Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

M’Cheyne Bible Reading Plan

The classic M'Cheyne plan--read the Old Testament, New Testament, and Psalms or Gospels every day.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Laawiyiintii 9

Wadaaddadii Oo Bilaabay Shaqadooda

Oo maalintii siddeedaad ayaa Muuse u yeedhay Haaruun iyo wiilashiisii, iyo odayaashii reer binu Israa'iil, oo wuxuu Haaruun ku yidhi, Waxaad keentaa dibi yar oo ah qurbaan dembi, iyo wan ah qurbaan la gubo oo aan innaba iin lahayn, oo iyaga Rabbiga hortiisa ku bixi. Oo reer binu Israa'iilna la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaad keentaan orgi ah qurbaan dembi, iyo weyl iyo wan oo labadooduba gu jiraan oo aan innaba iin lahayn oo qurbaan la gubo ah. Oo dibi iyo wanna waxaad u keentaan qurbaanno nabaadiino in Rabbiga hortiisa allabari ahaan loogu bixiyo, iyo qurbaan hadhuudh ah oo saliid lagu daray, waayo, maanta ayaa Rabbigu idiin muuqan doonaa. Oo iyana waxay teendhadii shirka horteeda keeneen wixii Muuse amray, markaasay dadkii ururkii oo dhammu soo dhowaadeen oo Rabbiga hortiisa istaageen. Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray inaad samaysaan, oo waxaa idiin muuqan doona Rabbiga ammaantiisa. Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, Meesha allabariga u dhowow, oo waxaad bixisaa qurbaankaaga dembiga iyo qurbaankaaga la gubo, oo nafsaddaada kafaaraggud u samee, iyo weliba dadka aawadiis, oo waxaad bixisaa dadka qurbaankiisii oo iyaga kafaaraggud ugu samee sidii Rabbigu amray. Sidaas daraaddeed ayuu Haaruun u soo dhowaaday meeshii allabariga, oo wuxuu gowracay weylkii isaga nafsaddiisa u ahaa qurbaanka dembiga. Oo wiilashii Haaruun ayaa isagii u keeneen dhiiggii, oo isna fartiisii ayuu dhiiggii daray oo wuxuu mariyey geesihii meesha allabariga, oo dhiigga intiisii kalena wuxuu ku ag shubay salkii meesha allabariga. 10 Laakiinse xaydhii, iyo kelyihii, iyo xuubkii laga soo gooyay beerkii qurbaanka dembiga wuxuu ku dul gubay meesha allabariga sidii Rabbigu Muuse ku amray. 11 Oo hilibkii iyo haraggiina wuxuu ku gubay meel xerada dibaddeeda ah. 12 Oo haddana wuxuu gowracay neefkii qurbaanka la gubo ahaa, markaasaa wiilashii Haaruun waxay isagii u keeneen dhiiggii, oo isna wuxuu ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga. 13 Oo haddana waxay isagii u keeneen neefkii qurbaankii la gubo oo cad cad ah iyo madaxii neefka, oo isna wuxuu ku dul gubay meesha allabariga. 14 Markaasuu biyo ku maydhay uurkujirtii iyo addimmadii, oo wuxuu ku dul gubay qurbaankii la gubayay oo meesha allabariga saarnaa. 15 Oo haddana wuxuu keenay qurbaankii dadka, oo wuxuu soo waday ridii dadka u ahayd qurbaankii dembiga, wuuna gowracay oo u bixiyey dembi aawadiis, siduu kan hore yeelay. 16 Oo haddana wuxuu keenay neefkii qurbankii la gubo ahaa, oo si qaynuunka waafaqsan ayuu u bixiyey. 17 Oo haddana wuxuu keenay qurbaankii hadhuudhka, markaasuu cantoobo muggeed ka qaaday oo ku dul gubay meesha allabariga, kaasoo ka gooni ah qurbaankii la gubayay oo subaxnimada. 18 Oo weliba wuxuu gowracay dibigii iyo wankii ahaa allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo dadka aawadiis loo bixinayay; oo markaasay wiilashii Haaruun isagii u keeneen dhiiggii, oo isna wuxuu ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga. 19 Markaasay keeneen baruurtii dibiga iyo tii wanka, iyo badhidii, iyo xaydhii gudaha ku duubnayd, iyo kelyihii, iyo xuubkii beerka. 20 Markaasay baruurtii saareen sakaarradii, oo isna baruurtii buu ku dul gubay meeshii allabariga. 21 Kolkaasaa Haaruun Rabbiga hortiisa qurbaan la ruxruxo ugu ruxruxay sakaarradii iyo bowdadii midig, sidii Muuse amray. 22 Markaasaa Haaruun gacmihiisii ku soo taagay dadka xaggiisii, oo wuu u duceeyey iyagii; markaasuu ka soo degtay bixintii uu bixinayay qurbaankii dembiga, iyo qurbaankii la gubayay, iyo qurbaannadii nabaadiinada. 23 Markaasay Muuse iyo Haaruun teendhadii shirka galeen, oo haddana way ka soo bexeen oo dadkii u duceeyeen; kolkaasaa ammaantii Rabbigu dadkii oo dhan u muuqatay. 24 Oo Rabbiga hortiisa waxaa ka yimid dab, oo meesha allabariga dusheedii ayuu ku baabba'saday qurbaankii la gubayay iyo baruurtii, oo dadkii oo dhammuna markay taas arkeen ayay qayliyeen oo wejigooda u dheceen.

Sabuurradii 10

10 Rabbiyow, maxaad meesha fog u istaagtay?
Oo maxaad u dhuumataa markii dhibaato jirto?
Kii shar leh oo kibir badan ayaa miskiinka si kulul u eryada,
Xeeladdii ay hindiseen iyaga ha la rogmato.
Waayo, kii shar lahu wuxuu ku faanaa waxa qalbigiisu jecel yahay,
Oo kii damaci ahuna Rabbiga wuu nacaa, wuuna quudhsadaa.
Kii shar lahu isagoo wejigiisa kibir ka muuqdo wuxuu yidhaahdaa,
Isagu waxba i weyddiisan maayo.
Fikirradiisa oo dhammu waxaa weeye, Ilaah ma jiro.
Jidadkiisuu ku adag yahay had iyo goorba,
Xukummadaaduna waa ka sarreeyaan isaga, waana ka fog yihiin,
Oo cadaawayaashiisa oo dhanna wuu wada fudaydsadaa.
Oo wuxuu isyidhaahdaa, Anigu weligay dhaqdhaqaaqi maayo,
Oo tan iyo ka ab ka ab xumaanu i heli mayso.
Afkiisa waxaa ka buuxa habaar iyo khiyaano iyo dulmi,
Oo carrabkiisana waxaa ku hoos jira belaayo iyo xumaan.
Isagu wuxuu fadhiistaa tuulooyinka meelahooda lagu dhuunto,
Oo kan aan xaqa qabinna wuxuu ku dilaa meelaha qarsoon,
Oo indhihiisuna waxay si qarsoon hoos uga fiiriyaan miskiinka.
Isagu wuxuu ku dhuuntaa meel qarsoon sida libaax godkiisa ku jira,
Oo wuxuu u gaadaa inuu miskiinka qabsado,
Oo intuu miskiinka qabsado ayuu ku soo jiitaa shabaggiisa.
10 Wuu foororsadaa, oo hoos isu gaabiyaa,
Oo masaakiinta waxaa ridda gacanta kuwiisa xoogga badan.
11 Oo wuxuu isyidhaahdaa, Ilaah waa i illoobay,
Oo wejigiisiina wuu qariyey, weligiisna ima arki doono.
12 Rabbiyow, Ilaahow, sara joogso, oo gacantaada kor u qaad,
Oo masaakiinta ha illoobin.
13 Bal kii shar lahu muxuu Ilaah u quudhsadaa?
Oo muxuu qalbigiisa uga leeyahay, Adigu waxba i weyddiisan maysid?
14 Waxaas baad aragtay, waayo, waad u jeeddaa belaayada iyo xanaaqa, inaad gacantaada ku aargudatid aawadeed,
Miskiinku adiguu isu kaa dhiibaa,
Waayo, adigu waxaad tahay agoonka kaalmeeyihiisa.
15 Kii shar leh gacantiisa jebi,
Oo sharrowga xumaantiisana doondoon ilaa aad mid dambe weydid.
16 Rabbigu waa boqor weligiis iyo weligiisba,
Oo quruumaha oo dhammuna dalkiisa way ka wada baabba'aan.
17 Rabbiyow, waad maqashay waxay kuwa is-hoosaysiiyaa doonayaan,
Oo qalbigooda waad diyaarin doontaa, oo dhegtaadana waad u dhigi doontaa,
18 Si aad gartooda u naqdid agoonta iyo kuwa la dulmay,
Si aan dadka dunidu mar dambe u noqon kuwo laga cabsado.

Maahmaahyadii 24

24 Dad shar leh ha ka masayrin,
Hana jeclaysan inaad iyaga la joogtid.
Waayo, qalbigoodu wuxuu ka fikiraa kharribaad,
Oo bushimahooduna waxay ku hadlaan belaayo.
Guri wuxuu ku dhismaa xigmad,
Wuxuuna ku taagnaadaa waxgarasho,
Qawladuhuna aqoontay kaga buuxsamaan
Maal kasta oo qaali ah oo qurux badan.
Ninkii caqli lahu xoog buu leeyahay,
Oo ninkii aqoon lahuna itaal buu sii korodhsadaa.
Waayo, waa inaad talo wanaagsan ku dagaallantaa,
Oo waxaa taliyayaal badan la jirta nabadgelyo.
Xigmaddu nacaska way ka dheer tahay,
Isagu xagga iridda afkiisa kuma kala qaado.
Kii ku fikira inuu xumaan sameeyo,
Waxaa loogu yeedhi doonaa belaayo-sameeye.
Fikirka nacasnimadu waa dembi,
Kii wax quudhsadaana waa u karaahiyo dadka.
10 Maalinta dhibaatada haddaad liicdid,
Itaalkaagu waa yar yahay.
11 Samatabbixi kuwa dhimashada loo wadayo,
Kuwa ku dhow in la gowracona dib uga qabo.
12 Haddaad tidhaahdid, Bal eeg, waxan ma aannu garanayn,
Kan qalbiyada miisaamaa miyaanu ka fiirsanayn?
Oo kan naftaada dhawraa miyaanu ogayn?
Oo miyaanu isagu nin walba ugu abaalgudayn sida shuqulkiisu yahay?
13 Wiilkaygiiyow, malab cun, waayo, wuu wanaagsan yahay,
Oo waxaad cuntaa awlallada malabka, taas oo kuu dhadhan macaan.
14 Oo xigmadda aqoonteeduna sidaasoo kalay naftaada u ahaan doontaa,
Oo haddaad iyada heshid waxaa jiri doona abaalgud,
Oo rajadaaduna ma go'i doonto.
15 Sida nin shar leh, ha u gabban kan xaqa ah gurigiisa,
Oo rugtiisa nasashadana ha kharribin.
16 Waayo, nin xaq ahu toddoba goor buu dhacaa, wuuna soo sara kacaa haddana,
Laakiinse kuwa sharka leh waxaa lagu afgembiyaa belaayo.
17 Ha rayrayn markuu cadowgaagu dhaco,
Oo qalbigaaguna yaanu farxin markuu turunturoodo,
18 Waayo, waaba intaas oo Rabbigu taas arkaa, oo ay shar la ahaato indhihiisa,
Oo uu dabadeedna cadhadiisa ka soo celiyaa isaga.
19 Xumaanfalayaasha aawadood ha isku dhibin,
Kuwa sharka lehna ha ka masayrin,
20 Waayo, kii shar leh abaalgud ma heli doono,
Oo laambadda xumaanfalayaashana waa la bakhtiin doonaa.
21 Wiilkaygiiyow, Rabbiga iyo boqorkaba ka cabso,
Oo ha ku darsamin kuwa isrogrog badan,
22 Waayo, belaayadoodu si degdeg ah ayay u soo kici doontaa,
Oo bal yaa yaqaan baabbi'inta labadoodaba?

Erayada Kale Oo Kuwa Caqliga Leh

23 Oo weliba waxyaalahanuna waa wixii ay kuwa caqliga lahaa yidhaahdeen.
In dadka garsooridda loogu kala eexdaa ma wanaagsana.
24 Kii kan shar leh ku yidhaahda, Xaq baad tahay,
Dadyowga ayaa habaari doona, oo quruumuhuna way karhi doonaan isaga,
25 Laakiinse kuwii isaga canaantaa farxad bay yeelan doonaan,
Oo dushoodana waxaa ku soo degi doonta barako wanaagsan.
26 Kii jawaab qumman ku jawaabaa
Bushimuhuu dhunkadaa.
27 Shuqulkaaga dibadda ku hagaajiso,
Oo beerta ku diyaarso,
Oo dabadeedna gurigaaga dhiso.
28 Deriskaaga sababla'aan markhaati ha ku furin,
Oo bushimahaagana ha ku khiyaanayn.
29 Hana odhan, Wixii uu igu sameeyey oo kale ayaan ku samayn doonaa,
Oo ninkii sidii shuqulkiisu ahaa ayaan u abaalmarin doonaa.
30 Waxaan ag maray ninka caajiska ah beertiisa,
Iyo ninka garaadka daran beercanabkiisa,
31 Oo bal eeg, kulligood waxaa ka baxay qodxan,
Oo dhammaantoodna waxaa qariyey maraboob,
Oo derbigoodii dhagaxa ahaana waa dumay.
32 Markaasaan eegay oo aad uga fiirsaday,
Waan fiiriyey oo wax ka bartay.
33 Weliba in yar baad seexanaysaa, oo in yar baad gam'aysaa,
Oo in yar baad gacmaha hurdo u laabaysaa,
34 Haddaba caydhnimo waa kuu iman doontaa sida tuug oo kale,
Oo baahina sida nin hub sita oo kale.

1 Tesaloniika 3

Wixii Timoteyos Loo Soo Diray

Sidaas daraaddeed markii aannu is-hayn kari waynay, way nala wanaagsanayd inaannu keliyahaantayo Ateenay ku hadhno; oo waxaannu idiin soo dirnay walaalkayo Timoteyos, oo ah midiidinka Ilaah xagga injiilka Masiixa, inuu idin xoogeeyo oo idin dhiirrigeliyo xagga rumaysadkiinna, inaan dhibaatooyinkani ninna dhaqdhaqaajin, waayo, idinka qudhiinnuba waad ogsoon tihiin in tan lanoo doortay. Waayo, markii aannu idinla joognay, horaannu idiinku sii sheegnay inaannu dhibtoonayno; waana sida ay noqotay, idinkuna waad og tihiin. Sababtaas daraaddeed markii aan is-hayn kari waayay, waxaan idiinku soo cid diray inaan rumaysadkiinna ogaado, waaba intaasoo kii wax jirrabi jiray idin jirrabay oo hawshayadii wax aan waxtar lahayn noqotaye. Laakiinse haatan markii Timoteyos nooga kiin yimid, wuxuu noo keenay warka wanaagsan oo ku saabsan rumaysadkiinna iyo jacaylkiinna, iyo inaad kol kasta si wanaagsan noo xusuusataan idinkoo xiiso u qaba inaad na aragtaan sida aannu annaguba xiiso ugu qabno inaannu idin aragno; sababtaas daraaddeed, walaalayaalow, dhibkayagii iyo qaxarkayagii oo dhan waxaannu kaga qalbi qabownay xaggiinna, rumaysadkiinna aawadiis; maxaa yeelay, haatan annagu waa nool nahay haddaad xagga Rabbiga ku xoogaysataan. Waayo, mahad intee le'eg baannu Ilaah ugu naqi karnaa idinka aawadiin iyo farxaddii oo dhan oo aannu ku faraxnay Ilaahayaga hortiisa idinka aawadiin? 10 Habeen iyo maalinba aad iyo aad baannu Ilaah u baryaynaa inaannu wejigiinna aragno oo aannu dhammaystirno waxa ka dhiman rumaysadkiinna.

11 Haddaba Ilaaha ah Aabbeheenna iyo Rabbigeenna Ciise qudhiisu jidkayaga xaggiinna ha ku soo toosiyeen. 12 Rabbigu ha idiin kordhiyo oo ha idiin badiyo jacaylka midkiinba midka kale u qabo iyo dadka kale oo dhanba, sida aan annaguba idiin jecel nahay, 13 inuu xoogeeyo qalbiyadiinna iyagoo aan ceeb lahayn oo quduusnimo ku jira Ilaaheenna oo ah Aabbeheenna hortiisa, goortii Rabbigeenna Ciise la yimaado quduusiintiisa oo dhan.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya