Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa sabuur Maskiil ah oo Aasaaf tiriyey.
78 Dadkaygiiyow, sharcigayga dhegaysta,
Oo dhegahana u dhiga erayada afkayga.
2 Afkayga waxaan ku furi doonaa masaal,
Oo waxaan ku dhawaaqi doonaa xujooyin hore,
3 Kuwaasoo aynu maqalnay oo aynu niqiin,
Oo ay awowayaasheen inoo sheegeen.
4 Ka qarin mayno carruurtooda,
Laakiin waxaynu farcanka soo socda u sheegaynaa Rabbiga ammaantiisa,
Iyo xooggiisa, iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey.
12 Waxyaalo yaab badan ayuu awowayaashood ku hor sameeyey,
Markay joogeen dalkii Masar iyo berrinkii Socan.
13 Isagu badduu kala gooyay, oo iyagii dhex marsiiyey,
Oo biyihiina wuxuu ka dhigay inay sidii taallo u taagnaadaan.
14 Oo weliba maalinnimadii wuxuu ku hoggaamiyey daruur,
Oo habeennimadii oo dhanna wuxuu ku hoggaamiyey dab iftiinkiis.
15 Wuxuu kala jebiyey dhagaxyadii cidlada,
Oo wuxuu iyaga ka siiyey cabniin aad u badan oo ah sidii kan moolka laga helo.
16 Oo weliba wuxuu dhagaxa weyn ka soo faruuray durdurro,
Oo wuxuu biyo u qulquliyey sidii webiyada oo kale.
Biyo Oo Dhagax Ka Soo Baxay
20 Oo reer binu Israa'iil, xataa shirkii oo dhammu waxay cidladii Sin yimaadeen bishii kowaad. Markaasaa dadkii waxay degeen Qaadeesh, oo Maryanna halkaasay ku dhimatay, oo halkaasaa lagu aasay. 2 Oo shirkiina biyo ma haysan, oo markaasay Muuse iyo Haaruun u wada shireen. 3 Kolkaasaa dadkii Muuse la dirireen, wayna la hadleen oo ku yidhaahdeen, Waxaa noo roonayd inaannu walaalahayo iskala dhimanno markay Rabbiga hortiisa ku dhinteen! 4 Bal maxaad shirka Rabbiga cidladan u keenteen si aan annaga iyo lo'dayaduba halkan ugu wada dhimanno? 5 Oo maxaadse dalkii Masar nooga soo bixiseen, oo aad meeshan sharka ah noo keenteen? Waayo, meeshanu ma aha meel laga helo midho, ama berde, ama geedcanab, amase rummaanno; oo biyo la cabbona laguma arko. 6 Markaasay Muuse iyo Haaruun ururka hortiisii uga tageen iriddii teendhadii shirka, kolkaasay wejiga dhulka dhigeen, oo waxaa iyagii u muuqatay ammaantii Rabbiga. 7 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, 8 Usha qaado, oo adiga iyo walaalkaa Haaruun dadka shirka ah oo dhan soo shiriya, oo iyagoo arkaya dhagaxa la hadla, biyo ha soo daayee; oo waa inaad iyaga dhagaxa biyo uga keentaa, si aad u wada waraabisid shirka iyo lo'doodaba. 9 Markaasaa Muuse ushii ka qaatay Rabbiga hortiisa, siduu isaga ugu amray. 10 Kolkaasay Muuse iyo Haaruun ururkii oo dhan ku soo ururiyeen dhagaxa hortiisii, oo wuxuu iyagii ku yidhi, War bal maqla, caasiyiin yahay. Dhagaxan biyo ma idiinka soo daynaa? 11 Kolkaasaa Muuse gacanta kor u qaaday, oo dhagaxii ayuu ushiisii laba jeer ku dhuftay; oo waxaa ka soo baxay biyo aad u badan, oo shirkii iyo lo'doodiiba way wada cabbeen. 12 Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun ku yidhi, Idinku ima aydaan rumaysan, oo quduusna igama aydaan dhigin reer binu Israa'iil hortooda, haddaba sidaas daraaddeed idinku shirkan geeyn maysaan dalkii aan iyaga siiyey. 13 Kuwanu waa biyihii Meriibaah, maxaa yeelay, reer binu Israa'iil way la dirireen Rabbiga, oo wuxuu iyaga tusay inuu quduus yahay.
32 Oo waxaannu idin keenaynaa war wanaagsan oo ku saabsan ballankii awowayaasheen loo ballanqaaday, 33 oo ah sidii Ilaah ballankaas ugu oofiyey carruurteenna markuu Ciise sara kiciyey, sida ay Sabuurka labaadna ugu qoran tahay. Waxaad tahay Wiilkayga, maantaan ku dhalay. 34 Isagii buu ka sara kiciyey kuwii dhintay inuusan mar dambe qudhun ku noqon, sidaas daraaddeed ayuu sidan ku hadlay, isagoo leh,
Waxaan idin siin doonaa barakooyinka runta ah oo Daa'uud loo ballanqaaday.
35 Saas aawadeed wuxuu Sabuur kale ku yidhi,
Kaaga quduuska ah uma oggolaan doontid inuu qudhmo.
36 Maxaa yeelay, Daa'uud markuu qarnigiisa ugu shaqeeyey talada Ilaah dabadeed ayuu dhintay, waana lala xabaalay awowayaashiis, wuuna qudhmay; 37 laakiin kii Ilaah sara kiciyey, ma uu qudhmin. 38 Sidaas darteed, walaalayaalow, garta in ninkan xaggiisa dembidhaafka laydinkaga wacdiyey; 39 nin kasta oo isaga rumaystana xaq baa lagaga dhigay wax walba oo sharciga Muuse uusan xaq idinkaga dhigi karin. 40 Sidaas darteed iska jira inaanay idinku dhicin wixii nebiyadu sheegeen iyagoo leh,
41 Bal eega, kuwiinnan wax quudhsadow, yaaba oo luma;
Waayo, maalmihiinnii waxaan samaynayaa shuqul,
Oo ah shuqul aydnaan rumaysan doonin, haddii laydiin sheego.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya