa yeelay, sidaasaad yeeshay.
10 Haddaba belaayadaada iga durki,
Maxaa yeelay, waxaa i baabbi'iyey weerarka gacantaada.
11 Markaad dadka canaanta ku edbisid xumaanta daraaddeed,
Waxaad quruxdiisa ka dhigtaa inay u baabba'do sidii balanbaallis oo kale,
Hubaal nin kastaaba waa bilaash. (Selaah)
12 Rabbiyow, baryadayda maqal, oo qayladaydana dhegta u dhig,
Oo ilmadaydana ha iskaga aamusin,
Waayo, waxaan ahay qariib kula jooga
Oo masaafir ah, sidii awowayaashay oo dhammu ay ahaan jireen.
13 Ii tudh, itaalkaygu mar ha igu soo noqdee,
Intaanan meesha tegin oo aanan mar dambe ka soo noqonayn.

Gabaygii Sulaymaan 3

Goor habeennimo ah ayaan sariirtayda ka doondoonay kan naftaydu jeceshahay.
Waan doondoonay, laakiinse ma aanan helin.
Haddaba waan kacayaa, oo magaaladaan dhex wareegayaa,
Oo dariiqyada iyo jidadka waaweyn
Ayaan ka dhex goobayaa kan naftaydu jeceshahay.
Waan doondoonay laakiinse ma aanan helin.
Waxaa i helay waardiyayaashii magaalada dhex warwareegayay,
Oo anna waxaan ku idhi, Kan naftaydu jeceshahay ma aragteen?
Oo kolkaan iyagii in yar sii dhaafay
Ayaan helay kii naftaydu jeceshahay.
Waan qabtay, mana sii dayn,
Ilaa aan isaga gurigii hooyaday keenay,
Oo aan qolladdii tii i uuraysatay geliyey.
Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa
Cawsha iyo deerada duurka
Inaydaan jacayl kicin ama aydaan toosin
Ilaa uu doono.
Waa kuma kan cidlada uga soo baxaya sida tiirar qiiq ah?
Oo ay malmalka, iyo fooxa,
Iyo dhirta udgoon ee baayacmushtariga oo dhammu ka carfayaan?
Bal eeg, waa sariirta Sulaymaan lagu qaadee.
Lixdan nin oo xoog badan oo ka mid ah kuwa xoogga badan ee reer binu Israa'iil
Ayaa hareereheeda ku wareegsan.
Kulligood seefta aad bay u yaqaaniin, waana wada dagaalyahan.
Ninkood kastaba seeftiisii dhexday ugu xidhan tahay,
Cabsida habeenka aawadeed.
Boqor Sulaymaan wuxuu kursi la qaado
Ka samaystay qoryihii Lubnaan.
10 Tiirarkiisii lacag buu ka dhigay,
Hoostiisiina dahab buu ka dhigay, oo meeshuu fadhiistayna guduud buu ka dhigay,
Oo dhexdiisiina gabdhaha reer Yeruusaalem ayaa jacayl ku sharraxay.
11 Gabdhaha reer Siyoonow, bal baxa, oo Boqor Sulaymaan eega,
Isagoo qaba taajkii hooyadiis madaxa u saartay maalintii arooskiisa,
Iyo maalintii qalbigiisu faraxsanaa.

Cibraaniyada 3

Ciise Masiix Waa Ka Sarreeyaa Muuse

Haddaba walaalaha quduuska ah oo ka qayb gala yeedhniinta jannadow, u fiirsada Ciise oo ah Rasuulka iyo Wadaadka sare ee iimaanka aynu qiranno. Aamin buu u ahaa kan doortay, sidii Muuseba gurigiisii oo dhan aaminka ugu ahaa. Waayo, waxaa isaga lagu tiriyey inuu istaahilo ammaan ka badan tii Muuse, sida kan guriga dhisa uga murwad badan yahay guriga. Waayo, guri walba mid baa dhisay, laakiin kan wax walba dhisay waa Ilaah. Oo runtii Muuse gurigiisa oo dhan aamin buu ugu ahaa sida midiidin, inuu markhaati u ahaado waxyaalaha mar dambe lagu hadli doono. Laakiin Masiix aamin buu u ahaa sida wiil gurigiisa ka sarreeya; oo gurigiisu waa innaga haddaynu ilaa ugu dambaysta dhiirranaanteenna iyo faanka rajadeenna aad u xajinno. Haddaba waa sidan waxa Ruuxa Quduuska ahi leeyahay,

Maanta haddaad codkiisa maqashaan,
Qalbiyadiinna ha adkaynina sidii wakhtigii dhirifka,
Sidii maalintii jirrabaadda ee cidlada dhexdeeda,
Meeshii ay awowayaashiin igu jirrabeen, oo ay igu tijaabiyeen,
Oo ay afartanka sannadood shuqulladaydii ku arkeen.
10 Taas daraaddeed qarnigan waan u cadhaysnaa,
Oo waxaan idhi, Had iyo goorba qalbigooday ka qaldamaan,
Oo iyagu ma ay aqoon jidadkaygii.
11 Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan ayaan waxaan ku dhaartay,
Iyagu nasashadayda ma geli doonaan.

Waa Inaynu Iimaankeenna Xajinno Ilaa Ugu Dambaysta

12 Iska jira, walaalayaalow. Yaanu qalbi shar leh oo aan rumaysad lahayni midkiinna ku jirin, idinkoo Ilaaha nool ka dheeraanaya. 13 Laakiin maalin kasta iswaaniya, intii la odhanayo, Maanta, inuusan midkiinna ku engegin khiyaanada dembiga. 14 Waayo, waxaynu noqonnay kuwa Masiix ka qayb qaatay, haddaynu aad u xajinno bilowgii kalsoonaanteenna ilaa ugu dambaysta, 15 inta la leeyahay,

Maanta haddaad codkiisa maqashaan,
Qalbiyadiinna ha adkaynina sidii wakhtigii dhirifka.

16 Waayo, yaa, markay maqleen, Ilaah ka dhirfiyey? Miyaanay ahayn kulligood kuwii Muuse ka keenay Masar? 17 Oo yuu afartan sannadood u cadhaysnaa? Miyaanay ahayn kuwii dembaabay oo meydadkoodu cidlada ku dhacdhaceen? 18 Oo yuu ku dhaartay inaanay nasashadiisa gelin, kuwii isaga addeeci waayay mooyaane? 19 Oo waxaynu aragnaa inaanay geli karin rumaysaddarro aawadeed.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya