Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Chronological

Read the Bible in the chronological order in which its stories and events occurred.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Maahmaahyadii 13-15

13 Wiilkii caqli lahu wuxuu maqlaa edbinta aabbihiis,
Laakiinse kii wax quudhsadaa canaanta ma maqlo.
Nin wuxuu wax wanaagsan ku cuni doonaa midhaha afkiisa,
Laakiinse khaayinnada naftoodu waxay cuni doontaa midhaha dulmiga.
Kii afkiisa dhawraa wuxuu dhawraa naftiisa,
Laakiinse kii bushimihiisa aad u kala qaadaa wuu baabbi'i doonaa.
Kii caajis ah naftiisu wax bay damacdaa, mana hesho,
Laakiinse nafta kii dadaala waa la barwaaqaysiin doonaa.
Ninkii xaq ahu beenta wuu neceb yahay,
Laakiinse ninkii shar lahu waa karaahiyo, wuuna ceeboobaa.
Xaqnimadu kii jidkiisu qumman yahay ayay ilaalisaa,
Laakiinse sharnimadu dembilaha ayay afgembidaa.
Waxaa jira nin hodan iska dhiga laakiinse aan waxba haysan,
Oo waxaa jira mid miskiin iska dhiga laakiinse maal badan leh.
Nin wuxuu noloshiisa ku furtaa maalkiisa,
Laakiinse miskiinku canaanta ma maqlo.
Iftiinka kuwa xaqa ahu weligii wuu reyreeyaa,
Laakiinse laambadda kuwa sharka leh waa la bakhtiin doonaa.
10 Isqabasho oo keliya ayaa kibir ka timaada,
Laakiinse kii waanada qaata waxaa la jirta xigmad.
11 Maalkii degdeg lagu helaa wuu dhinmi doonaa,
Laakiinse kan hawl wax ku soo urursadaa waa sii korodhsan doonaa.
12 Rajadii raagtaa qalbigay bukaysiisaa,
Laakiinse markii wixii la doonayay la helo waa geed nololeed.
13 Ku alla kii erayga quudhsadaa halligaad ayuu isu keenaa,
Laakiinse kii amarka ka cabsada waa loo abaalgudi doonaa.
14 Ninkii caqli leh waxbariddiisu waa il nololeed,
In dabinnada dhimashada laga leexdo.
15 Waxgarashadii wanaagsan raalli baa laga noqdaa,
Laakiinse jidka khaayinnadu waa xun yahay.
16 Nin kasta oo miyir lahu aqoon buu ku shaqeeyaa,
Laakiinse nacasku nacasnimuu fidiyaa.
17 Wargeeyihii shar lahu xumaan buu ku dhex dhacaa,
Laakiinse ergadii aamin ahu waa caafimaad.
18 Caydhnimo iyo ceebba waxaa lahaan doona kii edbinta diida,
Laakiinse kii canaanta maqla waa la murwayn doonaa.
19 Wixii la doonayay oo la gaadhay nafta way u macaan tahay,
Laakiinse nacasyadu aad bay u karhaan inay sharka ka fogaadaan.
20 Kii kuwa caqliga leh la socdaa, caqli buu yeelan doonaa,
Laakiinse kii nacasyada raacaa waa baabbi'i doonaa.
21 Dembilayaasha waxaa eryada shar,
Laakiinse kuwa xaqa ah abaal wanaagsan baa loo gudi doonaa.
22 Ninkii wanaagsanu dhaxal buu uga tagaa carruurta carruurtiisa,
Oo maalka dembilahana waxaa loo kaydiyaa kuwa xaqa ah.
23 Beerta masaakiinta waxaa ku taal cunto badan,
Laakiinse gardarro aawadeed in baa loo baabbi'iyaa.
24 Kii ushiisa ceshadaa wiilkiisuu neceb yahay;
Laakiinse kii wiilkiisa jecelu aad buu u edbiyaa.
25 Kan xaqa ahu wax buu cunaa ilaa naftiisu dheregto,
Laakiinse caloosha kuwa sharka lahu way baahnaan doontaa.

14 Naag kastoo caqli lahu gurigeeday dhistaa,
Laakiinse nacasaddu gacmaheeday ku dumisaa.
Kii qummanaantiisa ku socda ayaa Rabbiga ka cabsada,
Laakiinse kii jidkiisa ku qalloocan wuu quudhsadaa isaga.
Afka nacasyada waxaa ka soo biqla kibir;
Laakiinse kuwa caqliga leh bushimahooda ayaa iyaga dhawri doona.
Meeshii aan dibi joogin qabaalkii ay wax ka cuni jireen waa baabbah;
Laakiinse kordhinta badanu waxay ku timaadaa xoogga dibiga.
Markhaatigii aamin ahu been ma sheego,
Laakiinse markhaatigii been ahu been buu ku hadlaa.
Kii wax quudhsadaa xigmad buu doondoonaa, mana helo,
Laakiinse aqoontu waa u fudud dahay kii waxgarasho leh.
Nacaska hortiisa ka fogow,
Waayo, bushimihiisa aqoon ka heli maysid.
Ninkii miyir leh xigmaddiisu waa inuu jidkiisa gartaa,
Laakiinse nacasyada nacasnimadoodu waa khiyaano.
Nacasyadu dembigay ku majaajiloodaan,
Laakiinse kuwa qumman waxaa ku dhex jirta raallinimo.
10 Qalbigu qadhaadhnimadiisuu yaqaan,
Oo shisheeyena farxaddiisa lama qaybsado.
11 Guriga kuwa sharka leh waa la afgembiyi doonaa,
Laakiinse taambuugga kuwa qummanu waa barwaaqoobi doonaa.
12 Waxaa jirta waddo dadka la hagaagsan,
Laakiinse dhammaadkeedu waa waddooyinka dhimashada.
13 Qalbigu xataa qosol waa ku murugoodaa,
Oo farxad dhammaadkeeduna waa caloolxumo.
14 Kii xaqnimada qalbigiisa dib ugaga noqdaa jidkiisuu ka dhergi doonaa,
Oo ninkii wanaagsanuna wuxuu ka dhergi doonaa naftiisa.
15 Kii garaaddaranu eray kasta wuu rumaystaa,
Laakiinse kii miyir lahu socodkiisa aad buu u fiiriyaa.
16 Ninkii caqli lahu waa cabsadaa, oo sharka wuu ka noqdaa;
Laakiinse nacasku waa ciishoodaa, wuuna isku kalsoon yahay.
17 Kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu wax ku sameeyaa,
Oo ninkii sharnimo hindisana waa la neceb yahay.
18 Garaadlaawayaashu nacasnimay dhaxlaan,
Laakiinse kuwii miyir leh waxaa madaxa loo saaraa taaj aqoon ah.
19 Kuwa sharka lahu kuwa wanaagsan hortooda ayay ku foororsadaan,
Oo kuwa xunxunna waxay ku foororsadaan irdaha kuwa xaqa ah.
20 Miskiinka xataa deriskiisu waa neceb yahay,
Laakiinse taajirku saaxiibbo badan buu leeyahay.
21 Kii deriskiisa quudhsadaa wuu dembaabaa,
Laakiinse kii miskiinka u naxariistaa waa barakaysan yahay.
22 Kuwa sharka ku fikiraa sow ma qaldamaan?
Laakiinse kuwa wanaagga ku fikira waxaa u ahaan doona naxariis iyo run.
23 Hawl kasta faa'iidaa ku jirta,
Laakiinse hadalka bushimuhu wuxuu keenaa caydhnimo keliya.
24 Kuwa caqliga leh taajkoodu waa maalkooda,
Laakiinse nacasyada nacasnimadoodu waa nacasnimo keliya.
25 Markhaatigii run ahu nafuu samatabbixiyaa,
Laakiinse kii been sheegaa waa khaayin.
26 Rabbiga ka cabsashadiisu waxay leedahay kalsoonaan xoog leh,
Oo carruurtiisuna waxay lahaan doonaan meel ay magangalaan.
27 Rabbiga ka cabsashadiisu waa il nololeed,
Si dabinnada dhimashada looga leexdo.
28 Sharafta boqorku waxay ku jirtaa dadka badnaantiisa,
Laakiinse baabba'a amiirku wuxuu ku jiraa dadka yaraantiisa.
29 Kii cadhada u gaabiyaa waa garasho badan yahay;
Laakiinse kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu sarraysiiyaa.
30 Qalbigii degganu waa nolosha jidhka,
Laakiinse hinaaso waa qudhunka lafaha.
31 Kii miskiinka dulmaa wuxuu caayaa Kan sameeyey,
Laakiinse kii ka baahan u naxariistaa wuu murweeyaa.
32 Kii shar leh waxaa lagu afgembiyaa sharnimadiisa,
Laakiinse kan xaqa ahu rajuu leeyahay markuu dhinto.
33 Xigmaddu waxay taal kii garasho leh qalbigiisa,
Laakiinse wixii nacasyada uurkooda ku jiraa waa ismuujiyaa.
34 Xaqnimadu quruun way sarraysiisaa,
Laakiinse dembigu waa u ceeb dad kasta.
35 Boqorka raallinimadiisa waxaa leh midiidinkii caqli ku shaqeeya,
Laakiinse wuxuu u cadhoon doonaa kii ceeb sameeya.

15 Jawaabta qaboobu cadhada way qaboojisaa,
Laakiinse hadalkii qallafsanu xanaaq buu kiciyaa.
Kuwa caqliga leh carrabkoodu aqoon buu ku hadlaa,
Laakiinse afka nacasyadu wuxuu shubaa nacasnimo.
Rabbiga indhihiisu meel kastay jiraan,
Iyagoo fiirinaya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan.
Carrabka wanaagsanu waa geed nololeed
Laakiinse carrabka qalloocan ayaa qalbigu ku jabaa.
Nacasku edbinta aabbihiis wuu quudhsadaa,
Laakiinse kii canaanta maqlaa miyir buu yeeshaa.
Kan xaqa ah gurigiisa khasnad weyn baa taal,
Laakiinse waxa kan sharka leh u kordhaa waa dhib.
Kuwa caqliga leh bushimahoodu aqoon bay faafiyaan,
Laakiinse qalbiga nacasyadu sidaas ma aha.
Allabariga kuwa sharka lahu Rabbiga waa u karaahiyo,
Laakiinse kuwa qumman baryadoodu isagay ka farxisaa.
Jidka kan sharka lahu Rabbiga waa u karaahiyo,
Laakiinse isagu waa jecel yahay kii xaqnimada raaca.
10 Kii jidka ka taga waa u taqsiir kulul,
Oo kii canaanta necebuna wuu dhiman doonaa.
11 She'ool iyo halligaaduba Rabbiga hortiisay yaalliin,
Haddaba intee in ka sii badan buu arkaa qalbiga binu-aadmiga?
12 Kii wax quudhsadaa ma jecla in la canaanto,
Oo dooni maayo inuu kuwa caqliga leh u tago.
13 Qalbigii faraxsanu wejiguu nuuriyaa,
Laakiinse caloolxumaanta ayaa qalbigu ku jabaa.
14 Kii garasho leh qalbigiisu aqoon buu doondoonaa,
Laakiinse nacasyada afkoodu wuxuu cunaa nacasnimo.
15 Kuwa dhibaataysan maalmahooda oo dhammu waa xunxun yihiin,
Laakiinse kii qalbigiisu faraxsan yahay had iyo goorba waa u iid.
16 Wax yar oo Rabbiga ka cabsashadiisu la jirto
Ayaa ka wanaagsan khasnado badan oo dhib la jirto.
17 Cunto khudaareed oo jacayl la jiro
Ayaa ka wanaagsan dibi la cayiliyey oo nacayb la jiro.
18 Ninkii cadho badanu muran buu kiciyaa,
Laakiinse kii cadhada u gaabiyaa murankuu qaboojiyaa.
19 Ninkii caajis ah jidkiisu waa sida meel qodxan leh oo kale,
Laakiinse kii xaq ah jidkiisu waa dariiq bannaan.
20 Wiilkii caqli lahu aabbihiisuu ka farxiyaa,
Laakiinse ninkii nacas ahu hooyadiisuu quudhsadaa.
21 Nacasnimadu waa u farxad ninkii caqlidaran,
Laakiinse ninkii garasho lahu si qumman buu u socdaa.
22 Meeshii aan talo jirin xaajooyinku waa baabba',
Laakiinse taliyayaashii badan ayay ku hagaagaan.
23 Nin wuxuu farxad ka helaa jawaabta afkiisa,
Oo eraygii wakhti ku habboon la yidhaahdaana sidee buu u wanaagsan yahay!
24 Jidka noloshu waa u kor kii caqli leh,
Si uu uga tago She'oolka hoose.
25 Rabbigu wuu dumin doonaa guriga kuwa kibirka leh,
Laakiinse dhulka carmalka xadkiisa wuu adkayn doonaa.
26 Rabbigu fikirrada sharka ah aad buu u karhaa,
Laakiinse kuwa daahirkaa hadal wanaagsan bay ku hadlaan.
27 Kan faa'iido u hunguri weynu reerkiisuu dhibaa,
Laakiinse kii hadiyadaha necebu wuu noolaan doonaa.
28 Kan xaqa ah qalbigiisu wuxuu ka fikiraa sida loo jawaabo,
Laakiinse kuwa sharka leh afkoodu wuxuu shubaa waxyaalo shar ah.
29 Rabbigu kuwa sharka leh wuu ka fog yahay,
Laakiinse kuwa xaqa ah baryadooduu maqlaa.
30 Indhaha nuurkoodu qalbiguu ka farxiyaa,
Oo warkii wanaagsanuna lafahuu barwaaqaysiiyaa.
31 Dhegtii canaanta nolosha maqashaa
Waxay joogi doontaa kuwa caqliga leh dhexdooda.
32 Kii edbinta diidaa naftiisuu quudhsadaa,
Laakiinse kii canaanta maqlaa waxgarashuu helaa.
33 Rabbiga ka cabsashadiisu waa edbinta xigmadda,
Oo sharaftana waxaa ka horreeya is-hoosaysiinta.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya