Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

M’Cheyne Bible Reading Plan

The classic M'Cheyne plan--read the Old Testament, New Testament, and Psalms or Gospels every day.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Laawiyiintii 18

Galmada Aan Sharciga Ahayn

18 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah. Falimaha dalka Masar ee aad degganaan jirteen waa inaydaan samayn, oo falimaha dalka Kancaan oo aan idiin geeynayana waa inaydaan samayn, oo qaynuunnadoodana waa inaydaan ku socon. Waxaad samaysaan xukummadayda, oo waxaad dhawrtaan qaynuunnadayda si aad iyaga ugu dhex socotaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. Haddaba sidaas daraaddeed idinku waa inaad dhawrtaan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, oo ninkii sameeyaana iyaguu ku noolaan doonaa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

Waa inaan midkiinna u dhowaan qof ka mid ah xigaalkiisa u dhow inuu cawradiisa qaawiyo, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah. Cawrada aabbahaa taasoo ah cawrada hooyadaa waa inaadan qaawin, iyadu waa hooyadaa, ee waa inaadan cawradeeda qaawin. Oo waa inaadan qaawin cawrada naagta aabbahaa, ee waa cawradii aabbahaa. Waa inaadan qaawin cawrada walaashaa oo ah aabbahaa gabadhiisa ama hooyadaa gabadheeda, hadday guriga ku dhalatay iyo hadday meel kale ku dhalatayba. 10 Waa inaadan qaawin cawrada gabadha wiilkaaga, ama cawrada gabadha gabadhaada, waayo, toodu waa cawradaadii. 11 Waa inaadan qaawin cawrada naagta aabbahaa gabadheeda ay aabbahaa u dhashay, waayo, iyadu waa walaashaa, ee waa inaadan cawradeeda qaawin. 12 Waa inaadan qaawin cawrada eeddadaa, waayo, iyadu waa aabbahaa qaraabadiis u dhow. 13 Waa inaadan qaawin cawrada habaryartaa, waayo, iyadu waa hooyadaa qaraabadeed u dhow. 14 Waa inaadan adeerkaa cawradiisa qaawin. Waa inaadan naagtiisa u dhowaan, waayo, iyadu waa aayadaa. 15 Waa inaadan qaawin cawrada gabadha aad soddogga u tahay, waayo, iyadu waa naagtii wiilkaaga, ee waa inaadan cawradeeda qaawin. 16 Waa inaadan qaawin cawrada naagta walaalkaa, waayo, taasu waa cawradii walaalkaa. 17 Waa inaadan naag iyo gabadheedaba cawradooda wada qaawin, oo waa inaadan kaxaysan gabadha wiilkeeda ama gabadha gabadheeda si aad cawradeeda u qaawisid; waayo, iyagu waa naago qaraabo kuu dhow ah, oo taasu waa shar. 18 Waa inaadan naagtaada walaasheed la guursan oo aadan cawradeeda qaawin intay naagtaadu nooshahay. 19 Waa inaadan naag u dhowaan si aad cawradeeda u qaawisid, in alla intay xaylka ku nijaasaysan tahay. 20 Waa inaadan la jiifsan naagta deriskaaga, si aadan iyada ugu nijaasoobin. 21 Waa inaadan carruurtaada Moleg siin oo aadan iyaga innaba dab u dhex marsiin, oo weliba waa inaadan magaca Ilaahaaga hadal nijaas ah ka sheegin, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah. 22 Waa inaadan ragga ula seexan sida dumarka loola seexdo oo kale, waayo, taasu waa karaahiyo. 23 Waa inaadan neef xayawaan ah kudin si aadan ugu nijaasoobin, oo naaguna waa inayan neef xayawaan ah is-hor taagin si ay isaga ugu jiifsato, waayo, taasu waa qasnaan.

24 Idinku waxyaalahaas midkoodna nafsaddiinna ha ku nijaasaynina, waayo, quruumihii aan hortiinna ka eryay oo dhammu waxyaalahaas bay ku nijaasoobeen, 25 oo dalkii wuu nijaasoobay, haddaba sidaas daraaddeed ayaan xumaantiisii soo gaadhsiinayaa, oo dalku waa mantagayaa dadka deggan. 26 Haddaba idinku waa inaad dhawrtaan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, oo waa inaydaan waxyaalahaas karaahiyada ah innaba samayn, kiinnii waddani ah, iyo kii shisheeye ah oo idin dhex degganuba, 27 (waayo, dadkii dalka degganaan jiray oo idinka horreeyey waxyaalahaas karaahiyada ah oo dhan ayay wada samayn jireen, oo dalkuna wuu nijaasoobay;) 28 si markaad nijaasaysaan dalku uusan idinkana idiin mantagin, siduu quruuntii idinka horraysay u mantagay oo kale. 29 Waayo, ku alla kii sameeya waxyaalahaas karaahiyada ah, xataa nafihii waxyaalahaas sameeya dadkooda waa laga gooyn doonaa. 30 Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad amarkayga xajisaan si aydaan u samayn oo aydaan ugu nijaasoobin caadooyinkaas karaahiyada ah oo dadkii idinka horreeyey ay samayn jireen, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

Sabuurradii 22

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Ayeled Shaxar.

22 Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay?
Oo aad uga fogaatay caawimaaddayda iyo hadalka hinraaggayga?
Ilaahayow, maalintii waan kuu qayshadaa, adiguse iima jawaabtid,
Oo habeennimadana waan qayliyaa oo ma nasto.
Laakiinse adigu quduus baad tahay,
Oo kursigaaga waxaad ka dhigtaa ammaanta reer binu Israa'iil.
Awowayaashayo adigay isku kaa halleeyeen,
Iyagu way isku kaa halleeyeen, oo adna waad samatabbixisay.
Adigay kuu qayshadeen, oo way samatabbexeen,
Way isku kaa halleeyeen, oo mana ay ceeboobin.
Laakiinse anigu waxaan ahay dixiri, oo dad ma ahi,
Waxaan ahay mid la caayo, oo dadku quudhsado.
Oo kuwa i arka oo dhammu way igu qoslaan,
Bushimahay yuubaan, oo madaxay lulaan, iyagoo leh,
Rabbiguu isku halleeyey, ha samatabbixiyo,
Bal isagu waa kan ku faraxsane hadda ha samatabbixiyo.
Laakiinse adigu waxaad tahay kii uurka iga soo bixiyey,
Oo intaan naasaha hooyaday nuugayay, waxaad iga dhigtay mid ku aaminsan.
10 Aniga dushaadaa laygu soo tuuray markaan uurka ka soo baxay,
Xataa tan iyo intaan uurkii hooyaday ku jiray, Ilaahaygaad ahayd.
11 Ha iga fogaan, waayo, dhib baa soo dhow,
Qof i caawiyaana ma jiro.
12 Waxaa i hareereeyey dibiyo badan,
Oo kuwii Baashaan oo xoogga badnaa ayaa hareerahayga isku wareejiyey.
13 Afkooday iigu fureen,
Sidii libaax hamuunsan oo ciyaya.
14 Waxaan u shubmay sidii biyo oo kale,
Oo lafahaygii oo dhammuna xubnihii way ka kala bexeen,
Oo qalbigaygii wuxuu noqday sidii shamac oo kale,
Oo wuxuu ku dhex dhalaalay xiidmahayga.
15 Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale,
Oo carrabkaygiina daamankayguu ku dhegay,
Oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada.
16 Waayo, waxaa i hareereeyey eeyo,
Oo waxaa hareerahayga isku wareejiyey shirkii xumaanfalayaasha,
Oo waxay iga mudeen gacmaha iyo cagaha.
17 Lafahaygii oo dhan waan tirin karaa,
Oo iyagu way i fiiriyaan oo igu dhaygagaan,
18 Dharkayga bay qaybsadaan,
Oo maradaydana saami bay u ritaan.
19 Laakiinse, Rabbiyow, ha iga fogaan,
Tageerehaygiiyow, dhaqso ii caawi.
20 Naftayda ka samatabbixi seefta,
Noloshaydana ka samatabbixi xoogga eeyga.
21 Iga badbaadi libaaxa afkiisa,
Haah, xataa geesihii gisiyada waad iiga jawaabtay.
22 Magacaaga waan u sheegi doonaa walaalahay,
Oo ururka dhexdiisa ayaan kugu ammaani doonaa.
23 Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, ammaana isaga,
Farcanka Yacquubow, sharfa isaga,
Oo kuwiinna Israa'iil ka soo farcamayow, isaga ka wada cabsada.
24 Waayo, isagu ma quudhsan, mana karhin kan la dhibay dhibkiisa,
Oo wejigiisiina kama uu qarin isagii,
Laakiinse markuu u qayshaday ayuu maqlay.
25 Xaggaaga ayaa ammaantaydu kaga imanaysaa shirka weyn dhexdiisa,
Oo nidarradayda waxaan ku bixinayaa kuwa isaga ka cabsada hortooda.
26 Oo waxaa wax cuni doona oo ka dhergi doona kuwa camalka qabow,
Kuwa Rabbiga doondoonaa isagay ammaani doonaan,
Qalbigiinnu weligiis ha noolaado.
27 Dunida darafyadeeda oo dhammu waxay soo xusuusan doonaan oo u soo jeesan doonaan Rabbiga.
Oo qolooyinka quruumaha oo dhammu waxay ku sujuudi doonaan hortaada.
28 Waayo, boqortooyada waxaa leh Rabbiga,
Oo isagu waa taliyihii quruumaha.
29 Dunida kuweeda buurbuuran oo dhammu wax bay cuni oo Ilaah bay caabudi doonaan,
Oo inta ciidda gasha oo dhammuna hortiisay ku sujuudi doonaan,
Xataa kii aan naftiisa sii noolayn karin.
30 Farcan baa isaga u adeegi doona,
Oo Sayidka waxaa looga sheekayn doonaa qarniga iman doona.
31 Oo iyagu way iman doonaan oo waxay dadka dhalan doona u sheegi doonaan
Xaqnimadiisa iyo inuu sameeyeyba.

Wacdiyahii 1

WACDIYAHII

Wax Walba Waa Wax Aan Micne Lahayn

Kuwanu waa erayadii wacdiyihii ahaa ina Daa'uud oo Yeruusaalem boqorka ku ahaa.

Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Waa wax aan waxba tarayn, waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waa wax aan waxba tarayn. Bal maxaa faa'iido ah oo nin ka hela hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan? Qarni baa taga, oo qarni kalena wuu yimaadaa, laakiinse dhulku weligiisba wuu waaraa. Oo qorraxduna way soo baxdaa, oo haddana way dhacdaa, oo waxay ku degdegtaa meeshii ay ka soo baxdo. Dabayshu waxay tagtaa xagga koonfureed, oo haddana waxay u soo rogmataa xagga woqooyi, oo had iyo goorba way wareegtaa, oo dabayshu waxay ku soo noqotaa wareeggeedii. Webiyaasha oo dhammu waxay ku shubmaan badda, oo weli badduna ma buuxsanto, oo webiyaashu meeshii ay ku socdaan ayay haddana ku sii socdaan. Wax kastaaba waa daal miidhan, dadku ma sheegi karo innaba. Ishu wax arag kama dheregto, dhegtuna waxmaqlid kama buuxsanto. Wixii hore u jiri jiray waa waxa dibna u jiri doona, oo wixii la sameeyeyna waa waxa hadda ka dib la samayn doono, oo inta qorraxda ka hoosaysana wax cusub laguma arko. 10 Miyey jiraan wax la odhan karo, Bal eeg, waxanu waa cusub yihiine? Way jiri jireen tan iyo waayihii inaga horreeyey. 11 Waxyaalihii hore lama xusuusto, oo waxyaalaha iman doonana innaba laguma xusuusan doono kuwa dabadeed iman doona.

Xigmaddu Waa Wax Aan Micne Lahayn

12 Anigan wacdiyaha ahu boqor baan reer binu Israa'iil ugu ahaa Yeruusaalem. 13 Oo waxaan qalbigayga oo dhan u soo jeedshay inaan doono oo xigmad ku baadho waxyaalaha samada hoosteeda lagu sameeyo oo dhan. Dhibaatadan kulul ayaa Ilaah binu-aadmigu u siiyey inay ku hawshoodaan. 14 Shuqullada qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan waan arkay, oo bal eeg, dhammaantood waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale. 15 Wixii qalloocan lama toosin karo, oo wixii dhimmanna lama tirin karo. 16 Qalbigaygaan la hadlay, oo waxaan ku idhi, Bal eeg, anigu waxaan helay xigmad ka sii badan tii kuwii hortaydii Yeruusaalem u talin jiray oo dhan, oo qalbigaygu aad buu u arkay xigmad badan iyo aqoon dheer. 17 Waxaan qalbigayga siiyey inaan xigmad ogaado iyo inaan waalli iyo nacasnimo ogaado, oo waxaan gartay inay taasuna tahay dabagalka dabaysha oo kale. 18 Waayo, xigmaddii badan caloolxumo badan baa ku jirta, oo kii aqoon korodhsadaana murug buu sii korodhsadaa.

1 Timoteyos 3

Hoggaamiyayaasha Kiniisadda

Hadalku waa run, Haddii nin doonayo shuqulka hoggaamiyaha kiniisadda, shuqul wanaagsan buu doonayaa. Sidaas daraaddeed hoggaamiyaha kiniisaddu waa inuu ahaado mid aan ceeb lahayn, oo naag keliya qaba, oo feeyigan, oo digtoon, oo sharaf leh, oo martida soo dhoweeya, oo ku wanaagsan waxbaridda; oo uusan sakhraan noqon, oo uusan gacan fududaan, laakiin waa inuu noqdo mid tudhid badan, oo uusan ilaaq lahayn, oo uusan lacag jeclayn. Waa inuu ahaado mid gurgiisa si wanaagsan ugu taliya, oo carruurtiisu ka dambeeyaan oo maamuusaan. Laakiin nin hadduusan garanayn si uu gurigiisa ugu taliyo, sidee buu kiniisadda Ilaah u xanaanayn doonaa? Waa inuusan ahaan mid dhowaan rumaystay, waaba intaasoo intuu kibro uu Ibliiska xukunkiisa ku dhacaaye. Weliba waa inuu markhaati wanaagsan ka helo kuwa dibadda ah, waaba intaasoo uu ku dhacaa cay iyo dabinka Ibliiska. Sidaas oo kalena caawiyayaasha kiniisaddu waa inay ahaadaan dad la maamuuso oo ayan noqon laba-hadallayaal, oo ayan khamri badan cabbin, oo ayan faa'iidada ceebta ah jeclaan. Waa inay qarsoodiga iimaanka qalbi daahir ah ku haystaan. 10 Kuwaas marka hore ha la tijaabiyo, dabadeedna sida iyagoo ah caawiyayaasha kiniisadda ha u adeegeen hadday eed la' yihiin. 11 Sidaas oo kale dumarkuna waa inay digtoonaadaan oo ayan ahaan kuwa wax xanta. Waa inay feeyignaadaan, oo ay wax walba aamin ku ahaadaan. 12 Caawiyayaasha kiniisaddu mid kastaaba naag keliya ha guursado, hana noqdeen kuwo si wanaagsan ugu talinaya carruurtooda iyo guryahooda. 13 Waayo, kuwa sida iyagoo ah caawiyayaasha kiniisadda si wanaagsan ugu adeega, waxay nafsaddooda u helaan derejo wanaagsan iyo dhiirranaan badan oo ay iimaanka Ciise Masiix ku dhiirran yihiin.

Cibaadada Weynaanteeda

14 Waxaan rajaynayaa inaan dhowaan kuu imaado, laakiin waxaan waxyaalahan kuugu soo qorayaa, 15 in, haddii aan wax badan raago, aad ogaato sida waajibka ah oo loogu camal fali lahaa guriga Ilaah dhexdiisa, oo ah kiniisadda Ilaaha nool iyo tiirka iyo aasaaska runtaa. 16 Oo muranla'aan qarsoodiga cibaadadu waa weyn yahay. Isaga jidh baa lagu muujiyey, oo ruux baa xaq laga caddeeyey, malaa'iguhuna way arkeen, quruumahana waa laga dhex wacdiyey, dunidana waa laga rumaystay, ammaanna kor baa loogu qaaday.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya