Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

M’Cheyne Bible Reading Plan

The classic M'Cheyne plan--read the Old Testament, New Testament, and Psalms or Gospels every day.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Laawiyiintii 13

Qaynuunnadii Baraska

13 Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi, Haddii qof jidhkiisa lagu arko barar, ama qolof, ama bar dhalaalaysa, oo ay jidhkiisa ku noqoto cudurkii baraska, markaas waa in loo keenaa wadaadka Haaruun ah, amase wiilashiisa wadaaddada ah midkood, oo wadaadku waa inuu fiiriyaa cudurka jidhka ku yaal, oo haddii meesha cudurka leh timaheedu ay caddaadeen, oo cudurka muuqashadiisu ay dubka sare hoos u sii dhaafsiisan tahay, markaas waa cudurkii baraska, oo wadaadku waa inuu fiiriyaa oo yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay. Laakiinse haddii barta dhalaalaysaa ay jidhka sare ka cad dahay, oo muuqashadeeduna ayan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn, oo meeshaas timaheeduna ayan caddaan, markaas waa in wadaadku qofkaas cudurka qaba karantiilaa intii toddoba maalmood ah. Oo haddana wadaadku maalinta toddobaad waa inuu isaga fiiriyaa, oo bal eeg, hadduu indhihiisa ku arko in cudurku joogsaday oo uusan dubka sare ku sii faafin, markaas waa in wadaadku qofkaas sii karantiilaa toddoba maalmood oo kale. Oo haddana maalinta toddobaad waa in wadaadku fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurkii yaraaday oo uusan dubka sare ku sii faafin, markaas wadaadku ha yidhaahdo, Ninkanu waa daahir, oo meeshu waa qolof keliya, oo isna dharkiisa ha maydho oo daahir ha ahaado. Laakiinse qoloftu hadday jidhka ku sii faafto markii u daahirintiisa aawadeed wadaadka isu tuso dabadeed, waa inuu wadaadka mar kale istusaa. Oo wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii qoloftu ay jidhka ku faafto, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa baras.

Oo haddii nin cudurka baraska qabo waa in wadaadka loo keenaa, 10 oo wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii dubka sare barar cadu ku yaal, oo meeshaas timaheeduna ay caddaadeen, oo bararkana haddii boog xun ku dhex taal, 11 kaasu waa baras gaboobay oo dubka jidhka ku dhex jira, oo wadaadku kaas waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, oo isaga waa inuusan karantiilin, waayo, isagu waa nijaas. 12 Oo haddii barasku dubka ku faafo, oo uu barasku kan cudurka qaba dubkiisa oo dhan qariyo tan iyo madaxiisa iyo ilaa cagihiisa, in alla intii wadaadka u muuqata, 13 markaas wadaadku waa inuu qofkaas fiiriyaa, oo bal eeg, haddii barasku jidhkiisa oo dhan ku faafay, markaas isagu kan cudurka qaba waa inuu ku yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir, waayo, isagu wuu wada caddaaday oo waa daahir. 14 Laakiinse mar alla markii boog xumu isaga ka muuqdo, waa inuu nijaas ahaadaa. 15 Oo wadaadku waa inuu boogtii xumayd fiiriyaa oo waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, boogta xumu waa nijaas oo waa baras. 16 Oo boogta xumu hadday mar kale beddelanto oo caddaato, markaas isagu waa inuu wadaadka u yimaadaa, 17 oo wadaadkuna waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurkii caddaaday, markaas wadaadku kan cudurka qabi jiray ha ku yidhaahdo, Waa daahir, isagu waa daahir.

18 Oo haddii jidhku kasoobax ku leeyahay dubka sare oo uu bogsaday, 19 oo kasoobaxa meeshuu ku yaal haddii lagu arko barar cad ama bar dhalaalaysa oo ah guduud caddaan ku jiro, markaas waa in wadaadka la tusaa. 20 Oo wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii muuqashadeedu hoos u sii dhaafsiisan tahay dubka sare oo meeshaas timaheeduna ay caddaadeen, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, taasu waa cudurkii baraska oo soo baxay. 21 Laakiinse haddii wadaadku fiiriyo, oo meeshaas timo cad laga waayo, oo nabarkuna uusan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn, illowse uu sii yaraaday, markaas waa in wadaadku karantiilaa intii toddoba maalmood ah, 22 oo haddii cudurku dubka sare ku sii faafo, markaas wadaadku ha yidhaahdo, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa cudur. 23 Laakiinse bartii dhalaalaysay hadday meesheedii ku joogsatay oo ayan sii faafin, markaas waa astaantii kasoobaxii ka hadhay, oo wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir.

24 Amase haddii dubka jidhku dab ku gubto oo jidhkii gubtay uu noqdo bar dhalaalaysa oo ah guduud caddaan ku jiro, amase caddaan, 25 markaas wadaadku waa inuu meeshaas fiiriyaa, oo bal eeg, barta dhalaalaysa timaheedu hadday caddaadeen oo nabarka muuqashadiisuna ay dubka sare hoos u sii dhaafsiisan tahay, waa baras kaasu, oo wuxuu ka soo dhex baxay meeshii gubatay, oo wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa cudurkii baraska. 26 Laakiinse haddii wadaadku fiiriyo, oo barta dhalaalaysa laga waayo timo cad, oo nabarkuna uusan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn laakiinse uu yaraaday, markaas wadaadku waa inuu qofkaas karantiilaa intii toddoba maalmood ah. 27 Oo maalinta toddobaad waa in wadaadku qofkaas fiiriyaa, oo haddii nabarku dubka sare ku faafay, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa cudurkii baraska. 28 Laakiinse bartii dhalaalaysay hadday meesheedii ku joogsatay, oo ayan dubka sare ku sii faafin, illowse ay yaraatay, markaas waa bararkii meeshii gubatay, oo wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir, waayo, taasu waa astaantii gubashada.

29 Haddii nin ama naagu ay cudur ku yeeshaan madaxa amase gadhka, 30 markaas wadaadku waa inuu cudurka fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurka muuqashadiisu ay dubka sare hoos u sii dhaafsiisan tahay, oo meeshaasna ay ku yaalliin timo casuur ah oo khafiif ah, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, taasu waa cambaar oo waa baraskii madaxa iyo gadhka. 31 Oo wadaadku hadduu fiiriyo cudurka cambaarta ah, oo bal eeg, haddii muuqashadeedu ayan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn, oo aan timo madoobu meeshaas ku oollin, markaas wadaadku waa inuu karantiilaa kan cudurka cambaarta ah qaba intii toddoba maalmood ah. 32 Oo maalinta toddobaad wadaadku waa inuu cudurka fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cambaartii ayan sii faafin, oo aan lagu arag timo casuur ah, oo cambaarta muuqashadeedu ayan dubka sare ka sii dhaafsiisnayn, 33 markaas isagu waa inuu xiirto, laakiinse meesha cambaarta leh yuusan xiirin, oo wadaadku waa inuu qofkaas karantiilaa toddoba maalmood oo kale. 34 Oo haddana maalinta toddobaad wadaadku waa inuu cambaartii fiiriyaa, oo bal eeg, cambaartu haddii ayan dubka sare ku sii faafin, oo muuqashadeeduna ayan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir, oo isna waa inuu dharkiisa maydhaa oo uu daahir ahaadaa. 35 Laakiinse cambaartii haddii ay dubka sare ku sii faafto daahirintiisa dabadeed, 36 markaas wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cambaartu ay dubka sare ku sii faaftay wadaadku yuusan sii doondoonin timo casuur ah, waayo, ninkanu waa nijaasaysan yahay. 37 Laakiinse cambaartu hadday indhihiisa la ahaato inay joogsatay oo timo madoobuna ay ka bexeen, markaas cambaartu waa bogsatay, oo ninkaasuna waa daahir, oo wadaadkuna waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir.

38 Oo haddii nin ama naagu ay dubka jidhkooda ku yeeshaan baro dhaldhalaalaya, oo ah baro cadcad oo dhaldhalaalaya, 39 markaas wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii baraha dhaldhalaalaya oo dubka jidhkooda ku yaallaa ay yihiin caddaan khafiif ah, taasu waa xaajiin jidhka ka soo baxday, oo qofkaasu waa daahir.

40 Oo haddii nin madaxiisa ay timahu ka dhammaadaan, isagu wuxuu leeyahay bidaar, hase ahaatee waa daahir. 41 Oo haddii timihiisu ay foodda hore ka dhammaadaanna, isagu foodda horuu bidaar ku leeyahay, hase ahaatee waa daahir. 42 Laakiinse madaxa bidaarta leh ama foodda bidaarta leh haddii lagu arko cudur guduudan oo caddaan ku jiro, markaas waa baras ka soo baxay madaxiisii bidaarta lahaa ama fooddiisii bidaarta lahayd. 43 Markaas wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, cudurka bararkiisu hadduu yahay mid guduudan oo caddaan ku jiro, oo ku yaal madaxiisa bidaarta leh, ama fooddiisa bidaarta leh, sidii ay tahay muuqashada baraska oo dubka jidhkiisa ku taal, 44 isagu waa nin baras qaba, oo waa nijaasaysan yahay, oo sida xaqiiqada ah wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay; oo cudur buu madaxa ka qabaa.

45 Oo qofkii cudurka baraska qaba dharkiisu wax jeexjeexan ha ahaadeen, oo timaha madaxiisuna ha bannaanaadeen, oo bushintiisa sarena ha daboolo, oo ha ku qayliyo, Waan nijaasaysnahay, waan nijaasaysnahay! 46 Oo in alla intuu cudurkaas qabo oo dhan isagu waa inuu nijaasaysnaadaa, waayo, isagu waa nijaasaysan yahay, oo waa inuu keligiis meel ku hoydaa, oo hoygiisuna waa inuu ahaadaa xerada dibaddeeda.

Qaynuunnadii Caaryada

47 Oo dharkii uu cudurka barasku ku yaal, hadduu yahay dhar dhogor idaad ah amase dhar wanaagsan oo linen ah, 48 hadduu ku jiro dunta fidsan amase tan gudubsan ee dharka wanaagsan oo linenka ah, ama kan dhogorta idaad ah, iyo hadduu ku jiro haragga ama wax alla wixii harag laga sameeyo, 49 haddii cudurku ka cagaaran yahay ama ka guduudan yahay dharka ama haragga ama dunta fidsan ama tan gudubsan ama waxa alla wixii harag laga sameeyo, kaasu waa cudurkii baraska oo waa in wadaadka la tusaa. 50 Oo wadaadkuna waa inuu fiiriyaa cudurkaas, oo waxaas cudurka qabana waa inuu meel ku xereeyaa intii toddoba maalmood ah. 51 Oo haddana maalinta toddobaad waa inuu cudurka fiiriyaa, oo haddii cudurku dharka kaga sii faafay dunta fidsan ama tan gudubsan, ama haragga dhexdiisa, haraggaas hawl kasta oo loogu isticmaalaba, markaas cudurku waa baras wax xaganaya oo waxaasu waa nijaasaysan yahay. 52 Oo isna waa inuu gubaa dharkaas cudurku ku jiro, hadduu yahay dunta fidsan ama tan gudubsan oo ku jirta dharka dhogorta idaad ah ama kan wanaagsan oo linenka ah, ama wax kasta oo harag laga sameeyey, waayo, kaasu waa baras wax xaganaya, ee waa in dab lagu gubaa. 53 Oo haddii wadaadku fiiriyo, oo markaa cudurkii uusan dharka kaga sii faafin dunta fidsan ama tan gudubsan toona, ama wax harag laga sameeyey, 54 markaas wadaadku waa inuu ku amraa in la maydhaa waxaas cudurka qaba, oo isagu haddana waa inuu waxaas meel ku xereeyaa intii toddoba maalmood oo kale ah. 55 Oo wadaadku waa inuu fiiriyaa, markii cudurka laga maydho dabadeed, oo bal eeg, cudurka midabkiisu hadduusan beddelmin, iyo haddii cudurku uusan faafinba, waxaasu waa nijaas, oo waa inaad dab ku gubtaa, oo haddii meeshii xumayd kaga taal hoosta ama dushaba, taasu waa wax xaganaya. 56 Oo haddii wadaadku fiiriyo, oo bal eeg, cudurku hadduu yaraaday markii la maydhay dabadeed, markaas isagu waa inuu intaas ka dillaaciyaa dharka ama haragga ama dunta fidsan ama tan gudubsan. 57 Oo haddii cudurkii weli dharkii kaga sii muuqdo dunta fidsan ama tan gudubsan ama wax kasta oo harag laga sameeyey markaas waa inaad dab ku gubtaa waxa cudurku ku yaal, maxaa yeelay, cudurku waa soo faafayaa. 58 Oo dharkii ha ahaado dunta fidsan ama tan gudubsan ama wax alla wixii harag laga sameeyey oo aad maydho, haddii cudurku iyaga ka baxo, haddana waa in mar labaad la maydhaa, oo kolkaasay daahir ahaan doonaan. 59 Kanu waa sharciga ku saabsan cudurka baraska ahu markuu dharka dhogorta idaad ah ama dharka wanaagsan oo linenka ah kaga dhaco dunta fidsan ama tan gudubsan, ama waxa kasta oo harag laga sameeyo, in la yidhaahdo, Waxaasu waa daahir, ama in la yidhaahdo, Waa nijaas.

Sabuurradii 15-16

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

15 Rabbiyow, bal yaa taambuuggaaga ku fadhiyaya?
Oo bal yaa buurtaada quduuska ah degganaanaya?
Waa kii si qumman u socda, oo xaqnimo sameeya,
Oo qalbigiisa run kaga hadla.
Waana kii aan carrabkiisa wax ku xaman,
Ama aan saaxiibkiis xumaan ku samayn,
Ama aan deriskiisa cay ku soo hadal qaadin,
Kii indhihiisu ay nejiska quudhsadaan,
Oo isagu murweeya kuwa Rabbiga ka cabsada,
Kii hadduu dhaarto oo ay waxyeello ku tahay, aan isbeddelin,
Kii aan lacagtiisa u soo bixin korsocod,
Ama aan laaluush u qaadan inuu wax yeelo kuwa aan xaqa qabin.
Kii waxyaalahaas sameeya weligiis lama dhaqaajin doono.

Kanu waa gabay Mikhtaam ah oo Daa'uud tiriyey.

16 Ilaahow, i dhawr, waayo, adigaan isku kaa halleeyaa.
Waxaan Rabbiga ku idhi, Sayidkayga baad tahay,
Oo innaba wanaag ma haysto la'aantaa.
Quduusiinta dhulka joogtaa
Waxaa weeye kuwa sharafta leh oo aan aad iyo aad ula faraxsanahay.
Kuwa ilaaha kale u dheereeya murugtoodu waa badnaan doontaa,
Laakiinse anigu bixin maayo qurbaankooda cabniinka oo dhiigga ah,
Oo magacyadoodana bushimahayga ku soo qaadi maayo.
Rabbigu waxaa weeye qaybtii dhaxalkayga iyo koobkayga,
Adigu qaybtayda waad xannaanaysaa.
Dhulqaybsigii meelo wacan baan ku helay,
Haah, oo waxaan leeyahay dhaxal wanaagsan.
Anigu waxaan ammaanayaa Rabbiga i waaniyey,
Habeenkiina uurkaygu wax buu i baraa.
Had iyo jeerba Rabbigaan hortayda ku xusuustaa,
Oo anigu innaba dhaqdhaqaaqi maayo,
Maxaa yeelay, isagu wuxuu joogaa midigtayda.
Taas aawadeed qalbigaygu waa faraxsan yahay oo naftayduna way rayraysaa,
Oo weliba jidhkayguna ammaan buu ku jiri doonaa.
10 Maxaa yeelay, naftayda She'ool kuma dayn doontid,
Kaaga quduuska ahna uma dayn doontid inuu qudhun arko.
11 Waxaad i tusi doontaa jidka nolosha,
Hortaada farxad baa ka buuxda,
Gacantaada midigna nimco baa ku jirta weligeed.

Maahmaahyadii 27

27 Berrito ha ku faanin,
Waayo, ma ogid waxay maalinu keeni doonto.
Mid kale ha ku faaniyo oo yaanu afkaagu ku faanin,
Shisheeye ha ku ammaano, oo yaanay bushimahaagu ku ammaanin.
Dhagax waa culus yahay, oo cammuuduna way miisaan weyn tahay,
Laakiinse waxaa labadoodaba ka sii culus nacas cadhadiis.
Cadho waa naxariisdarro, xanaaqna waa daad,
Laakiinse bal yaa hinaaso is-hor taagi kara?
Canaantii bayaan ahu
Waa ka wanaagsan tahay jacaylkii qarsoon.
Saaxiib nabrihiisu waa daacadnimo,
Laakiinse cadow dhunkashooyinkiisu waa khiyaano miidhan.
Naftii dheregsanu xataa awlallada malabka waa ka yaqyaqsataa,
Laakiinse naftii gaajaysan wax kasta oo qadhaadhuba way u macaan yihiin.
Ninkii hoygiisa ka warwareegaa
Waa sida shimbir buulkeeda ka warwareegta oo kale.
Saliidda iyo cadarku qalbigay ka farxiyaan,
Sidaas oo kalena waxaa nin ka farxiya macaanka saaxiibkiis oo ka yimaada talada qalbiga.
10 Ha ka tegin saaxiibkaa iyo aabbahaa saaxiibkiis toona,
Oo maalintii masiibadaadana guriga walaalkaa ha tegin,
Deris kuu dhowu waa ka wanaagsan yahay walaal kaa fog.
11 Wiilkaygiiyow, caqli yeelo, oo qalbigayga ka farxi,
Si aan ugu jawaabo kii i caayaba.
12 Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa,
Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, oo waana la taqsiiraa.
13 Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad,
Oo kii naag qalaad dammiintana isaga rahmad ahaan u hay.
14 Kii intuu aroor hore kaco saaxiibkiis cod dheer ugu duceeya,
Waxaa loo qaadan doonaa habaar.
15 Maalin roobaabeed dhibicyadeeda aan kala go'in
Iyo naag muran badanu waa isku mid.
16 Ku alla kii iyada celiyaa, dabayshuu celiyaa.
Gacantiisa midigna saliid bay qabataa.
17 Bir baa bir afaysa,
Oo sidaas oo kale nin baa saaxiibkiis afeeya.
18 Ku alla kii berde xannaanaystaa midhihiisuu cuni doonaa.
Oo kii sayidkiisa dhawrana waa la murwayn doonaa.
19 Sida fool biyaha dhexdooda fool uga muuqdo,
Ayaa nin qalbigiisu nin kale ugu muuqdaa.
20 She'ool iyo halligaadu weligood ma dhergaan,
Dadka indhihiisu weligood ma dhergaan.
21 Weelka lacagta lagu safeeyo lacagtaa iska leh, oo foornadana dahabkaa iska leh,
Sidaas oo kalena nin waxaa lagu tijaabiyaa ammaantiisa.
22 In kastoo aad nacas tib iyo mooye hadhuudh kula tuntid,
Weliba nacasnimadiisu ka tegi mayso isaga.
23 Aad ugu dadaal inaad ogaatid xaalka adhigaaga,
Oo lo'daadana si wanaagsan u ilaali.
24 Waayo, maalku weligiis siima raago,
Taajkuna ab ka ab miyuu waaraa?
25 Cawska qallalan markii la gooyo mid cagaar ah oo jilicsan baa soo muuqda,
Oo dhalatada buurahana waa la soo urursadaa.
26 Baraarku waa kuu dhar,
Oo adhiguna waa kuu qiimihii beerta.
27 Waxaa jiri doona caano riyaad oo cunto ugu filan adiga iyo reerkaagaba,
Iyo weliba masruufka gabdhaha kuu shaqeeya.

2 Tesaloniika 1

WARQADDII LABAAD EE RASUUL BAWLOS U QORAY DADKII
TESALONIIKA

Salaan

Annagoo ah Bawlos iyo Silwanos iyo Timoteyos waxaannu warqaddan u qoraynaa dadka Tesaloniika kiniisaddooda oo ku jirta Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbi Ciise Masiix. Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

Xukunka Dhici Doona Markii Ciise Masiix Yimaado

Waxaa nagu waajib ah, walaalayaalow, inaannu mar walba aawadiin Ilaah ugu mahadnaqno, sida noo eg, maxaa yeelay, rumaysadkiinnu aad buu u kordhayaa, jacaylka aad kulligiin isu qabtaanna waa badnaanayaa. Sidaas daraaddeed waxaannu idinku faannaa kiniisadaha Ilaah dhexdooda, waana dulqaadashadiinna iyo rumaysadkiinna aad ku dhex leedihiin silecyada iyo dhibaatooyinka aad u adkaysataan oo dhan. Taasu waxay muujisaa xukunka xaqa ah ee Ilaah, in laydinku tiriyo kuwo istaahila boqortooyada Ilaah, tan aad daraaddeed u xanuunsataan. Waayo, xagga Ilaah waa xaq inuu dhib ugu abaalgudo kuwa idin dhiba, iyo inuu kuwiinna la dhibay nala kiin nasiyo markii Rabbi Ciise samada ka muuqdo, isagoo wata malaa'igaha xooggiisa oo dab ololaya ku jira, oo ka aargudanaya kuwa aan Ilaah aqoon iyo kuwa aan addeecin injiilka Rabbigeenna Ciise Masiix. Waxaa lagu ciqaabi doonaa halaag weligiis ah, oo waxaa laga gooyn doonaa Rabbiga hortiisa iyo ammaanta xooggiisa, 10 markuu yimaado maalintaas in isaga lagu ammaano quduusiintiisa oo lagula yaabo kuwii rumaystay oo dhan, maxaa yeelay, markhaatifurkayagii aan idiin sheegnay waa la rumaystay. 11 Sababtaas daraaddeed mar walba waannu idiin ducaynaa in Ilaaheen idinka dhigo kuwa istaahila yeedhistiisa oo uu xoog ku dhammeeyo doonis kasta oo wanaag ah iyo shuqulka rumaysadka, 12 in magaca Rabbi Ciise dhexdiinna lagu ammaano, idinkana in laydinku dhex ammaano isaga, sida nimcada Ilaaheenna iyo Rabbi Ciise Masiix ay tahay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya