Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Chronological

Read the Bible in the chronological order in which its stories and events occurred.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Maahmaahyadii 4-6

Xigmaddu Waa Sarraysaa

Wiilashoy, aabbe edbintiisa maqla,
Oo u jeesta inaad wax garataan.
Waayo, anigu waxaan idin siiyaa tacliin wanaagsan,
Haddaba cilmigayga ha ka tegina.
Waayo, aniguba waxaan aabbahay u ahaa wiil,
Oo mid yar oo bacbac ah oo madi ah ayaan u ahaa hooyaday.
Isagu wax buu i baray, oo wuxuu igu yidhi,
Qalbigaagu erayadayda ha xajisto;
Amarradaydana dhawr, oo waad noolaan doontaa.
Xigmadda doono, waxgarashadana doono;
Hana illoobin, oo erayada afkaygana dib ha uga noqon.
Xigmadda ha ka tegin, oo way ku nabad gelin doontaa.
Jeclow, oo way ku dhawri doontaa.
Xigmaddu wax walbay ugu horraysaa, sidaas daraaddeed xigmadda doono;
Wax kastoo aad hesho weliba waxgarasho doono.
Iyada sarraysii, oo iyana way ku dallicin doontaa;
Oo sharaf bay kuu yeeli doontaa markaad iyada isku duubtid.
Iyadu waxay madaxaaga siin doontaa wax sharraxsan,
Oo waxayna kuu yeeli doontaa taaj quruxsan.
10 Wiilkaygiiyow, maqal oo hadalladayda aqbal.
Oo sannadaha cimrigaaguna way badnaan doonaan.
11 Anigu waxaan ku baray jidkii xigmadda;
Oo waxaan kugu hoggaamiyey waddooyinkii qummanaanta.
12 Markii aad socotid tallaabooyinkaagu cidhiidhi ma noqon doonaan,
Oo haddaad oroddidna ma turunturoon doontid.
13 Edbinta xajiso, oo ha iska sii deyn;
Hayso, waayo, iyadu waa noloshaada,
14 Waddada kuwa sharka leh ha gelin,
Oo jidka xumaanfalayaashana ha qaadin.
15 Ka leexo, hana marin,
Ka noqo oo hareer ka mar.
16 Waayo, iyagu ma seexdaan haddaanay xumaan falin,
Oo hurdadoodana waa laga qaadaa iyagoo cid kufiya mooyaane.
17 Waayo, iyagu waxay cunaan kibistii sharnimada,
Oo waxay cabbaan khamrigii dulmiga.
18 Laakiinse waddada kuwa xaqa ahu waa sida iftiinka waaberiga oo kale,
Kaas oo hadba soo kordha ilaa uu noqdo maalin cad.
19 Jidka kuwa sharka lahuna waa sida gudcurka oo kale.
Oo iyagu garan maayaan waxay ku turunturoodaan.
20 Wiilkaygiiyow, erayadayda dhegayso,
Oo hadalladaydana dhegta u dhig.
21 Indhahaaga hortooda yaanay ka fogaan,
Oo qalbigaaga dhexdiisa ku hayso,
22 Waayo, iyagu waa u nolol kuwa hela,
Oo jidhkooda oo dhanna waa u caafimaad.
23 Digtoonaan qalbigaaga u dhawr,
Waayo, isagay noloshu ka soo baxdaaye.
24 Af qalloocan iska saar,
Oo bushimo maroorsanna iska fogee.
25 Indhahaagu qummaati wax ha u fiiriyeen,
Oo indhahaaga daboolkooduna si toosan hortaada ha u eegeen.
26 Waddada cagahaaga aad ugu fiirso,
Oo jidadkaaga oo dhammuna ha toosnaadeen.
27 Xagga midigta iyo xagga bidixda toona ha u leexan,
Oo cagtaadana xumaanta ka fogee.

Digniin Ka Gees Ah Gogoldhaafka

Wiilkaygiiyow, xigmaddayda dhegayso,
Oo waxgarashadaydana dhegta u dhig;
Si aad digtoonaan u dhawrtid,
Oo ay bushimahaaguna aqoon u xejiyaan.
Waayo, naagta qalaad bushimaheedu waxay daadiyaan malab,
Oo afkeeduna saliid buu ka sii macaan yahay,
Laakiinse aakhirkeedu wuxuu u qadhaadh yahay sida geed dacareed oo kale,
Wuuna af badan yahay sida seef laba af leh.
Cagaheedu dhimashay ku dhaadhacaan,
Oo tallaabooyinkeeduna waxay u jeedaan xagga She'ool,
Waddada nolosha iyadu aad uguma fiirsato.
Jidadkeedu waa leexleexdaan, oo garan kari maysid,
Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla,
Oo erayada afkayga ha ka tegina.
Jidkaaga ka fogee iyada,
Oo albaabka gurigeeda ha u dhowaan,
Si aanad sharaftaada kuwa kale u siin,
Oo aanad sannadahaaga kuwa caloosha adag u siin,
10 Si aan shisheeyayaal maalkaaga uga dhergin;
Oo aanay wixii aad u hawshootay guri ajnabi u gelin,
11 Si aanad ugu dambaysta u barooran,
Markay hilibkaaga iyo jidhkaaguba baabba'aan,
12 Oo aad tidhaahdaan, Sidee baan edbin u nebcaaday,
Oo qalbigayguna canaantii u quudhsaday!
13 Codkii macallimiintaydii ma aan addeecin,
Oo dhegtana uma aan dhigin kuwii wax i baray!
14 Anigu waxaan u dhowaa inaan shar kasta falo
Anigoo ku dhex jira shirka iyo ururka.
15 Berkeddaada biyo ka cab,
Oo ceelkaagana biyo qulqulaya ka cab.
16 Ma hagaag baa in ilahaagu dibadda u daataan.
Oo ay durdurraduna dariiqyada maraan?
17 Iyagu ha ahaadeen kuwaaga oo keliya,
Oo yaanay u ahaan shisheeyayaal adiga kula jira.
18 Ishaadu ha barakaysnaato,
Oo naagtaadii aad yaraanta ku guursatay ku faraxsanow.
19 Iyadu ha kuu ahaato sida deerada jacaylka badan iyo sida cawsha quruxsan,
Goor walbana naasaheedu ha ku deeqeen
Oo had iyo goorna jacaylkeeda ku faraxsanow.
20 Haddaba wiilkaygiiyow, bal maxaad naag qalaad ugu faraxsanaanaysaa,
Maxaadse naag shisheeye ah naasaheeda u qabsanaysaa?
21 Waayo, jidadka dadku waxay hor yaalliin indhaha Rabbiga
Oo isagaa fiiriya waddooyinkiisa oo dhan.
22 Kan sharka leh waxaa qabsan doonta xumaantiisa,
Oo waxaa isaga lagu soo xidhi doonaa xadhkaha dembigiisa.
23 Wuxuu u dhiman doonaa edbinla'aanta,
Oo isagu wuxuu ku dhex amban doonaa badnaanta nacasnimadiisa.

Digniin Ku Saabsan Nacasnimada

Wiilkaygiiyow, haddaad deriskaaga dammiin u noqotid,
Ama haddaad shisheeye gacanta dhaar ugu dhiibtid,
Markaas waxaa lagugu dabay erayada afkaaga,
Oo waxaa lagugu qabtay erayada afkaaga.
Haddaba, wiilkaygiiyow, bal waxan samee oo isa samatabbixi,
Waayo, gacantii deriskaagii waad gashay;
U tag, oo is-hoosaysii, oo deriskaaga bari.
Indhahaaga hurdo ha isugu keenin,
Oo indhahaaga daboolkoodana lulo ha isugu qaban.
Isu samatabbixi sida cawl gacanta ugaadhsadaha uga baxsato,
Iyo sida shimbir gacanta shimbirdabaha uga baxsato.
Kaaga caajiska ahow, bal qudhaanjada u tag,
Oo bal jidadkeeda u fiirso oo caqli yeelo,
Iyadoo aan lahayn madaxweyne,
Sirkaal iyo taliye toona,
Ayay guga cuntadeeda soo diyaarsataa,
Oo quudkeedana waxay soo urursataa wakhtiga beeraha la goosto.
Haddaba kaaga caajiska ahow, ilaa goormaad hurdaysaa?
Goormaadse hurdadaada ka toosaysaa?
10 Weliba, in yar baad seexataa, in yar baad lulootaa,
Oo in yar baad gacmaha hurdo aawadeed u laabataa,
11 Hadda caydhinimadaadu waxay u iman doontaa sida mid dad dhaca,
Oo baahidaaduna waxay u iman doontaa sida nin hub wata.
12 Qofkii waxmatare ah, iyo ninkii sharrow ahuba,
Wuxuu ku socdaa af qalloocan;
13 Indhihiisuu ku baaqaa, oo cagihiisuu ku hadlaa,
Oo faruhuu wax ku baraa;
14 Qalbigiisa qalloocnaan baa ku jirta, had iyo goorna wuxuu ku fikiraa shar,
Oo wuxuu beeraa muran.
15 Haddaba sidaas daraaddeed masiibadiisu degdeg bay u iman doontaa,
Oo dhaqso buu u jabi doonaa, dawona ma leh.
16 Waxaa jira lix waxyaalood oo uu Rabbigu neceb yahay,
Haah, toddoba ayaa naftiisu aad u karahdaa,
17 Waana indho kibir badan, carrab been sheega,
Iyo gacmo dhiig aan eed lahayn daadiya,
18 Qalbi male shar ah hindisa,
Iyo cago xumaan ku degdega,
19 Markhaati been ah oo been sheega,
Iyo kii muran dad walaalo ah ku dhex beera.

Digniin Ku Saabsan Sinada

20 Wiilkaygiiyow, qaynuunka aabbahaa xaji,
Oo amarka hooyadaana ha ka tegin.
21 Had iyo goorba qalbiga ku sido,
Oo qoortana ku xidho.
22 Markaad socotid wuu ku hoggaamin doonaa,
Oo markaad seexatidna wuu ku dhawri doonaa,
Markaad toostidna wuu kula hadli doonaa.
23 Waayo, qaynuunku waa laambad, amarkuna waa iftiin,
Oo canaanashada edbintuna waa jidkii nolosha,
24 Inay kaa dhawraan naagta sharka ah,
Iyo sasabashada carrabka naagta qalaad.
25 Quruxdeeda qalbigaaga ha ka damcin,
Oo yaanay indhaheeda daboolkooda kugu sasaban.
26 Waayo, naag dhillo ah aawadeed waxaa nin la gaadhsiiyaa go' kibis ah,
Oo dhilladuna waxay ugaadhsataa nafta qaaligaa.
27 Miyuu nin laabta dab ku qaadi karaa,
Iyadoo aan dharkiisu guban?
28 Miyuu mid dhuxul kulul ku kor socon karaa,
Iyadoo aan cagihiisu guban?
29 Haddaba sidaas oo kaluu noqdaa kii naagta deriskiisa u tagaa,
Oo ku alla kii iyada taabtaaba ma taqsiir la'aan doono.
30 Dadku tuug ma quudhsadaan hadduu wax xado
Inuu naftiisa dhergiyo markuu gaajoodo,
31 Laakiinse haddii isaga la qabto waa inuu toddoba jibbaar u magdhabaa,
Waa inuu ku bixiyaa waxa gurigiisa yaal oo dhan.
32 Kii naag ka sinaystaa wuu caqli daranyahay,
Oo kii sidaas yeelaa naftiisuu halligaa.
33 Oo wuxuu heli doonaa dhaawacyo iyo sharafdarro;
Oo ceebtiisana lama tirtiri doono innaba.
34 Waayo, hinaaso waa nin cadhadiis.
Maalinta aarsashadana isagu ma tudhi doono.
35 Isagu innaba mag kaa qaadan maayo, oo sinaba kuula heshiin maayo,
In kastoo aad hadiyado badan siisid.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya