Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Chronological

Read the Bible in the chronological order in which its stories and events occurred.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Maahmaahyadii 7-9

Digniin Ka Gees Ah Naagta Gogoldhaafta

Wiilkaygiiyow, erayadayda xaji,
Oo amarradaydana xaggaaga ku kaydso.
Amarradayda xaji aad noolaatide,
Oo sharcigaygana sida ishaada inankeeda u dhawr.
Farahaaga ku xidho,
Oo looxa qalbigaagana ku qoro.
Waxaad xigmadda ku tidhaahdaa, Adigu waxaad tahay walaashay,
Oo waxgarashadana waxaad ugu yeedhaa, saaxiibadday gacalisoy,
Si ay iyagu kaaga celiyaan naagta qalaad,
Taasoo erayadeeda kugu sasabata.
Waayo, anigoo jooga daaqadda gurigayga
Ayaan shabagga daaqadda wax ka fiiriyey,
Oo kuwa garaadka daran ayaan fiiriyey, oo waxaan barbaarrada ku dhex arkay
Nin dhallinyaraa oo aan innaba waxgarasho lahayn,
Isagoo maraya dariiqa xaafaddeeda u dhow,
Oo wuxuu raacay jidkii gurigeeda,
Oo waxay ahayd gabbaldhac oo makhribka ah, markii habeenkii madoobaanayay oo gudcur noqonayay.
10 Oo bal eeg, waxaa isagii ka hor timid naag
Sidii dhillo u lebbisan, oo qalbigeedu khiyaano miidhan yahay.
11 Iyadu waa rabshad badan tahay, waana caasiyad,
Oo gurigeeda cag sooma dhigto.
12 Mar dibadday joogtaa, marna dariiqyaday maraysaa,
Oo rukun kasta wax bay ku sugtaa.
13 Haddaba isagii way qabsatay, oo dhunkatay;
Iyadoo aan wejigeedu xishood lahayn ayay waxay isagii ku tidhi,
14 Anigu waxaan hayaa allabaryo nabdeed,
Oo maanta ayaan nidarradaydii bixiyey.
15 Haddaba waxaan u soo baxay inaan kula kulmo,
Oo aan aad iyo aad wejigaaga u doondoono, waanan ku helay.
16 Sariirtaydii waxaan ku goglay durraaxado daabac leh,
Iyo marooyin duntii Masar laga sameeyey.
17 Waxaan sariirtaydii ku cadariyey
Malmal iyo cuud iyo qorfe.
18 Kaalay, oo aan caashaq ka dheregno ilaa aroorta,
Oo aynu jacayl ku faraxsanaanno.
19 Waayo, ninkaygii guriga ma joogo,
Oo meel fog buu u sodcaalay,
20 Kiish lacag ahna wuu qaatay,
Oo wuxuu guriga ku soo noqon doonaa markuu dayaxu caddaado.
21 Hadalkeedii badnaa oo macaanaa ayay isagii isku yeelsiisay,
Oo waxay isagii ku qasabtay faankii beenta ahaa oo bushimeheeda.
22 Oo haddiiba iyadii buu daba galay,
Sidii dibi loo wado in la gowraco,
Ama sidii nacas loo wado in silsilado lagu jebiyo,
23 Jeer fallaadh beerka lagaga wareemo,
Sida shimbiru dabinka degdeg ku gasho,
Iyadoo aan ogayn in loo dhigay si nafteeda loo qaado.
24 Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla,
Oo erayada afkayga dhegaysta.
25 Qalbigiinnu yaanu jidadkeeda u leexan,
Oo waddooyinkeedana ha ku dhex habaabina.
26 Waayo, iyadu waxay ridday kuwa badan oo dhaawacan,
Sida xaqiiqada kuway laysay aad bay u badan yihiin.
27 Gurigeedu waa jidkii She'ool,
Oo wuxuu hoos ugu dhaadhacaa dhimashada qolladaheeda.

Baaqii Xigmadda

Haddaba xigmaddu sow ma dhawaaqin?
Waxgarashaduna codkeedii sow kor uma qaadin?
Waxay taagan tahay meelaha sarreeya
Oo jidka agtiisa ah, meesha waddooyinku ku kulmaan.
Oo waxay ka qaylisaa irdaha agtooda,
Meesha magaalada laga soo galo,
Iyo meesha albaabbada laga soo galoba.
Nimanyahow, idinkaan idiin dhawaaqayaa,
Oo codkayguna wuxuu u yeedhayaa binu-aadmiga.
Garaadlaawayaashow, miyir lahaada,
Nacasyadoy, waxgarasho qalbiga ku haysta.
I maqla, waayo, waxaan ku hadlayaa waxyaalo wanaagsan,
Oo waxaan bushimaha u kala qaadayaa waxyaalo qumman.
Maxaa yeelay, afkaygu run buu ku hadlayaa;
Oo bushimahayguna shar bay karhaan.
Erayada afkayga oo dhammi waa xaq,
Oo innaba wax qalloocan ama maroorsan lagama helo.
Iyagu dhammaantood waa u cad yihiin kii wax garanaya,
Oo waana u qumman yihiin kuwa aqoonta hela.
10 Edbintayda qaata, lacagse ha qaadanina,
Oo aqoontana ka hor doorta dahabka saafiga ah.
11 Waayo, xigmaddu waa ka sii wanaagsan tahay luulka,
Oo wax alla waxa la damci karo oo dhanna iyada lalama simi karo.
12 Anigoo xigmad ahu, waxaan la fadhiyaa miyir,
Oo waxaan helaa aqoon iyo digtoonaan.
13 Rabbiga ka cabsashadiisu waa in sharka la naco.
Kibirka, iyo madaxweynaanta, iyo jidka sharka,
Iyo afka qalloocan ayaan anigu necbahay.
14 Talo iyo xigmad anigaa iska leh,
Oo waxaan ahay waxgarasho, xoogna waan leeyahay.
15 Boqorradu gacantayday wax ku xukumaan,
Oo amiirraduna amarkaygay garta ku gooyaan.
16 Taliyayaasha iyo saraakiisha iyo weliba xaakinnada dunida oo dhammuna
Anigay wax iigu taliyaan.
17 Anigu kuwa i jecel waan jeclahay,
Oo kuwa aad iyo aad ii doonaana way i heli doonaan.
18 Anigaa iska leh taajirnimo iyo sharaf.
Iyo weliba maal raagaya iyo xaqnimoba.
19 Midhahaygu way ka sii wanaagsan yihiin dahab, haah, oo xataa dahab aad u wanaagsan way ka sii wanaagsan yihiin,
Oo waxa ii kordhaana way ka sii wanaagsan yihiin lacag la doortay.
20 Anigu waxaan ku socdaa jidka xaqnimada,
Iyo waddooyinka garta dhexdooda,
21 Si aan kuwa i jecel uga dhigo inay maal dhaxlaan,
Oo aan khasnadahooda ugu buuxiyo.
22 Rabbigu wuxuu i lahaan jiray bilowgii jidkiisa
Iyo shuqulladiisii hore ka hor.
23 Aniga aakhirada hore waa lay taagay, waxaan jiray bilowgii ugu horreeyey,
Ama intaan dunidu jirin ka hor.
24 Anigu waxaan dhashay intaan moolal jirin ka hor,
Iyo intaanay jirin ilo biyo ka buuxaan.
25 Intaan la qotomin buuraha
Iyo kuraha ka hor ayaan anigu dhashay,
26 Intaanuu isagu samayn dhulka iyo berrimmada,
Amase ciiddii dunida ugu horraysay.
27 Markuu samooyinka hagaajiyey anigu waan joogay,
Markuu xariijinta ku wareejiyey moolka dushiisa,
28 Markuu cirka sare taagay,
Markii ilaha moolku xoog yeesheen,
29 Markuu badda xad u yeelay
Si aan biyuhu amarkiisa ugu xadgudbin,
Markuu aasaaskii dhulka dhigay,
30 Markaas anigu isagaan dhinac joogay, anigoo ah sidii hawlhoggaamiye,
Oo anigu maalin kasta faraxiisaan ahaa,
Oo mar kasta hortiisaan ku rayrayn jiray;
31 Waxaan ku rayrayn jiray inta dhulkiisa la degay,
Oo waxaan ku farxi jiray binu-aadmiga.
32 Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla;
Waayo, waxaa barakaysan kuwa jidadkayga xajiya.
33 Edbinta dhegaysta, oo caqli yeesha,
Oo ha diidina.
34 Waxaa barakaysan ninka i maqla,
Oo maalin kasta irdahayga igu dhawra,
Oo albaabbadayda igu suga.
35 Waayo, ku alla kii i helaa wuxuu helaa nolol,
Oo Rabbiguna raalli buu ka ahaan doonaa.
36 Laakiinse kii igu dembaabaa naftiisuu wax yeelaa,
Kuwa aniga i neceb oo dhammu waxay jecel yihiin dhimasho.

Casuumaddii Xigmadda Iyo Tii Nacasnimada

Xigmaddu gurigeeday dhisatay,
Toddobadeedii tiirna way xaradhay.
Neefafkeedii ayay qashay, oo waxay isku dartay khamrigeedii;
Miiskeediina way diyaarisay.
Oo gabdhaheedii midiidinnada ahaa ayay dirtay, oo waxay ka qaylinaysaa
Magaalada meelaha ugu sarreeya, iyadoo leh,
Ku alla kii garaaddaranu, halkan ha u soo leexdo.
Oo kii waxgarasho u baahanna waxay ku leedahay,
Kaalaya oo kibistayda wax ka cuna,
Oo khamriga aan isku darayna wax ka cabba.
Garaadlaawayaashow, nacasnimada iska daaya, oo noolaada,
Oo jidka waxgarashadana mara.
Kii mid wax quudhsada toosiyaa, cay buu isu soo jiidaa,
Oo kii kan sharka leh canaantana, ceeb baa ku dhacda.
Mid wax quudhsada ha canaanan, waaba intaas oo uu ku necbaadaaye,
Nin caqli leh canaano, oo isna wuu ku jeclaan doonaa.
Nin caqli leh wax bar, oo isna caqli wuu sii yeelan doonaa.
Nin xaq ah wax bar, oo isna waxbarasho wuu sii korodhsan doonaa.
10 Rabbiga in laga cabsado waa xigmadda bilowgeeda,
Oo Kan quduuska ah in la aqoonsadona waa waxgarasho.
11 Waayo, maalmahaagu anigay igu badan doonaan,
Oo cimrigaaguna waa sii kordhi doonaa.
12 Haddaad caqli leedahay naftaadaad caqli u leedahay,
Laakiinse haddaad wax quudhsato, adiga uun baa waxquudhsashadaada xambaaran doona.
13 Naagta nacasadda ahu waa qaylo badan tahay,
Iyadu way garaaddaran tahay, oo waxba ma taqaan.
14 Waayo, waxay fadhiisataa illinka gurigeeda,
Oo kursi bay ku fadhiisataa meelaha sarsare ee magaalada,
15 Inay u yeedho kuwa jidka maraya,
Iyagoo jidadkooda iska sii soconaya,
16 Ku alla kii garaaddaranu halkan ha u soo leexdo,
Oo kii waxgarasho u baahanna waxay ku leedahay,
17 Biyo la soo xaday way macaan yihiin.
Oo cunto qarsoodi loo cunaana wax bay ka farxisaa.
18 Laakiinse isagu garan maayo in kuwii dhintay ay halkaas joogaan,
Iyo in martideedii ay She'ool guntiisa ku jiraan.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya